Shir looga hadlayay Xasilinta dalka oo ka furmay Muqdisho

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-uheshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Mohamed Sabriye ayaa shir guddoomiyey shir meeqaamkiisu sarreeyo oo looga hadlayay xasilinta dalka,kaasi oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo intiisa badan diiradda lagu saarayay xasilinta dalka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mas”uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya madax ka socotay maamul goboleedyada dalka  iyo baasha caalamka,waxayna soo gudbiyeen qorshayaasha ay u diyaariyeen arrimaha amniga iyo horumarinta adeegyada aas aasiga ah.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng; Yariisow oo shirka ka hadlay waxa uu sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu wado dadaalo lagu xasilinayo amniga caasimada oo hada meel wanaagsan maraya,iyadoo lagu guulestay fashilinta falal dhowr ah oo amniga lidi ku ah.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib-uheshiisiinta ee Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya muadne Cabdi Mohamed Sabriye wuxuu shirka ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xasilinta dalka iyo bad baadinta shacabka,isagoona baaq nabadeed u diray Soomaaliland iyo Puntuland in ay joojiyaan colaada ka taagan deegaanka Tukaraq,

shirka ayaa marka uu soo idlaaday waxaa Warbaahinta qaranka la hadlay guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yariisow),wuxuuna sheegay in la isku afgartay in laga shaqeeyo adkeynta amniga iyo horumarinta adeegyada Bulshada ay u baahan yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...