Shir looga hadlayay Xasilinta dalka oo ka furmay Muqdisho

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-uheshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Mohamed Sabriye ayaa shir guddoomiyey shir meeqaamkiisu sarreeyo oo looga hadlayay xasilinta dalka,kaasi oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo intiisa badan diiradda lagu saarayay xasilinta dalka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mas”uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya madax ka socotay maamul goboleedyada dalka  iyo baasha caalamka,waxayna soo gudbiyeen qorshayaasha ay u diyaariyeen arrimaha amniga iyo horumarinta adeegyada aas aasiga ah.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng; Yariisow oo shirka ka hadlay waxa uu sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu wado dadaalo lagu xasilinayo amniga caasimada oo hada meel wanaagsan maraya,iyadoo lagu guulestay fashilinta falal dhowr ah oo amniga lidi ku ah.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib-uheshiisiinta ee Xukuumada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya muadne Cabdi Mohamed Sabriye wuxuu shirka ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xasilinta dalka iyo bad baadinta shacabka,isagoona baaq nabadeed u diray Soomaaliland iyo Puntuland in ay joojiyaan colaada ka taagan deegaanka Tukaraq,

shirka ayaa marka uu soo idlaaday waxaa Warbaahinta qaranka la hadlay guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yariisow),wuxuuna sheegay in la isku afgartay in laga shaqeeyo adkeynta amniga iyo horumarinta adeegyada Bulshada ay u baahan yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...