Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalay xafladda furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya (GERD) oo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah madaxda dalalka gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay mowqifka Soomaaliya oo ah in xasilloonida iyo barwaaqada gobolka lagu wada gaari karo oo keliya caddaalad, si wadaag ah iyo ixtiraamka danaha dhammaan dalalka daneynaya ka faa’ideysiga biyo-xireenka GERD.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “ma aha in aan diidno baahiyaha midkeen, balse waa in aan helnaa hab lagu dheellitirayo baahiyaha inta kale iyadoo loo mareyna caddaalad iyo is-ixtiraam. Dalalka uu maro wabiga, waxa ay guul ku gaari karaan oo keliya haddii aan u dhaqanno sidii bulsho mideysan oo aan dalna laga reebin horumarka, midna aan la saarin culays gooni ah.”

Madaxweynaha ayaa mar kale xaqiijiyey sida ay uga go’antahah Soomaaliya in ay si hufan ula shaqeyso dhammaan dalalka deriska iyo saaxiibada gobolka, si loo xoojiyo in si is-faham ku saleysan lagu gaaro isticmaalka kheyraadka wadaagga ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta midnimada gobolka iyo xoojinta iskaashi ku dhisan kalsooni, wada-jir iyo wax wada qabsi, isagoo Madaxweynuhu ku amaanay Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ka miradhalinta mashruucan.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in guusha dhabta ah ee maanta la xusayo aysan ku koobneyn oo kelliya hirgelinta mashruuca biyo xireenka GERD, balse ayaa hoosta ka xariiqay in si guusha mashruucan ay horseedi karto horumar intan ka sii balaaran oo ay ay kawada faa’ideystaan dadka ku nool gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...