Wakiilka Soomaaliya u qaabbilsan IAEA oo warqadaha aqoonsiga u gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda

Date:

Safiirka Soomaaliya u fadhida Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka Soomaaliya u qaabilsan hay’adda Quwadda Atoomikada Adduunka (IAEA), Amb. Khadra Axmed Ducaale ayaa warqadaha aqoonsiga ugu gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda Atoomikada IAEA, Rafael Mariano Grossi oo ka guddoomay.

Munaasabad lagu qabtay xarunta hay’adda ee Vienna ayaa lagu xusay xiriirka xooggan ee Soomaaliya ay la leedahay hay’ada Qaramada u qaabilsan la socoshada Nukliyeerka, Amb. Khadra Axmed Ducaale, ayaa hay’adda uga warbixisay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay xiriir dhow la yeelato hay’adda Atoomikada Adduunka, gaar ahaan qeybaha Nukliyeerka ee loo adeegsado tamarta, beeraha iyo caafimaadka.

Hay’adda IAEA waxay ka caawisaa dalalka xubnaha ka ah hannaanka ay u adeegsadaan tiknoolojiyada casri ah oo lagu ilaaliyo deegaanka, laguna qiimeeyo saamaynta isbeddelka cimillada.

Agaasimaha Guud ee hay’adda Quwadda Atoomikada Adduunka (IAEA) Mr. Rafael Mariano Grossi ayaa soo dhaweeyay doorka firfircoon ee Soomaaliya ay uga jirto hay’adda, isagoo u xaqiijiyay in IAEA ay diyaar u tahay in ay ka taageerto Soomaaliya sidii ay uga faa’ideysan laheyd tiknolojiyada Nukliyeerka, si loo helo horumar waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...