Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha waddada Daarusalaam  wajiga labaad, oo si casri ah loo dhisay.

Munaasabad kooban oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Maamulka Degmada Daarusalaam iyo qayb ka mid ah bulshada deegaanka ayuu Guddoomiyaha Gobolka xarigga uga jaray dhismaha waddadan cusub oo dhererkeedu gaarayo 4km.

Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam, Mire Salaad Dhuxuloow, oo ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir munaasbada ayaa mahadceliyay maamulka gobolka dadaalka horumarineed ee ka socda degmada, isagoo xusay in waddadani ay muhiim u tahay isku xirka xaafadaha cusub iyo fududeynta isu socodka bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay mashaariicda noocan ah in ay qeyb ka yihiin qorshaha maamulka ee lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-habeynta magaalooyinka iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.

Munaasabadda xarigga jarka ayaa astaan u noqotay dadaallada maamulka gobolka uu ku doonayo inuu ku xoojiyo horumarinta iyo isku xirka xaafadaha cusub ee magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...