Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo daah furay wadatashiga diyaarinta Buugga waxbaridda cod-bixiyaha iyo wacyi-galinta Arrimaha Doorashooyinka

Date:

Muqdisho (SNTV:-Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta daah furay wadatashiga diyaarinta Buugga waxbaridda cod-bixiyaha iyo wacyi-galinta Arrimaha Doorashooyinka.

Muddo labo malamood ah ayuu socon doonaa wadatashigan ku aadan Diyaarinta Buugga waxbaridda Cod-bixiyaha iyo wacyi-galinta Arrimaha  doorashooyinka waxaana ka qeyb-galayaasha oo ka kala socda Hay’adaha Waxbarashada, Bahda saxaafadda iyo Ururada bulshada rayidka ah ay aragtidooda ku biirinayaan diyaarinta Buugaan iyo sida looga mira dhalin karo wacyi-galinta bulshada ee ku aadan doorashada qof iyo cod ah ee la filayo in dabayaaqada sanadka 2020 dalka ay ka dhacdo.

Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) Gudoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay in wacyigalintu tahay qodobka ugu  muhiimsan ee istiraatiijiyadda Guddiga uu leeyahay.

” wadatashigan waxaan u bilaawnay in aragtida bulshada la dhageysto iyo sida manhajka loogu dari karo waxbarashada doorashooyinka ,anaga istiraatiijiyadeena oo ah 7-qodob waxaa ugu humiisan qeybta wacyigalinta waana dardargalin doonaa” sidaas ayay tiri Gudoomiye Xaliimo Yarey

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo katirsan Golaha shacbka kuna hadleysay magaca xisbiyada siyaasadeed ayaa talaabo hormar ah ku sifeysay in dadka lagu baraarujiyo arrimaha doorashooyinka lana helo wacyigalin arrintaasi ku saabsan

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay shirka waxa uuna  balanqaaday in ka xukuumad ahaan ay Guddiga doorashooyinka qaranka ku garab taagan yihiin hirgalinta doorasho qof iyo cod ah.

Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku howlan diyaar garow ku aadan in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 iyadoo dhawaan ay Madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ku heshiiyeen sida loo wajahayo doorashadaasi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...