Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada oo lacag ciidsiin ah u qeybiyey kudhawaad 100 carruur ah oo ay dhaleen wariyaashii ku dhintay Muqdisho

Date:

Muqdisho(SNTV):–Carruurtan oo ay ka tageen 25 wariye oo Muqdisho ku dhintay laga soo bilaabo 2007-dii ayaa waxaa maanta loo qeybiyay lacag ciidsiin ah oo uu ugu tala galay Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.

C/risaaq Jaamac Cilmi Black oo ah madaxa xiriirka warbaahinta ee Madaxtooyada ayaa sheegay in Xafiiska warfaafintu uu diyaar u yahay in uu kaalin muuqata ka qaato daryeelka agoonta wariyaasha, sidoo kalana uu dhiirigalinayo qorshe kasta oo wax loogu qabanayo carruurtaas.

“Waxaan u soo jeedineynaa warbaahinta in ay u istaagaan sidii loo abuuri lahaa Sanduuq dhaqaale oo agoonta wariyaasha ka caawiya, barbaarintooda waxbarashadooda iyo caafimaadkooda.” ayuu yiri Black.

Dhinaca kale C/laahi Cusmaan Faarax oo ku hadlay magaca guddi wariyaal ah oo Xafiiska warfaafinta kala shaqeeyay raadinta iyo tirakoobka agoonta ayaa sheegay in wariyaasha Soomaaliyeed ay dhiiri-galin u tahay in garab istaag loo muujiyo carruurtii ay ka dhinteen saaxiibadooda shaqo, lana ciidsiiyo maadaama waalidiintoodu ay geeriyooday iyaga oo bulshada Soomaaliyeed u adeegaya.

Agaasimaha Radio Shabeele Abuukar Sky oo isna munaasabadda lacagta lagu qeybinayay ka hadlaya ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo si wada jir ah xaqul-ciid loo siiyo carruurtii ay wariyaashu ka dhinteen, waxa uuna intaas ku daray in ay muhiim tahay in la sii joogteeyo ka warqabka agoonta wariyaasha.

Munaasabaddan lacag qeybinta oo ka dhacday Beerta Nabadda ee Muqdisho waxaa goobjoog ka ahaa, Abwaan Cusmaan C/laahi Guure maareeyaha tiyaatarka qaranka, C/fitaax Maxamuud Siyaad Arizona Agaasimaha warfaafinta ee Gobolka Banaadir, C/laahi Xirsi Kulmiye Agaasimaha bariga iyo bartama Afrika ee Telefishinka Universal, Abuukar Sheikh Maxamuud Sky Agaasimaha Radio Shabeele, Wariye C/risaaq Catoosh, wariyaal iyo qaar ka mid ah waalidiinta carruura agoonta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...