Generaal Thomas Waldhauser” Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii looga hortagi lahaa ficilada foosha xun ka hor inta aysan dhicin.”

Date:

Muqdisho(SNTV);– War ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareynkanka ee Afrikaa ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareynkanka oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii kordhin doonaan dadaalada lagu doonayo in lagu yareeyo qatarka Argagixisada Soomaaliya sida Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish,kuwaasi oo hadda awoodooda Militari ay hoos u sii dhaceyso.

Taliyaha Ciidamada Mareynkanka ee Afrika General Thomas Waldhauser,ayaa sheegay in Ciidamada Mareynkanka ay la talin iyo caawinba ay siiyaan Gobolka,oo ay ka mid yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Africa ee ka howlgala Soomaaliya (AMISOM),wuxuuna carabka ku adkeeyay iney ku dadaalayaan sidii ay ku dhisi lahaayeen istaraatijiyada Bariga Africa.

“Istaraatiijiyadayada Bariga Afrika waa in la dhiso Awooda saaxiibadayada si loo hubiyo in laga adkaado rabshadaha ururada xag-jirka ah, ee doonaya inay waxyeellada soo gaarto gobolka, rabana in ay waxyeeleeyaan qaarada yurub, ugu dambeyntii waxay doonayaan in ay waxyeeleeyaan Mareykanka, ,” ayuu yiri General Thomas Waldhauser, Taliyaha Ciidamada Mareynkanka ee Afrika.

Sidoo kale,Generaal Thomas Waldhauser “ayaa sheegay in si fudud uga shaqeyn doonaan  sidii looga hortagi lahaa ficilada foosha xun ka hor inta aysan dhicin.”

Warka ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareynkanka ee Africa ayaa ku soo aadaya xilli, June 8, 2018, howlgal si wadajir ah Jubbaland uga fuliyeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareynkanka laguna bartilmaameedsaday Kooxda Argagixisada Al-Shabaab lagu dilay askari ka tirsan Ciidanka gaarka ah ee Mareynkanka afar kalena lagu dhaawaca.

Mareynkanka oo duqeymo dhowr ah ka fuliyay Soomaaliya ayaa ku dilay dagaalyano iyo Saraakiil ka tirsan Kooxda Argagixisada Al-Shabaab,kuwaasi oo dhibaato badan ku hayay dadka Shacabka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....