Home Blog Page 1295

R/wasaare Kheyre oo Caawa Kormeeray Qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SNTV), Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow, Taliyaha Ciidanka Booliska S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, ayaa Xilli dambe oo caawa ah waxay kormeer ku tageen qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo u kuur galayey sida ay u shaqeeyaan Xilliga Habeenkii ah Ciidanka Booliska, ayaa kormeeray Xarunta Dembi baarista ee C.I.D, Dugiga tababarka ee Gen. Kaahiye, Taliska Ciidanka ilaalada Nabad gelyada Wadooyinka, Xarunta Gaadiidka Ciidanka Booliska iyo meelo kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko,ayaa  R/wasaare Kheyre iyo Wasiirka Amniga Qaranka,  waxuu warbixin ka siiyey Xaaladda Amni ee magaaladda Muqdisho, isaggoo u sharaxay sida ay u shaqeeyaan Habeenkii Xarumaha Caawa R/wasaaraha uu kormeeray.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in Ciidanka Booliska uu ku ammaanayo sida wacan ee shaqada amniga ay u hayaan, waxaana uu kula dardaarmay inay laba jabaaraan howlaha qaran.

Shibis oo xaqiijisay kaalinta 3-aad ee tartan aqooneedka bisha Ramadan

Muqdisho (SNTV)-Habeenkan caawa ah waxaa kaalinta 3-aad ee tartanka u wada tartamay degmooyinka Hodan iyo Shibis  oo soo bandhigay dadaalladii ugu dambeeyay.

Tartameyaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7– Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen saddex su’aal,  mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen.  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Hodan ay heleen waxay noqotay 6- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay 7-su’aal, waxa ay ka jawaabeen lix  su’aal, waxa  ayna ka faa’iideysteen hal su’al oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Hodan, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Shibis waxay noqotay 14- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay kaalinta saddexaad ee tartanka.

Tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir waxaa habeen dambe oo ah habeenka ugu dambeeyo guud ahaan tartanka ku wada ballansan degmooyinka  Warta Nadda & Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose.

Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta oo kormeeray qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka Ammaanka ay ku leeyihiin Duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta kormeer ku tagay qeybo kamid ah Baraha Ciidanka ammaanka ay ku leeyihiin qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Labada Taliye, ayaa tagay Xaafado ku  yaallo duleedka Magaaladda Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeyso Taliska Asluubta iyo Sarkuusta, halkaasi oo dhowaan la qorsheynayo in laga dhiso Saldhig Boolis, maadaama ay sii ballaaraneyso Muqdisho,  Xaafadahaasina  aysan laheyn Saldhig.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko , Taliyaha iyo taliye ku xiggeenka  Qeybta Booliska G/banaadir  iyo Saraakiil kale, ayaa sidoo kale  kormeeray halka uu marayo Mashruuc  ka kooban Xabsi iyo Xarumo ay ku shaqeeyaan Garsoorka oo ka dhismaya KM7 Ex Xaruntii hore ee Taliska Ciidanka Asluuba Soomaaliyeed.

inta ay ku guda jireen Kormeerka, ayaa Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta waxay soo mareen baraha kontoraal ee Ciidanka Ammaanka ku leeyihiin Deyniile, EX Kontarool Afgooye, Tarabuunka, Saldhiga Booliska Degmadda Xamar Jajab  iyo meelo kale, waxaana Ciidanka ay ku dhiiri geliyeen inay laba jibaaraan shaqada Qaranka ay u hayaan.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socda Dowlada Sweden

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan ujeedkiisa ahaa iskaashi dhinaca Tirakoobka la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’addaha Tirakoobka (Statistics) Dalka Sweden oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Sweden ayaa iskaashanaya dhinacyada Horumarinta ee ku aadan soo saarida xog sax ah oo dhameystiran kuna saabsan dhaqaalaha, tirakoobka dadka iyo isbedelada maciishadda Wadanka.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa faafaahin ka bixiyay kulanka iyo waxyaabaha ugu waa weyn oo ay isla meel dhigeen Agaasimaha.

“Kulanka waxaan diirada ku saarnay xiriirka soo jireenka ee Soomaaliya iyo Sweden iyo inaan xoojino Mashaariicda ay wada qabanayaan labada dowladood iyadoo la xoojinayo dhisida waaxda Tirakoobka, sidoo kale waxaan isla fiirinay Mashaariic iyo tabbaro badan ay wadaan si aan wax badan u qabano, waxaan rajeyneynaa inaan sii wadi doono qeybta Labaad ee Mashruuca oo bilaabaneysa Bisha Janaayo ee sanadka soo socda”.ayuu yiri Wasiirka

Wasiir Jamaal ayaa sidoo kale tilmaamay in Dowladda Soomaaliya  ay wado dadaalo ay ku dooneyso in lasoo saaro xogta dhabta ah ee ku aadan korarka Dhaqaalaha iyo la socodkiisa halka uu marayo

“Sidoo kale waxaan ka hadalnay sidii loo qiimeyn lahaa Waxyaabaha Maciishada, Sicir bararka iyo Arrimaha nolosha si joogto ah maalin kasta u saameeya, Dhaqaalaha dalka heerka uu marayo iyo faqriga taagan ayaan rabnaa inaan tirakoob sax ah ka sameyno, waxyaabo badan oo been abuur ah ayaa dalka laga qoraa”.ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta.

Agaasimaha Guud Hay’addaha Statatics eecDowladda Sweden Joakim Stymne ayaa sheegay in wada hadalka uu quseeyay iskaashiga labada dowladood,waxa uu intaa ku daray in Dowladda Soomaliya ay horumarineyso dhinaca xogaha Qaranka.

“Wada hadalada aan yeelanay waxay quseeyaan wada shaqeynta u dhaxeysa Sweden iyo Soomaaliya, Hormarada laga sameeyay Tirakoobka waxaan u maleyneynayaa inay tahay talaabo wanaagsan oo hore loo qaaday isla markaana dowlada Soomaaliya ay ku dhiseyso Hay’addaheeda ka dib sanado badan oo waqtiyo adag ah, Dowlada Soomaaliya way ka go’an tahay inay arinkan hormarso”.ayuu yiri Agaasimaha

Sadaxdii sano ee la soo dhaafay waxaa ay dowladda Sweden tababaro joogta ah siineysay shaqaalaha ku howlahan Arrinta Xogaha si aqoontooda kor loogu qaado, sidoo kale waxay balanqaaday in Tababaro gaaraya 28 oo heer caalami ah ay u sameyn doonto.

Maamulka G/Banaadir iyo Wasaaradda Caafimaadka oo iska kaashanaya Horumarinta Adeegyada Caafimaadka Caasimadda

0

 

Muqdisho, 12 June 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka DFS ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa baahinta adeegyada Caafimaadka ee Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur iyo howlwadeenada Wasaaradda, waxana dood dheer laga yeeshay
sidii loo wanaajin lahaa tayada adeegyada iyo faya-dhowrkooda, si bulshadu u helaan adeeg caafimaad tayo sare leh.

“Waxaan ka wada hadalnay Wasaaradda isku xirka adeegyada Caafimaadka iyo sidii loo horumarin lahaa caafimaadka Gobolka Banaadir, maadaama bulshada ugu badan Gobollada dalka ay ku nool yihiin Caasimadda, waxaa lagama maarmaan ah in la helo nidaam caafimaad la isku halayn karo.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Mudane Eng. Yarisow ayaa ku tilmaamay kulankan dhex maray Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Caafimaadka XFS mid dhabaha u xaaraya in dadka Caasimaddu ay helaan adeegyo Caafimaad oo tayo leh, isla markaana labada dhinac ka wada shaqeyn doonaan hirgelinta arrintan.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa uga mahadcelisay Maamulka Gobolka Banaadir wada-shaqeynta kala dhaxeysa iyo sida ay mar walba diyaar ugu yihiin in Shacabka ku nool Caasimaddu in ay helaan adeeg Caafimaad wanaagsan.

DHAMMAAD

Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dowladda Belgium

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dalka Belgiumka u fadhin doona Soomaliya Nicolas Nihon.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war bixin kooban ka siiyay Safiirka cusub ee Belgeum-ka u fadhin doona Soomaaliya xaaladda Dalka iyo sida ay Soomaaliya ugu baahan tahay xilligan saaxiibbo caawiya, Danjire Nicolas Nihon ayaa isna dhinaciisa muujiyay sida ay Dowladdiisu ugu hanweyn tahay  inay garab istaagto Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud, ayaa sheegay in Belgeum-ka iyo Soomaaliya uu u dhexeeya xiriir iyo isfaham aad u fiican.wuxuuna ku tilmaamay horumar weyn oo ay Soomaaliya ku tallaabsatay.

“Safiirka Belgeum-ka Madaxweynaha wuu ka guddoomay warqadihiisii aqoonsiga ee Danjirenimo, taasina waxay muujinaysaa Dowladda Soomaaliya inay dib ula soo noqonayso Safaaradaheedii dhammaan Adduunka ka jiray,waxaan is leeyahay wax yar oo fara ku tiris ah ayaa ka harsan Yurub iyaga waddada ayay kusoo jiraan” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda.

Dabayaaqada Bishan ayaa lagu wadaa in Dalka Belgeum-ka oo ay ku taalla xarunta Midowga Yurub uu marti geliyo shir Caalami ah oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya.

Trump iyo Kim oo Singapore si horudhac ah ugu gaaray heshiis weji fur ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un talaadada maanta ah ku kulmay dalka Singapore.

Kulanka labada nin ayaa aad loo hadal hayey, waxaana uu ahaa mid la sugayey.

Labada nin ayaa ugu horreyn is gacan qaaday waxaana ka muuqatay farxad ku saabsan kulankooda.

Kim Jong-un ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kulanka madaxweyne Trump isagoo yiri “Kulan wanaagsan, Mudane, Madaxweyne dunidda maanta waa ay na hadal heysaa”

Trump ayaa shegay in Kim uu yahay nin dedaal badan

Waxa uu sheegay in uu xilka qabtay isgaoo da’ yer isla markaana uu horumariyey dalkiisa.

Trump ayaa shegay in Mareykanka uusan yareyn doonin awoodiisa millitari ee gobalka gaar ahaan dalka Kuuriyada Waqooyi, balse waxa uu sheegay in Mareykanka uu joojin doono dhaqdhaqaaqiisa millitari ee uu ka sameeyo Kuuriyada Waqooyi.

Trump ayaa sidoo kale shirka jaraa’id ay wada qabteyn ka sheegay in Kim uu horrey u sheegay inay burburiyeen xarruntii nukleerka ee dalkiisa.

Hadalkan ma faah-faahin balse weriyaasha ayaa sheegay in lagu shaacin doono dikuminti labada nin ay is dhaafsan doonaan.

“Maanta waa billawga geedi socodka wax-qabadka – indhahaynu way furan yihiin,” ayuu yiri Trump Qodobada laga soo saaray shirmadaxeedka labada hogaamiye islamarkaana ay ku heshiiyeen ayaa waxaa kamid ah

1-In Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay yagleelaan xiriir cusub si waafaqsan rabitaanka shacabka labada dal si nabad iyo barwaaqana loo gaaro.

2-In Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay iska kaashadaan dadaallada nabad waarto looga dhalinayo gacanka Kuuriyada.

3-in ay labada dowladood iska kaashadaan baadi goobka maxaabiista dagaal ee aan war laga haynin iyo sidii si deg deg ah loogu soo wareejin lahaa kuwa la ogyahay ee hadda gacanta ugu jira K/Waqooyi.

4- iyo in si waafaqsan bayaankii Panmunjom April 27 2018, ay K/Waqooyi ay ka shaqeyso sida gacanka looga dhigi lahaa goob ka caagan niyukliyeer.

 

Spain oo aqbashay Markab tahriibayaal wada oo Talyaanigu diiday

Dawladda Spain ayaa aqbashay in Dekadeheeda uu ku soo xirto Markab wada in ka badan 600 oo Tahriibayaal ah, kaas oo shalay Talyaaniga iyo Malta ay u diideen inuu xeebohooda yimaado.

Markabkaas ayaa wada 623-Tahriibayaal ah oo ay ku jiraan 123-Carruur ah, waxaana dadkaas badankood ay ka soo jeedaan dalalka Eritrea, Ghana, Nigeria iyo Sudan, balse waxaa dhibaato ka soo gaartay safarka iyo diidmada Talyaaniga.

Ra’isalwasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa sheegay inuu aqbalay tahriibayaasha, isagoo muujinaya dareen bini’aadanimo, markii uu qiimeeyey xaaladda tahriibayaasha oo muddo todobaad ah badda sabaynayey.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay Magaalada Muqdisho Afur iyo Casho Sharaf Ugu Sameeyay Qaar Ka Mid Ah Saraakiisha, iyo Sareeyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya kana Soo jeeda Deegaannada Hirshabelle, iyadoo Madaxweynaha iyo Saraakiishaasi ay iska xog wareysanayeen arrima La Xiriira Ammaanka Deegaanada Hirshabelle. Iyo Sidii si wada jir ah la isaga kaashan lahaa Ka Xoreynta Cadowga Al Shabaab.

Saraakiishani iyo Sareeyeyaasha ayaa waxaa badankoodu ay ahaayeen Jeneraalo Ka Kala tirsan Ciidanka Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed, waxaana Madaxweynaha uu u faah faahiyay sida lagama maarmaanka ay u tahay in laga dulqaado Dadka Shacabka ah Kooxaha isku biirsaday leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed, qorshaha Maamulka uu ku doonayo in la isku furo Wadooyinka Hirshabelle, iyo sidoo kale Doorka Saraakiisha kaga aadan ka qeyb qaadashada arrimahaasi iyo in Waaya aragnimadooda dhinaca Ciidamada ay kaga qeyb qaataan dadaaladaasi Madaxweyne Waare uu wado ee Xoreynta deegaanada Hirshabelle.

Kulanka oo waqti  badan ayaa waxaa lagu lafa guray muhiimada ay leedahay in la iska kaashado Ammaanka Deegaannada Hirshabelle iyo Sidii Looga Dulqaadi Lahaa Deegaanada Kooxaha Argagaxisada Ay kaga suganyihiin, Waxaana Saraakiisha oo muujiyay sida ay u garab taaganyihiin Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayna diyaar u yihiin waaya aragnimadooda dhinaca dagaalka iyo ciidamada in ay ku garab istaagaan Maamulka iyo Shacabka Hirshabelle, Maadaama Saraakiisha badankoodu ay yihiin kuwa waaya aragnimo durugsan u leh arrimaha Ciidamada wax badan ku soo dhex jiray.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo soo Xiray kulanka ayaa kaga mahadceliyay Saraakiishaasi sida Dareenka leh ay u muujiyeen Waaya aragnimadooda iyo sida diyaarka ay u yihiin in ay la shaqeeyaan Maamulkooda, waxaana sidoo kale uu sheegay in kulamada noocaan ah uu sii wadayo islamarkaana ay iska wareysan doonaan Saraakiisha kale hinaca ammaanka maadaama uu yiri muhiim ay tahay In laga faa’ideysto Waaya aragnimadooda.

Maxamed Cabdi Waare ayaa Tan iyo Markii la doortay waqtigiisa ugu badan galiyay Dhinacyada ammaanka iyo sidoo la isugu furi lahaa Wadooyinka xiran si bulshada Go’doonka ku jirta looga dulqaadi lahaa Argagaxisada oo noloshii u diiday, waxaana shirar badan oo arrimahani lagu xoojinayo uu la qaatay Saraakiisha ugu Sareysa AMISOM Iyo Ciidamada Qalabka Sida, waxaana heer gaba gaba ah maraya fulinta howlgal culus oo lagu Ciribtirayo Kooxahaasi, iyadoo qaarkood hadaba ay ka socdaan Deegaannada Hirshabelle, kuwaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan Dadka Deegaanka.

Trump iyo Kim Jong-un oo ku kulmay Singapore

Madaxwaynaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un iyo dhigiisa dalka Maraykanka Donald J Trump ayaa yeeshay kulan taariikhi ah oo muddo la qorshaynayey,  kaas oo xalay ka dhacay jasiirad ku taal dalka Singapore.

Maraykanka iyo Kuuriyada Woqooyi waxa ay muddo dheer isku khilaafsanaayeen arrimaha siyaasadda gacanka Kuuriya iyo horumarinta hubka Nukliyeerka ee Kuiuriyada Woqooyi.

Trump iyo Kim Jong-un waxa ay labaduba sheegeen in kulankan uu ahmiyad u leeyahay ammaanka caalamka iyo diblomaasiyadda, gaar ahaan Maraykanka iyo Kuuriyada Woqooyi oo dhawr mar ku sigtay inay dagaal toos ah galaan.

Waxaa ay yeelanaayan dood adag oo ku aadan in Kuuriyada Wqooyi ay ka tanaasusho barnaamijkeeda Nikliyeer-ka, taa badalkeedna laga qaado cunaqabataynta caalamiga ah ee saaran.