Home Blog Page 1294

Rag loo heysto in ay abaabuleen rabashadii Sababtay in la bili-li-qeysto dugsiga Jen Gordan oo Maxkamadd Ciidamada Xukunno kala duwan ku riday.

0

Muqdisho (SNTV)– Xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo eedeeyay 15-shaqsi oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed  gaar ahaan kuwa ka mid ah Ciidamadii horey u taba-bareen Imaaraadka in ay abaabuleen dhac loo geysto  keydka dugsiga oo ay ku jireen agabka ciidamada.

Eedeysanayaasha ayaa ahaa saraakiil xigeenada dugsiga iyo bare ka mid ahaa saraakiisha ciidamada ay dowladda Imaaraadka ugu tala gashay in uu barro xirfadda Ciidamada ay ku taba-bari jireen dugsiga  Jen, Gordan.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda hor keenay markaatiyaal ka mid ah  ciidamada & saraakiisha kale ee ku jiray dugsiga, sidoo kale Maxkamadda ayaa dhageystay eedeysanayaasha oo iyaga laftooda la weydiiyay dambiyada ay galeen jiritaankooda.

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha ayaa ku dooday in raggan kaliya aan loo ciqaabin dambiyada ay soo jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta, waxa ayna sheegeen in abaabulka dambiyada loo heysto ay ka weyn-tahay eedeysanayaasha, sidaas darteed ayay ka codsadeen  garsoorayaasha Maxkamadda in loo naxariisto  isla markaana la siiyo xurriyadooda.

Maxkamadda oo tix gelineysa cadeymihii horey looga qoray Eedeysanayaasha, Markaatiyaasha iyo Gal-dacwadeedka   la horkeenay Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaratay xukunnada kala ah ;-

“Seddax Alifle Xoogga dalka Yaasiin Ibraahim Aadan hal-sano oo xabsi Ciidan ah

Maxammed Cabdi Sabriye oo shacab ah hal-sano oo xabsi Ciidan ah.

Halka 5-ta kale oo iyagana isku daraja ah lagu wada xukumay 6-bil oo Xabsi Ciidan ah.

Maqanayaal kale oo uu ku jiro Macalimkii dugsiga lagu wada xukumay 5-sano oo xabsi ciidan ah.

Waxa ayna kala yihiin;-

Seddax Alifle Xoogga dalka Ismaaciil Abuukar Muudey, Cali Maxammed Xasan, Qaaasim Ibraahim Aadan, Xuseen Maxammed Cusmaan, Maxamuud Muuse Yuusuf”- sida uu u sheegay warbaahinta Garsoor   Col Xasan Cabdiraxmaan Aadan  Wabiyow oo kamid ah Garsoorayaasha  Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda ayaa sii deysay   Cabdullaahi Xasan Diiriye  oo ahaa shacab da’diisu ay yartahay.

Col Xasan Cabdiraxmaan Aadan  Wabiyow ayaa  sidoo kale sheegay in  ciddii aan ku qanacsaneen xukunka ay u furantahay Racfaan.

Shaqaalaha dowladda oo laba maalmood la fasaxay

0

Fasaxa munaasabadda ciidda ee shaqaalaha dowladda oo loo ra-ray Sabtiga iyo Axadda maadaama Jime ay tahay maalin kale ii ciid ah.

Wareegto ka soo baxdey wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuuamadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey fasaxyadan laguna sheegay in maalmaha Fasaxa ay noqon doonaan Sabtiga iyo Axadda, macdamaa Ciidda laga yaabo in ay noqoto Jimcaha oo ah maalin u gaar ah Muslimiinta dunida.

Ciidanka AMISOM oo deeq gargaar ah gaarsiiyey qoysas uu saameeyey Fataahada Wabiga Shabeelle

Muqdisho (SNTV)-  Deeqdaan oo ka timid Madaxweynaha Dawladda Uganda Mudane Yoweri Museveni, ayaa waxaa la gaarsiiyey qoysas dan yar ah oo ku nool deegaanka Golweyn ee gobolka Sh/hoose, kuwaasi oo ay saameysay fataahaadii Wabiga shabeelle uu sameeyey.

Ciidanka AMISOM, gaar ahaan Sector One, ayaa loo marsiiyey Deeqdaan inay gaarsiiyaan Deegaanka Golweyn, waxaana loogu talo galay in afur ay ka dhigtaan dadka danyarta ah ee deegaankaasi ku nool.

deeqdaan, ayaa waxay ka kooban tahay Raashiin kala duwan sida Bariis, Bur, Sonkor, Saliidda wax lagu karsado iyo Caanaha qasacaysan.

Marka laga yimmaaddo la dagaallanka kooxaha Argagixisada ee geeska Afrika, Ciidamada AMISOM iyo Dalalka ay ka socdaan ayaa kaalin Lixaad leh ka qaata samatabixinta Dadka Soomaaliyeed xilliyada ay soo wajahaan Abaaraha iyo fatahaadaha

 

),

Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug oo mashaariic horumarineed ka dhagax dhigay magaalada Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (SNTV), Madaxwaynaha Dawlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Golaha Wasiirada Sh Maxamed Shaakir, ayaa Maanta si wada jir ah u dhagax dhigay ilaa iyo  Seddex Mashruuc ,kuwaasi oo kala ah Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Galmudug, Xarunta TV-ga Maamulka ku shaqayn lahaa, Saldhiga Ciidamada Daraawiishta iyo Nabad-sugida, iyaddoona dhismaha  Waqti dhow uu ka bilaaban doono, waxayna sidoo kale kormeer ku tageen Xarumo uu dhisme ka socanayo.

Madaxwaynaha Galmudug iyo Madaxa Gogolaha Wasiirada Galmudug, ayaa waxa ay si wada jir ah uga hadleen Mashruucyadaan Maanta laga dhagax dhigay Magaaladda Dhuusamareeb, waxa ayna sheegeen in Xarumahan Ciidamada ee la dhagaxdhigay lagu mideen doono Ciidamada kala duwan ee Galmudug.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Magaalada Dhuusaamareeb waxaa laga dareemayey dib u dhis lagu samaynayo Xarumihii Dawliga ahaa ee ku yaalla Magaaladaasi,  kuwaasi oo wax wayn ka badalay Bilicda Caasimada.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo si rasmi ah u soo xiray tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Muqdisho (SNTV)- Musaabad kooban oo lagu qabtay studio Radio Muqdisho ayaa waxaa lagu soo gabo gabeeyay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo ay ku tartameen 30 degmo, kaasi oo socday muddo 29 cisho ah, waxaana munaasabadda xiritaanka ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir.,

Sidoo kale munaasabadda waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka Qaranka, Guddoomiyaha Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka iyo xubno kale.

Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte Agaasimaha Radio Muqdisho ahna xubin ka mid ah Guddiga tartanka ayaa ugu horeyn qadka soo geliyay tartamayaasha labada Degmo ee Warta Nabadda iyo Kismaayo, iyadoo labada Tartame ay isugu hambalyeeyeen sida wanaagsan ee uu tartanku ku dhamaaday.

Guddomiyaha Degmada Warta Nabadda Seynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) ayaa sheegtay inay u hambalyayneyso tartamayaasha Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, iyadoo xustay in tani ay meesha ka saareyso tuhunkii ahaa in Warta Nabadda ay sanadkasta qaaddo tartanka, waxaana ay intaa ku dartay in guddiga ay uga mahadcelineyso sida hagar la’aaneed ee ay tartanka u qabteen.

Tartamaayasha Degmada Kismaayo ayaa dhankooda mahacelin u jeediyay dhigooda Warta Nabadda oo markii saddexaad oo xiriir ah soo tiigsaday kulanka kama dambeysta ah, iyagoo sidoo kale mahadcelin u jeediyay Madaxda dowlad Goboleedka Jubbaland iyo dhamaan intii gacan ku siisay tartanka.

Maxamed Abuukar Axmed Ma’da Guddoomiyaha Guddiga Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo sida quruxda badan ee uu ku soo idlaaday tartanka, isla markaana la muujiyay dhabar adeeg maddudadii uu socday.

“Shaqo adag ayaan qabanay, balse guusheeda caawa ayaan u fadhinaa, waana talaabo aad u muhiimsan, runtii Madaxda Wasaaradda Warfaafinta waan uga mahadcelieyana garab istaaga ay noo muujiyeen, sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu noo suurta geliyay in aan ka helno qalab aan si toos ah ugu sameynaynay qori tuurka iyo isku aadka tartanka” ayuu Yiri Maxamed Abuukar Axmed.

Guddoomiyaha Guddiga Tartanka ayaa sheegay in sanadkan buugaag laga sameyn doono su’aalihii tartanka, isla markaana ay noqon doonaan buugaag cilmiga laga kororsado.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaalla ayaa sheegay in guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ay mudanyihiin in lagu bogaadiyo howsha adag ee ay soo qabteen tan iyo markii uu tartanka soo bilowday.

“Waxaan Alle ka sokow u mahadcelinaya Guddigii uu hogaaminayay Maxamed Abuukar, in shaqo fiican ay soo baxdo, waxaa ka horeysa inaad shaqeyso xilligii aad shaqeyn jirtay xilli ka badan, waxaan u mahadcelinayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Yariisow oo noo suurta geliay qabsoomidda tartanka”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

Kismaayo oo hormuud u noqotay 30-kii degmo ee galay tartan aqooneedka bisha Ramadan

0

Muqdisho (SNTV)- Tartanka adag ee kama dambeysta ah ayaa u dhaxeeyay  degmooyinka Kismaayo & Warta-Nabadda oo ka kala tirsan Benaadir & Jubbada-Hoose

Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo Warta Nabadda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo  su’aal,  ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Warta Nabadda waxay noqotay 4-dhibcood.

Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Warta Nabadda.  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay 10- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, halka tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo markii saddexaad oo xiriir ah ay soo tiigsadeen kulanka kama dambeysta ah, Shibis ayaa kaalinta 3-aad horay ugala baxday Hodan.

Sanadkiiba bisha Ramadana ayaa mar la qabtaa tartankan uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir halka warbaahinta Qaranka ay taaba geliso.

Wasaaradda Ganacsiga oo mamnuucdey in Hubka caagga ka sameysan oo ay carruurta ku ciyaaraan in aan dalka laga soo dejin karin

0

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa wareegto uu soo saaray ku mamnuucay in ganacsatadu ay soo dejin karin Toys-ka ka sameysan Hubka Caagga ah ee ay ku ciyaaraan carruurta munaasabadaha ciidda.

Ref: SNTV ayaa xalay baahiyey war-bixin ka hadleysa dhibaatada carruurta mustaqbal ahaan Hubka caagga ka sameysay iyo Baaruudda.

Maxkamadda ICC oo sii daysay Jean Pierre Bembe oo dembiyo dagaal loo haystay

Garsooreyaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ICC ayaa amar ku bixiyey in xabsiga laga sii daayo Mr. Jean-Pierre Bemba oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jamh.Dimuqraadiga ah ee Kongo.

Mr. Jean Pierre Bemba ayaa maxkamadda Dembiyada dagaalka ee ICC waxa ugu ridday Xukun kusaabsanaa inuu ku luglahaa dagaaladii ka dhacayJamh.Dimuqraadiga ee Koongo, iyadoo ku eedeeysay inuu kaalin kulahaa dembiyo dagaal oo uu hore ugeystay kuwaasi oo ka dhacay gudaha dalkaasi.

Maxkamadda ICC ayaa shaacisay in ay ka laabatay go’aankii hore ay u ridday kadib markii ay war ka soosaartay kadib kulan looga arrinsanayay kiiska Mr. Bemba usbuucii aynu kasoo gudubnay.

Pierre ayaa lagu xukumay toban iyo sideed sanandood oo xabsi ah sanadkii 2016-kii.

Garsooreyaasha Maxkamadan oo go’aamiyay in dacwaddii horey loogu soo dib looga laabtay kadib markii la cadeeyay in askar daacad u ahayd isaga ay ahaayeen kuwii ka geystay dembiyada dagaal dalka Jamh. Afrikada dhexe taasi oo muujinaysa inaan mas’uuliyadda eedahaasi Mr. Bemba lala xiriirin karin sidaasi darted waxa ay Maxkamadu si kumeel gaar ah u siisay xorriyadiisa.

R/Wasaaraha Britain Theresa May ayaa qirtay in ay oggoshahay in la sameeyo hanaan lagu xakameeyn karo socdaalka Midowga Yurub ee muhaajiriinta si wax looga qabto mashkiladda socdaalka dhulka.

Mr. Bemba ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto deegaanka uu ku nool yahay oo ah dalka Beljam-ka halkaasi oo ay daggan yihiin qoyskiisa.

R/Wasaaraha Talyaaniga oo jawaab ka bixiyay cambaareeyn Faransiiska uga timid “Sawirro”

R/Wasaaraha dalka Talyaaniga, Giuseppe Conte, oo ka hadlay cambaareeyn dhowaan ka soo yeertay Madaxweynaha Faransiiska Emmannuel Macron kaasi oo si kulul u dhaleeceeyay Talyaaniga is hortaagii uu ku sameeyay in markabkii siday Muhaajiriinta uu ku xierto dekadda Talyaaniga.

Macron ayaa eedeeyay dowladda Talyaaniga talaabadii ay kaga hor istaagtay muhaajiriin lasoo badbaadiyay ay galaan gudaha dalka Talyaaniga.

Af-hayeen u hadlay madaxwaynaha dowladda Faranskiisa Emmanuel Macron ayaa sheegay in go’aanka Talyaaniga uu yahay mid muujinaysa xushmad la’aan iyo mas’uuliyad darro.

Balse Mr. Conte oo ka jawaabayay hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa sheegay in Talyaaniga uusan aqbali karin dabeecadaha ballan ka baxyada ku wajahan oo ka imaanaya Talyaaniga kuwaasi oo sida uu sheegay Giuseppe Conte ahaa dalal waqti kasta ka jeesan jiray wax u qabashada dadka soogalootiga ah.

Dowladda Spain ayaa oggolaatay markabka Aquarius oo ahaa markabkii ay diiday dowladda Talyaaniga uu ku xirto dekadda biyaheeda.

Xaaladda dadka la socday markabka ayaa dhalisay in sidoo kale R.Wasaaraha dalka Uk Theresa May ayaa qirtay in ay oggolaatay  in wax laga qabto arrimaha dhinaca socdaalka Midowga Yurub eek u aadan muhaajiriinta si loo adkeeyo heshiiska ka bixitaanka Britain ee Yurub.

Britain’s Prime Minister Theresa May reacts as she arrives in Downing Street in central London on October 9, 2017.
British Prime Minister Theresa May will tell the European Union on Monday that “the ball is in their court” as her divided government resumes Brexit negotiations in Brussels. / AFP PHOTO / Ben STANSALL (Photo credit should read BEN STANSALL/AFP/Getty Images)

 

 

 

Madaxweyne Farmaajo “Culumadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Al Shabaab iyo afkaarahooda gurracan”

Muqdisho(SNTV):–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay la kulmay dalladaha ay ku midaysanyihiin culumada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay culumada diinta in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dagaalka ka dhanka ah afkaaraha xagjirnimada ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wadajirka iyo wada-shaqeynta culamadu ay asaas u tahay qorsheyaasha cirib-tirka argagixisada iyo dabar-gooynta fikradaha dib u dhigay dowladnimadeenna, oo ay ka mid yihiin qabyaaladda, musuqmaasuqa iyo caddaalad darrada.

Madaxweynaha ayaa yiri “Argagixisadu waxa ay ka macaashaan khilaafka ka dhex jira bulshada, gaar ahaan wada shaqeyn la’aanta culumada diinta iyo hormuudka bulshada. Sidaas darteed, waa in idinka oo mideysan mar kasta aad u iftiimisaan bulshada in dagaalka aan kula jirno argagixisada uu yahay jihaad waajib nagu wada ah.”

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay hibo u leeyihiin dhaqan sharaf leh oo waafaqsan diinteena suubban ee Islaamka, balse waxaa ku soo duulay kuwo ujeedkoodu yahay in ay tirtiraan cid kasta oo ku abtirsata magaceenna. Culumadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Al Shabaab iyo afkaarahooda gurracan.”

Dhanka kale, Culumada oo la wadaagay Madaxweynaha aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, ayaa bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Culumada ayaa sheegay in ay kalsooni ku qabaan dadaallada ay dowladdu ku bixineyso dib-u-habeynta garsoorka, ilaalinta madax-bannaanida dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u soo-celinta boqolaalka dhallinyarada ah ee ku dhibaateysan xabsiyada shisheeye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad celiyey culamadii ka soo qayb gashay kulankan sida ay u ajiibeen marti qaadkan, isagoona tilmaamay sooyaalka ay culumada Soomaaliyeed ku leeyihiin gobonnimo doonkii dalka iyo dadaallada ay haatan ku bixiyaan wacyigelinta, faafinta cilmiga, xoojinta amniga iyo toosinta dhaqanka bulshada.