Home Blog Page 1293

Ogow “Natiijada tar-tan aqooneedkii dhex maray Waabari VS Xamar-jajab “..

Muqdisho (SNTV)- Habeenkii ugu horreeyay ee tar-tan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa  nasiib u yeeshay in lagu furo degmooyinka Xamar-jajab iyo Waabari ee gobalka Benaadir.

Waxaa la weydiiyay sida uu ku tala galka ahaa min 7- Su’aalood, waxaana degmada waabari oo lagu bilaabay su’aalaha ay ka jawaabtay 4 iyo mid ka faa’ideysi ah oo u suura gelisay in ay helaan  6-dhibcood,  degmada Xamar-jajab ayaa Iyana su’aalihii la weydiiyay ka jawaabtay mid qura halka laba kalane ay u heshay ka faa’ideysi ahaan taasi oo Iyana ka dhigtay wadarta guud 6-dhibic oo ay ka wada sinnaayeen dhiggeeda ay tar-tanka ku har-damayeen.

Intaas kadib ayaa guddiga sameeyaan qurya tuur, waxaana nasiib u heshay xamar-jajab in lagu bilaabo su’aalaha dheeraadka ah ee lagu kala saarayay labada degmo,  su’aashii la weydiiyay xamar-jajab kama aysan jawaabin, sidoo kale waabari wey halaali-weysay fursadda soo martay balse su’aashii la weydiiyay Waabari oo iyana garan-weyday ayaa si ka faa’ideysi ah Xamar-jajab ugu tegtay, waxa ayna halaaleen jawaabtii saxda aheyd, sidaas ayayna xamar-jajab ugu suura gashay in ay ugudubto wareegga 2-aad halka daaqadda  laga saaray degmada Waabari, waxa ayna ku idlaatay natiijada tar-tankii caawa  8 vs 6 oo ay guushu ku raacday degmada  Xamar-jajab.

Habeen dambe ayaa wareegga 1-aad ee tar-tan aqooneedka  wijigiisa 1-aad qeybta 2-aad ay ku wada ballan-sanyihiin degmooyinka Dhahar iyo Hodan oo ka kala tirsan Sanaag iyo  Benaadir.

Duqa Muqdisho oo ay wehliyaan wasiirada wax-barashada iyo Warfaafinta ayaa si wadajir ah u furay Tartan aqooneedka bisha Ramadaan.

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho,  Wasiirada wax barashada & warfaafinta, agaasimaha guud ee Wasaradda warfaafinta, Agaasimaha Tv-Qaranka & Agaasimaha Radiio Muqdsho ayaa furay tar-tan aqooneedka bisha Ramadaan ee ay tabineyso warbaahinta qaranka isla markaana ay taaba gelinayaan  maamulka gobalka benaadir.

Ugu horreynba waxa hadalka qaatay Agaasimaha Tv-Qaranka Liibaan Cabdi Cali oo u mahad celiyay masuuliyiintii soo mara gobalka iyo kan hadda Eng Cabdiraxman Yariisow, waxa uu soo hadal qaaday in markii hore culeysyo Ka jireen ganacsiyaha gaarka ah oo mararka qaar shuruudahooda ay is diidanaayeen danaha guud.

Agaasimaha guud ee Wasaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Al-Cadaala ayaa isna sharaxay heerarkii uu soo maray tar-tanka isagoo xusay xilli adag oo dadka ay Ka baqijireen kooxaha arga-gixisada balse xilligan uu marayo heer tirada codsadayaasha aad loo xadiday.

Siihayaha wasiirka warfaafinta ahna wasiir ku xigeenka wasiirka Wasaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo hadalka qaatay ayaa isna dhankiisa u mahad celiyay dhammaan qof kasta oo kaalin kulahaa tar-tanka, waxa uu si gaar ah ula dar-daarmay guddiga tar-tanka oo ugu baaqay Alle Ka cabsi, dadka wax heysto ayuu sido kale ku booriyay in ay afuriyeen dadka  aan wax heysan ee walaalahooda.

Markii ugu horreysay tar-tanka waxaa sanadkan Ka qeyb galay Wasaradda wax barashada oo uu wasiirkeeda Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan  isna muujiyay dareen ahaan sida uu ugu faraxsanyahay heerarka uu soo maray tar-tanka, waxa uuna ballan qaaday in ay Ka qeyb qaadan doonaan kaalintooda, isagoo rajjo wanaagsan u rajeeyay ardeyda Ka badan 27-kun ee maalin kadib u fariisan doono imtixaanka ugu dambeeyay ee dugsiga sare iyo dhammaan Ka qeyb galayaasha tar-tan aqooneedka bisha ramadaan ee warbaahinta dowladda.

Ugu dambeyn, waxaa hadalka furitaanka qaatay guddoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar Yariisow, ugu horreynba waxa  u mahad celiyay dhammaan howl-wadeenada warbaahinta qaranka dhabar adeegii ay muujiyeen diyaarinta & isu goobidda dhammaan Ka qeyb-galayaasha, waxa uu ku sheegay dadaalkaas in  uu yahay  mid kamid ah waajibaadka saaran wasaaradda, dhanka kale waxa  uu sheegay in wasaaradda ay waajib ku tahay in dadka ay Ka wacyi geliso wax yaabaha dhib ku ah, arrimo kale oo amniga iyo caawinta ayuu soo hadal qaaday dhammaan dadaaladaasi waxa uu duqa Muqdisho ku sheegay in ay tahay waajibaad saaran Ka gobal ahaan  oo ay La wadaagaan dowladda dhexe,  dhammaan dadaaladaasi ayuu u jeedkooda ku koobay in ay tahay isku-tashi.

Degmooyinka Xamar-Jajab & Waabari ayaa nasiib u yeeshay in lagu furo tartanka caawa.

 

Duufaan kusoo fool leh Soomaaliya oo laga digay

Muqdisho-(SNTV)-Hay’adda Cunnada iyo Beeraha Adduunka ee FAO ayaa ka digtay Duufaan xooggan oo loogu Magac daray ONE, taas oo kasoo ruqaansatay Waqooyiga Bad weynta Hindiya ayaa kusoo wajahan qaybo ka mid ah Soomaaliya.

 
Dufaantan ONE ayaa la saadaaliyay in ay saamayn doonto inta badan Gobollada Puntland iyo Somaliand 24 ilaa 48-ka Saac ee foodda inagu soo haya, lagana yaabo inay gaysato wax yeello xooggan.

 
Duufaanatn oo ay wehliyaan Roobab Lixaad leh ayaa lagu wadaa in ay marka hore ku dhuftaan Puntland 24-ka Saac ee soo socda, iyagoo usii gudbi doona dhanka Somaliland iyo deegaannada ku xeran.

 
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO ayaa baaq u dirtay Dadka halkaasi ku dhaqan, iyadoo u soo jedisay inay taxaddar muujiyaan, una diyaar garoobaan halista ka dhalan karta Dabaylahan la saadaalinayo oo aad u xooggan.

 
Hay’adda ayaa sidoo kale ka digtay inay degaannadaas iyo xitaa meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah ay ka dhici karaan daadad, iyadoo ku baaqday ina laga sii taxaddaro dhibaatada ka dhalan karta musiibooyinka la saadaalinayo.

Golaha Wasiirada oo ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada

0

Muqdisho, May 17, 2018— Shirka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, iyada oogolaha la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo harciga Nakhshadeynta magaalooyinka, waxaana golaha warbixinno siiyay qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galay kulanka maanta.

“Shirka Golaha wasiirada waxaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, waxaana sidoo kale la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta magaalooyinka” ayuu yiri Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska XFS, C/Raxmaan Iidaan Yoonis oo ka war bixiyay Shirka golaha Wasiira.

Wasiir Iidaan ayaa sheegay in shirka warbixinno looga dhageestay Wasiirada Maaliyadda, Amniga, Ganacsiga, Shaqaalaha, Tamarta, Dhalinyarada iyo ciyaaraha.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa waxa uu sheegay in qorshihii deyn cafinta uu marayo meel wanaagsan guulna uu kusoo dhamaaday SMP2 laguna amaanay dawladda Federaalka Soomaaliya meesha ay soo gaartay isaga oo xusay in loo gudbay SMP3, shuruudaha la doonayo in lasoo buuxiyana ay kamid yihiin kor u qaadidda dakhliga dawladda, in deyma kale aysan gelin Dawladdu iyo in bixininta Mushaaraadka Ciidanka loo isticmaalo Biometric system.

Wasiirka Shaqaala iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in tirakoobka shaqaalaha uu marayo heer gebageba ah.

Wasiirka amiga gudaha, Xildhiban Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo ka war bixiyay amniga ayaa sheegay in amnigu aad u wanaagsanyahay, waxaana intii shirku socday leesla gartay si amaanka loo sii adkeeyo in qoryaha waaweyn aan lagu wada karin magaalada caasimadda, iyada oo sidoo kale “qorshihii Xasilinta Caasimadda” loo bedelay “Sugidda Amniga Caasimadda”

Shirka intii uu socday waxaa kale oo warbixinno laga dhageestay wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha, ku-simaha wasiirka Tamarta iyo Biyaha, iyo wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo oo lacag loogu talagalay Gurmadka Fatahaada ku wareejiyay Maamulada Baladxaawo iyo Luuq

0

Muqdisho(SNTV);- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo Mudane Maxamed Muxumed Aadan oo maanta gaaray degmada Doolow kana yimid magaalada Muqdisho ayaa maamulada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmooyinka Doolow,Baladxaawo iyo Luuq ku wareejiyay deeq Lacageed oo ka timid Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaada dalka.

Deeqdan lacageed ayaa la gaarsiin doonaa Qoysaskii ku barakacay Fatahaada Wabiga Jubba iyo Daawo ee mara saddex degmo oo muhiim ah.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Aadan oo ugu horeyn ka hadlay goobta lacagta gurmadka Fatahaada lagu wareejinayay ayaa sheegay in lacagtaan ka timid Guddiga Gurmadka Fatahaadaha dalka,islamarkaana loogu talagalay in wax loogu qabtay dadka ay Fatahaada saameysay.

Guddiga Gurmadka degmooyinka Doolow iyo Luuq ayaa lagu wareejiyay lacag dhan 18,000 ,halka Guddiga Gurmadka Fatahaada ee degmada Baladxaawo lagu wareejiyay lacag gaareyso 10,000 oo doolar.

Qaar ka mid ah dadkii lacagta lagu wareejiyay oo goobta ka hadlay ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya sida marka waliba u garab taagan tahay Shacabkeeda.

Duqa Muqdisho oo daah-furay olole Maamulka Gobolka Banaadir ku afurinayo 15 kun oo qoys

0

Muqdisho, 17 Maajo, 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta daah-furay olole lagu afurinayo 15 kun oo qoys. Maamulka Gobolka Banaadir ayaana Sanadkii labaad afurinaya Bulshada danyarta ah ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Duqa Caasimadda oo weheliyeen masuuliyiin ka tirsan maamulkiisa, madaxda Hay’adda Samafal Bulsho iyo qaar kamid ah Culima’udiinka ayaa kormeeray goobaha cuntada lagu diyaarinayo, iyagoo ugu baaqay cid walba oo wax haysato in kaalintooda ay ka qaataan gacan siinta walaalahooda Sooman.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in barnaamijkan uu gobolku sameeyay markii uu arkay baahida loo qabo iyo sida ay lagama maarmaan u tahay gacan qabashada dadka danyarta ah. Isagoo uga mahadceliyey Hay’adda Samafal Bulsho doorka muhiimka ah ee ay arrintan ka qaadanayso.

’Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu u taagan yahay gacan qabashada danyarta Soomaaliyeed, maadaama ay bilatay bishii barakaysnayd ee Ramadan kuligeen waxaa waajib nagu ah gurmad iyo gacan qabasho loo fidiyo walaalaheena aan wax haysan, tani waa bilow lagu afurinayo 15kun oo qoys balse waa in loo istaagaa sidii intan looga badin lahaa”.Ayuu yiri Eng. Yarisow Duqa Caasimadda Muqdisho.

Madaxda dalka oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha Ramadaan.

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha aqalka Sare  &Ra’isulwasaaraha Jamahuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha  barakeysan ee Ramadaan oo ay maalintan tahay maalintii 1-aad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay  in la iscafiyo oo la isku naxariisto islamarkaana la is caawiyo.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay  kuwa wax haysta in ay afuriyaan bishan barakeysan ee Ramadaan kuwa kale ee aan waxbo haysan.

Dhanka kale Guddoonada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wadaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa hambalyo ku aaddan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadan u diray Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo xalay kormeerey uu ugu kuurgalayay amniga ku tagay gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho

Muqdisho(SNTV) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kahyre oo ay wehliyeen Wasiirka Amniga,guddoomiye kuxigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir,saraakiisha Booliska iyo Asluubta ayaa xalay kormeeray qaar ka mid ah  saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo kantarooladda maagaaladda,iyagoo u kuurgalayay xaaladda guud ee amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha laamaha ammaanka,iyadoo la soo bandhigay Baco lagu soo xirey Baaruud loo ekeysiyay waxyaabo qarxa,kuwaasi oo xalay ka dhacay Muqdisho,si dhagarqabayaashu ay shacabka u qal qalgeliyaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Bashiir Cabi Maxamed ayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya warbixin ka siiyay amniga iyo wixii xalay dhacay ee Baaruudda ahaa.

“Abaaro halsaac iyo bar laga bilaabo waxaa la soo tuuray waxyaabo ku jira baco oo baaruud ah 5 Xamarweyne ayaa lagu soo ridey,2 Waaberi,2  degmada Wadajir,majiraan wax khasaare ah oo ka dhashey,waxaa ladoonayay oo kaliya in lagu qal qalgeliyo shacabka”.Ayuu yiri Taliye Bashiir.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin guud ka bixiyay ujeedka kormeerkan oo uu hoggaaminayay Ra’iiul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Caawa waxaa kormeer shaqo aan ku tagnay Saldhigyada  waxaana hoggaaminayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,waxaan ka soo bilownay Kaaraan,ilaa Galgalata,Suuqa Xoolaha,waxaan ku soo geba gebeynay ilaa magaalada Daafaheeda,si aan u ogaanno sida ay ciidamadu ay u sugayaan amniga Muqdisho,shacabka waxaan doonaynaa in ay ku kalsoonaadaan dowladooda,waxaana ka codsanaynaa in shacabku ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka”. Ayuu yiri Wasiir Islow.

Dowladda Soomaaliya ayaa sameysay ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaariyay in ay sugaan amniga caasimadda,kuwaasi oo howlgalo ballaaran ka wada gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho.

Jubaland oo laga hirgaliyay adeegyada Garsoorka

Wafti uu hoggaaminay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda oo maanta  gaaray Magaaladda Kismaayo ayaa xariga ka jaray Dhismaha Maxkamadaha  iyo Xeer ilaalinta Jubbaland oo ka  kooban Maxkamada sare, tan Gobalka, Racfaanka, Xafiiska Xeer ilaalinta waxaana dhismahan hirgaliyay Mashuurca gaarka ee Horumarinta Gobaladda SFF ee hoos yimaada Wasaaradda Maaliyaadda Dowladda Soomaaliya.

Dadka reer jubbaland ayaa maanta waxaa ay uga dhigan tahay hergalinta mashruucan  mid muhiimad gaar ah u leh,

Cali Xaaji Aadan oo ah maaareyaha Mashuuca SFF ee Wasaaradda Maaiyadda ayaa tilmaamo ka baxinayo qaabka oo ku guuleystay mashrucuan iyo qeybaha uu ka kooban yahay

Waxaan Mashruucan  wax wayn u yahay Maamulka jubaland sida uu sheegay Walalkeey Cabdishakuur Waxuu ka kooban Maxakamada Gobalka, Racfaanka, Xeer ilaalinta, iyo Maxkamada sare, holal gaaray afar oo loogu talagay shirarka  iyo dadka dacwooyinka lagu soo oogay, waxaan sidoo kale dhisnay koobaha ay ku shaqeyn lahaayeen Shaqaaalaha maxkamaddaha, waxaan u mahadcelinayaa Qaramadda Midowbay oo dhismahan hirgalintiisa qeyb ka ah” ayuu yari Cali Xaaji.

Wasiir Ku_xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Dowladd Gobaleedka jubbaland ayaa sheegay in Bahda Garsoorka ahmiyad wayn uga fadhiso arintan.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof Cabdulaahi sheikh Cali oo xariga ka jaray dhismahaan oo ku baxay qaraashad aad u fara badan, xarunta bahda garsoorka uu ku wareejiyay maamulka jubaland ayaa tilmaamo u noqon doono in la helo garsoon wanaagsan.

“aniga ahaan ahmiyad  wayn ayaan u argaa in maamulka Jubballand aad heysataan xarumo cadallada lagu kala baxo, sidoo kale waxaad  haystaan dhismahan quruxda badan waxaan idinka rajeynaa inaa xafidaan waxaana tahiin dad dhalinyaro  ah waan dareemi karaa  in masuliyadda wayn ayaa idin saran, aniga waxaan idinku dhiira galinyaa shaqdiina waxaana idinka doonayaa in u diyaaarisaan  jiilka idinka danbeeya”.

Bishii July ee Sand kii hore ayaa la dhagax dhigay Xarunta  maanta   la daahfuray, waxa ayna qeyb ka qaadanaysaa horumarinta adeegyada Bulshadda ee Dowladd wanaaga.

War-murtiyeed:- Shir-weynaha Qaran ee Dastuurka oo soo xirmay

Muqdisho (SNTV), Shirweynaha Qaran ee Daahfurka Dib-u-Eegista Dastuurka oo ay ka soo qayb galeen qeybo kala duwan ee kala matatalaya Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Garsoorka, Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, Dhallinyarada, Haweenka, Bulshada Rayidka, Ururadda Xirfadleyda, Culumaa’udiinka, Qurba-joogta Soomaaliyeed, Dadka Baahiyaha gaarka qaba, Odayaayasha Dhaqanka iyo xubnaha beesha Caalamka waxay ku kulmeen Hotel Royal Palace taariikhda 13ka – 15ka Maajo 2018, Muqdishu – Soomaaliya.

  • Iyadoo maanka lagu hayo muhiimadda ay leedahay xal u helidda dhibaatooyinka ka aloosan wadankeena gudihiisa;
  • Iyadoo si daacad ah la isula meel dhigayo waqtiga kama dambeysta ah ee dhamaystirka Dastuurka si ka madaxbannaan dano shakhsi iyo kuwo kooxeed;
  • Iyadoo ay ka go’antahay Shirweynaha in lagaaro deganaansho iyo nabad waarta oo ku dhisan Dastuurka;
  • Iyadoo la tixgeliyo hiigsiga iyo dareenka dhammaan dadkeena;
  • Iyadoo la bogaadinayo dareenka wanaagsan iyo daacadnimada ka dhaxaysa ka qayb galayaasha shirka taasoo horseeday wadar-ogol;
  • Iyadoo la rumeysanyahay niyad wanaagii horseeday heshiisyadii horay loo gaaray in ay aas-aas u noqon karaan in la gaaro heshiiyo hor leh inta lagu gudo jiro dib-u-eegista Dastuurka;

Shirweynaha Qaran wuxuu diiradda saaray doodaha quseeya arrimaha hoos ku xusan:

  1. Mabaadi’da guud ee hagaysa dib-u-eegista dastuurka
  2. Hannaanka loo marayo heshiis siyaasadeed ee la xiriira dib-u-eegista dastuurka
  3. Hannaanka loo marayo Waxbarashada Madaniga, Wacyigelinta, La-tashiyada dadweynaha iyo horumarinta ka wada qeyb qaadasho loo dhanyahay
  4. Horumarinta qaab-dhismeedyo wadajir ah oo wax ku ool ah
  5. Nooca Federaalka ku haboon Soomaaliya
  6. Caqabadaha imaan kara inta lagu guda jiro dib-u-eegista Dastuurka iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa

Iyadoo la bogaadinayo hogaaminta xil-kasnimadu ku dheehantahay ee Wasaaradda, Guddiga Lasocodka iyo Guddiga madaxabannaan ee hawlaha dib-u-eegista dastuurka;

Iyadoo ay ka go’antahay Wasaaradda, Guddiga Lasocodka iyo Guddiga Madaxabannaan dib-u-eegista Dastuurka in diiradda la saarayo hortabinnada soo socda:

  1. a) INTA LAGU GUDO JIRO 2018:-
  2. Sixitaanka dhammaan khaladaadka farsamo ee dastuurka;
  3. Qodobada Dastuurka ku meel gaarka ee u baahan in dib-u-eegis lagu sameeyo, sida wax ka badal, wax ku daris ama wax ka tiris;

III. Qodobada u baahan wada xaajoodka siyaasadeed waa in ay ka gaaraan heshiis Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federalka.

  1. In qodobo Dastuuri ah loo badalo heshiisyada ay gaaraan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka; iyo
  2. b) Muddada lagu gudo jiro kalfadhiyada Baarlamaanka ee 2019ka waa in la ansixiyaa dhammaan cutubyada dastuurka ku meelgaarka ah oo ay ku jiraan qodobada u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed;

Shirwaynaha Qaran wuxuu ku baaqayaa in mabaadi’da soo socota ay saldhig u noqdaan Dib-u-Eegista Dastuurka:

  1. Lahaanshaha Dastuurka: hannaanka dib-u-eegista dastuurku waa in uu noqdaa mid ay Soomaali leedahay Soomaalina hogaaminayso.
  2. Waqtiga: Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka waa in lagu soo gabagabeeyaa ugu danbayn Diseembar 2019.
  3. Sii ambaqaadis: Waxaa laga sii ambaqaadayaa warbixinadii Baarlamaankii 9aad uu soo sameeyay iyo xulashooyinkii saddex ahaa.
  4. U wada dhamaansho: waxaa lagama maarmaan ah in hannaanka dib-u-eegista Dastuurka ay kawada qayb qaataan dhammaan daneeyayaasha heer Federaal, Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Bulshada Rayidka.
  5. Daahfurnaan iyo isla xisaabtan: hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka waa inuu noqdaa mid ku salaysan daahfurnaan iyo isla xisaabtan.

Haddaba intaa ka dib, waxaan ku heshiinay:

  • In laga digtoonaadaa dib u dhac ku yimaada dib-u-eegista Dastuurka;
  • In Dib-u-Eegista Dastuurka uu noqdo middadka Soomaaliyeed leeyihiin ayna hogaaminayaan;
  • In dhameeystirka Dastuurku uusan noqon mid ay garwadeen ka yihiin siyaasiyiin koobanoo keliya, balse waa inuu noqdaa mid ay si ballaaran uga qaybqaataan Soomaalida oo dhan.

Bogaadin:

Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka wuxuu mahad ballaaran u jeedinayaa dhammaan ka qeybgalayaasha wuxuuna si gaar ah u bogaadinayaa taageerada beesha caalamka.

Ugu dambayn, dhammaan ka qeybgalayaasha Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka waxayxaqiijiyeen ka go’naashaha iyo kawada qeyb qaadashada hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka si loo helo Dastuur dhamaystiran oo loo dhanyahay la iskuna waafaqsanyahay.