Suuqyada Muqdisho oo laga dareemayo soo dhaweynta Bisha Ramadaan

Date:

Iyadoo ay fooda nagu soo hayso bisha barakeysan ee ramadaan  oo noogu  harsantahay  maalmo  kooban ayaa waxaa  bulshada soomaaliyeed  diyaar garow ugu jiraan  soo dhaweynta bisha barakeysan ee ramadaan  waxaana suuqyada magaalada muqdisho laga dareemayaa diyaar garowga bisha ramadaan oo ah bil aad u kheyr badan

Dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada  muqdisho ayaa waxaa ay ku mashquulsanyihiin  iibsiga raashiinka noocyadiisa kala duwan taasi oo ay ugu diyaar garoobayaan soo dhaweynta bisha barakeysan ee ramadaan.

waxaana mashquul xoogan laga dareemayaa qeybaha kala duwan suuqyada magaalada muqdisho  hadii ay ahaan laheyd qeybaha  qudaarta, oo bisha ramadaan ay aad u isticmaalaan bulshada  iyo qeybta timirta, oo ah mida  ay dadku si weyn u isticmaalaan  bisha barakeysan ee ramadaan  waxaana sidoo kale ay dadku u iibsanayaan  hilibka oo  dadku ay u isticmaalaan siyaabo kala duwan inta lagu guda  jira bisha barakeysan ee ramadaan.

Sidoo kale waxaa sarakac laga dareemayaa qiimaha raashiinka  noocyadiisa kala duwan  sida  bariiska, burka,  timirta , caanaha,  hilibka, salliida  iyo qudaarta noocyadeeda kala duwan

Qaar ka mid ah ganacsatada qudaar iibisa  ayaa ka hadlay soo dhaweynta diyaar garowga bisha barakeysan ee ramadaan ay ugu diyaar garoobayaan.

” xilliyada ramadaanka ee roobka da’ayo ayaa ugu badan in maciishada sare noqdo, taas waxaa u sabab ah in beeraleyda qaaliyeeyaan wax soo saarkooda iyadoo sii dheer tahay qiimaha gaadiidka uu wax ku soo qaado ” ayuu yiri mid ka midaa ganacsatada soomaaliyeed.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca arimaha bulshada  ee degmada xamar weyne maxamuud dheere  ayaa ka hadlay ka maamul ahaan dowrka ay ugu qeyb qaadan karaan  bisha  barakeysan ramadaan, isgoona ugu hanbaliyay bilashada bisha ramadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...