Home Blog Page 1292

Raa’iisulwasaare kheyre oo daahfuray imtixaanadka shahaadiga Dalka

 Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka oo ay maanta u fariisteen 27,600 oo arday Soomaaliyeed.

iskuulka 15-ta May oo ka mid ah iskuulada dalka oo ay ka socdaan imtixaanaadka Shahaadiga dalka ayaa imtixaanaadkaasi waxaa daahfuray raa’iisul wasaaraha dalka, iyadoona si weyn loo adkeeyey amniga ayaa waxaa gaaray Ra’iisul wasaaraha dalka oo ay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay daah furka Imtixaanaadkaasi ayaa sheegay in waxbarashadu ay tahay qeybta ugu muhiimsan ee horumarka dalka.

“Waxaan u mahad celinayaa Aabayaashii iyo Hooyooyinkii kasoo shaqeeyey in caruurtooda ay soo gaarsiiyaan halkaan, Inagana ka dowlad ahaan waxaan ku dadaali doonaa insha allh si arday walbo uu fursad u heli lahaa”ayuu yiri Mudane Xasan Cali Kheyre.

Ra”iisul wasaaraha dalka ayaa sidoo kale u mahad celiyey cid waliba oo howshaan kasoo shaqeysay, gaar ahaana wasaaradda waxbarashada dalka.

“Waa Iftiin qaranimo Soomaaliyeed ay ka muuqato, Waa Horumar uu wadankeenu ku tilaabsanayo, waxeyna ahaan doontaa howlaha saldhiga u ah xukuumada iney ka shaqeyso”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ra”iisul wasaaraha Soomaaliya.

Imtixaanaadka shaadiga oo maanta ay u fariisteen ardayda soo dhameysay dugsiyada sare ee dalka ayaa socon doono mudo 5 Maallin ah.

imtixaankii Shahaadiga Dalka oo maantay Furmay.

0

Iyadoo maanta ay tahay maalintii ay wasaaradda waxbarashada Dowladda Soomaaliya iclaamisay in ay bilaaban doonaan imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa ayaa lafilayaa in ay bilowdaan imtixaanaadkaasi.

Amaanka goobaha lagu qabanayo imtixaanaadkaasi ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xilsaaray ciidamo ka tirsan amaanka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale imtixaanaadka kuwan lamid ah ayaa ka bilaabanaya Gobolada Dalka,marka laga reebo magaalada Baladweyn oo ay saameeyeen fataahadaha webiga Shabeele uu sameeyey.

Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan shaaciyay in imtixaanka uu bilaabanayo sabtida oo ah maanta,waxaana u fariisnaysaa ilaa 27,600 oo arday guud ahaan gobolada dalka.

Waxaa lafilayaa in furitaanka imtixaanaadkaasi ay ka qeybgalaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Maxaa kala qabsaday Dhahar & Hodan???

Muqdisho (SNTV)-Wareegga 1-aad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan  qeybtiisa labaad ayaa caawa waxaa ku wada ballansanaa Dhahar iyo Hodan oo ka kala tirsan goballada Sanaag iyo Benaadir.

Min todaba Su’aalood ayaa middiiba la weydiiyay, waxaana ugu horreynba nasiib u yeeshay in Dhahar lagu billaawo weydiimaha tartanka.

Dhahar 7-Su’aalood ee loogu tala galay ayaay  ka jawaabtay 2-kamid ah, wax ka faa’ideysi ahna ma aysan haleelin,  waxa ayna sidaas ku heshay 4-dhibcood.

Dhanka kale degmada Hodan ayaa iyana si lamid ah la weydiiyay 7-su’aalood, waxa ay ka jawaabtay labo kamid ah, sidoo kale waxa ay fursad u heshay  1  ka faa’ideysi oo soo hareer martay Dhahar waxa ayna sidaas ku aruursatay 6-dhibcood taasi oo u suura  gelisay in ay ugudubto wareegga 2-aad halka Dhaharna ay sidaas ku  hartay.

Habeen dambe oo ah habeenka 3-aad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan oo ay tabineysi warbaahinta Qaranka isla markaana  uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir  waxaa ku wada ballansan degmooyinka Jilib & Garbahaarey oo ka kala tirsan goballada  Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Tacsi, Marxuum, Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan

0

Muqdisho, May 18, 2018 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, Wasiiru dowlaha H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiir kuxigeenka H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Mohamed Sheikh Hassan Osman “Tunni” oo xalay oo taariikhdu ku beegnayd May 17, 2018 ku geeriyooday Magaalada Ajman ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.

Ambassador Mohamed Sheikh Hassan Osman ayaa kahor gobonnimada Soomaaliya, waxa uu ahaa Xoghayaha gaarka ah ee Wasiirkii Talyaaniga uga wakiilka ahaa Soomaaliya, isagoo heerkiisa aqooneed iyo xirfadeed si aad ah uga bartay gumeystihii xilligaasi dalka gacanta ku hayay.

Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan waxa uu ka mid ahaa lixdii safiir ee ugu horreysay ee gobollada Waqooyi iyo Koonfur laga kala xulay oo  Soomaaliya u matalay dal dibadeed.

Intii u dhexeysay 1960-1965, waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, isagoo noqday Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo dalkaasi loo wakiisho.

Sidoo kale waxa uu ahaa Danjire aan deganayn ee Ururka Midowga Yurub.

Intii u dhexeysay 1965-1967, waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Jarmalka.

Intii u dhexeysay 1967-1969, Waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Masar.

Intii u dhexeysay 1969-1970, Waxa uu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada.

Danjire Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan, waxa uu ka mid ahaa dad xirfadlayaal sare ah oo Soomaali ah oo la howl bilaabay aas’aasidda Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, isagoo ahaa intii u dhexeysay 1977-1997 lataliyaha Madaxweyinihii ugu horreeyay dowladdaasi H.H. Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan ee arrimaha sharciga iyo mashaariicda Aasiya iyo Afrika.

Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan oo da’diisu ahayd 89 sano-jir, ayaa ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose sanadkii 1929.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa, asxaabtiisa iyo Ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid AU Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan

0

Muqdisho(SNTV):—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii Eheladii,Asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah u naxariistee Danjire, Mohamed Sheikh Hassan Osman oo Xalay oo taariikhdu ku beegnayd May 17, 2018 ku geeriyooday Magaalada Cajmaan ee Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Alle uga baryey Marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, wuxuuna  Eheladiiii, Asxaabti iyo qaraabadii uu ka tagayna Rabbi ugu baryay inuu samir iyo iimaan ballaaran ka siiyo.

Ambassador Mohamed Sheikh Hassan Osman ayaa kahor gobonnimada Soomaaliya, waxa uu ahaa Xoghayaha gaarka ah ee Wasiirkii Talyaaniga uga wakiilka ahaa Soomaaliya, isagoo heerkiisa aqooneed iyo xirfadeed si aad ah uga bartay gumeystihii xilligaasi dalka gacanta ku hayay.

Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan waxa uu ka mid ahaa lixdii safiir ee ugu horreysay ee gobollada Waqooyi iyo Koonfur laga kala xulay oo  Soomaaliya u matalay dal dibadeed.

Sidoo kale Intii u dhexeysay 1960-1965, waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, isagoo noqday Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo dalkaasi loo wakiisho.

Innaa Lilaah Wa Innaa Ileyhi raajicuun

Duufaanta Sagar oo Dad ku dishay Gobolka Bari

0

Muqdisho-(SNTV)- Ugu yaraan Laba Qof oo uu mid ahaa ganacsade lagu Magacaabi jiray Allaha u naxariistee, Abshir Jaamac Faarax ayaa ku geeriyootay Dad intaa ka badanna waa lagu la’yahay markii uu Daad la tagay Gaadiidkii ay ku safrayeen inta u dhaxaysa Boosaaso iyo Qardho.

Waxaa go’an Isgaarsiinta qaybo ka mid ah Gobolka Bari, waxanay Daadadka ka dhashay Duufaanta Sagar oo Saacadihii lasoo dhaafay ku dhufatay qaybo ka mid ah Puntland iyo Soomaaliland sababtay qasaara Nafeed iyo mid hantiyeed, iyadoo ku dhawaad 100 Neef oo Xoolo ah ku dishay Gobolka Sanaag.

Gaadiid badan oo xamuul ka keenay Boosaaso iyo Dadkii saarnaa ayaa ku xanniban hareeraha Dooxooyinka u dhexeeya Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, xilli laga xagaa baxayo Dhulka Xeebaha ah ee kulaala Badda Cas.

Waxaa sidoo kale xanniban Gaadiidkii isaga kala gooshayay Magaalooyinka iyo degaannada Soomaaliland, iyadoo ay Duufaantu burburisay Laashah badan oo ay lahaayeen Kalluumaysatada Gobolka Sanaag.

Masuuliyiinta iyo hay’adaha ka howl-gala Puntland iyo Soomaaliland ayaa Saacadihii aynu soo dhaafnay farayay Gaadiidlayda iyo Dadka xeebaha ku nool inay ama ka shaqaysta inay ka feejignaadaan isla markaana ay yareeyaan dhaq-dhaqaaqooda si uu u yaraado qasaaraha ka dhalan kara Daadadka iyo dabaylaha socda.

Roobab Dabeylo xoog leh wata oo ka bilowday Puntland iyo Soomaaliland

0

Muqdisho(SNTV)-Sida ay saadaalinayaan khubarada saadaasha hawada, dabeylo ka kacay gacanka cadmeed ayaa isu beddelay duufaan xoog leh oo saameyn ku yeelatay qeybo ka mid ah xeebaha Somalia.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta – duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Duufaantan ayaa roobab xoog leh ku hoorin doonta maalmaha soo socda xeebaha Somalia, kuwaas oo haatan  ka billowday xeebaha Puntland, gaar ahaan Sanaag iyo Heyland.

Mas’uuliyiinta maamullada Somaliland iyo Puntland oo ay roobabkan iyo duufaantan si weyn u saameyn doonaan, ayaa soo saaray digniino ku wajahan dadka ku nool magaalooyinka xeebaha iyo kaluumeysatada, oo looga digayo inay ka fogaadaan dhulka go’dan iyo xeebaha.

Dufaanta iyo roobabkan ayaa laga cabsi qabaa inay keeni karaan dhimasho iyo dhibaato ka soo gaarta Somalia oo todobaadyaddii u dambeeyay meelaha qaar dadku ay la dhibaatoonayeen daadad ka dhashay roobabkii caadiga ahaa oo sanadkan u da’ay si ka badan sidii la filayay.

Xigasho: VOA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay Guddi u kuur galaya fatahaadaha dalka.

Muqdisho(SNTV):–Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa maanta looga hadlay Dagaaladda maalmihii lasoo dhaafay kasoo xusboonaaday Deegaanka Tukaraq,wax ka qabashada fatahaadaha ay sameeyeen wabiyada Dalka iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha kalfadhigan iyo kan xiga horyaala golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  ayaa si waafaqsan qodobka 56 ee xeer hoosaadka golaha shacabka guddi uu heerkiisu sareeyo oo ka kooban sagaal xubnood u magacaabay saameynta fatahaadaha wabiyada dalka ay ka geysteen meelaha ay maraan si guddigan ay ugu kuur galaan xaalada dhabta ah ee deegaanada fatahaadaha ay saameeyeen.

Guddigan waxaa guddoomiye ka ah Mudane C/wali sheikh Ibraahim Muudey oo ah guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Dhanka kale Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq in wax walba ay wada hadal ku dhameeyaan, loona turo shacabka lagu kor dagaalamayo.

Gudoomiyaha golaha shacabkaayaa ugu dambeyn kormeer shaqo ku tagay golaha shacabka oo todobaadkii labaad ay ka socdaan howlo dayactir ah,waxaana kormeerkiisa ku wehliyay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka, habdhowraha golaha iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka.

Ogow “Natiijada tar-tan aqooneedkii dhex maray Waabari VS Xamar-jajab “..

Muqdisho (SNTV)- Habeenkii ugu horreeyay ee tar-tan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa  nasiib u yeeshay in lagu furo degmooyinka Xamar-jajab iyo Waabari ee gobalka Benaadir.

Waxaa la weydiiyay sida uu ku tala galka ahaa min 7- Su’aalood, waxaana degmada waabari oo lagu bilaabay su’aalaha ay ka jawaabtay 4 iyo mid ka faa’ideysi ah oo u suura gelisay in ay helaan  6-dhibcood,  degmada Xamar-jajab ayaa Iyana su’aalihii la weydiiyay ka jawaabtay mid qura halka laba kalane ay u heshay ka faa’ideysi ahaan taasi oo Iyana ka dhigtay wadarta guud 6-dhibic oo ay ka wada sinnaayeen dhiggeeda ay tar-tanka ku har-damayeen.

Intaas kadib ayaa guddiga sameeyaan qurya tuur, waxaana nasiib u heshay xamar-jajab in lagu bilaabo su’aalaha dheeraadka ah ee lagu kala saarayay labada degmo,  su’aashii la weydiiyay xamar-jajab kama aysan jawaabin, sidoo kale waabari wey halaali-weysay fursadda soo martay balse su’aashii la weydiiyay Waabari oo iyana garan-weyday ayaa si ka faa’ideysi ah Xamar-jajab ugu tegtay, waxa ayna halaaleen jawaabtii saxda aheyd, sidaas ayayna xamar-jajab ugu suura gashay in ay ugudubto wareegga 2-aad halka daaqadda  laga saaray degmada Waabari, waxa ayna ku idlaatay natiijada tar-tankii caawa  8 vs 6 oo ay guushu ku raacday degmada  Xamar-jajab.

Habeen dambe ayaa wareegga 1-aad ee tar-tan aqooneedka  wijigiisa 1-aad qeybta 2-aad ay ku wada ballan-sanyihiin degmooyinka Dhahar iyo Hodan oo ka kala tirsan Sanaag iyo  Benaadir.

Duqa Muqdisho oo ay wehliyaan wasiirada wax-barashada iyo Warfaafinta ayaa si wadajir ah u furay Tartan aqooneedka bisha Ramadaan.

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho,  Wasiirada wax barashada & warfaafinta, agaasimaha guud ee Wasaradda warfaafinta, Agaasimaha Tv-Qaranka & Agaasimaha Radiio Muqdsho ayaa furay tar-tan aqooneedka bisha Ramadaan ee ay tabineyso warbaahinta qaranka isla markaana ay taaba gelinayaan  maamulka gobalka benaadir.

Ugu horreynba waxa hadalka qaatay Agaasimaha Tv-Qaranka Liibaan Cabdi Cali oo u mahad celiyay masuuliyiintii soo mara gobalka iyo kan hadda Eng Cabdiraxman Yariisow, waxa uu soo hadal qaaday in markii hore culeysyo Ka jireen ganacsiyaha gaarka ah oo mararka qaar shuruudahooda ay is diidanaayeen danaha guud.

Agaasimaha guud ee Wasaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh Al-Cadaala ayaa isna sharaxay heerarkii uu soo maray tar-tanka isagoo xusay xilli adag oo dadka ay Ka baqijireen kooxaha arga-gixisada balse xilligan uu marayo heer tirada codsadayaasha aad loo xadiday.

Siihayaha wasiirka warfaafinta ahna wasiir ku xigeenka wasiirka Wasaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo hadalka qaatay ayaa isna dhankiisa u mahad celiyay dhammaan qof kasta oo kaalin kulahaa tar-tanka, waxa uu si gaar ah ula dar-daarmay guddiga tar-tanka oo ugu baaqay Alle Ka cabsi, dadka wax heysto ayuu sido kale ku booriyay in ay afuriyeen dadka  aan wax heysan ee walaalahooda.

Markii ugu horreysay tar-tanka waxaa sanadkan Ka qeyb galay Wasaradda wax barashada oo uu wasiirkeeda Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan  isna muujiyay dareen ahaan sida uu ugu faraxsanyahay heerarka uu soo maray tar-tanka, waxa uuna ballan qaaday in ay Ka qeyb qaadan doonaan kaalintooda, isagoo rajjo wanaagsan u rajeeyay ardeyda Ka badan 27-kun ee maalin kadib u fariisan doono imtixaanka ugu dambeeyay ee dugsiga sare iyo dhammaan Ka qeyb galayaasha tar-tan aqooneedka bisha ramadaan ee warbaahinta dowladda.

Ugu dambeyn, waxaa hadalka furitaanka qaatay guddoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar Yariisow, ugu horreynba waxa  u mahad celiyay dhammaan howl-wadeenada warbaahinta qaranka dhabar adeegii ay muujiyeen diyaarinta & isu goobidda dhammaan Ka qeyb-galayaasha, waxa uu ku sheegay dadaalkaas in  uu yahay  mid kamid ah waajibaadka saaran wasaaradda, dhanka kale waxa  uu sheegay in wasaaradda ay waajib ku tahay in dadka ay Ka wacyi geliso wax yaabaha dhib ku ah, arrimo kale oo amniga iyo caawinta ayuu soo hadal qaaday dhammaan dadaaladaasi waxa uu duqa Muqdisho ku sheegay in ay tahay waajibaad saaran Ka gobal ahaan  oo ay La wadaagaan dowladda dhexe,  dhammaan dadaaladaasi ayuu u jeedkooda ku koobay in ay tahay isku-tashi.

Degmooyinka Xamar-Jajab & Waabari ayaa nasiib u yeeshay in lagu furo tartanka caawa.