Sarkaal ka socda Kuuriyada Waqooyi oo Mareykanka kula kulmay Mike Pompeo

Date:

Wakiilka Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Yong Chol ayaa la kulmay Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo kadib markii ay munaasabadda kulanka lagu qabtay dhismo ku yaalla dhismaha Manhattan ee magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.

Kulankani ayaa sida la sheegay waxaa diiradda Lagu saaray qorshayaal badan oo ku jira kulan madaxeedka Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya kaasi oo lagu wado in la qabto bisha June ee nagu soo fool leh.

Labo kulan oo kale oo dheeraad ah lagu wadaa inuu dhexmaro Wakiilka Waqooyiga Kuuriya oo ah ninka gacanta midig ugu qaabilsan Madaxweyne Kim John-Un, kaasi oo horey u ahaa madaxii hay’adda Jaajuuska ee Waqooyiga Kuuriya iyo Pompeo oo horey u ahaa Madaxii Sirdoonka CIA-da ee dalka Mareykanka  iyadoo kulamadaasi lagu wado in qabsoomaan khamiista maanta ah.

Ergayga gaarka ah ee hogaamiyaha dalka Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa gaaray magaalada New York City.  Ninkan oo da’diisu lagu sheegay 72-sano jir ayaa lagu yaqaanaa inuu kamid yahay dadka ugu awoodda badan ee Waqooyiga Kuuriya.

Waxa uu ninkan sida lasheegay ka cayaaray door dhexdhexaad ah shir madaxeedkii dhowaan dhexmaray Kim Jong-un dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in.

Taxanaha kulamadani ayaa yimid kahor inta uusan qabsoomin kulan madaxeedka heerka sare ee la qorsheeyay in 12bisha June uu ku dhexmaro gudaha dalka Singapore Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Kuuriya Waqooyi ee Kim Jong-un.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...