Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Guddoomiyaha G/banaadir oo caawa kormeeray qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Yariisow iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska , ayaa caawa kormeeray Xarunta dambi baarista Ciidanka Booliska, Taliska Ciidanka ilaalada Nabad gelyada Wadooyinka, Xarunta gaadiidka C.B.S, Dugsiga tababarka ee Gen. Kaahiye  iyo Xarunta Caruurta Agoonta ee Ciidanka Booliska.

Taliyaha iyo guddoomiyaha, ayaa u kuur galay sida xilliga habeenkii ay shaqeeyaan xarumahaasi, waxaana halkaasi ay kula kulmeen Ciidanka iyo Saraakiisha Madaxda ka ah  xarumaha ay kormeereen, iyaggoo  ka wareystay shaqada ay hayaan iyo howlaha nabad gelyada Caasimada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Yariisow, ayaa Xarunta Agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  kula afuray Qaar kamid ah Saraakiisha Booliska, Ciidanka iyo Caruurta xaruntaasi lagu barbaarinayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....