Shacabka Muqdisho oo soo dhaweeyey gaadiidka ay dowladda Soomaaliya u diyaarisay dadweynaha

Date:

Muqdisho(SNTV) Iyadoo lagu guda jiro dabaal dega todobaadka xoriyadda Soomaaliya maantana ay ku beegantahay 1-da Luulyo oo ah maalintii gobolada Koonfureed ay qaateen xoriyadda ayna midoobeen Waqooyi iyo Koonfur ayaa waxaa amaanka magaalada Muqdisho loo adkeeyey si wanaasgan.

Wadooyinka ayaa lagu arkayaa ciidamada  amniga qeybohoodi kaladuwan,taasi oo qeyb ka ah dabaaldegga farxadda xoriyadda,iayadoo taasi ay jirto ayaa dhanka kale Dowladda soomaaliya waxaa ay Shacabka Magaalada muqdisho u diyaarisay gaadiid waaweyn oo Basas ah,kuwaasi oo loogu talagalay in lagu daabulo dadweynaha ka qeybqaadanaya dabaal dega iyo kuwa kale oo doonayaa in ay isaga kalagooshaan gudaha magaalada,maadaama waddooyinku ay xiran yihiiin inta uu dabaal dega socdo.

Gaadiidka ay dowladda Soomaaliyeed shacabku ay u diyaarsiyay ayaa meelaha ay gaari doonaan waxaa kamid ah:-

Laga soo bilaabo Ex-Kantorool Afgooye,Daljirka,garoonka kubadda cagta Koonis,isgoyska Terbuunka iyo isagoyska Sanca ee magaalada Muqdisho,taasi oo ku dareensiinaysa sida dowladda Soomaaliya ay waxbadan uga taxadirtay daryeelka dadweynaha.

Talaabadan oo ay dowladda Soomaaliya shacabka ugu diyaarisay gaadiid lagu daabulo inta uu socdo dabaaldegga ayaa sahlaya wadashaqeyn dhexmarta laamaha ammaanka iyo shacabka,waxaana siweyn u soo dhaweeyey talaabadaasi oo ay dowladda qaaday shacabka kunool magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....