Home Blog Page 1278

Doorashada Mexico: Lopez Obrador oo ballan qaaday isbedel qotodheer kadib guushiisa ‘Sawirro’

Muqdisho (SNTV) Musharaxa xisbiga garabka bidix Andres Manuel Lopez Obrador ayaa sheegay inuu la imaan doono isbedel inta badan ku wajahnaan doono dhinaca masuq maasuqa.

Madaxweynaha cusub ee dalka Mexico ayaa la sheegay in la sugayo sida uu u wajihi doono cilqaaqaadka dalkiisa kala dhaxeeya xukuumadda Washinton, inkastoo fariin xagga Twitter-ka uu madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu ugu hambalyeyay hogaamiyaha cusub ee dalka Mexico, balse waxaa weli taagan caradii ka dhalatay cambaareeynta Donald Trump ee xagga ganacsiga iyo Socdaalka uu usoo jeediyay Mexico.

Hogaamiyaha cusub ee dalka Mexico Andres Manuel Lopez Obrador oo ay da’diisu tahay 64-sano jir ayaa ballan qaaday inuu xushmeeyn doono xorriyadda rayidka waxaana uu sheegay in uusan doonayn inuu noqdo keli talis muuqata ama mid dahsoon intaba.

Qaar kamid ah mucaaradka ayaa cabsi ka muujinaya in ninkan kasoo jeeda garabka bidix iyo siyaasadiisa baabulaaristaha ay dhaawici karayso dhaqaalaha horey uliitay islamarkaana ay Mexico ka dhigi karto mid lamid ah sida Venezuela oo kale taasi oo wajahaysa dhibaatooyin xagga dhaqaalaha ah iyo sicir barar faraha kasii baxay.

Tariikh nololeedka Hogaamiyaha cusub ee Mexico

– a brief biography

  • Andrés Manuel López Obrador, waxa uu kasoo jeeda qoys dukaan leey ah waxaa uu dhashay 13 bishii Nofeember ee sanadkii 1953 tuulo kutaala miyiga Tepetitán, oo katirsan gobolka dhinaca koonfurta ee Tabasco state
  • Waxa uu caan ku ahaa magaca Amlo, oo ahaa mid uu isticmaali jiray bilowga magaciisa.
  • Waxaa loo doortay duqa mgaalada ee Mexico sanadkii 2000
  • Kadib markii uu ku guuldareystay doorashooyinkii madaxweynenimo sanadihii u dhaxeeyay 2006-2012, waxa uu hogaaminayay qatigan isbahaysi uu horkacayay Xisbiga Dhaq-dhaqaaqa Dhalinta Qaranka ee Garabka Bidix ee loo soo gaabiyo (Morena) kaasi oo uu aas aasay sanadkii 2014-kii.

Wejiga labaad ee dib u eegista Dastuurka oo la daah-furay

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka iyo Hirgelintiisa ayaa kullan ay ku yeesheen Magaaladda Muqdisho waxay ku daahfureen Wajiga labaad ee dib-u-eegista Dastuurka KMG-ah.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka Maxamed Daahir Afrax ayaa sheegay in guddigoodu u taagan yahay sidii uu ugu shaqeyn lahaa in Soomaaliya hesho Dastuur aan KMG aheyn.

“Waxaan u taaganahay in aan dib-u-eegis rasmi ah ku sameyno Dastuurka KMG ah, waxaana maanta Daahfurnay Wajigii labaad waxaa noo yaala shaqo badan taasi oo waliba aan rabno in aan ku dhameystirno waqti yar”  Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka ayaa sidaasi sheegay”.

Sidoo kale Gudoomiyaha Guddigan ayaa tilmaamay in Dastuurku yahay Heshiis Bulsho uuna ku socon karo wadatashi iyo in Bulshada loo soo bandhigo arrimaha jira.

“Dastuurka waa heshiis Bulsho kaasi oo leysku raacayo waxaana muhiim ah in markasta laga wadatashado sidii wax loo sameyn lahaa iyada oo Bulshada Soomaaliyeed loo soo bandhigayo arriamaha muhiimka ah”.

Cutubyada Dastuurka ayaa loo kala qaaday Seddex qeybood waxaana Gudiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka hadda ka shaqeynayaan qeybtii ugu horeysay taasi oo rajeynayaan in sidda ugu dhaqsiyaha badan ku soo gabagabeeyaan.

Khilaaf Xooggan oo ka dhex-taagan  R/wasaaraha Jarmalka & W/A/gudaha dalkaasi oo kudhow inuu xilka iska casilo. ‘Sawirro’

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Arrimaha gudaha dalka Jarmalka ayaa qorshaynaya in kulankii ugu dambeeyay uu la qaato R/wasaaraha Jarmalka Angela Merkel kadib markii uu ku hanjabay in uu ka degayo xilka markii ay soo if baxeen dibadbaxyo looga soo horjeedo siyaasadda Merkel ee kuwajahan xagga Socdaalka .

Horst Seehofer oo ah wasiir Arrimaha gudaha dalka Jarmalka ayaa lagu soo waramayaa inuu ku wajahan yahay xarunta xisbiga CSU oo ah xisbiga ugu muhiimsan oo katirsan isbahaysiga Merkel.

Wasiir Horst Seehofer ayaa qaba in booliiska ay ka qaadaan muhaajiriinta ku sugan xadka Bavaria islamarkaana ay kuwa magangelyo doonka ahi ay la aadaan meelo kale, halka ay Merkal oo ah R/wasaaraha jarmalka ay ku adkeysanayso in heshiis ballaaran oo kuwajahan muhaajriinta lala galo midowga reer Yurub.

Warka ayaa intaasi ku daraya in waqtigan ay si weyn cirka isku sii shareertay mashkiladda muhaajiriinta ee ka dhex-taagan wasiirka Arrimaha gudaha Jarmalka Horst Seehofer iyo Ra’iisul wasaare Angela Merkal, mana jiraan wax waan-waan ah oo suurtagal ah in laga dhex sameeyo si ay laysagu soo dhoweeyo aragtida kala gedisan ee labada mas’uul ee kusaabsan maareeynta muhaajiriinta.

Khatarta Mrs Merkel ayaa ah in Mr Seehofer uu xisbiga CSU ka saaro Isbahaysiga, halkaasi oo ay Angela ku lumin doonto aqlabiyadda ay ku lahayd gudaha baarlamaanka dalka Jarmalka.

 

 

 

 

0

 

Duqa Muqdisho oo ku bogaadiyey bulshada caasimadda kaalintii ay ka qaateen xuska todobaadka xorriyadda

Muqdisho, 2-da Luulyo, 2018; Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo la kulmay guddiyada heer gobol ee qaban qaabada xuska maalmaha xoriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa uga mahad celiyey shacabka gobolka kaalinta mugga weyn ee ay ka qaateen dabbaal degyadii lagu xusayey sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegtay xorriyadda gobollada koonfureed iyo midowga labada qeybood ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in shacabka Gobolka Banaadir ay taariikh dheer ku leeyihiin sooyaalka xornimo-doonka dalka iyo qaban qaabada munaasabadaha taariikhiga ah ee heer qaran.

“Waxaan ku bogaadinayaa guddiyada kala duwan ee 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir dadaalka ay ugu jireen maalmahaan oo idil qabsoomidda munsaabadaha todobaadka xorriyadda, iyagoona muujiyey dareenka wadaniyeed ee ay u qabaan dadkooda iyo dalkooda.”

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow ayaa bogaadiyey sida shacabka Gobolka Banaadir ay ula shaqeeyeen hay’adaha ammaanka iyo Maamulka Gobolka oo xaqiijiyey in si nabad ah ay ku qabsoomaan dhammaan munaasabadihii ku aaddanaa todobaadka xurriyadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay bulshada in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka si looga hor tago falalka falalka gurracan ee argagixisada Alshabaab u maleegayaan shacabka.

“Amniga Caasimadda ee soo hagaagay waxaa ka dhashay horumar iyo isku-xirnaan bulsho iyo Ciidan, sidaas darteed, argagixisadu waxay bilowday hoobiye in ay ku garaacaan goobaha shacabka, waan ka xunnahay falkii argagixiso ee degmada Wadajir, waana la qeybsanaynaa murugada ehellada dadkii dhibaatadu soo gaartay maamulkuna gurmadka qeybtiisa ayuu ka qaadanayaa.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Kulankan waxaa ka qeeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Xoghayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen, Agaasimeyaal iyo qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo guddiga qaban-qaabada ee heer gobol.

Jubba Hoose oo Al-shabaab looga dilay malleeshiyo badan

0

Ciimmada Malateriga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose ayaa dilay koox malleeshiyo ka tirsan Al-shabaab kaddib markii ay qaadeen weerar qorsheysnaa.

Taliska qeybta 43-aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u xaqiijiyey warbaahinta Qaranka in ay duleedka Baar-sanguuni ka fuliyeen howlgal lagu bartimaameedsanayey malleeshiyo ka tirsan Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku joogtey goobtaas, isla markaana weerarka ay ku dileen in ka badan 15 Al-shabaab ah.

Ciidanka Malateriga Soomaaliya ayaa qabsadey Hubkii ay siteen kooxda lagu khaarajiyey howlgalka, kaas oo isugu jira Qoryaha fudud, Rasaas iyo walxaha Qaraxyada laga sameeyo.

Dhinaca kale Horjooge Cali Cabdullaahi Sadiiq oo Al-shabaab u qaabilsanaa deegaan lagu magacaabo Muuse Xaaji oo ka tirsan Jubbada Hoose ayaa isu dhiibay ciidanka Xoogga dalka, horjoogahaas ayaa lagu soo bandhigay deegaanka Baar San-guurni, waxa uu shegay in uu muddo ku fakarsanaa sidii uu uga baxsan lahaa kooxda hororka ah ee Al-shabaab, fursad weynna uu u arko in uu gacanta dowladda soo galay.

Ciidammada  ayaa laba-laaban howlgallada ka socda gobollada Jubbooyinka, toddobaadkii hore degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa dhaawac culus loogu geystay Dhagar-qabe horjooge Bashiir Qoor-gaab kaddib howlgalkii ay ciidanka amniga Soomaaliya ugu magac dareen haddiyadda xorriyadda.

 

 

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wafdiga Jabuuti ee Kasoo Qeyb Galay Xuska1-da Luuliyo

Muqdisho, 2-da Luulyo, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdiga ka socday Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo Muqdisho kaga qeyb galay xuska maalinta xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo himilooyinka wadajirka ah ee ay xambaarasanyihiin, isagoona sheegay in farxad-wadaaga, iska warqabka, dheef iyo dhib isla qeybsiga labada dal uu ku saleeysan yahay taariikhda qotoda dheer ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa yiri; “aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sida walaaltinimada leh ee aad noogala soo qeyb gasheen sanad guurada 58aad ee ka soo wareegtay xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo midwoga labada gobol. Jabuuti waa dal aanu walaalo nahay, mar walbana garab iyo taageero noo ah.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, wuxuuna qiray in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan hiilka walaaltinimo.

Wafdiga ka socday dalka Jabuuti ee la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, fannaaniin ka tirsan Kooxda Xarbi ee Ciidamada Qalabka sida ee dalka Jabuuti iyo saraakiil ciidan.

Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliyana waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida.

DHAMMAAD

Madaxweynaha JFS oo kormeeray goob adeeg caafimaad si bilaash ah loogu sameynayo dadka danyarta ah

Muqdisho(SNTV);- Adeegaan Caafimaad ee sida bilaashka ah loogu sameynayo qaar ka mid ah dadka danyarta ah oo qayb ka ah weyneynta koowda luulyo ayaa maanta waxaa laga sameeyay dhowr goobood oo magaalada Muqdisho ah, waxaana booqday oo dhiiri galiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Goobaha adeegga loogu sameynayay dadkaan waxaa ka mid ah Taalada dajirka dahsoon Isbitaalka Martiini oo hooy u ah naafada xoogga dalka isgooska KM4 iyo goobo kale kuwaasi oo dhammaan baaritaano loogu sameynayo dadka ka dibna daawooyin lagu siinayo .

Adeegaan caafimaad waxaa ugu deeqday dadkaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo u wakiishay fulintiisa qaar ka mid ah dhaqaatiirta da’yarta ee jaamacadaha dalka.

Qaar ka mid ah dadka ka faa,iideystay adeegaan caafimaad ee bilaashka ah ayaa ka mahad celiyay.

C/fitaax faysal oo wakiil uga ahaa madaxweynaha gaarsiinta adeegaan bulshada danyarta ayaa faah faahiyay qaabka ay u fuliyeen.

Horay ayaa adeeg kan la mid ah waxaa looga fuliyay Gobolka Banaadir, kaasi oo sidoo kale madaxweynaha dalku ugu deeqday danyarta.

Muritaaniya oo hambalyo u soo dirtay Shacabka Soomaaliyeed

0

Muqdisho(SNTV);- Soomaaliya ayaa xuseysa maanta  58 sano guuradii kasoo wareegatay markii ay gobonimada ka qaadatay Gumeystaha, arrintaasi awgeed Dowlado badan oo Caalamka ah ayaa tahniyad usoo diray Soomaaliya, waxaana ka mid ah Murataaniya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Muritaaniya Sayid Maxamed Walad Cabdicasiis ayaa dhambaal hambalyo ah usoo diray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo munaasabadaan awgeed.

“Mudane Madaxweyne, Saxiib, aniga oo ku hadlaya Magaca Xukuumadda iyo Shacabka Muritaaniya, , waxaan idin kugu hambalyeenayaa farxada maanta, caafimaadkiina iyo horumarkiina, waxaana idiin rajeynayaa baraare” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa uu xaqiijiyay in ay sii wadayaan xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya labada Dal ee u adeegaya danaha labada Shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Murataaniya.

Dowlado badan oo Caalamka ah ayaa hambalyo taasi la mid ah u diray Madaxda iyo Shacabka Soomaaliya oo ay ka mid tahay Mareykanka.

Maxamed Cali Axmed Rooraaye.

Michael Keating oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda 1-da Luulyo

0

Muqdisho, 1 Luulyo 2018 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad-guurada 58aad ee kasoo wareegtay madaxbanaanida dalkooda.

“Hambalyo! Tani waaa maalin aad ugu weyn dhammaan dadka Soomaaliyeed, ee ku nool wadanka iyo dunida dacaladiisa, In kastoo ay jiraan dhibaatooyin badan oo ay sii wajahayaan wali, haddana Soomaalida waxay ku faani karaan horumarka la sameeyay,” ayuu yiri Mudane Keating. “Dabaal-deggani wuxuu kusoo aadayaa xilli ay jirto fursad siyaasadeed iyo rajo badan oo laga qabo nabadgalyadda iyo mustaqbal wanaagsan.”

“Waxaan si diirran u amaanayaa Madaxweynaha, Ra’iisul iyo dowladdiisa inay ka go’an tahay in ay dib u habeyn ku sameeyaan dhan kasta ha ahaato dhaqaalaha, amniga ama arimaha siyaasadeed, waxayna ku boorinayaan dhammaan hoggaamiyeyaasha, ha noqdaan qaybaha dadweynaha guud ama qaybaha gaarka ah, in ay la shaqeeyaan iyaga si ay u gaaraan natiijooyinka {Himilooyinka} dadka. Gaar ahaan Dhalinyartu waxay ka rajeynayaan hoggaamiyayaashooda waddanka  shaqooyinka iyo fursaddo, xasilooni xag amniga ah iyo helitaanka adeegyada kale.”

“Wax badan ayaa laga guul gaaray 12 bilood ee lasoo dhaafay. Waxaa laga hortegay [inay dillaacdo] macluul soo fool lahayd, iyadoo la kordhinayo dakhliga iyo deeqaha, loo marayo sharciyo muhiim ah iyo iyado la cadeynayo  xirirka shaqo ee ka dhaxeeya Xukuumadda federalka iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda, iyado ay sii dheertahay dib u eegista dastuurka iyo hanaanka doorashooyinka, iyo dib u habeynta qeybaha amniga”

“Wadada horteena ah waa mid aad u dheer, caqabadahuna waa in aan la dhayalsan, ugu yaraan awoodda burburinta rabshadaha xagjirnimada iyo khatarta khilaafka siyaasadeed iyo khilaafaadka kale waxay wiiqi doonaan dadaalada lagu doonayo in lagu gaaro natiijooyin  faa’iido u leh Soomaalida. Laakiin ajandaha ay dawladdu samaysay waa mid wanaagsan oo u qalma midnimada qaranka iyo taageerada caalamka waqtigan.

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka waxay si dhow ula shaqaynayaan dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada si ay uga caawiyaan in ay gaaraan natiijooyinka, oo ay ugu muhiimsan yihiin Amniga, Shaqooyin iyo Adeegyada kale, iyo in la sameeyo arimahan si ay u xoojiso nidaamka sharciga, wadajirka iyo isla xisaabtanka. Qaramada Midoobay waxay u soo jeedineysaa sanad guuradan iyadoo u rajeyneysa midnimo dhammaan umadda soomaaliyeed sanadyada soo socda.”

Madaxweyne Farmaajo “waxaan diyaar u nahay inaan soo celinno wada-hadalladii Somaliland” (Sawirro)

0

Muqdisho, 1-da Luuliyo, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabbaal-dagayay sanad guuradii 58-aad ee kasoo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koofureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur taas oo ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabaddan oo ay kasoo qeybgaleen kumannaan shacab ah ayaa ugu horreyn si kooban uga hadlay taariikhda xornimadda Soomaaliya iyo sidii looga adkaaday isticmaarkii Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta ay mudan tahay in qofkasta oo Soomaali ah uu is waydiiyo 58 sano keddib in aan gaarnay himiladii ay lahaayeen Soomaalidii gobannimo doonka ahayd.

Mar uu ka hadlayay wada hadalladii hakadka galay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ayuu yiri; “Soomaaliland waa dad walaalaheen ah, duruufo badan oo na kala qaybiyay ayaan soo marnay. Dowladdan waxa ay diyaar u tahay in ay wada hadalladii soo celiso, si kasta oo aan kalsooni ku galin karnana aan ku galinno, maxaa yeelay waa walaalaheen, waana gacan iyo garab naga maqan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka soo noqnoqday ee degaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo adkeeyay in Soomaaliya aysan u baahnayn in colaad iyo dhiig dambe lagu daadiyo.

Madaxweynaha oo ka hadlayay dhibaatada argagixisadu ay ku hayso ummadda Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka in ay dowladda garab istaagaan si looga adkaado Alshabaab iyo Daacish oo doonaya in ay dalka dib u dhigaan ayaga oo adeegsanayo aragtiyo dadyow kale laga soo minguuriyay kuwaas oo lid ku ah diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban ee ummadda Soomaaliyeed.

“Al Shabaab, Alqaacida iyo ISIS (Daacish) waxay isticmaalaaan qaabkii gumeystuhu u isticmaali jiray kala qeybinta dadkeenna. Waxay adeegsadaan qabaayalad iyaga oo isku dira qabiilladda, sameysatana odayaal dhaqmeed u gaar ah. Waa inaan ka xorownaa kooxahaas canaasiirta ah si aynu u gaarno nabadda iyo barwaaqadda aynu hiigsaneyno.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Maanta waxaad heystaan dowlad uu aduunku u arko in ay tahay dowlad wanaagsan, dowlad sharafkiinna iyo sumcaddiinna ilaalineysa oo idiin keeneysa magac wanaagsan. Waxaa la doonayaa in aad gacan siisaan, lana shaqeysaan dowladdiina.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa isla maanta ubax dhigay Taalladda Dajirka Dahsoon oo ka mid meelaha taariikhiga ah ee lagu xasuusto dadkii usoo halgamay xornimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay dhakhaatiir iyo dhallinyaro mutadawiciin ah, oo gargaar degdeg ah u fidinayay shacabka danyarta ah, si uu ugu dhiirrigeliyo hawlaha samafalka ah ee ay u fidinayaan shacabkooda.

Munaasabadda 1-da Luuliyo ee lagu qabtay Garoonka Banaadir waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisow, wafdi ka socday Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, safiirada dowladaha Turkiga, Qatar, Shiinaha iyo Imaaraadka, xubno ka socday Midowga Afrika, Ciidamada qalabka sida iyo kumannaan shacab ah.