Home Blog Page 1275

Ra’iisul Wasaare Khayre, “Dhaqaalaha Wadanka Lama Kobcin Karo Hadii dadku Aysan Xirfad Laheyn”

0

Muqdisho, July 05, 2018– Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galay munaasabadda dib-u-howl gelinta machadka isgaarsiinta qaranka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahanyahay in la helo xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ka qeyb qaata horumarka dalka iyo kobac dhaqaalaha.

“Waxa aan rabnaa in aan la tartanno dunida, waxa aan rabnaa dalkeenna iyo dadkeenna in aan horumarinno. Waxa aan rabnaa in dhaqaalaha waddanka kobcinno. Dhaqaalaha wadankana lama kobcin karo hadii aan la helin dad xirfadlayaal ah. Maadaama aan rabno in aan dhaqaalaha wadanka kobcinno, qof waliba oo Soomaali ah uu isku filnaado, noloshiisu ay wanaagsanaato si dalka iyo dowladnimada uu u jeclaado una difaaco waxaa loo baahanyahay in dadku xirfad yeeshaan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasarha ayaa aad ugu celceliyay in ay Muhiim tahay in la bedelo dhaqankii hore ee ahaa nin jecleysiga, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa, laguna bedelo waxqabad iyo daacadnimo.

“Marka aan machadka isgaarsiinta dib u fureyno, dawladda nagu dheggan ee Jabuuti waxa ay maanta isugu yeertay madaxda Afrikaanka ah si ay tusiso balaayinnta doollar ee ay ku maalgashadeen ganacsiga, dawladda Kenya waxa y dhoofineysaa Shidaal, dawladda Ethiopia sidaas oo kale. Waxaa la rabaa dadka Soomaaliyeed in ay hurdada ka kacaan oo la xisaabtamo. Qabyaalada aan qarranimo ku bedelno, laaluushka iyo Musuq-maasuqa aan daacanimo ku bedelno, Fadhi ku dirirkana aan shaqo ku bedelno”, ayuu ku boorriyay ka qeyb galayaasha Munaasabadda.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan, oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dib u furitaanka Machadka ay qiima weyn ugu fadhido Hawl-wadeennada wasaaradda, dawladda Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku reja weyntahay in kaadiriinta lagu tababarayo Machadka Isgaarsiinta qaranka ay musqabalka horumariyaan Software aduunka loo dhoofiyo, waxa uuna ka dalbaday hey’adaha isgaarsiinta in ay taageeraan machadka.

Machadka Isgaariinta qaranka oo qeyb ka ah wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda waxaa la’aasaasay June 28, 1976, si loogu tababaro shaqaalaha isgaarsiinta ee isugu jira Farsamayaqaannada iyo injineerada.

Tababar ku saabsan maareynta arrimaha Baarlamaanka oo maalintii 3-aad Muqdisho ka socda

Muqdisho(SNTV);- Tababar aad loo soo agaasimay kuna saabsanaa maaraynta arrimaha Baarlamaanka (Administration of Parliaments) ayaa maalintii saddexaad ka socda magaalada Mogadishu ee Caasimadda Dalka.

Tababarkan ayaa waxaa soo agaasimay kana shaqeeyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,waxaana Tababarka  loo qabtay Xoghayeyaasha Guud, Agaasimyaasha, Howlwadeenada iyo Shaqaalaha kala duwan ee Baarlamaanka Federaalka iyo Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada Dalka.

Tababarka ayaa waxa uu socon doona muddo todobaad ah, iyadoo ujeedku yahay kor-u-qaadidda Xirfadda iyo aqoonta Shaqaalaha Baarlamaanka.

Tababarka waxaa furay Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmad (Bukhaari) oo kula dardaarmay dhamaan kaso qayb galayaasha in ay si dhab ah uga faa’idaystaan fursadan korna u qaadaan xiriirka iyo wadashaqaynta dhexdooda, gaar ahaan Baarlamanka Federaalka iyo Baaarlamaanada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Tababarka ayaa waxaa bixinayay Khubaro ku tashasusay arrimaha Baarlamaanka , maamulka iyo hormarinta Ha’aadaha dowladeed.

Tababarka ayaa waxa gacan wayn ka gaystay Hay’adda UNDP gaar ahaan Mashruuca Tayaynta Baarlamaanka.

Machadka Isgaarsiinta Qaranka oo dib loo hawlgeliyay

0

(Muqdisho, 5ta Luulyo 2018) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada ayaa dib u hawl-gelisay Machadka Tababarka Isgaarsiinta Qaranka oo hoos tagi jiray Wasaaradda, kaas oo sare u qaadi doonta xirfadaha teknoolojiyada ee dalka.

Machadka oo la aasaasay sanadkii 1976-dii waxaa dhinaca qalabka iyo tababarrada ka caawin jiray Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), hase yeeshee waxay hawlihiisi joogsadeen sanadkii 1991-kii. Hase yeeshee, tan iyo sanadkii 2011-kii waxaa la isku dayay in dib loo kiciyo Machadka, waxaase caqabad ka haysatay sidii loo heli lahaa qalabkii farsamada isgaarsiinta iyo teknoolojiyada ee lagu tababaran lahaa, taas oo haatan la xalliyay.

Machadka ayaa haatan lagu diyaariyay sheybaarro computer iyo cisco ah (computer and Cisco labs), waxayna ardeydu ku tababaran karaan internetka Dawladda, dotSO oo laga baranayo sida loo maamulo website-yada, Xarunta Isku-xirka Internetka (Internet Exchange Point), kuwaasoo ay Wasaaradda hirgelisay lixdii bilood ee u dambeysay, iyadoo hawlahaasi ay Wasaaradda kala shaqeyn doonto Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Injineer Cali Afey oo ah Agaasimaha Isgaarsiinta ee Wasaaradda iyo Injineer Daahir Jeyte oo ka tirsan Shirkadda NationLink oo ku hadlayay magaca shirkadaha isgaarsiinta, oo labaduba ka tirsanaa ardeydii ka soo aflaxday machadkan, ayaa ka hadlay kaalintii uu machadkan lahaa iyo in aqoontii ay ka kororsadeen ay haatan ku shaqeeyaan maamulayaasha isgaarsiinta dalka.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada GalMudug, Mudane Axmed Dubbad Cali, oo matalayay wasaaradaha isgaarsiinta ee dawlad-goboleedyada, ayaa ku ammaanay Wasaaradda guusha laga gaaray dib-u-hawl-gelinta Machadka, isagoo u rajeeyay Machadka guulo waaweyn.

Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Prof. C/laahi Sheekh Cali (Qalloocow) iyo Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan, ayaa labaduba ka hadlay sida aqoonta teknoolojiyada ay u horseedi karto shaqo-abuurista, kordhinta dhaqaalaha, iyo sidii loo dhimi lahaa saboolnimada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Machadka uu wax weyn ka qaban doono sidii loo soo saari lahaa xirfadlayaal dhinaca teknoolojiyada ah. “Markii aan xilka la wareegnay waxaan goosanay inaan Machadka ku dhisno isku-tashi, waxaana qalabkan iyo dayactirka ku sameynay inagoo kaashanay bahda waxbarashada, inaga oo aan Xukuumadda wax lacag weydiisanin,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa u mahad celiyay Isku-xirka Waxbarashada iyo Cilmi-baariista Soomaaliya (Somali REN) oo ku deeqay qalabka computer-ka, website-ka iyo dajinta manhajka Machadka, isaga oo ugu baaqay ganacsatada Isgaarsiinta inay markan kaalintooda ka geystaan sidii dhismihii hore ee Machadka loo dhisi lahaa sida ugu dhaqsaha badan. Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ku ammaanay Wasiiru-dawlaha iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, oo labaduba munaasabadda goobjoog ka ahaa, gacanta ay ka geysteen guulaha degdegga ah ee ay Wasaaraddu ku tallaabsatay.

Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xasan Cali Kheyre, oo ka hadlayay xiritaanka munaasabadda, ayaa ku ammaanay Wasaaradda dadaalka ay ku bixisay ansixinta sharciga iyo dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo inay haatan dib u soo nooleysay Machadkii Isgaarsiinta Qaranka, isagoo sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu u baahan yahay in isbeddel lagu sameeyo iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda.

Ra’iisul wasaaraha oo isbarbardhig ku sameynayay waqtiga ku baxa iyo dhaqaalaha ay soo kala saari karaan qofka ku shaqeysta teknoolojiyada iyo qofka ku shaqeysta beero ama xoolo aan cilmi lagu dhaqin ayaa xusay n dadkeena loo jiheeyo dhinaca teknoolojiyada. “Dhaqaalaheena ma horumari karo haddii aan la helin shaqaale xirfad leh”, ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Ra’iisul Wasaaraha.

Dowladda Hoose ee Muqdisho oo bilaabeeysa hirgelinta mashruuca soo kabashada dhismaha Muqdisho

Muqdisho(SNTV);- Dawladda Hoose ee Muqdisho waxay bilaabi doontaa hirgelinta Mashruuca soo Kabashada Magaalada Muqdisho Toddobaadyada soo socda. Mashruucan waxaa ka mid ahaan doona dhisida Wado Xaafadeedka ee degmadaada. Saa’ aawadeed ka qaybqaadashadaada mashruucani aad ayay muhiim u tahay.

Marka laga reebo dhismaha waddooyinka kasokow, sidoo kale Mashruucan waxaa loogu talagalay inuu u abuuro shaqooyin bulshada ku dhaqan degaanka.
Dawladda Hoose waxay ku dadaali doontaa in dhismaha waddooyinkaasi ay ku yeeshaan saamaynta ugu yar nolosha dadka ku nool degaanlkaas.

Dawladda Hoose ee Muqdisho waxay diyaarisay dokumeenti siinaya macluumaad aad u qoto dheer oo ku saabsan sida uu mashruucan u saameyn karto dadka deggan degmada.Qoraalka Dukumeentiga oo dhan waxaa laga heli karaa dhamaan xarumaha degmooyinka, waliba waxaad heli kartaa asagooo ku tarjuman
Af-Soomaali.

Ka hor inta aysan bilaabin dhisida Jidadkan, Gudi ka kooban dadka degaanka oo ay ka mid yihiin Odayaasha, Dadka Degaanka, Wakiilada Beelaha, iyo Saraakiisha Degmada ayaa la samayn doonaa, si wax looga qabto arrimaha dadka degaanka ee ku saabsan mashruuca.

Dawlada Hoose waxay dooneysaa in ay samayso tirakoob dhammaan waddooyinka la dhisi doono todobaadyada soo socda. Dawlada hoose waxay caawinaysaa dadka uu saameeyo mashruucan.

Guddi ayaa loo dhisi doonaa si wax looga qabto cabashooyinka iyo sidii loo heli lahaa siyaabo kale oo lagu xaliyo cabashooyinka si cadaalad ah iyo hab maamuus wanaagsan.

Lifaaqa Hoose ka Akhriso Warbixinta Mashaariicda oo faah faahsan:-

ESMF-DISCLOSURE-DOCUMENT-Eng-Somali

Guddoomiye yariisoow oo qaabbilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

0

Muqdisho-(SNTV)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho, Cabdi Raxmaan Cumar Cusman (Enj Yariisow) ayaa Saakay oo Khamiis ah Xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Oglan Baker.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya uga Mahad Celinayay Maamulka Gobolka Banaadir xafladdii uu u qabtay Shaqaalaha Dalka Turkiga ee ka howl gala Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Safiirka ayaa wuxuu Maamulka Gobolka Banaadir uga mahad Celiyay Doorashadii uu ku guuleystay Madaxweynaha Dalka Turkiga iyo Taageeradii ay la garab taagnaayeen.

Ugu danbeen Duqa Muqdisho ayaa kala hadlay Safiirka Turkiga in lasoo Celiyo Barnaamijyada Caafimaadka Waxbarashada iyo adeegyadii ay u qaban jireen walaalahood Soomaaliyeed.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo sheegtay in dayactir lagu sameynayo Dekadaha dalka

0

Hobyo(SNTV);- Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Maryan Jaamac Aways oo la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in dib u dhis iyo dayactir lagu samaynayo Dekadaha dalka, si uu u kordho daqliga dalkeenna.

Wasiirka ayaa sidoo kale faah-faahin ka bixisay Booqasho dalka ay ku joogaan wafdi ka socda dowladda Qadar oo qiimayn ku samaynaya Dekadaha, si ay maal gashi ugu sameeyaan.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Marwo Maryan Jaamac Aweys ayaa sheegtay in iyada iyo Wafdi ka socda Qadar ay booqdeen Dekadda Qadiimiga ah ee Hobyo,waxayna sheegtay in Wafdiga ka socda Dowladda Qadar ay daneynayaan iney maalgashi ku sameeyaan Dekadaha dalka ku yaalo.

Degmada Hobyo oo ah deegaan istiraatiji ah ayaa waxaa ku yaalo Dekad weyn oo caalami ah oo haddii maalgashi iyo dayactir lagu sameeyo ay ka faa’idi karaan Shacabka Soomaalyeed.

Wafdigaan ayaa shalay Booqday dekada magaalada Hobyo, waxaana sidoo kale lagu wadaa inay tagaaan qaar kale oo ka mid ah magaalooyinka dalka.

Tababar ku aadan Istaraatiijiyada Xogaha Qaranka oo lagu qabtay  Muqdisho

0

Wasaaradda Qorshaynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta tababar hal cisho ah oo ku saabsanaa horumarinta Istaraatijiyadda Qaranka u qabatay xubno ka socday Wasaaradaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Tababarkan oo ay Wasaaraddu iska kaashanayeen Bankiga horumarinta Afrika ayaa lagu soo bandhigay sida ugu haboon ee loola socon karo sicirka suuqyada iyo badeecadaha kala duwan, taasoo ay macnaheedu tahay inay Dowladdu gacanta ku hayso xogta Istaraatiijiyadda Dalka.

Agaasimaha Guud ee xogaha Qaranka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Daahir ayaa sheegay in ay ku howlanyahiin dhismaha qeybaha kala duwan ee Wasaaradaha  Dowladda iyo sidii loogu diyaarin lagaa in ay xogaha Dalka iyaga soo uruuriyaan.

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah dalaallo lagu doonayo in la helo xubno aqoon u leh uruurinta xogaha Qaranka, kuwaas oo ka kala tirsan hay’adaha Dowladda iyo maamul Gobaleedyada dalka ka dhisan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa billowgii sanadkan ku guuleysatay la socodka sicirka suuqyada Dalka iyo qiimaha badeecadaha, taasoo muujineysa sida uu miro dhalka u yahay hindisaha xog uruurinta Qaranka Soomaaliyeed.

Maxkamadda Ciidamada oo xarig iyo ka saaridda liiska ciidamada isugu dartay sarkaal xigeen taliyihiisa isku dayay in uu qaarijiyo.

Muqdisho (SNTV)-Seddax Alifle Boliska Soomaaliyeed  Saciid Cumar Cusmaan ayaa loo soo qabtay in uu ka dambeeyay amar diido iyo isku day dil uu ku qaarijin lahaa taliyiiisa, waxaana Ciiamada amniga ay ku soo wareejiyeen   Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida  05/05 ee sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa isla maalintaas ka  codsaday Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in loo  gudbiyo Xabsiga si loo dhameystiro baarista kiiska ka dhanka ah eedeysanaha.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa wixii xilligaas ka dambeeyay   guda galay baarista kiiska ka dhanka ah eedeysanaha, waxa ayna soo diyaariyeen gal dacwadeed ka dhan ah Seddax Alifle Boliska Soomaaliyeed  Saciid Cumar Cusmaan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa go’aamisay in loo fariisto kiiska ka dhanka ah Seddax Alifle Boliska Soomaaliyeed  Saciid Cumar Cusmaan oo loo heysto amar diido iyo isku day dil, waxaana Garsoorayaasha 28 bishii tegtay  dhageysteen dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha oo ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida.

Ku xigeen Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida dhamme Muumin Xuseen Cabduulaahi ayaa ka hor sheegay fadhiga Maxkamadda in Seddax Alifle Boliska Soomaaliyeed  Saciid Cumar Cusmaan uu yahay eedeysanaha dhabta ah  iyagoo xafiiska horkeenay Qiraalka eedeysanaha, Markaatiyaal uu ku jiro taliyihii la isugu daray amar diidada iyo isku dayga dil, waxa ayna Maxkamadda ka codsadeen in sharciga la waafajiyo.

Qareenka difaacayay eedaysanaha ayaa ku dooday in loo naxariisto maadaama uu ka hor qirtay  Fadhiga Garsoorka dambiga uu leeyahay eedeysanaha.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaray iyagoo eegaya Qiraalka eedeysanaha laga qoray, Markaatiyaasha iyo jawaabaha uu eedeysanaha  fadhiga Maxkamadda ka hor cadeeyay ee aheyd qiraalka dambigiisa in eedeysanaha lagu xukumo Seddax sano oo xabsi ciidana,  laga xayuubiyada darajadii ciidan isla markaana laga saaro liiska Ciidamada, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda ka qeyb galay oo ay warbaahinta Garsoor ka mid tahay mid ka mid ah garsoorayaasha  Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow).

Eedeysanaha ayaa 30-cisho gudahood ku qaadan karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda D, 1-aad.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo tababar u furay Saraakiil ciidanka

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta tababar u furay Askar iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, gaar ahaan Ciidanka ilaaladda Nabad gelyada Wadooyinka ee Taraafiko.

Ciidankaan, ayaa muddada Tababarkaan uu socda oo ah Toban maalmood waxay baran Doonaan Casharo horay ay usoo qaateen oo hadda dib loogu celinayo, kuwaasi oo kala ah  Sharciyada Ciidanka Taraafikada, ka hortagga Shilalka gaadiidka iyo fududeynta isu-socodka Gaadiidka kala duwan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo tababarkaasi ka hadlay, ayaa u mahad celiyey Taliska Ciidanka AMISOM oo tababarka bixinayo, isaggoo xusay in la kordhin doono tababarada noocaan oo kale ah, si kor loogu qaado aqoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isbadalna loogu sameeyo habka shaqo ee Ciidanka.

“Si kor loogu qaado aqoonta Ciidanka Booliska, ayaa maanta waxaa tababar u furay Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidanka ilaalada nabad gelyada wadooyinka ee Taraafiko,waxaan kordhin doonnaa tababarada kala duwan ee Ciidanka ay qaataan, taasi oo aan ku dooneyno in isbadal aan ku sameyno habka shaqo ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed” ayuu yiri Gen Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Loo Dhanyahay

0

Muqdisho, July 04, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa daah-furay kulanka wadatashiga Qorshe wadaagga guddiga wada xaajoodka iyo Hey’adaha ku shaqada leh siyaasadda loo dhanyahay oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Shirkaan uu muhiimmad gaar ah u leeyahay ummada Soomaaliyeed lagana doonayo ka qeyb galayaasha in ay la yimaadaan wax qabad muuqda, si natiijo wanaagsan uga soo baxdo.

“Howsha aad isugu timaadeen waxa ay ka tarjumeysa mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed. Waa bud-dhigga qaranimada Soomaaliya. Waxa aad isugu timaadeen sidii ummadda Soomaaliyeed aad ugu sameyn lahaydeen mustaqbal ka duwan kan aan hadda heysanno” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Meeshaan aad fadhidaan waxa ay ka tarjumeysaa in aad fursad u leedihiin in aad qeyb ka tahihiin qaabeynta dastuurka ay ummada Soomaaliyeed ku dhaqmeyso shanta boqol oo sano ee soo socota. Waxa ay ka tarjumeysaa in aad ka arrinsaneysaan ummada Soomaaliyeed sidii awoodda gacantooda loogu soo celin lahaa oo 2020-ka doorasho qof iyo cod ah ay u ga dhici laheyd dalka iyo in la dhameestiro geedi socodka federaaleynta. Waxa aan rabaa in maalmaha aad halkaan isugu imaaneysaan aysan idinka xummaan, Saacadi in aysan idinka khasaarin. Maskax shiil ayaa halkaan leesugu yimid”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha kulanka.

Kulanka wadatashiga Qorshe Wadaagga Guddiga wada Xaajoodka iyo Hey’adaha ku Shaqada leh Siyaasadda loo dhanyahay oo ay ka qeyb gelayaan dhammaan hey’adaha iyo wasaaradaha ku shaqada leh Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ayaa loogu tala galay in uu socdo afar maalin uuna soo xirmo July 8, 2018.