Taliyaha Ciidanka Booliska oo tababar u furay Saraakiil ciidanka

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta tababar u furay Askar iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, gaar ahaan Ciidanka ilaaladda Nabad gelyada Wadooyinka ee Taraafiko.

Ciidankaan, ayaa muddada Tababarkaan uu socda oo ah Toban maalmood waxay baran Doonaan Casharo horay ay usoo qaateen oo hadda dib loogu celinayo, kuwaasi oo kala ah  Sharciyada Ciidanka Taraafikada, ka hortagga Shilalka gaadiidka iyo fududeynta isu-socodka Gaadiidka kala duwan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo tababarkaasi ka hadlay, ayaa u mahad celiyey Taliska Ciidanka AMISOM oo tababarka bixinayo, isaggoo xusay in la kordhin doono tababarada noocaan oo kale ah, si kor loogu qaado aqoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isbadalna loogu sameeyo habka shaqo ee Ciidanka.

“Si kor loogu qaado aqoonta Ciidanka Booliska, ayaa maanta waxaa tababar u furay Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidanka ilaalada nabad gelyada wadooyinka ee Taraafiko,waxaan kordhin doonnaa tababarada kala duwan ee Ciidanka ay qaataan, taasi oo aan ku dooneyno in isbadal aan ku sameyno habka shaqo ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed” ayuu yiri Gen Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....