Home Blog Page 1274

Ra’iisul Wasaare kheyre oo booqday dhaawacyada qaraxii Shalay

0

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Xalay Isbitaallada Muqdisho ku booqday Dadkii ku dhaawacmay qarixii Shalay lala beegsaday Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Amniga.

Ra’iisul wasaaraha oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Tacsi u diray eheladda Dadkii ku Naf-waayay qaraxaas ay arxanlaawayaashu u qorsheeyeen inay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Mudane; Kheyre ayaa sheegay in dhaawacyada aan Dalka waxba lagaga qaban karin ay Dowladdu u qaadayso Dalka dibeddiisa.

Wuxuuna ugu dambayn Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay Shacabka Soomliyeed in ciidamada ay ku garab siiyaan dagaalka Dalka looga saarayo kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.

Wasiir Geelle “Dowladda waxa ay ku mashquulsan tahay badbaadinta dadkeedii lagu dhaawacay weerarkii wasaaradda Arrimaha Gudaha”

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Daahir Maxamuud Geelle wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa hadalkiisa ku billaabay “ kooxdii argagixisada aheyd maanta waxa ay weerar ku qaadeen xarunta wasaaradda Arrimaga Gudaha, weerarka waxa uu ahaa mid Qarax lagu bilaabay kaddibna malleeshiyo hubeysan ayaa gudaha wasaaradda gashay, ciidammada amniga ayaa  isla markiiba  la fal falgashay dhagarta cadowga, waxaana la laayey dhammaan malleeshiyadii weerarka soo qaaday”.

Wasiir Geelle ayaa sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, dowladda Soomaaliyana ay ku mashquulsan tahay sidii gurmad caafimaad loogu  fidin lahaa dadkii masaakiinta ah ee ay Al-shabaab ku dhaawaceen xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dadkii waddada marayey, ciddii caafimaad dibedda ah u baahanna u diyaar  ula tahay dowladda Soomaaliya.

“ciidammada amniga saacado yar bey ku qaadatay in ay soo afjaraan cadowga, waxaana deggan xaaladda goobtii uu qaraxa ka dhacay, marnaba kama niyad jebi doonaan dowladda iyo shacabkeeda ficillada cadowga mar walbana dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii waddo dedaalka loogu jiro in dalka oo dhan laga nadiifiyo kooxahan argagixsada ah” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta.

“magaca Al-shabaab haddii aad maqashaan waxaa idin ku soo dhacaya dagaal, qarax,  Buundo la dumiyey, qof la dilay shacab la laayey, gargaar waddooyinka loo galay iyo ficillo kale oo badan oo ay ka mid yihiin haddii ay abaaro dhacaan dadka ma gargaaraan ee gurmadka la siiyo ayeey ka qaataan, laakiin dowladnimada waa horumar dhismo daryeelka shacabka iyo in mustaqbalka dalkeenna aan ka wada shaqeynno sidii aan u dhisan lahayn. Waxaa yiri wasiirka Warfaafinta.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in weli lagu howlan yahay dhammeystirka macluumaadka ku aaddan khasaaraha ka dhashay weerarkii Argagixiso, wixii faah-faahin ahna ay dib ka soo sheegi doonto dowladda.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Sheegay In Dhallinyaradu Ay Yihiin Maskaxda, Xoogga Iyo Dhaqaalaha Dalka

Muqdisho(SNTV):-.Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay soo xiray Shirweynaha 3-aad ee Hoggaanka iyo Hal-abuurka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xoogga, maskaxda, dhaqaalaha iyo awood waliba oo dalku kula tartamaayo aduunyada kale ay yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in si awoodaha dhalinyarada looga faa’iideeso ay tahay in dhalinyadu waxbarashada ku dadaalaan, isu abaabulaan sidii awoodda dalka gacantooda ugu soo noqon laheyd, caawiyaan laamaha amniga, ka qeyb qaataan kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqmaasuqa, una dul qaataan xanuunka la maraayo si mutqabal wanaagan loo gaaro.

“Waxaa lagu jiraaa qarni aadan noolaan karin hadii aadan aqoon laheyn. Si aqoonta dadka Soomaaliyeed loo dhiso oo aan ula tartanno bulshada adduunka waa in aan leenahay iskuullo iyo jaamacado soo saara dad Soomaaliyeed. Waa in aan kobcinnaa dhaqaalaha dalka, la dagaalnaa Musuqmaasuqa, amniga wax ka qabannaa, si aduunyadu noo aaminto waa in aan xanuun marnaa. Xanuunka cidda mareysa ee u adkeysanaysa waa cidda dooneysa in ay Mustaqbal yeelato, cidda mustaqbalka lehna waa adinka. Waa in aad isu abaabushaan qaabkii awoodda dalku gacantiinna ugu soo noqon laheyd”, ayuu dhallinyarada ku yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul wasaaraha waxa uu dhalliyada ku dhiirri geliyay in aysan u dhaqmin sida qof gurigiisa marti ku ah, dhex-dhexaadna aysan ka noqon mustaqbalka dalka Soomaaliyeed isaga oo ku adkeeyay in si dalka loo gaarsiiyo Mustaqbal wanaagsan ay tahay in dhaqankii hore la bedelo, doodana laga furo dhibka dalku soo maray, sababta ay ku timid, sababta xilliga dheer ay ugu qaadatay dadka Sooomaaliyeed in ay ku jiraan dhibka iyo sida looga bixi karo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ayaa hoosta ka xarriiqay in lagu qasbanyahay in la dhagaysto codka iyo talada milkiilayaasha dalka oo ah dhallinyarada hase yeeshee ay tahay in dhallinyardu ka shaqeeyaan qaabkii ay kula xisaabtami lahaayeen madaxda dalka.

Shirkii u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Hay’adaha ku shaqada leh siyaasadda oo soo xirmay

Muqdisho-(SNTV)-Shir wadajir ah oo u dhaxeeyay Hay’adaha u xilsaaran Siyaasadda dalka iyo Guddiga Farsamo ee Wadaxaajoodka Arrimaha Federaalka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.

Intii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Dastuurka, Federaaleynta dalka, Doorashooyinka, Hanaanka Cadaaladda ee Federaalka iyo Awood Qeybsiga.

Khubaro ka kala timid dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa ka doodeen arimihiima uu ku saabsanaa shirka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo gebagebada shirka ka hadlay ayaa ka mahadnaqay talooyinka ay soo jeediyeen khubarada.

“Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo aqoonyahanada ka soo qeybgaleen shirkan oo runtii soo jeediyeen talooyin wanaagsan oo ku saabsan arimihii looga hadlay shirka ee uu ka mid ahaa Dastuurka” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Ugu dambayn, waxaa kulanka soo xiray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye isagoo uga mahadceliyay Wasaaraddda Arrimaha Dastuurka doorkeeda qabanqaabineed ee shirka.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO GAARAY MAGAALADA CARTA EE DALKA JABUUTI (SAWIRRO)

0

 

CARTA, 6da Luuliyo, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta gaaray Carta oo ah magaaladii marti galisay shirkii dib-u-heshiinta Soomaaliya ee lagu yagleelay Dowladdii kumeel gaarka ahayd sanadkii 2000.

Madaxweynaha oo safar dhanka dhulka ah ku tagay Carta ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Jabuuti, waxgaradka magaalada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Carta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay shacabka Carta martigalintii ay u sameeyeen ergadii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan hiilka walaaltinimo ee ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u fidiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

“Magaaladan waxay quluubta shacabka Soomaaliyeed uga taallaa meel wayn. Waa magaalo soo celisay rajadii shacabka Soomaaliyeed. Waa magaalo astaan u noqotay Soomaalinimo iyo deeqsinimo.”

“Waxaan guud ahaan reer Jabuuti iyo gaar ahaan reer Carta uga mahadcelinaynaa sidii niyadsamida lahayd ee ay shacabka Soomaaliyeed u garab istaageen xilli adduunyada oo idil ay kasii jeesatay.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa caawa ku hoyan magaalada Carta si uu kulamo gooni gooni ah ula yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladan.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ee Carta waxaa ka qeyb qaatay Wasiiro ka tirsan Dowladda Jabuuti oo kala ah Wasiirka Difaaca Mudane Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Xasan Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Cilmi Baarista Mudane Mustafe Maxamed, Wasiirka Gaadiidka iyo Qalabeynta Mudane Maxamed Cabdulqaadir, Wasiirka Dhaqanka iyo Diinta Mudane Muumin Xasan Barre iyo Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Aadam Xasan Aadam (Beleloo).

Duqa Muqdisho oo ugu baaqay Dhalinyarada in ay ka qayb qaataan Nabadda iyo Horumarka Caasimadda

Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ugu baaqay dhalinyarada ku nool Caasimadda in ay ka qeyb qaataan nabadda iyo horumarka, maadaama ay yihiin mustaqbalkii Dalka.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ahmiyad gaar ah siiyay sidii dhalinyarada shaqo loogu abuuri lahaa, si ay horumarka dalkooda uga qeyb-qaataan, iyadoo la abuuray jawi xasiloon oo bulshadu ku horumari karto, isla markaana fursado u siinaya dhalinyarada inay wax bartaan oo ay ciyaaraha kaalin mug leh ka qaataan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isagoo furayay tartan kubadda cagta ah oo dhalinyarada degmada Heliwaa lagu dhiirigelinayay ayuu sheegay in kulamada noocaan ah ee lagu abaabulo dhallinyarada ay horumarinayaan nabadda iyo isdhexgal, iyadoo sidan oo kale lagu qabtay inta badan degmooyinka Muqdisho. Waxuna uga mahadceliyey maamulka degmada Heliwaa abaabulka tartanka.

“Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada ku nool Caasimadda in horumarka dalkooda ay u istaagaan, mar walba in aan ku dhiirigelino dhalinyarada nabadda iyo isdhexgalka waxaa ay ka mid tahay dadaalkeenna joogtada ah ee aan ku dooneyno in aan ku horumarina kuna xoojinno xiriirka aan la leennahay bulshadeena, si aan u xaqiijinno horumarkooda. Cayaarta kubadda cagtuna waxaa suurta gelisay nabadda aan haysano, taasoo u sahashay dadweynaha in ay ka qayb-galaan arrimaha bulshada,”

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sidoo kale kormeeray xarunta degmada Heliwaa, isagoo ku ammaanay maamulka iyo shacabka wada shaqeynta iyo iskaashiga ay leeyihiin oo ugu baaqay in ay sii xoojinayaan loona istaago dib-u-dhiska Degmada.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo tababar usoo xiray Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta tababar usoo xiray Guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka ee saldhiggoodu yahay xerada ciidanka General Goordan ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dal kasta oo burbur kasoo kabsanaya ay ciidankiisu yihiin kuwa bad-baadiya naftoodana u hura.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyeen wasiirrada difaaca iyo amniga, abaanduulaha Ciidanka iyo saraakiil kale oo ka tirsan CXD ayaa kahor inta uusan ciidanka tababarka usoo xirin waxa uu kormeer ku sameeyay xarunta ciidanka isla markaana la qadeeyay ciidanka, isagoona xog warastay qaar kamid ah askarta si uu wax badan uga ogaado noloshooda, tababarkii ay soo qaateen iyo sida ay heeganka ugu yihiin difaaca dalka iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah.

“Dal buburay waxaa dhisi kara ciidan, nabad la waayay waxaa soo celi kara ciidan, dawlad taag daran waa quwad iyo xoog u yeeli kara ciidan. Cawdawga dibadda iyo gudaha laguma difaaci karo qabiil ee waxaa lagu difaaci karaa ciidan qaran oo idinka oo kale ah. Maanta dalkeenna waxaa bad-baadin kara ciidan aan daacad u aheyn qabiil, qolo iyo dan gaar ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Ciidanka u ballan qaaday in xaquuqda ay qaranka ku leeyihiin u heli doonaan si joogta ah si lamid ah shaqaalaha iyo Hawl-wadeennada kale ee dawladda.

Ciidankaan oo loo diyaariyay in ay kooxaha argagaxisada ka saaraan deegaannada ay uga suganyihiin dalka ayaa u badan dhalinyaro aqoonyahanno ah, waxa ayna ciidanka kusoo biireen kadib musiibadii 14-kii Obtober ee sannadkii hore si ay uga qeyb qaataan horumarinta amniga iyo difaaca dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ugu danbeyn kulan gaar ah la qaatay saraakiisha Ciidanka xoogga dalka iyo tababarayaasha oo uu kala hadlay arrimo ay kamid yihiin sare u qaadidda tababarrada, difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Halkan ka daawo Khudbadda Ra’iisulwasaare Kheyre ka jeediyay tababarkii uu u soo xiray  Guutada 14-ka Oktoober ee Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee Jabuuti

0
Jabuuti, 5-ta Luulyo, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jabuuti halkaas oo uu ka furmay Shirka Madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Shirkan oo soconaya inta u dhaxaysa 5-7 bishan Luuliyo ayaa looga wada xaajoonaya hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta hiigsiga horumarineed ee 2030-ka ee ajendaha caalamiga ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qayb galay saaka furitaanka Aaga Caalamiga ah ee Ganacsiga Xorta ah ee Jabuuti iyada oo ay munaasabaddaasi goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha martida loo yahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Rwanda, Madaxweynaha Suudaan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Guddoomiyaha Midowga.

Madaxweynaha oo khudbad kooban jeediyay ayaa sheegay in furitaanka Aagan ka Caagan Canshuuraha ee Jabuuti ay ka turjumeyso in dalkan uu u diyaar garoobay tartanka ka socda caalamka ee lagu xoojinayo kobcinta iyo isdhex galka dhaqaalaha adduunka iyo kan gobolka.

“Hawshan waxaa galay waqti badan, shaqo badan, aragti fog iyo hoggaan wanaagsan oo uu hormuud u yahay walaalkeen Ismaaciil Cumar Geelle taasoo iyadana ku timid wadashaqeynta shacabka iyo Dowladda Jabuuti.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshahada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La Taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan.

 

Wafdi ay Hogaamineyso Wasiirka Gaadiidka Dekadaha oo gaaray Baraawe

0

Muqdisho(SNTV);– Wafdi ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Dekaha iyo Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wafdiga Wasiirka oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiin ka socda Koonfurgalbeed iyo dowladda Qatar ayaa kulamo la qaatay maamulka Degmada Baraawe iyo Odoyaasha dhaqanka, kuwaasi oo warbixino ka dhageystay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Maryan Aweys Jaamac Wasiirka Gaadiidka Dekadaha iyo Badda ee Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdiga la socday ayaa u jeedka socdaalka ay ku tegeeen Baraawe ahayd ukuur gelidda Dekadda magaalada Baraawe iyo sidii dib loo howlgelin lahaa.

Shalay ayay ahayd markii Wafdigan ay socdaal ku tegeen Dekadda magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku soo sameeyeen qiimeyn dhinac kasta leh.

Kusimaha madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Muqdisho, 05-07-2018: Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Amb David Concar.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan dhinacyada amniga, garsoorka, dib u eegista dastuurka iyo nidaamka doorasho ee Soomaaliya qaadatay ee ah hal qof iyo hal cod.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dardar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Amb David Concar ugu warbixiyay guulaha uu gaaray golaha shacabka mudada uu xilka hayo iyo howlaha horyaalla.

“ Waxa maanta la kulmay Amb David Concar oo ah safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, waxa uu ii balan qaaday in dowladda Ingiriiska ay diyaar u tahay in golaha shacabka ay wax badan ka taageerto, kulankeena guul ayuu ku soo dhamaaday “ ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Amb David Concar ayaa guddoomiyaha golaha shacabka kaga mahad celiyay soo dhaweynta uu u sameeyay.

Safiirka ayaa balan qaaday in qodobada ay ka wada hadleen la dhaqan galin doono oo wax badan ay ka taageeri doonaan dowladda Soomaaliya gaar ahaan golaha shacabka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada uu guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal uu ku dardar gelinayo howlaha golaha shacabka sidoo kalena lagu xoojinayo xiriirka dibadda ee golaha.

—–DHAMMAAD—–