Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Loo Dhanyahay

Date:

Muqdisho, July 04, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa daah-furay kulanka wadatashiga Qorshe wadaagga guddiga wada xaajoodka iyo Hey’adaha ku shaqada leh siyaasadda loo dhanyahay oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Shirkaan uu muhiimmad gaar ah u leeyahay ummada Soomaaliyeed lagana doonayo ka qeyb galayaasha in ay la yimaadaan wax qabad muuqda, si natiijo wanaagsan uga soo baxdo.

β€œHowsha aad isugu timaadeen waxa ay ka tarjumeysa mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed. Waa bud-dhigga qaranimada Soomaaliya. Waxa aad isugu timaadeen sidii ummadda Soomaaliyeed aad ugu sameyn lahaydeen mustaqbal ka duwan kan aan hadda heysanno” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

β€œMeeshaan aad fadhidaan waxa ay ka tarjumeysaa in aad fursad u leedihiin in aad qeyb ka tahihiin qaabeynta dastuurka ay ummada Soomaaliyeed ku dhaqmeyso shanta boqol oo sano ee soo socota. Waxa ay ka tarjumeysaa in aad ka arrinsaneysaan ummada Soomaaliyeed sidii awoodda gacantooda loogu soo celin lahaa oo 2020-ka doorasho qof iyo cod ah ay u ga dhici laheyd dalka iyo in la dhameestiro geedi socodka federaaleynta. Waxa aan rabaa in maalmaha aad halkaan isugu imaaneysaan aysan idinka xummaan, Saacadi in aysan idinka khasaarin. Maskax shiil ayaa halkaan leesugu yimid”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha kulanka.

Kulanka wadatashiga Qorshe Wadaagga Guddiga wada Xaajoodka iyo Hey’adaha ku Shaqada leh Siyaasadda loo dhanyahay oo ay ka qeyb gelayaan dhammaan hey’adaha iyo wasaaradaha ku shaqada leh Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ayaa loogu tala galay in uu socdo afar maalin uuna soo xirmo July 8, 2018.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo maanta si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed & Ciidamada Amniga Jubbaland oo howlgal ballaaran ka wada deegaanno ka tirsan Jubbooyinka

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Amniga Jubbaland, ayaa...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo gaaray Maraykanka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...