Home Blog Page 1271

Guddiyada dib u eegista Dastuurka ee BFS oo Muqdisho kulan ku yeeshay

Muqdisho (SNTV), Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgelinta Dastuurka, ayaa maanta ku wareejiyey guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ee BFS Shan cutub oo ka mid ah Dastuurka oo ay kasoo shaqeeyeen, kadib kulan ay ku yeesheen magaaladda Muqdisho.

Kulanka, ayaa  waxaa ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgalinta dastuurka Mudane Maxamed Daahir Afrax, waxa uuna sheegay in shantan cutub ay guddi ahaan ka soo shaqeeyeen guddiga la socodka Baarlamaanka  looga baahan yahay in bulshada ay la wadaagaan.

Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) Guddoomiyaha  guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgalinta dasuurka ee BFS, ayaa sheegay in dastuurka ay u qaybiyeen 15 cutub shan ka mid ah ay u soo gudbiyeen guddiga  madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgalinta dastuurka.

“15 Cutub ayaan dastuurka u qeybinay, 5 ayay soo gudbiyeen guddiga  madaxa banaan,  iyaggoo tasiilaadkii ay ku shaqaynayeen aysan u dhamaystirnayn, taasi waa guul u soo hoyatay labada guddi iyo wasaaradda dastuurka oo howl wadaag yihiin, ayuu yiri Mudane Cabdi Xasan Cawaale.

Wasiirka wasaaradda dastuurka Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa  ka warbixiyay howlaha dhankiisa ah ee dastuurka, waxa uuna sheegay in shirkii dhowaan madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada ku yeeshay baydhaba uu hor dhigay qodob ku xeran siyaasada.

“Madaxa qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada shirkii ay ku yeesheen magaaladda baydhaba waxaan hor dhigay qodob kala ah Doorashada iyo qaybsiga qayraadka “ ayuu yiri Wasii C/raxmaaan.

Guddoomiyaha golaha aqalka sare baarlaamanka federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo kulanka ka qayb galay, ayaa u mahadceliyay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgalinta dastuurka howsha ay soo qabteen, wuxuuna dhinaca kale sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay wada shaqaynta labada gudi ee dib u eegista dastuurka iyo wasaarada dastuurka .

“Waan u mahadcelinayaa guddiga madaxa banaan, dhanka kalana waxaa farxad ah in labada guddi ee dastuurka iyo wasaarada dastuurka in ay maanta miiska wada fadhiyaan oo ay wada shaqaynayaan loona baahan yahay in ay u dhabar adeegaan dhamaystirka dastuurka, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan dastuur dhamaystiran “ ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Kulan markii uu soo  dhammaaday ka dib, ayaa kulanka maanta waxaa laga soo saaray war saxaafadeed ku aadan heerarkii uu soo maray dastuurka waxaana saxaafada u aqriyay xoghayaha guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgalinta dasuurka ee BFS Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

Wasiir Beylah “Dakhliga Dalka ilaa iyo 58% ayaan Daboolnay”

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi raxmaan Ducaale Beylah ayaa Shir Jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu faahfaahiyay waxyaabihii u qabsoomay 6-dii bilood ee la soo dhaafay.

Wasiirka Beylah ayaa sheegay in Lixdii Bil ee la soo dhaafay Dakhliga dalka uu kordhay isla markaana uu gaaray 58% marka la barbardhigo sanadkii lasoo dhaafay, isagoo guul ku tilmaamay in markale lacagtii IMF ka dooneysay ay keeneen in ka sareysa.

Wasiirka ayaa tilmaamay in la isku raacay in Dakhlig dalka ay qabato Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo ay suurta gashay in Wasaaraddaha Xukuumadda ay Dakhligii ay hayeen ku wareejiyaan Wasaaradda Maaliyadda.

“Dakhliga ina soo galay ilaa iyo boqolkiia 58 ayaan daboolnay meel hoosa ayaan kasoo bilownay dhawaan waxaan ilaah ka rajeyneynaa wax kasta oo dowlada ay ku socotaba inaan anagu dabooli karno Waxaa noo suurta gashay inaan soo wareejino dakhliga ay qaadi jireen Wasaaraddaha Xukuumadda Soomaaliya iyo Maxkamadaha taas waxay noo fududeysay inaan gaarno heerkii loo baahnaa”.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii xuquuq joogta ah ay u heli lahaayeen Shaqaalaha Dowlada ee sida wanaagsan u shaqeeya, isagoo dhanaca kale u digay dadka aan u shaqeyn dalka iyo dadka ee Mushaaraadka iska qaata wuxuuna xusay in baaritaan uu ku socdo isla markaana si fiican la iskula xisaabtami doono.

Wasiir Beylah ayaa sidoo kale sheegay in sanadkaan waxyaabaha u qabsoomay Dowlada ay ka mid tahay in meel gaba gabo ah uu marayo qorshaha lagu daabacayo lacagta cusub ee dalka uu yeelanayo, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay 41-Milyan oo lagu fuliyo Hawshaas iyadoo IMF ay dowlada ka caawineyso.

“Waxaa kale oo inoo qabsoomay sanadkaan inaan Lacagteenii soo daabacno wax weyn oo inaga dhiman weeye, laakiin shaqo badan oo adag ayaa ka horeysay Shuruudo badan ayay laheyd dhamaan waa lagu soo guuleystay, wali cidii inoo soo daabici laheyd, nuuca ay lacagta noqon laheyd iyo cidii ku sawirnaan laheyd wali leyslama garan, Guddiyo ayaa la sameyni dadweynaha ayaa kasoo qeyb gali lacagta la isku raaco ayaa la sameyni”.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dhawaan la dhisi doono Xarumaha degmooyinka ee lagu qaban lahaa Canshuuraha maadaama ay burbursan yihiin, sidoo kalena la furi doonaa Iskuul lagu barto Maamulka Maaliyadda iyo Canshuuraha.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn u Mahad celiyay Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Gobaleedyada dalka uu sheegay inay wada shaqeyn wanaagsan la leeyihiin isagoo sheegay in la mideynayo Canshuuraha guud ahaan dalka laga qaado.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Khudbad ka jeediyay Shirka Iskaashiga Shiinaha iyo Wadamada Carabta.

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Khudbad ka jeediyay shirka Sideedaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee lagu qabtay Aqalka Shacabka ee Caasimadda Beijing ee Dalka Shiinaha.

Wasiirka ayaa ugu horeyn ka mahad celiyay sida maamuuska leh ee loogu soo dhaweeyay Dalka Shiinaha, isagoo sheegay in shirkan uu xoojinayo saaxiibtinimada iyo wada shaqeynya Dowlada Shiinaha iyo Wadamada Carabta.

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa dowlada iyo dadka Shiinaha sida wanaagsan oo ay noo soo dhaweeyeen, Shirkan wuxuu ka mid yahay shirarka Iskaashiga ee xoojinaaya Saaxibtinimada taariikhiga ah ee ka dhaxeysa Shiinaha iyo Dowladaha Carabta, wuxuuna xoojinayaa kalsoonida siyaasadeed iyo iskaashiga wada jirka ah ee dhinac walba si loo helo deganaasho Nabadeed iyo Hormarka dhanka dhaqaalaha ee bulshada labada shacab”.ayuu yiri Wasiirka.

Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya ay ku taalo Goob muhiim u ah isku xirka Ganacsiga Aduunka, wuxuuna xusay in Xiriir Taariikhi ah uu kala dhaxeeyo Shiinaha oo Iskaashi dhinacyo badan uu dhex maray.

“Soomaliaya waxay dhacdaa goob muhiim ah oo istiraatiiji u ah Caalamka iyo isku gooshida dhanka ganacsiga, waxayna la leedahay dowladda Shiinaha xiriiir taarikhi ah oo qoto dheer kuna dhisan Ixtiraam, Sidoo kale Soomaliya waxay ka mid tahay dowladihii ugu horeeyay ee xiriir wada shaqeyn la sameeya Shiinaha, iyadoo ka qeyb qaadatay sidii ay Dowladda Shiinaha kaalin weyn ugu yeelan laheyd Caalamka, waxayna Soomaaliya ka qeyb qaadatay sida Shiinaha Qaramada Midoobay uga heli lahaayeen kursigooda sharciga ah”.ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa Dalalka kasoo qeyb galay shirka u sharaxay Hormarka Soomaaliya ka socda, isagoo u sheegay in Isbedelo guul ah laga sameeyay dhinaca Dhaqaalaha, Amniga iyo Siyaasadda.

“Soomaaliya maanta waxay hormar ka gaartay dhinacyada Dhaqaalaha Amniga iyo Siyaasadda waxayna diyaar u tahay in laga caawiyo dhanka maalgashiga sida Baddaha, Garoomada Diyaaradaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga, Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay awoodo sugidda Amniga guud ahaan dalka, waxayna damaanad qaadeysaa Amniga shaqaalaha Dowladda iyo Maalgashiyaasha kala duwan”.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa la kulmay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo qaar ka mid ah Wasiiradda Carabta ee Shirka ka qeyb galay.

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkii caleema saarka Madaxweynaha Turkiga

0

 

Muqdisho: 11ka Luuliyo 2018; Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha dalka Turkiga iyo shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha oo ka dhacay magaalada Jabuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalooyinka Jabuuti iyo Ankara waxa uu si gaar ah ula kulmay Madaxweynayaasha qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo ka qeyb galayaal Caalami ah, waxa ayna ka wada hadleen danaha kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa dalkaTurkiga loogu soo dhaweeyay hab-maamuus sare, isagoona ka mid ahaa 20 hoggaamiye oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshahada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo daahfuray hanaanka gal-dacwadeedka Electarooniga

0

Muqdisho (SNTV), Xafladaan lagu daahfurayey hanaanka gal-dacwadeedka Electarooniga ah ee maxkamada sare , tan racfaanka iyo mida gobolka banaadir, Ayaa waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiyaha maxkamadda sare , wasiirka cadaalada , xeer ilaaliyaha guud ee qaranka , guddomiyayaaha maxkamadaha racfaanka iyo tan gobolka banaadir , garsoorayaal iyo shaqaalaha heyadaha garsoorka ee dalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir  oo ugu horeyn ka hadlay furitaanka xaflada, ayaa bidhaamiyey muhiimada uu leeyahay  System-kan cusub ee Electarooniga.

Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo isna xaflada ka hadlay, ayaa tilmaamay in nidaamkan cusub uu sahli doono in si deg deg ah loo soo afjaro kiisaska la horgeeyo maxkmadaha dalka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed    oo ugu dambeyn ka hadlay xaflada lagu daahfurayey hanaanka gal-dacwadeedka electarooniga ah ayaa sheegay in hanaankan cusub laga dhaqan gelin doono maxkamadaha dalka wuxuuna intaa ku daray in nidaamkan uu meesha ka saari doono musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Dhaqan gelinta  hanaanka gal-dacwadeedka  Electarooniga ah ee maxkamada sare , tan racfaanka iyo mida gobolka banaadir Ayaa sahli doona waxyaabo badan oo ay kamid yihiin keydinta iyo xifdinta galalka iyo daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka maamulka dacwadaha.

 

Wasiirka Difaaca XFS iyo mas’uuliyiin kale oo kormeerey Xerada Janaraal Dhaga-badan

0

Muqdisho (SNTV), Xerada tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee Janaral Dhaga-badan, ayay kormeer howleed maanta ku tageen wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, xoghayaha guddiga difaaca ee golaha shacabka iyo saraakiil kale.

Qaar kamid ah askartii horey, Imaaraadka gacanta ugu hayeen ayaa hadda lagu leyliyaa xerada, waxayna mas’uuliyiinta soo indha indheeyeen qeybaha xerada, sida goobaha tabbabarka iyo qeybta cuntada, iyadoo mas’uuliyiinta ay la kulmeen saraakiisha midowga Yurub ee Tabbabarta ciidanka xoogga dalka oo ugu warbixisay howlaha ay halkaas ka hayaan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, sareeyo Gaas, C/weli Jaamac Gorod, oo la hadlay askasta tabbabarka u socday ayaa ku booriyay in ay u adkeystaan leyliga, si dalka ay u anfacaan.

Xoghayaha guddiga difaac ee golaha shacabka, xildhibaan Sadiiq Warfaa, ayaa sheegay in miisaaniyadda wasaaradda Gaashaandhigga la kordhin doono sanadka soo aadan maadaama uu dalka dagaal ku jiro.

Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) wasiirka difaaca ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhismaha ciidanka xoogga dalka ay ka go’an tahay madaxda dowladda Soomaaliya, isla markaana uu u taagan yahay fulinta hadafkaas.

Sidoo kale, wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo mas’uuliyiinta kale, ayaa saldhiga howlgalka ciidanka Midowga Yurub ee tabbabarada siiya ciidanka xoogga dalka waxaa ay kula kulmeen Taliyaha cusub ee howlgalkaas BRIGADIER GENERAL MATTEO SPREAFICO iyo GENERAL PIETRO ADDIS oo xilkaas baneeyay, ayagoo kala hadlay dardargelinta howlaha dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka oo ay wadaan Midowga Yurub.

Dhanka kale, wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa la kulmay sarkaalka Midowga Yurub siyaasadda dibadda ee bariga iyo Koonfurta Afrika u qaabilsan ERIC GALVIN, ayagoo isku afgartay in midowga Yurub ay kordhiyaan taageerada Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in Midowga Yurub ka caawin doonaan dib u dhiska xeriyaha ciidanka xoogga dalka, kor u qaadista xirfadda shaqaalaha shacabka ah ee wasaaradda iyo arrimaha kale oo muhiim ua ah howlaha wasaaradda.

Wasiirka Gaashandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan helitaanka xuquuqda askarta ciidanka Soomaaliya isla markaana loo baahan yahay in loo diyaar garoobo sidii nabad diidka dalka looga xoreyn lahaa.

?
?

?
?

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qeyb galeysa shir-weynaha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta.

0

Geneva(SNTV):- Dalkeena Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qeyb galaya shirweynaha caalamiga ah ee hay’adaha isgaarsiinta oo ka dhacaya magaalada Geneva inta u dhexeysa 9ka illaa 12ka bishan.

Shiweynahan ayaa sanadkan waxaa diiradda lagu saari doonaa sida teknoolojiyada ay saameyn ugu yeelatay nolol-maalmeedka iyo sidii loo baahin lahaa sharciyada arrimahaas la xiriira si loola socdo isbeddellada ay la imanayso teknoolojiyada.

Shirweynahan wuxuu isku keenaa hay’adaha isgaarsiinta adduunka, iyagoo halkaas isku weydaarsada aragtidooda iyo waaya-aragnimadooda, waana madal ay ku wada hadlaan qeybaha kala duwan ee isgaarsiinta ee isugu jira dadka dajiya siyaasadda, shirkadaha iyo daneeyeyaasha kale ee isgaarsiinta.

Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayna mid yihiin mas’uuliyiinta maamulka iyo Guddiga sare ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa shirkaas ka qeyb galaya, iyagoo maalintii koowaad halkaas kula kulmay mas’uul ka socotay Midowga Isgaarsiinta Caalmaiga ah (ITU), Bankiga Adduunka iyo shirkado iyo dalal kala duwan.

“Munaasabaddan waxay Soomaaliya u tahay mid taariikhi ah, waayo sanad ka hor xilligan oo kale dalkeenu ma lahayn sharci isgaarsiineed, hay’ad isgaarsiineed iyo xuquuqda codeynta ee dalka. Nasiib wanaagsan 12kii bilood ee la soo dhaafay waxaan yeelanay sharci, hay’ad isgaarsiineed iyo xuquuqdii codeynta oo aan soo ceshanay, waxaana maanta na matalaya wasaarad iyo hay’ad oo kala leh waajibaadyo kala duwan” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in munaasabaddan ay fursad qaali ah u tahay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo la doonayo inay wax badan ka barato waayo-aragnimada hay’adaha dalalka kale, maadaama wixii hadda ka horreeyay Wasaaraddu ay ahayd cidda kaliya ee dalka ku matali jirtay dhammaan shirarka isgaarsiinta adduunka.

“Fursad muhiim ah ayay u tahay Soomaaliya maadaama aanu dhiseyno hay’ad cusub, inagoo dooneyno in la xoojiyo xiriirka ay la leedahay ururrada iyo hay’adaha kale ee ay wada-shaqeynta la leedahay,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiir Cabdi Cashuur Xasan.

Wasiirka Amniga gudaha XFS oo tababar u furay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SNTV), Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” , ayaa maanta tababar u furay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska.

Munaasabadda Tababarka loogu furayey Saraakiishaan, ayaa waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” , Taliye ku xiggeenka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka iyo Masuuliyiin kale.

Saraakiisha dhalinyarada ah ee maanta tababar loo furay, ayaa Ciidanka Booliska waxay kusoo biireen dhowaan, waxaana lagu qaatay Heerarkooda Waxbarasho, iyaddoo Tababarkaan lagu barayo sida uu shaqeeyaan Ciidanka Booliska iyo Sharuucda Booliska Aduunka.

Casharada lagu qaadanayo Tababarkaan, ayaa waxaa bixin doona Madaxda Hoggaanada Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana hoggaan walbo uu bixin doonnaa shaqooyinka u gaarka ah ee uu qabto.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” , ayaa Saraakiisha dhalinyarada ah ee Maanta tababarka loo furay kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan Casharada la siinayo, isaggoo xusay in tababarada noocaan oo kale ah la kordhin doono, si sare loogu qaado Aqoonta Ciidanka Booliska.

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow, ayaa sheegay in tababarkaan muhiim uu yahay saraakiisha dhalinyarada ah, maadaama ay wax badan ka kororsanayaan, waxaana Taliska Ciidanka Booliska uu ku ammaanay dadaalka ay galinayaan sare u qaadista aqoonta Ciidanka.

 

Madaxweyne Farmaajo oo Ankara kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caasimadda dalka Turkiga ee Ankara kula kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa Magaalada Ankara kula kulmay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud .

Madaxwayne Farmaajo ayaa yiri”Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursaddaha iyo caqabaddaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna.”

Afhayeenkii wasaaradda Amniga oo xilkii laga qaaday

0

Wareegto ka soo baxdey xafiiska Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) ayaa xilkii afyaheennimo looga qaaday Cabdi-casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan).