Home Blog Page 1270

Midowga Yurub oo kordhiyay taageerada dhaqaale ee Soomaaliya

0

Brussels-(SNTV)- Midowga Yurub ayaa sheegay inay Soomaaliya ugu yaboohi doonaan dhaqaale gaaraya €89 Million oo Yuuro, oo u dhiganta ku dhowaad $105 Million oo Doollar, sida Arbacadii Shalay laga soo xigtay guddida Yurub.

Bayaankan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa imanaya xilli la qorsheynayo inuu dhowaan Brussels ku qabsoomo shirka madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub Todobaadka soo socda oo ku began 16-17-ka July.

Guddoomiyaha Midowga Yurub, Christos Stylianides ayaa bayaankan ku sheegay inay deeqdan Lacageed ugu tala galeen arrimaha Bini’aaddannimada, sida Dadka Labadii Sana ee ugu dambeeysay ku wax yeelloobay abaaraha, Fatahaadaha, Milaayiintii Qof ee ay Xoolahooda dhaafeen, iyo Dadka ay saameeyeen shaqaaqooyinka ka dhacay Dalka Soomaaliya.

“Waxaan bartilmaameedsan doonnaa Bulshada teeda nugul, waxaanan mudnaanta siin doonnaa Dadka Gacan qabashada dhabta ah, kuwa ay saamaynta ku yeesheen is beddeladii Cimmilada iyo kuwa ku waxyeelloobay shaqaaqooyinkii ka dhacay gudaha Soomaaliya” ayuu bayaankiisa ku sheegay Mr; Stylianides.

Midowga Yurub ayaa sheegay inay Soomaaliya u qoondeeyeen Sanadkii hore gargaar Lacageed oo ka badan kii hore, kaasoo gaaraya 119 Milyan Yuuro, una dhiganta 135 Milyan oo Doollar,kaasoo wax weyn ka tari doona xaaladda soo kabashada dhibaataddii ka dhalatay abaaraha, fatahaadaha iyo colaadaha.

Isha/ Anadolu

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Dr Food Cadde

0

Muqdisho, 12 Luuliyo, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid, Alle ha u naxariistee, Dr. Axmed Maxamed Xasan Food Cadde oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in raadka uu Dr. Food Cadde ku reebay hawlaha samafalka caafimaad ee dalka uu yahay mid dhaxalgal ah maaddaama uu ka mid ahaa asaasayaasha Ururka Bisha Cas, isla markaasna uu dalka ka soo shaqeeyey waqtiyo adag.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kaygaba waxaan murugada iyo tiiraanyada geerida marxuum Dr Axmed Maxamed Xasan la wadaagayaa qoyskiisa, ehelladiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaana Eebbe ka baryayaa in uu ka abaalmariyo wanaaggii iyo shaqadii uu u soo qabtay shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Dr. Axmed Maxamed Xasan Food Cadde uu ahaa shaqsi jecel waddankiisa, aqoontiisana kaga qeyb qaatay samatabixinta dadkiisa, isagoona ka mid ahaa dhakhaatiirtii Soomaaliyeed ee ugu horreysay oo ku takhasusa cudurrada wadnaha.

Wasaaradda Gaadiidka XFS oo digniin u dirtay Shirkadaha diyaaradaha

0

Muqdisho(SNTV);- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka,Duulista iyo Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya  ayaa sheegay in Diyaarad aan sharuudaha looga baahan yahay u dhamMeystirneyn ay ka shaqao gali garin Garoonka Diyaaraha Adan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Si loo hubiyo adeegyada ay u baahan yihin diyaaradaha kasoo dego iyo kuwa ka baxa Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho iyo badqabka isticmaalka hawada dalka ayuu ku saleysnaa kormeerka maanta Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada  oo ay wehliyaan maareeyeyaasha Garoonka.

Maareeye ku-xigeenka Amniga iyo Maamulka Garoonka  Duuliye  Ceyndaruus Axmed Kaahiye ayaa wasiirka uu sheegay in shaqada diyaaradaha ka soo dego oo kor u kacay, islamarkaan ay jiraan shirkado soo codsaday in ka Howlgalaan Gudaha Dalka.

’’maalintii diyaarahada kasoo dego karoonka waxay ay gaareen in kabadan 50 islamarkaana shaqada Garoonka ay Sii balaaratay haatan waxaa jira codsiyo farabadan shirkado diyaarado oo rabo in ay ka howlgalaan gudaha dalka ’’’ Ayuu yiri Duuliye Ceyndaruus Axmed Kaahiye.

Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar Wasiirka Wasaaradda Gadiidka  iyo Duulista Hawada ayaa Faray Shirkadah Diyaaraha iney ka shaqeeyaan in rakaabyada ay  heleen adeegyo dhammeystiran waxa kale uu sheegay in ganacsatada aan sharuudaha looga baahan yahay buuxinin aysan ka Howlgalin Karin Garoonka.

’’laga bilaabo maanta ay tariiqdu tahay 12 07-2018 waxaa la farayaa in shirkadaha diyaaradaha ee ka Howlgalo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqisho looga baahan yahay sharuudaha in ay shaqeeyaan badqabka rakaabka cidii dhammeystiri weysana aysan ka shaqeyn Karin Garoonka Adan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ’’’ Ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Wasiir Oomaar ayaa sidoo kale sheegay in Wasaraadda oo kaashaneysa Dowladda ay diyaar ula tahay shaqalaaha in la sii tababaro dheeraad si ay u guttaan shaqada loo Emma day.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Shiinaha.

Beijing(SNTV) :- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay caasimadda Bakiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Mudane Wang Yi, iyaga oo ka wada hadlay qaabkii lagu horumarin lahaa, laguna xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wadahadalka miradhalka leh ayaa diiradda lagu saarray dhinacyada, arrimaha iyo feelasha muhiimka ah kadib markii uu soo gebagaboobmay shirka sideedaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta gelinkii dambe ee shalay oo Arbaco ahayd.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa yiri “Shiinaha waxa ay si joogto ah u taageeri doontaa dadaallada Soomaaliya ay ku ilaalsanayso madax banaanideeda, amnigeeda iyo midnimadeeda dhuleed, waxa aynu ka taageeri doontaa Xukuumadda Soomaaliya sii ambaqaadida geedi socodka siyaasadeed, sare u qaadidda dib u heshiisiinta bulshada iyo hagaajinta dowlad wanaaga”.

Wang waxa kale oo uu yiri “Shiinaha waxa uu doonayaa inuu taageero dib u dhiska nabadda Soomaaliya inta ay la gaarto tabar”.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Cawad ayaa isna yiri “Soomaaliya waxa ay had iyo jeer si adag u taageertaa siyaasadda ku saleysan Dal weynaha Shiinaha oo hal ah”. waxa uu yiri “dalkiisu wuuxuu si firifircooni leh u taageeraa Hindisaha Hil iyo Hilin [Belt and Road Initiative], waxayna rajeyneysaa in ay xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Shiinaha dhinacyada dib u dhiska kaabayaasha, beeraha, kaluumeysiga, horumarinta iyo aqoon dhisidda shaqaallaha”.

Mareykanka iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xasilinta Soomaaliya

Muqdisho(SNTV):- Dowladaha Kenya iyo Mareynkanka ayaa maalintii shalay oo arbaco ahayd ku baaqay dadaal badan oo lagu doonayo in lagu xasiliyo Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, iyagoona sheegay in nabad-galyadu ay muhiim u tahay horumarinta dhaqaalaha.

Waxayna si gaarka ah u sheegeen iney muhiim tahay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Kooxaha hororka argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya.

Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenya iyo Thomas Waldhauser, oo ah taliyaha Mareykanka ee Afrika (Africom), ayaa dib u cusbooneysiiyay dadaalkooda nabadda ee labada dal.

Madaxweyne Kenyatta, oo wadahadal la yeeshay Waldhauser, ayaa sheegay in xasarad siyaasadeed oo ka jirta Koonfurta Suudaan ay ka sii dartay cabsida aan loo baahneyn iyo is aaminaad la’aanta taageerayaasha madaxweynaha Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar.

“Waxaan siin doonaa wax walba oo aan awoodno, laakiin ma ahan wax sahlan,” ayuu Kenyatta ka yiri Xaaladda Koonfurta Suudaan, sida lagu sheegay bayaan la soo saaray kaddib kullan labada Mas’uul ku dhexmaray magaalada Nairobi.

Hoggaamiyaha Kenya ayaa sheegay in Kenya ay si buuxda uga go’an tahay in la helo nabad ka dhalata Soomaaliya, taasi oo uu ku sheegay ahmiyada koowaad ee hanaanka taageerida Kenya ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya Mr. Kenyatta ayaa sheegay in Soomaaliya hadda ka soo kabaneyso colaad sokeeye iyo caqabado siyaasadeed oo dalka ka jiray.

Waldhauser, dhinaciisa, wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in Soomaaliya ay xoojiso dhismayaasha hoggaanka, isaga oo intaa ku daray in xasilooni la’aanta ay qayb ahaan sabab u tahay faragelinta aan tooska ahayn ee ka imaanaya wadamada kale, sida lagu sheegay bayaanka.

“Waxaan diyaar u nahay in aan sii wadno caawinta waddanka, illaa inta xukuumadda federaalku ay diyaar u noqoneyso inay aqbasho taageeradayada,” ayuu yiri Waldhauser.

Dowladaha Kenya iyo Mareynkanka waxay qeyb ka yihiin dalalka sida aadka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya kana taageera la dagaalanka Kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.

Howlaha gar-gaarka Soomaaliya oo awood loo siinayo Hay’adaha Maxaliga ah

0

Muqdisho(SNTV) Shirkan oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta qaar kamid ah wasaaradaha heer Federaal  iyo heer dowlad goboleed,hay”do caalami ah iyo kuwo Maxali ah ayaa diiradda lagu saaray sidii hoos loogu daadejin lahaa howlaha gargaarka bani’aadinimo ee Soomaaliya iyo awood siinta hay’adaha maxaliga ah ee dalka ka howlgala.

Intii uu socday shirkaasi ayaa lagu soo bandhigay aragtiyo ku aadan sida ugu haboon oo gar gaar dhameystiran loo gaarsiin karo dadka kunool guud ahaan dalka,iyadoo loo marayo awoodsiinta hay’adaha maxaliga ah,kuwaasi oo la aaminsanyahay in ay kaga haboon yihiin fidinta howlaha gargaar maadaama ay dalka ay ka howlgalaan.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa faah faahiyay ahmiyada ay dalka u leedahay qorshaha daadejinta howlaha samafal.

“Runtii waxaa ahmiyad weyn inoo ah in fulinta mshaariicda ay gacanta u galaan hay’adaha maxaliga ah ee dalk aka howlgala,waxaana raacaynaa heshiis horey u dhacay iyo wada hadaladii dalka Turkiga 2012kii kaasi oo ku saabsanaa in dadka maxaliga ah awood badan la siiy,taasina waa inoo faaido”. Ayuu Yiri Maxamed Macalin.

Sidoo kale Maxamuud Maxamed Ibraahim oo kamid ah mas’uuliyiinta Hay’adda World Vision oo kamid ah hay’adaha gar gaarka ee Caalamiga ah aya hadlay ujeedka laga damacsanyahay in awood la siiyo hay’adaha maxaliga ah.

“Anaga ka caalami ahan iyo kuwa maxaliga ah waxaan is leeyahay waxbadan ayay qabanaysaa arrintan,waxaa ay wax ka taraysaa in ay gaaraan meel aysan gaari Karin kuwa caalamiga ah,iyagana waxay u noqonaysaa dabcan fursada awoodooda ay sare ugu qaadi karaan”. Ayuu yiri Maxamuud.

Talaabadan ayaa hadii ay hirgasho waxay fursad u noqonaysaa dadbadan oo haysta xaalado bani’aadanimo in ay si haboon uga faa’idaystaan howlaha gargaar ee dalka ka socda,waxaana ay imanaysaa iyadoo baahiyo badan loo qabo in dadka ku dhibaataysan qeybo kamid ah gobolada dalka ay helaan fursad ku aadan adeegyada ay u baahanyihiin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo sheegay in uu xirmay Kalfadhigiii Seddexaad ee Golaha Shacabka

Muqdisho (SNTV), Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka ku wargeliyay in kalfadhigii Saddexaad ee Golaha Shacabka uu xirmay 10-ka bishan luulyo oo shalay ku beegneyd.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada u rajeeyay nasiino wanaagsan, waxaana xildhibaanada ay soo laabanayaan 10-ka September 2018, sida ku cad warqada ka soo baxday xafiiskiisa.

Kalfadhigan 3-aad ayaa waxaa 10-kii Maarso ee sanadkan furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Sida uu dhigayo Dastuurka KMG ah ee dalka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sanad walba waxa ay yeeshaan laba kalfadhi, iyada oo kalfadhi kasta oo ka mid ah kalfadhiyada uu soconaya mudo ku siman Afar bilood.

Warqada fasaxa ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa la ogeysiiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha, Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo booqday Hey’adda Iskaashatada dhismaha ee Shiinaha

Beijing(SNTV):– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shalay booqday Hey’adda Iskaashatada dhismaha ee Shiinaha, waxaana ku soo dhoweeyay Guddoomiye kuxigeenka hey’addaasi Mudane Lu Jing.

Wasiir Axmed Cawad, oo ka qeybgalay shirka sideedaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ayaa isku dayaya soo celinta wax wadaagga Soomaaliya iyo Shiinaha dhinacyada beeraha, waraabka, dab ka dhalinta biyaha webiga iyo mashaariicda horumarineed ee kale ee dib u dhisidda Tiyaatarka Qaranka, Isbitaalka Banaadir iyo wadada isku xirta gobollada koonfureed iyo kuwa waqooyi.

Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha waa dowlad saaxiib la ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xiriirka u dhexeeya labada shacab wuxuu soo taxnaa muddo ka badan 600 sano.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qabatay Madal ku saabsan Heshiisyadii Baydhabo

Muqdisho  (SNTV), Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Madal ay shacabka Soomaaliyeed fursad ugu heleen in looga jawaabo su’aalaha ku saabsan Heshiisyadii Kheyraadka (Batroolka) iyo Doorashooyinka ee madaxda qaranka ay ku gaareen magaalada Baydhabo.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Wasiirka Wasaaradda Batroolka Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed, La-taliye Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Sahra Cali Xasan, Dr. Xasan Xaaji Ibraahim oo ah La-taliye Sare ee Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka, Avv Cumar Dhagey iyo La-taliyaha Madaxweynaha Maxamed Cabdirisaq ayaa si wadajir ah uga jawaabayeen su’aalaha ka imaanayay bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka soo qeybgashay Madasha.

Wasiir Cabdi Xoosh oo ka hadlay sababta loo sameeyay Madasha ayaa sheegay inay tahay mid shacabka xog-ogaal looga dhigayo heshiisyada ay madaxda gaaraan.

“Sida aad la socotaan heshiisyadii madaxda qaranka ay ku gaareen magaalada Baydhabo waxay ahaayeen kuwa taariikhi ah, inaga Wasaarad ahaan waxaa naga saaran masuuliyad ah in heshiisyadaas lagu qoro Dastuurka; kulankan waa mid muhiim ah oo aan dooneyno in shacabka ay xog badan uga helaan heshiisyadii ay madaxda gaareen” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Dhanka kale, Wasiirka Batroolka Eng. Cabdirashiid Maxamed ayaa si qoto dheer u sharxay Heshiiskii Kheyraadka gaar ahaan Batroolka isagoo ka jawaabay Su’aalaha ka imaanayay shacabka ee quseeyay Batroolka.

Sidoo kale, Dr. Xasan Xaaji Ibraahim oo kamid ah La-taliyayaasha Sare ee Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka ayaa sharxay heshiiskii Doorashooyinka, waxa uuna ka jawaabay su’aalaha arrimaha Doorashooyinka ee ay shacabka soo gudbinayeen.

Wasiir Cabdi Xoosh iyo La-taliye Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Sahra Cali Xasan ayaa si wadajir ah u sharxay masuuliyadda Wasaaradda ka saran heshiisyadii la gaaray ee Dastuurka lagu qori doono inta ay socoto dib-u-eegista Dastuurka.

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa joogteyn doonta qabashada madashan oo kale ee shacabka looga jawaabayo su’aalahooda ku saabsan heshiisyada ay gaaraan madaxda qaranka ee Dastuurka lagu qori doono.

Wasiirka Difaaca iyo Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida oo kormeer qiimeyn ah ku sameeyey Qaar kamid ah Xeryaha Ciidanka Xoogga

0

Muqdisho (SNTV), Wasiirka Wasaaradda Difaaca Xukuumadda federaalka Soomaaliyeed, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) , taliyeyaasha ciidanka qalabka sida, xoghayaha guddiga difaaca golaha shacabka iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer qiimeyn ah waxa ay ku sameeyeen qaar kamid ah xeryaha ciidanka xoogga dalka oo dib u dhis lagu sameyn doono.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, sareeyo gaas C/weli Jaamac Gorod oo deegaanka Carbiska kula hadlay askar ka tirsan qeybta 12-ka April oo halkaas fadhiisan ku leh ayuu u sheegay in aan la oggolaan Karin in shacabka la dhibaateeyo.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), Xoghayaha guddiga Difaaca golaha shacabka  xildhibaan Sadiiq Warfaa iyo taliyaha ciidanka asluubta sareeyo guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sidoo kale hadal goobaabo ah u jeediyay ciidankaasi.

Hindisaha qorshaha lagu dhisayo dhammaan xeryaha ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa hormuud u ah wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), waxaana uu faahfaahin ka bixiyay u jeedada kormeerkooda maanta.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????