Wasiirka Difaaca XFS iyo mas’uuliyiin kale oo kormeerey Xerada Janaraal Dhaga-badan

Date:

Muqdisho (SNTV), Xerada tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee Janaral Dhaga-badan, ayay kormeer howleed maanta ku tageen wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, xoghayaha guddiga difaaca ee golaha shacabka iyo saraakiil kale.

Qaar kamid ah askartii horey, Imaaraadka gacanta ugu hayeen ayaa hadda lagu leyliyaa xerada, waxayna mas’uuliyiinta soo indha indheeyeen qeybaha xerada, sida goobaha tabbabarka iyo qeybta cuntada, iyadoo mas’uuliyiinta ay la kulmeen saraakiisha midowga Yurub ee Tabbabarta ciidanka xoogga dalka oo ugu warbixisay howlaha ay halkaas ka hayaan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, sareeyo Gaas, C/weli Jaamac Gorod, oo la hadlay askasta tabbabarka u socday ayaa ku booriyay in ay u adkeystaan leyliga, si dalka ay u anfacaan.

Xoghayaha guddiga difaac ee golaha shacabka, xildhibaan Sadiiq Warfaa, ayaa sheegay in miisaaniyadda wasaaradda Gaashaandhigga la kordhin doono sanadka soo aadan maadaama uu dalka dagaal ku jiro.

Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) wasiirka difaaca ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhismaha ciidanka xoogga dalka ay ka go’an tahay madaxda dowladda Soomaaliya, isla markaana uu u taagan yahay fulinta hadafkaas.

Sidoo kale, wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo mas’uuliyiinta kale, ayaa saldhiga howlgalka ciidanka Midowga Yurub ee tabbabarada siiya ciidanka xoogga dalka waxaa ay kula kulmeen Taliyaha cusub ee howlgalkaas BRIGADIER GENERAL MATTEO SPREAFICO iyo GENERAL PIETRO ADDIS oo xilkaas baneeyay, ayagoo kala hadlay dardargelinta howlaha dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka oo ay wadaan Midowga Yurub.

Dhanka kale, wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa la kulmay sarkaalka Midowga Yurub siyaasadda dibadda ee bariga iyo Koonfurta Afrika u qaabilsan ERIC GALVIN, ayagoo isku afgartay in midowga Yurub ay kordhiyaan taageerada Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in Midowga Yurub ka caawin doonaan dib u dhiska xeriyaha ciidanka xoogga dalka, kor u qaadista xirfadda shaqaalaha shacabka ah ee wasaaradda iyo arrimaha kale oo muhiim ua ah howlaha wasaaradda.

Wasiirka Gaashandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan helitaanka xuquuqda askarta ciidanka Soomaaliya isla markaana loo baahan yahay in loo diyaar garoobo sidii nabad diidka dalka looga xoreyn lahaa.

?
?

?
?

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan...

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...