Home Blog Page 1272

Jaamacadda Ummadda oo ku ogeysiineysa Diiwaangelinta Imtixaanka sannad tacliimeedka 2018-2019

0

Dhammaan Ardeyda Soomaaliyeed waxaa la ogeysiinayaa in qabashada araajida codsiga ka qeybgalka imtixaanka gelintaanka Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed sannad tacliimeedka 2018-2019-ka la bilaabay 07/07/2018, kuna eg 09/08/2018.

 

Warbaahinnada Dowladaha Soomaaliya Iyo Djibouti oo Iskaashi Yeelanaya

0

Jabuuti: Wafdi ka socday Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee wasaaradda C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala ayaa ku sugan magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Djibouti kadib markii ay marti qaad rasmi ah ka heleen Agaasimaha guud ee Raadiyaha iyo Telefishinka Djibouti RTD  C/qaadir Axmed Idiris.

Wafdigan ayaa saakay kulan la qaatay mas’uuliyiinta ugu sareysa RTD waxaana ay ka wada hadleen abuurista jawi iskaashi iyo wada shaqeyn walaaltinimo ku dhisan kaasi oo dhexmari doona Warbaahinnada dowladaha Soomaaliya iyo Djibouti .

Agaasimaha Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya C/fataax Daahir Jayte oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Jamhuuriyadda Jabuuti taageerrada walaaltinimo ee ay horey u siiyeen Radio Muqdisho taasi oo aheyd mid qalabeed sanadkii 2010 islamarkaana hada ay diyaar u yihiin dhankooda Radio Muqdisho iyo SNTV iney iskaashi shaqo la yeeshaan dhigooda RTD.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey maamulka sare ee RTD marti qaadka ay u sameeyeen wafdigiisa iyo sida loosoo dhaweeyey waxaana uu ka hadlay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay iska kaashan karaan labada warbaahin dowladeed oo ay ugu sii horeyso qibrad is weeydaarsiga labada dhinac iyo is taageeridooda.

Agaasimaha guud ee Raadiyaha iyo Telefishinka Djibouti RTD C/qaadir Axmed Idiris oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey wafdiga uu agaasimaha guud hogaaminayo sida ay uga soo jawaabeen casuumaada ay u fidiyeen waxaana uu dhankiisa ka hadlay muhiimada uu leeyahay iskaashi dhexmara warbaahinnada dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Kulanka waxaa ku sugnaa injineero ka kala tirsan labada Warbaahin dowladeed waxaana kulanka kadib ay wafdigu kormeereen qeybaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan Raadiyaha iyo Telefishinka Djibouti.

 

Maamulka gobalka Benaadir oo garoonka ka hir geliyay xarun laga helo adeegyada dowladda hoose.

Muqdisho (SNTV)-Maamulka gobolka Banaadir oo mudooyinkii danbe xooga saareysay sidii bulshada caasimadda kunool ay u heli lahaayeen adeegyada ay dowlada hoose bixiso iyagoo jooga degmooyinkooda  ayaa maanta garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaa laga hirgaliyay xarunta adeegyada dowlada hoose,  waxaana si wadajir ah xariga uga jaray wasiir kuxigeenka maaliyadda ee xukuumada Soomaaliya iyo gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir.

xafiiskan  ayaa bixin doono afar adeeg oo muhiim ah kuwaasi oo kala ah.

Shatiyada Ganacsiga.
Diiwaangalinta shirkadaha iyo NGO-yada.
Faya dhowrka garoonka diyaaradaha,
Buugga Caafimaadka.

guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada ee maamulka gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Tuulax) ayaa ka sheegay munaasabadda furiteenka in ahmiyad gaar ah ay u leedahay ka maamul ahaan in ay bulshadooda u dejiyaan hoos adeegyada uu bixiyo Maamulka Dowladda-Hoose.

wasiir kuxigeenka wasaarada maaliyadda dowlada Soomaaliya mudane Cabdullaahi Shiikh Cali Qaloocow ayaa tilmaamay in wasaaradda ay la shaqeyn doonto dowladda hoose si loo horumariyo adeegyada aas aasiga ah.

intaasi kadib ayaa guddoomiye Tuulax waxa uu madaxa xafiiska la hir geliyay  ku wareejiyay gaadiid gaar ah oo loogu talagalay in lagu fuliyo adeegyada ay dowlada hoose ee Xamar ka bixin doonto garoonka Aadan Cade.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Furay kalfadhiga 5-aad ee golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed

Baydhabo (SNTV)- Xafladda Furitaanka kalfadhiga 5-aad ee golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, ayaa waxaa Ka qeyb galay Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna gudoomiyaha golaha Shacabka ,Madaxweynaha Dowlad goboleedka koonfur gaalbeed, Guddoomiyaha Golaha wakiilada ee Dowlad goboleedka koonfur gaalbeed, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka, Xildhibaanada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ,Xafiiska Qaramada Midoobay iyo Ururada Bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa Ka hadlay waxyaaabihii u qabsoomay golaha wakiilada ee Dowlad goboleedka koonfur gaalbeed isagoo sheegay in waxyaabaha kalfadhigan horyaala ay Ka mid yihiin dejinta iyo diyaarinya habraaca doorashada Madaxtinimo ee Dowlad goboleedka koonfur gaalbeed oo dhowr bil Ka dib dhici doona.

Qaar Ka mid ah Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka oo xaflada Ka hadlay ayaa  u Mahad celiyay howlaha ay dadka iyo deegaanada koonfur gaalbeed u qabteen golaha wakiilada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay golaha mudadii uu shaqeynayay uu wax badan qabtay isagoo sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu wax badan ka qaban doono cabashada ay soo gudbiyeen Shacabka ku safra wadooyinka isku xira Magaaladda Muqdisho iyo Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kusimaha Madaxweynaha jamhuuriyadda ahna gudoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo si rasmi ah u furay kalfadhiga 5-aad ee golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ayaa aad u amaanay iskaashiga iyo wada shaqeynta wanaagsan ee ka  dhaxeysa Shacabka iyo madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed, wuxuna sidoo kale u mahad celiyay golaha wakiilada koonfur galbeed howlaha ay haayaaa

Guddoomiyaha golaha Shacabka waxaa uu sheegay in qorshaha uu yahay in la sii xoojiyo xiriirka wada shaqeynta iyo iskaashiga ku dhisan ee Ka dhaxeeya golaha Shacabka iyo golayaasha sharci dejinta ee Dowlad Goboleedyada, isagoo tilmaanay in Maadaamaa Dalka uu qaatay nidaamka federaalka loo baahanyahay in maamulka loo de dejiyo min degmo ilaa tuulo si maamulka hanaanka dowlad wanaaga uu u gaaro dadka deegaanada miyiga ah ku nool.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo Xariga ka jaray Xafiiska Xalinta Khilaafaadka degmada Hodan ee G/Banaadir

Muqdisho(SNTV);– Furitaanka daadajinta Barnaamijka heer degmo ee xafiiska xalinta Khilaafaadka oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ayaa laga hirgeliyay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,iyadoo qorshahu uu yahay in bulshada ay helaan adeeg Garsoor oo dhammeystiran.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta degmada ayaa Bulshada ay ku ammaaneen doorka Wasaaraddu ay ka qaadaneyso dib u soo nooleynta Golaha Adeega Garsoorka dalka.

Ku simaha Gudoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Hodan Yaasiin Cusmaan Jimcaale ayaa tilmaamay in Xafiiskan muhiimad gaar ah u leeyahay Bulshada reer Hodan.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya  Mudane Xasan Xuseen Xaaji  ayaa sheegay in xafiiskan xalinta Khilaafaadka uu wax badan ka tari doono baahiyaha dhanka garsoor ay qabaan Bulshada degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xafiiska xalinta Khilaafaadka ay garsiin doonaan dhammaan degmooyinka iyo Gobollada dalka si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan dhammaan Adeeg garsoor oo dhammeystiran.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga Iyo Horumarinta Dhaqaalaha

0

Muqdisho, July 09, 2018, Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeeray wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa kulan xog wareysi ah la qaatay wasiirka wasaaradda, Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiirka qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta Jamaal Maxamed Xasan oo ka warbixiyay kormeerka Ra’iisul Wasare Xasan Cali Khayre uu ku tegay xarunta wasaaradda ayaa sheegay in uu xog badan ka siiyay heerka uu marayo dhaqaalaha dalka, kobaca dhaqaalaha, qiimaha maciishadda kala duwan ee dalka, qorshaha qaranka, mashaariicda kala duwan ee ka socda dalka, wax soo saarka dalka (GDP), maalgashagiga dalka, fursadaha iyo caqabadaha jira, iyo dhismaha golaha dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kormeeray xafiisyada wasaaradda waxa uuna mid mid u waraystay agaasimayaasha waaxyada kala duwan iyo shaqaalaha wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta, waxa ayan uga warbixiyeen shaqada ay qaranka u hayaan.

Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa howlaha kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee dawladda si looga mira dhaliyo qorshaha xukuummadda ee ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay Geerida Marxuumad Bishaaro Aadan

0

Muqdisho(SNTV);- Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay, Bishaaro Aadan Yuusuf oo ah Hooyada dhashay Marwada dalka Saynab Cabdi Macalin, oo xannuun mudooyinkaan haayay maanta ugu geeriyootay magaalada Muqdisho.

Salaaddii Janaasadda ee lagu tukaday Marxuumadda ayaa waxaa ka qaybgalay, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Guddoomiye Kuxigeennada Golaha Shacabka, Raiisul Wasaraaha, Raiisul Wasaare Kuxigenka, Xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo Ehelada.

Madaxdaan ayaa uga tacsiyeeyay Geeridaan naxdinta leh dhammaan umadda Soomaaliyeed iyo Qoyska ay ka baxday Marxuumad Bishaaro Aadan, iyagoo sidoo kale Alle uga baryay inuu Jannada Fardowso ka waraabiyo.

R/wasaaraha Soomaaliya oo xilkii ka qaaday Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV);-Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xilka looga qaaday wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta Dowladda Soomaaliya Xildhibaan Xasan Macallim Xuseen.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa akhriyay  digreetada xilka looga qaaday Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macallim Xuseen,wuxuuna sheegay in xilkaasi si KMG ah loogu dhiibay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya C/xakiim Xasan Ibraahim Ashkir.

” Digreeto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre maanta oo taariikhdu ay tahay 9-ka bisha Luulyo sanadka 2018-ka,waxaa xilkii Wasiirnimada looga qaaday Wasiirkii hore ee Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xildhibaan Xasan Macallim Xuseen,waxaa xilkaasi kusime ka ahaan doona Wasiiru Dowlaha isla Wasaaraddaasi C/xakiim Xasan Ibraahim Ashkir waana Mahadsan tihiin,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo warbaahinta Dowladda ka Akhriyay digreetada Xilka ka qaadista.

Maamulka Degmada Xudur oo wada Mashruuc Iskuullo Waxbarasho loogu dhisayo Degmada

Xudur(SNTV);- Maamulka Degmada Xudur ee Gobalka Bakool ayaa WadO qorshe lagu horumarinayo laguna dhisayo IskuulLo Wax barsho oo ay yeelato Degmada si ay uga faa’iideystaan Ardayda u baahan inay Aqoontooda kor u qaadaan.

Guddoomiyaha Xafiiska dib-u-dhiska iyo Horumarinta Maamulka Degmada Xudur C/risaaq Isaaq Saajin oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegey in ay wadaan howlaha horumarineed ee Degmada, iyagoo kaashanaya hay’adaha ku shaqada leh.

“Waxaan wadnaa Qorshe ballaaran kaasi oo aan ugu tallo galnay in aan ku balaarino Waxbarashada Degmada Xudur maxaa yeelay waxey Degmadu ka liidataa dhanka Waxbarashada mardhowna waxaa bilaabi doonaa arrintaas” sidaas waxaa yiri C/risaaq Isaaq Saajin.

Gudoomiye C/risaaq ayaa sidoo kale sheegey iney wadaan dib-u-dayactir ay ku sameynayaan Waddooyinka qaar ee soo gala Degmada, meelaha qaar ayaa la dhagax dhigay si loo horumariyo adeegyadda aasaasiga ah ee ay Bulshadda u baahan tahey.

Ugu dambeyn, Gudoomiyaha ayaa xusay in wax kasta oo horumarin ah oo uu xafiiskiisa ku guuleystey ay qeyb k atahay Amniga Degmada oo ay ka shaqeeyeen hay’adaha Ammaanka oo kaashanaya Shacabka Deegaanka.

Madaxweyne Farmaajo ka Qeyb Galaya Caleemo-saarka Madaxweyne Erdogan

0

Ankara, 8-da Luuliyo, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gaaray magaalada Ankara halkaas oo berri lagu qabanayo munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri; “Madaxweynaha waxa uu halkan u yimid inuu ka qeyb qaato waaga cusub ee u baryaya walaalaheenna reer Turkiya keddib natiijadii doorashadii madaxtinnimo, waxaana rajeynaynaa in xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiya heerka uu haatan taaganyahay inuu kasii xoogeeysto.”

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo kicitimay magaaladda Jabuuti halkaas oo ay uga soo qeyb galeen Shirka Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha iyo munaasabad lagu daah furayay Suuqa Xorta ah ee Jabuuti.

Madaxweynaha waxaa safarkan ku wehliya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La-taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan.