Robert Mugabe oo hadal layaab leh jeediyay xilli ay berri doorasho ka dhici doonto Zimbabwe

Date:

29, JULY, 2018, Muqdisho (SNTV) Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa qabtay shirjiraa’id oo uu kaga hadlayo Doorashooyinka guud ee lagu wado in maalinta berri ah ay u dareeraan dadweynaha dalka Zimbabwe.

Mr. Mugabe ayaa sheegay in uu taageeri lahayn Emmerson Mnangagwa oo ah ninka u sharaxan xisbiga Zanu-PF islamarkaana ay ku wadaan inuu noqdo qofkii bedeli lahaa oo noqon lahaa madaxweynaha dalka Zimbabwe.

Robert Mugabe ayaa si khasab ah looga qaaday xafiiska talada dalkaasi ayaa yiri ‘Anigu ma taageeri lahayn xisbiga aan dhisay oo si qasabka ah iigaga qaaday xafiiska’

“uma codeeyeen kuwa isoo weeraray oo i hareereeyay,” ayuu yiri. “aniga waxaan xulan lahaa oo dooran lahaa 22-ka kale ee musharixiinta ah.”

Hadalka Mugabe ayaa kusoo beegmay xilli maalinta berri ee isniinta loo balansan yahay in ay doorashooyinka guud ee ka qabsoomaan gudaha dalka Zimbabe, doorashadaasi oo ah tii ugu horreeysay oo laga qabto dalkaasi taniyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....