Home Blog Page 1257

Horjoogayaal Daacish ah oo la maxkamadeeyay

Muqdisho (SNTV)– Mahad Max’ud Cabdi oo magacyadiisa afgarashada yihiin  ( Abtidoon, Abuu-yaasiin) iyo Max’ed Daa’uud Daahir Warsame  oo isagana loo yaqaanno  (Dr,raage)  ayaa loo heystaa in ay ka mid ahaayeen hor-joogayaasha kooxda Daacish.

Mahad Max’ud Cabdi  ayaa isaga dadaal ugu jiray sidii uu aas-aasi lahaa koox kale oo Daacish ah  kuwaasi oo ka madax banaan kooxda Daacishta ah ee uu hugaamiyo Cabduqaadir Muumin.

Safar dheer ayuu u soo galay sidii uu soomaaliya ku soo gaari lahaa, waxa uuna heysta dhalashada Ruushka oo uu muddo ku maqnaa waddankaas, waxa uu sidoo kale ku soo qaatay qeyb ka mid ah noloshiisa waddanka Syria,  isagoo ugu dambeyn ku biiray  kooxda Daacish   uu ka mid noqday kuwa ugu sarreeyo balse mar dambe oo ay is qabteen hor-joogaha kooxda Daacish   ayuu  go’aansaday in uuu aas-aaso  koox kale, wax yaabaha gaarka ah oo ay xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen waxaa ka mid ah warqad uu u qoray horjoogaha ugu sarreeyo kooxda daacish taasi uu  ku gudbinaya cabashada ay ka wadaan  horjooge Cabduqaadir muumin, wax yaabaha ku qornaa waxaa ka mid ah;-

Hugaan xumida hugaamiyaha kooxda, Qorsha la’aanta howlahooda iyo Howl-galladooda, ku baahid la’aanta dhul ballaaran sida Koonfurta Soomaaliya iyo arrimo kale.

Max’d Daa’uud Daahir Warsame  oo magiciisa afgarashada yahay  (Dr,raage)  ayaa isna lagu eedeeyay in uu ahaa madaxa maaliyadda kooxda sidoo kale  ahaa caawiye  xagga caafimaadka ah  ayaa  cadeymaha maxkamadda lala keenay waxaa ka mid ahaa Akoonada lacageed ee uu isticmaalay iyo shirakidihii uu isticmaali jiray lacagaha.

Farsoomyinka ay ka mid yihiin kala badalidda xawaaladaha, Sameynta akoonno kala duwan oo loo  sameeyay qaab-caawimaad iyo iska daba wareejinta sharikadaha in uu cadeeyo Hey’adaha uu sheeganayo shaqadooda iyo sharciyadda ay ku shaqeeyeen balse uu arrintaasi ah ka leex-leexday.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Ciidamada qalabka Sida Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa maxkamdda ka codsaday in la mar-siiyo ciqaab u dhiganto  qodobada ay ku soo eedeeyeen, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in dil-toogasha ah.

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha  ayaa  maxkamadda ka hor sheegay  in aysan wakiiladooda   diidaneyn ka mid ahaanshiyaha kooxda Daacish balse ay ka  laabteen fikirkaas, sida mid ka mid ah qoraalkiisa cadeymaha uu ku cadeeyay hor-joogayaashan.

Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida  G/sare  Xasan Cali Nuur Shuute ayaa  soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxa uuna u sheegay dhammaan ka qeyb-galayaasha in Maxkamadda ay go’aanka dib ka soo saari doonaan.

Horjoogeyaashan oo aan aheyn dad dhallinyaro lamarin habaabiyey ayaa doonayey in ay maskaxda dhallinyaro Soomaaliyeed   lumiyaan si ay ugu adeeggaan argagixiso aan arxan iyo aragti toona  lahayn.

Tababar ku saabsan adeegsiga Korontada oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho-(SNTV)-Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya ayaa Maanta tababar Afar Cisho socon doona ugu furtay Magaalada Muqdisho, xubno ka kala socda Dowladda dhexe, maamul Goboleedyada iyo matalayaal ka socda shirkadaha Korontada ee gaarka loo leeyahay.

Tababarkan ayaa lagu baran doonaa Laba qeybood oo muhiim u ah adeegga koronto ee Dalka, saameynta laga dhaxlay shirkadaha ku shaqeeya Matoorrada iyo sida looga faa’iideysan karo Cadceedda ama adeegyada Soollarka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiwaahid Ibraahim Axmed ayaa u sheegay ka qeyb galayaasha in sida loogu talo galay ay uga faa’iideystaan tababarkan oo ay bixinayaan khuburo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim oo daah furay tababarka ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku howlan tahay sidii loo soo saari lahaa xirfadlayaal dhameystiran, isagoo la dar-daarmay dhinacyada ka qeyb galaya tababarka.

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii loo soo saari lahaa xirfadlayaal la diyaariyay oo si aqooni ku dheehan tahay uga shaqeeya adeegyada koronto ee Dalka.

Madaxweynaha Farmaajo oo booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Eriteriya

Muqdisho, Luuliyo 28, 2018:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo qaadaneysa muddo 3 maalmood ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Asmara waxa uu wada hadallo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Asias Afawerki, waxaana diiradda lagu saarayaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

“Labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya waxa ay wadaagaan xiriir iyo sooyaal fac weyn. Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta ayaa waxay albaabada u fureysaa xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi cusub oo ay yeeshaan labada dal.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxweyanaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno iyo qaar kamid ah la-taliyeyaasha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qaban qaabo lagu soo dhaweynayo Ra’isul Wasaare Khayre oo Garoowe ka socota

Garowe(SNTV) Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku tagay Magalada Garoowe ee Xarunta dowlada goboleedka Puntland.

Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdiga raiiusl Wasaare Khayre ayaa ka socota magaaladaasi,iyadoo madaxda Puntland iyo qeybaha bulshada ay isku diyaarinayaan sidii ay soo dhaweyn diiran ay ugu sameyn lahaayeen wafdigaasi,sida uu soo sheegayo Wariyaha warbaahinta Qaranka MAxamed Muuse Tarsan oo jooga Garoowe.

Ra’iisul Wasaaraha  Xukuumadda Soomaaliya ayaa inta uu joogo Puntland waxaa uu booqan doonaa Magaalooyin ka mid ah puntland,isaga oo ka hirgelin doono mashaariic horumarineyd.

Sidoo kale waxaa uu ka qeybgalidoonaa sanadguuradii 20-aad ee aas aaskii Puntland,taasi oo ku began 1-da bisha soo socta ee August 2018,isagoona intaasi kadib la kulmi doona madaxda Puntland iyo qeybaha bulshada.

Qeybo kamid ah magaalada Garoowe,boorarka waxaa ku xardhan sawirada raiiusl wasaare Xasan Cali Khayre oo lagu qoray hal ku dhigyo ay kamid yihiin soo dhawow mudane raiiusl wasaare,iyadoo shacabka Puntland ay dareen xoogan oo dhanka soo dhaweynta ah ay muujinayaan.

Raiisul wasaare kuxigeenka Dalka oo la kulmay wafdigii ka qeyb-galay shirkii waxbarashada

Muqdisho(SNTV) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qayb galay munaasabad sagootin ah oo madaxtooyada Soomaaliya loogu sameeyay wafdi ka socday waddamada Thailand, Koonfur Afrika, Suudaan, Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo qayb ka ahaa mas’uulyiintii lagu casuumay shirkii caalamiga ah ee waxbarashada sare ee lagusoo gebagebeeyay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa wafdiga uga mahadceliyay ka qayb galkooda shirkaan caalamiga ah ee waxbarashada sare oo intii uu socday la iskula gartay in waddamada colaadaha ka soo kabanaya loo sameeyo urur Jaamacadeed ay hormuud u tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Wafdiga ayaa dhankooda uga mahadceliyay madaxda dawladda soo dhawaynta heerkeedu sareeyo ee loogu sameeyay Muqdisho intii ay u joogeen ka qayb galka shirkii caalamiga ahaa ee waxbarashada sare oo sannadkaan si gaar ah diiradda loogu saaray Cilmi-baarista.

Munaasabadda sagootinta ah waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada ahna ku-simaha wasiirka iyo gudoomiyaha jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, waxa ayna labaduba sheegeen in natiijada kasoo baxday shirkii caalamiga ahaa ay Muujineyso horumarka ay Soomaaliya ka sameysay waxbarashada sare maadaama leesku raacay in Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay hogaanka u qabato urur jaamacadeed ay yeelanayaan wadamada colaadaha kasoo kabanaya.

Ra’iisul Wasaaraha JFS oo Caddeeyay ixtiraamka ay u hayaan Bahda Waxbarashada Dalka

Muqdisho(SNTV):– Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta ka qayb galay Barnaamijka Bandhigga Baahida ciyaaraha dalka, ayaa khudbad uu u jeediyay kummannaan ruux oo isugu soo baxay garoonka Wiish, degmada Cabdicasiis ee gobalka Banaadir, waxa uu uga hadlay horumarinta waxbarashada iyo ciyaaraha dalka.

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa sheegay in ay aqoonyahannadii iyo dhammaan masuuliyiintii isku hawlay horumarinta waxbarashada dalka xilliyadii ay adkayd in lagu dhiirrado fulinta barnaamijyo bulshada lagu horumarinayo, in dawladdu aqoonsantahay ayna ku leeyihiin sharaf iyo abaal, hase yeeshee wali loo baahanyahay in la tayeeyo waxbarashada dalka.

“Cid waliba oo kasoo shaqeysay waxbarashada Soomaaliyeed waqtigii ay ugu dhibka badneyd waxa aan u haynaa sharaf iyo abaal, dalkiinana wax aad ku leedihiin karaamo, kuwa shahaadooyinka kasoo qaatay iyo kuwa hadda dhiganayana waxa aan idiin sheegeynaa in dawladiinu idin aqoonsantahay hase yeeshee xukuummadda, wasaaradda waxbarashada iyo jaamacadaha waxaa laga doonayaa in ay sii horumariyaan tayada waxbarashada waddanka si aan ula tartanno dunida inteeda kale”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa adkeeyay dawrka ciyaaruhu ay ku leeyihiin horumarka dalka iyo soo celinta kalsoonida dhallinyarada, isaga oo sheegay in xukuummaddu ay bahda ciyaaraha dalka siineyso xushmadda ay mudanyihiin.

“Waxa aan aaminsanahay in Ciyaaruhu yihiin sida kaliya ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku dareemi karaan in ay qayb ka yihiin Bulshadooda. Waxa aan ka shaqeyneynaa in madaxda dalku idin siiyaan ixtiraamka aad xaqqa u leeyihiin. Marka aad safar dibadda u aadaan, safiirradu waxa ay ku amranyihiin in ay idiin soo dhaweeyaan sida madaxweynaha loosoo dhaweeyo oo garoonka diyaaradaha ay idiin istaagaan”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u sheegay ka qeyb galayaasha munaasabadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay muhiimmadda ay leedahay soo celinta iyo dib u dhiska goobaha ciyaaraha gaar ahaan garoomada waaweyn ee kubbadda cagta sida garoonka ciyaaraha Muqdisho oo fariisin u ah ciidanka nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM).

“Garoonka ugu weyn ee dalkaani lahaa waa Muqdisho, waxa aan wasiirka hortiina ugu sheegayaa in garoonkaas si dhaqsa ah gacantiinna loo soo geliyo. Waxa aan codsannay ciidamada ku jira in laga saaro, la dhiso, wasaaradda gacanteedana lasoo geliyo”, ayuu u sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre ku yiri kumanaanka ruux ee ka qayb galay barnaamijka baahida ciyaaraha.

Ololaha Is-xilqaan oo ka hir-galay Muqdisho

Muqdisho (SNTV)-Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Shakeeti ayaa maanta ka qeyb gashay ololaha Nadaafada ee Isxil qaan Qaran.

Ololaha nadaafada ee Isxil qaan Qaran ayaa shalay waxaa ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana maanta si rasmi ah loogu bilaabay degmooyinka gobolka banaadir.

Guddoomiye Basma ayaa shacabka degmooyinka kala ah Shangaani, Xamar Weyne, Bondheere, Yaaqshiid iyo Kaaraan kala qeyb gashay olole nadaafadeed oo ka socday degmooyinkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Shakeeti ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin iney fuliyaan baaqa madaxweynaha.

Waxa ay ugu baaqday shacabka degmooyinka in ay ka qeyb qaataan ololaha nadaafada ee Isxil qaan Qaran si Muqdisho ay u noqoto magaalo nadiif ah oo nabadda ah, dhinac walbana kala tartami karto magaalooyinka kal ee caalamka.

Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Shalay xaflad ka dhacday Muqdisho oo ay kasoo qeyb galeen kummanaan Qof oo ka mid ah xoogagga wadaniyiinta Gobolka Banaadir uga dhawaaqay ololaha Is-xilqaan oo loogu tala galay in lagu dhiso Dalka, isaga oo Madaxweynuhu ka sodsaday muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed in Toddobaadkii Labo Saacadood iyo bar ka mid ah waqtigiisa uu galiyo Dalkiisa.

Cimraan Khaan oo ku guuleystay doorashadii ka dhacday Pakistaan

Islamabad-(SNTV)-Hoggaamiyaha xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa ku guuleystay doorashooyinkii Baarlamaaniga ahaa ee ka dhacay Dalka Pakistaan, sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.

Ciyaar yahanka u xuub siibtay Siyaasadda ee Cimraan Khaan, ayaa Saacado ka hor sii sheegtay inuu isagu ka guuleystay Axsaabtii la loollamayay oo uu ka mid yahay Xisbiga  haatan talada haya ee uu hoggaamiyo Nawaaz Shariif.

Kuraasta Baarlamanka ayaa ka kooban 135, iyadoo awoodda Xisbiga uu ku soo dhiso karo Xukuumad ay ku xiran tahay inuu helo 95%, waxayna taasi ugu dhigan tahay Cimraan Khaan inuusan lahayn awood dhammays tiran.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Pakistaan, Sardar Mohammad Raza, ayaa meesha ka saaray tuhunka ah in Xisbiga PTI loo eexday, wuxuuna sheegay ineysan dhicin wax is daba marin.

Dhinaca kale waxaa natiijada la shaaciyay ee guusha Cimraan Khaan, ku Gacan sayray Axsaabtii la tartamaysay oo uu ka mid yahay Xisbiga ,Pakistan People’s Party, (PPP) oo uu hoggaamiyo Raiisul wasaaraha haatan talada haya ee Nawaaz Shariif.

Isha/ Agencies

Madaxweyne Farmaajo oo booqanaya berri dalka Eritrea

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya  Mudane; Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in Madaxweynaha JFS uu Berri booqasho Taariikhi ah ku tegi doono Magaalada Asmara ee caasimadda Dalka Eretrea.

Mudane; Geelle oo la hadlay war-baahinta Qaranka ayaa intaa raaciyay in Soomaliya iyo Eretria ay sameynayaan xiriir Diblumaasiyadeed oo cusub, isagoo Madaxweyne Madaxamed C/laahi Farmaajo halkaasi kulan kula qaadan doono dhiggiisa Eretrea Isaias Afwerki.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku tegi doono Eretrea ay noqoneyso tii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago Dalkaasi, taasoo sare u qaadeysa xiriirka Labada Dowladood.