Guddoomiye Yariisow oo sheegay in labaahiyo awoodda maamulka degmooyinka

Date:

Guddoomiyaha ย Gobolka ayaa tilmaamay in mudnaanta ay siinayaan maamulka Gobolku kor u qaadista aqoonta iyo khibradda maamul ee masuuliyiinta iyo shaqaalaha degmooyinka Gobolka Banaadir, taas oo salka ku haysa qorshaha dib u habaynta iyo daadajinta Adeegyada bulshada.

โ€œDadaal badan ayaan gelinaynaa sidii aan u dhisi lahayn awoodda maamul ee degmooyinka Gobolka, annaga oo beegsanayna sidii aan u xoojin lahayn daah furnaanta maamulka, la dagaallanka musuq maasuqa iyo asteynta maamul wanaag si siman ugu wada adeegayada dhammaan shacabka.โ€

Eng.Yarisow ayaa faray Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banadir in ay si siman ugu adeegaan bulshada, isla markaasna ay joogteeyaan kormeerka iyo la socodka xafiisyada adeegga bulshada, laamaha ammaanka iyo garsoorka degmooyinkooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey in ay muhiim tahay kor u qaadista kalsoonida shacabku ay ku qabaan maamulka degmooyinkooda, arrinkaas oo xoojinaya wada shaqeynta bulshada iyo maamulka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasilinta oo ay kaalin wayn ka qaateen shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...