|
Muqdisho, July 03, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer hawleed ku tegay wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan la qaatay wasiir Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo uu kala hadlay dardar gelinta shaqada wasaaradda iyo qorshaha kobcinta dhaqaalaha dalka. Wasiirka maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa intii kulanku socday waxa uu Ra’iisul Wasaare Khayre uga warbixiyay horumarka ballaaran ee dhanka maaliyadda laga gaaray iyo meesha ay marayaan arrimaha cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirka faray in uu laba jibbaaro dadaalka ay wado ee qorshaha cafinta deymaha lagu leeyahay dalka si loo xaqiijiyo hadafka guud ee ah Soomaaliya in ay dhaqaalaha ka gaarto horumar la taaban karo. Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa howlaha kor-joogteynta ee Ra’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla. Cafinta deynta waxa ay Soomaaliya u horseedaysaa horumar dhan walba ah iyo maal-gelin ay dalka ku samaystaan dalalka adduunka taas oo soo kordhinaysa shaqo abuur iyo in laga dhabeeyo himilada ummadda Soomaaliyeed. |
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradda Maaliyadda
Al-shabaab “dhiigga shacabka Muqdisho deggan ALLE ayaan ugu dhowaaneynaa”
Shalay gelinkii hore kooxo dhagar-qabeyaal ah oo isku soo xiray walxaha Qarxa iyo baabuur walxahaas laga soo buuxiyey ayaa weeraray xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka dhashay khasaare dad aan waxba galabsan oo rayid ah.
Horjoogaha lagu magacaabo Cabdul-casiis Abuu Muscab ee ay Al-shabaab ku yaqaannaan in uu yahay Afhayeenkooda ayaa yiri hadallada soo socda.
“nin ka tirsan kuwa is qarxiyey ee Al-shabaab, gaari uu waday iyo rag hubeysan oo la socday ayaa isku qarxiyey xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, kuwaas oo aan ka soo dirnay xarumaheenna, khasaaraha cadowga gaaray waa mid badan dhimashada 20 qof oo aan annaga u naqaanno Murtadiin ayaana ku geeritootey iyo dhaawac badan, taas waa farxaddeenna waa in aan ALLE ugu dhowaannaa daadinta dhiigga kuwa na diidey” ayuu yiri Horjooge Cabdul-casiis Abuu Muscab
Horjooge Cabdul-casiis ayaa sheegay in Al-shabaab aysan aqoonsaneyn shacab deggan magaalada Muqdisho oo ay dhammaantood u garanayaan Murtadiin, waa hadalladii ay Al-shabaab ka jeediyeen weerarkii shalay
Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa shalay yiri hadalladaan “magaca Al-shabaab haddii aad maqashaan waxaa idin ku soo dhacaya dagaal, qarax, Buundo la dumiyey, qof la dilay shacab la laayey, gargaar waddooyinka loo galay iyo ficillo kale oo badan oo ay ka mid yihiin haddii ay abaaro dhacaan dadka ma gargaaraan ee gurmadka la siiyo ayeey ka qaataan, laakiin dowladnimada waa horumar dhismo daryeelka shacabka iyo in mustaqbalka dalkeenna aan ka wada shaqeynno sidii aan u dhisan lahayn”.
Ciidammada Xoogga dalka oo Al-shabaab ku weeraray aag ku dhow Jammaame
Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Jubbalaan ayaa howlgal sii qorsheysnaa ku qaadey Tuulada Muuse Xaaji oo ku dhow degmada Jammaame ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay saldhig ku laahayeen malleeshiyada argagixisada ah ee Al-shabaab.
Taliska qeybta 43-aad ee ciimmada Xoogga dalka oo aan la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyey in si lama filaan ah ay ciidanka ugu galeen Al-shabaab dhowr xarumood oo ay ku sugnaayeen iyagoo aan ka war heyn, taasna ay gaarsiisay jab aad u xooggan.
Wararka ayaa intaa ku daraya in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu gaaray Al-shaabab, lagana furtey Gaadiid, Hub iyo Walxaha ay qaraxyada ka sameeyaan.
Wixii ka soo kordha la soco
Dowladda Turkiga oo cambaaraysay qaraxyadii Shalay ka dhacay Muqdisho
Ankara-(SNTV)-War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Dalka Turkiga ayaa lagu cambaareeyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee Shalay lala eegtay xarunta wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya ee Muqdisho.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay ka murugoonayaan Shacabkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii gardarrada ahaa ee ay argagixisadu ka geysteen Muqdisha, iyadoo ehelada Dadkii ku Naf waayay Alle ugu bariday samair inuu ka siiyo, kuwa dhaawaca ahna uu bogsiiyo.
“Waxaannu cambaaraynaynaa weerarkii bahalnimada ahaa ee ay argagixisadu ugu dan lahaayeen iney ku carqaladeeyaan ammaanka iyo xasilooniga Soomaaliya, waxaannu ugu tacsiyadeynaynaa qaraabada Dadkii ku dhintay, kuwa dhaawacana waxaannu u rajeynaynaa Caafimaad” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Turkiga.
Hadalkankan ayaa sidoo kale lagu sheegay inay Dowladda Turkigu sii wadi doonto is Garab taagga Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan la dagaallanka argagixisada.
Isha/ Anadolu
Kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xalay isbitaalada ku booqday dadkii dhaawacmay
Muqdisho(SNTV) Ku Simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaliyeed Mudane Amb Maxamed Mursal SHeekh C/raxmaan Ayaa xalay Isbitaalada Ku Booqday Dadkii Ku Dhaawacymay weerarkii argagixisanimo ee shalay ka dhacay xarunta wasaaradd arrimaha gudaha
Guddomiyaha Ayaa Booqday Isbitaalka Digfer iyo Isbitaalka Madiina,Isagoona warbixin ku aadan xaaladda bukaanada isbitaalada la dhigay uu ka dhageystay maamulada iyo dhaqaatiirka isbitaalada lagu dabiibayo dhaawacyadaasi.
Mudane Maxmed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa alle uga baryay dadka bukaanada ah in uu bogsiiyo,isagoona dhanka kale eleda iyo dhacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyey dadkii ku nafwaayay weerarkaasi bahalnimada ahaa.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ugu baaqay shacabka in hay’adaha amnigu ay gacan ka siiyaan sidii looga hortagi lahaa falalka argagixisanimo.

Ra’iisul Wasaare kheyre oo booqday dhaawacyada qaraxii Shalay
Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Xalay Isbitaallada Muqdisho ku booqday Dadkii ku dhaawacmay qarixii Shalay lala beegsaday Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Amniga.
Ra’iisul wasaaraha oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Tacsi u diray eheladda Dadkii ku Naf-waayay qaraxaas ay arxanlaawayaashu u qorsheeyeen inay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed.
Mudane; Kheyre ayaa sheegay in dhaawacyada aan Dalka waxba lagaga qaban karin ay Dowladdu u qaadayso Dalka dibeddiisa.
Wuxuuna ugu dambayn Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay Shacabka Soomliyeed in ciidamada ay ku garab siiyaan dagaalka Dalka looga saarayo kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.

Wasiir Geelle “Dowladda waxa ay ku mashquulsan tahay badbaadinta dadkeedii lagu dhaawacay weerarkii wasaaradda Arrimaha Gudaha”
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Daahir Maxamuud Geelle wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa hadalkiisa ku billaabay “ kooxdii argagixisada aheyd maanta waxa ay weerar ku qaadeen xarunta wasaaradda Arrimaga Gudaha, weerarka waxa uu ahaa mid Qarax lagu bilaabay kaddibna malleeshiyo hubeysan ayaa gudaha wasaaradda gashay, ciidammada amniga ayaa isla markiiba la fal falgashay dhagarta cadowga, waxaana la laayey dhammaan malleeshiyadii weerarka soo qaaday”.
Wasiir Geelle ayaa sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, dowladda Soomaaliyana ay ku mashquulsan tahay sidii gurmad caafimaad loogu fidin lahaa dadkii masaakiinta ah ee ay Al-shabaab ku dhaawaceen xarunta wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dadkii waddada marayey, ciddii caafimaad dibedda ah u baahanna u diyaar ula tahay dowladda Soomaaliya.
“ciidammada amniga saacado yar bey ku qaadatay in ay soo afjaraan cadowga, waxaana deggan xaaladda goobtii uu qaraxa ka dhacay, marnaba kama niyad jebi doonaan dowladda iyo shacabkeeda ficillada cadowga mar walbana dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii waddo dedaalka loogu jiro in dalka oo dhan laga nadiifiyo kooxahan argagixsada ah” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta.
“magaca Al-shabaab haddii aad maqashaan waxaa idin ku soo dhacaya dagaal, qarax, Buundo la dumiyey, qof la dilay shacab la laayey, gargaar waddooyinka loo galay iyo ficillo kale oo badan oo ay ka mid yihiin haddii ay abaaro dhacaan dadka ma gargaaraan ee gurmadka la siiyo ayeey ka qaataan, laakiin dowladnimada waa horumar dhismo daryeelka shacabka iyo in mustaqbalka dalkeenna aan ka wada shaqeynno sidii aan u dhisan lahayn. Waxaa yiri wasiirka Warfaafinta.
Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in weli lagu howlan yahay dhammeystirka macluumaadka ku aaddan khasaaraha ka dhashay weerarkii Argagixiso, wixii faah-faahin ahna ay dib ka soo sheegi doonto dowladda.
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Sheegay In Dhallinyaradu Ay Yihiin Maskaxda, Xoogga Iyo Dhaqaalaha Dalka
Muqdisho(SNTV):-.Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay soo xiray Shirweynaha 3-aad ee Hoggaanka iyo Hal-abuurka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xoogga, maskaxda, dhaqaalaha iyo awood waliba oo dalku kula tartamaayo aduunyada kale ay yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in si awoodaha dhalinyarada looga faa’iideeso ay tahay in dhalinyadu waxbarashada ku dadaalaan, isu abaabulaan sidii awoodda dalka gacantooda ugu soo noqon laheyd, caawiyaan laamaha amniga, ka qeyb qaataan kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqmaasuqa, una dul qaataan xanuunka la maraayo si mutqabal wanaagan loo gaaro.
“Waxaa lagu jiraaa qarni aadan noolaan karin hadii aadan aqoon laheyn. Si aqoonta dadka Soomaaliyeed loo dhiso oo aan ula tartanno bulshada adduunka waa in aan leenahay iskuullo iyo jaamacado soo saara dad Soomaaliyeed. Waa in aan kobcinnaa dhaqaalaha dalka, la dagaalnaa Musuqmaasuqa, amniga wax ka qabannaa, si aduunyadu noo aaminto waa in aan xanuun marnaa. Xanuunka cidda mareysa ee u adkeysanaysa waa cidda dooneysa in ay Mustaqbal yeelato, cidda mustaqbalka lehna waa adinka. Waa in aad isu abaabushaan qaabkii awoodda dalku gacantiinna ugu soo noqon laheyd”, ayuu dhallinyarada ku yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Ra’iisul wasaaraha waxa uu dhalliyada ku dhiirri geliyay in aysan u dhaqmin sida qof gurigiisa marti ku ah, dhex-dhexaadna aysan ka noqon mustaqbalka dalka Soomaaliyeed isaga oo ku adkeeyay in si dalka loo gaarsiiyo Mustaqbal wanaagsan ay tahay in dhaqankii hore la bedelo, doodana laga furo dhibka dalku soo maray, sababta ay ku timid, sababta xilliga dheer ay ugu qaadatay dadka Sooomaaliyeed in ay ku jiraan dhibka iyo sida looga bixi karo.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ayaa hoosta ka xarriiqay in lagu qasbanyahay in la dhagaysto codka iyo talada milkiilayaasha dalka oo ah dhallinyarada hase yeeshee ay tahay in dhallinyardu ka shaqeeyaan qaabkii ay kula xisaabtami lahaayeen madaxda dalka.

Shirkii u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Hay’adaha ku shaqada leh siyaasadda oo soo xirmay
Muqdisho-(SNTV)-Shir wadajir ah oo u dhaxeeyay Hay’adaha u xilsaaran Siyaasadda dalka iyo Guddiga Farsamo ee Wadaxaajoodka Arrimaha Federaalka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.
Intii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Dastuurka, Federaaleynta dalka, Doorashooyinka, Hanaanka Cadaaladda ee Federaalka iyo Awood Qeybsiga.
Khubaro ka kala timid dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa ka doodeen arimihiima uu ku saabsanaa shirka.
Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo gebagebada shirka ka hadlay ayaa ka mahadnaqay talooyinka ay soo jeediyeen khubarada.
“Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo aqoonyahanada ka soo qeybgaleen shirkan oo runtii soo jeediyeen talooyin wanaagsan oo ku saabsan arimihii looga hadlay shirka ee uu ka mid ahaa Dastuurka” ayuu yiri Wasiir Xoosh.
Ugu dambayn, waxaa kulanka soo xiray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye isagoo uga mahadceliyay Wasaaraddda Arrimaha Dastuurka doorkeeda qabanqaabineed ee shirka.


