Qaramada Midoobay oo ku eedeysay Kuuriyada Waqooyi inay sameysaneyso hubka Nuclear-ka

Date:

New York 4 August 2018 (SNTV):-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay dowladda Kuuriyada Waqooyi inaysan joojinin sameysashada barnaamijyadeeda la xiriira Nukliyeerka, gantaalada riyadda dheer ee madaxa hore looga xiro hubka nuclear-ka iyo kuwa kale.

Warbixin ay soo saareen golaha ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Pyongyang ay sii wadato qorshaha la xiriira dhoofinta hubka sharci darrada ah iyo shidaalka, kuwasi oo ka mid ah waxyaabaha laga saaray cunuqabateynta oo ah inaysan dhoofin Karin.

Kulan ay shalay isugu yimaadeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu shaaciyay in Xukuumadda Pyongyang ay sii waddo sameysashada hubka nuclear ka, iyagoo soo jeediyay in talaabo cad laga qaado.

Dowladda Waqooyi Kuuriya ayaa weli ka hadlin eedeymaha ay u soo jeediyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo ku saabsan inaysan weli joojinin sameysashada hubka Nuclear ka.

Todobadkii la soo dhaafay saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Xukuumadda Pyongyang ay u muuqato mid weli ku adkeysaneysa inay sii sameysato gantaalada riddada dheer ka sameysan balaastikada, taasi oo ay  ku sheegeen inay sii xumeyneyso cilaaqaadka bilowga ah ee ka dhexeeya dowladaha Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka.

Saraakiil aan la magacaabin oo Mareykan ah ayaa sheegay in setelite-ka ay soo qabatay muuqaalo iyo sawiro muujinaya in Kuuriyada Waqooyi ay sameysaneyso hubka Nuclear ka.

Bishii June Madaxdweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi  Kim Jong-un ay ku kulmeen dalka Singapore, kuwaasi oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Xukuumadda Pyongyang ay u joojin lahayd sameysashada hubka nuclearka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...