Ciidamada Amniga oo soo qabtay Sarkaal ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab

Date:

Muqdisho (SNTV) Howlgal ay ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay ka sameyeen xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ku soo qabteen sarkaal katirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yarisiow ayaa sheegay in Ciidamada Amniga oo kaashanaya  Shacabka degmada Wadajir ay gacanta ku dhigeen Sarkaal ka tirsan Alshabaab, kadib howlgal ay ka sameeyeen degmadaasi.

“Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Wadajir oo gacan ka geystay in la soo qabto Horjooge ka tirsan argagixisada Alshabaab, kaas oo doonayey in uu ku dhex dhuumaaleysto shacabka.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ciidamada Amniga ayaa howlgalo xoogan ka wada degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo cid waliba oo carqalad ku ah amaanka Caasimadda

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...