Home Blog Page 1249

Maamulka Gobolka Banaadir oo iska wareystay arrimaha barakacayaasha

0

Muqdisho(SNTV);- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay barnaamijka wada-tashiga siyaasadda barakacayaasha ayaa sheegay in isku tashiga iyo wax wada qabsiga bulshada ay asaas u yihiin dadaallada lagu xallinayo dhibaatooyinka haysta barakacayaasha.

Guddoomiyaha ayaa la wadaagay ergeda barakacayaasha ee ka qeyb qaadanayey wada tashiyadan, qorsheyaasha Gobolka Banaadir ee ku saabsan sidii xal waara loogu sameyn lahaa dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan Gobolka Banaadir.

“Waxaan qorsheynaynaa sidii aan deegaameyn dhammeystiran ugu sameyn lahaa barakacayaasha, duruufta adag ee ay la noolyihiinna aan garab uga siin lahayn, taas oo u baahanna in aan dadaalladeena u mideyno, wax-qabad muuqdana aan ka muujinno.”

Eng.Yarisow ayaa ku bogaadiyey dadka barakacayaasha ah dhabar adeygga iyo dadaalka ay ku maareeyeen xalaadihii nolaleed ee soo maray, isagoona tilmaamay in mudnaan la siin doono talada iyo aragtida ay ku darsadeen siyaasadda xal u helista barakacayaasha ee maanta la horkeenay.

“Tan iyo sanadkii 2011kii dad Soomaaliyeed ayaa duruufo adag ku nool xeryaha Barakacayaasha ee ku yaalla Muqdisho, Muddaas 7-da sano ah laguma guuleysan in xal waaro loo helo, balse haatan waxaa muuqata fursad ku aaddan in aan dadkan u abuuri karno nolol ku haboon, una sameyn karno deegamayn dhammeystiran.”

Dhankooda, xubnaha barakacayaasha ee qeybta ka ah diyaarinta qorshahan ayaa uga mahad celiyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka ay ugu jiraan xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran ee la xiriira dhanka nolasha, gaar ahaan deegaanka, caafimaadka iyo fursadaha shaqada.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo sheegay in ciidamada Amniga ay dileen raggii ka dambeeyay dilkii Maxamed Maxamuud Sheekh Cali

0

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay toogteen toogtey maleeshiyaad hubeysan oo Baabuurta ka dhex toogta dad aan waxba galabsan.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in haayo cadaymo muujinaya in maleeshiyadaan ay ka danbeeyeen dilkii Muqdisho loogu gaystay Allaha u naxariistee Maxamed Maxmuud Sheekh oo ka mid ahaa dhalinyarada firfircoon ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaamay in ciidanka ammaanka haatan gacanta ay ku haayaan Gaari ay wateen maleeshiyaadkaan iyo Hubkii ay dadka ku dilayeen.

Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay falkii foosha xumaa ee Maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab ay Masaajid ku yaala degmada Xamar Jajab ay ku dhex dileen qof salaad ku jiray oo dukanayay, wuxuuna ku tilmaamay in falkaasi uu muujininayo sida maleeshiyadaan ay uga been sheegayso diinta islaamka.

Al-Shabaab oo Qof Sujuudda Salaadda ku jira dilay

0

Kooxda Argagaxisada Al-Shabaab ayaa  xalay dilay qof Muslim ah oo ku tukanayay Masaajid ku yaala Degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Falkaan ay gaysatay kooxda Al-Shabaab ayaa ah mid aad uga fog diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida. wuxuuna ka dhiganyahay in ay kooxdaani diidantahay gudashada waajibka Salaada oo ah Rukniga Labaad ee Islaamku ku dhisanyahay.

Falkaan gurracan oo ay gaysatay kooxda Al-Shabaab ee ku abtirsato ururka argagaxisada ee Al-Qaacidda ayaa muujinayo in aysan waxba ku kala duwnayn Daacishta iyo Al-Shabaab ka Soomaaliya.

Garabka Al-Qaacidda ee dalka Yaman ama Afgaanistaan uma gaystaan dil Muslimiinta ku guda jiro Salaada taasoo tilmaamayso in kooxda Al-Shabaab ay yihiin argagaxisada aduunka ugu khatarta badan ayna ku gumaadaan dadka muslimiinta ah iyagoo gudanayo waajibka Salaada.

2013 ururka argagaxisada Al-Qaacidda ayaa faray laamihiisa ku firirsan aduunka in aan la beegsan karin Masaajidda iyo Suuqyada. Laakiin Al-Shabaab ayaa ah koox ku caadaysatay gumaad aan kala sooc laheeyn.

Horay ayay kooxda Al-Shabaab u qodeen Qabuuro Cullimada laga soo bilaabo 2008. Sidoo kale, Masaajid  waxay ku dhax dileen Shiikh C/qadir Nuur Faarax sanadkii 2013. waxayna gumaadeen Dhaqaatiir Soomaaliyeed iyo dad bir ma gaydo ah.

Falkaan ay kooxda Al-Shabaab ka gaysatay xalay Masaajidka dhaxdiisa, ayaa ujeedkiisu yahay in aan lagu dukan Masaajidda lana oogin Rukniga Islaamiga ah ee Salaada.

Culimada Soomaaliyeed ayaa marar badan ka hadlay dhaqanada xun xun ee Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ay ku dhibaateeyaan Dadka Muslimiinta ah iyagoo adeegsanaya Magaca Diinta Islaamka.

Sidoo kale Culumada Al-Azhar Al-shariif ee Dalka Masar, oo ah Xarunta Diimeed ka ugu caansan Caalamka Islaamka ayaa dhowaan soo saartay Fatwo iftiimineysa sida argagixisada Al-shabaab ay u baal marsan yihiin Diinta Islaamka, kuwaas oo caadeystay daadinta Dhiigga Muslimiinta iyo ku been abuurashada Diinteenna suubban.

Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey dilalka al shabaab ee dadka rayidka ah.

0

Muqdisho, August 5, 2018  (SNTV):-isusoo bax ballaaran oo loogasoo horjeedo dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada muqdisho ayaa maanta ka dhacay muqdisho.

Isusoo baxaan oo ay soo qabanqaabiyeen ururada dhalinyarada ee gobolka banaadir ayaa waxaa loogasoo horjeeday falalka dilka ee kooxda argagaxisada ee  alshabaab ay la beegsato dadka waxgalka ah, gaar ahaan dilka loogeystay wiil dhalinyarada ah oo u ololeyn jiray arimaha bulshada.

Dhalinyarada oo isugu jira rag iyo dumar, ayaa waxaa ka muuqatay shucuur iyo dareen naxdin le, waxaana madaxda ay kusoo xirteen calaamado cad cad, oo ku doonayaan in nabad galo la helo. waxaana ay wateen  boorar ay qoranyihiin halkudhigyo muujinayo sida ay uga xunyihiin dadka rayidka   iyagoo  socod dheer kusoo mareen qaar kamid ah wadooyinka muqdisho gaar ahaan wadada Makkal al mukaramah.

Maxaa loo dilay? iyo cadaalad ayaan u baahannahay,Qofki maanta i dilaa, barrina adiga ayuu ku dilaa,iyo ereyo kale ayaa ku qornaa boorarka ay wateen

Gudoomiyaha ururka midowga dhalinyarada soomaaliya Munna xasan maxamed oo loo yaqaano Muna Axlaa oo la hadashay warbaahinta qaranka ayaa sheegtay in sababta ay isugusoo baxeen maanta ay tahay sidii ay uga dhiidhin lahaayeen falalka dilka ee marwalba loogeysto dadka muhiimka u ah bulshada, iyo sidii ay u muujin lahaayeen sida ay uga xunyihiin arintan, waxayna ugu baaqday dowlada somalia inay gacan ka geysato sidii cadaalada loo horkeenni lahaa koxa caadeystay daadinta dhiigga dadka soomaaliyeed.

Ma ahan isusoo bixi ugu horeeyey ee muqdisho kadhaca oo loogasoo horjeeda dilalka qorsheysan ee  kooxaha argagaxisada ay bulshada la beegsadaan, waxaana uu kusoo beegmayaa iyadoo maalmihi ugu dambeeyey ay magaalada muqdisho ka dhaceen dilal loogeystay dad isugu jira ciidan iyo shacab.

kooxda argagaxisada ah ee alshabaab oo caadeysatay banneynta dhiigga dadka muslimiinta ayaa sheegata masuuliyada dilalkaas, waxaase haatan ay muuqataa sida shacabka soomaaliyeed ay ugu midoobeen islamarkaana ay uga dhiidhinayaan falalka guracan iyo dhibataada kooxdan ay ka waddo wadanka.

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Beeraleyda Ku Dhiirri Geliyay Kordhinta Tacabka Beeraha

0

Muqdisho, August 5, 2018  (SNTV):-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuummadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka qayb galay munaasabad looga hadlayay iskaashiga dib usoo noolaynta wax soo saarka beeraha ayaa sheegay in qorshaha lagu kordhinayo tacabka beeraha iyo wax soo saarka uu dardar gelinayo kobaca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaara ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in hadii iskaashi xoog leh laga sameeyo kordhinta dalagga beeraha Soomaaliya, Beeraleydu ay ku dhiiraneyso tacabka, dhaq-dhaqaaq ganacsi oo xoog leh uu bilaabanayo, Dhaqaaluhu kobcayo, shaqa abuurkuna badanayo.

Munaasabadda uu ku-simaha Ra’iisul Wasaaruhu ka qayb galay oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka beeraha iyo Waraabka XFS, Siciid Xuseen Ciid, wasiir ku-xigeenka, wasiirka qorshaynta, Guddoomiyaha gobalka Banaadir, mas’uuliyiinta hey’adda cunnada aduunka (WFP) ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, iskaashatada beeraha iyo ganacsato ayaa ka dhacday Bakhaarrada WFP ee dekadda Muqdisho halkaas oo lagu keydiyay Galey laga iibiyay beeraleyda Soomaaliyeed oo gaareysa 2,500 metric ton.

Hey’adda Cunnada aduunyada (WFP) oo qayb ka ah qorshaha iskaashiga kordhinta iyo soo nooleynta wax-soo saarka beeraha Soomaaliya ayaa oggolaatay in ay iibsato Galeyda dalka kadib baaritaan lagu ogaaday in ay tahay nuuca ugu wanaagsan Galayda Bariga iyo Bartamaha Afrika arintaas oo Soomaaliya u oggolaatay in ay ku biirto wadamada WFP Galeyda ay ka iibsato.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in heshiiska WFP ay ku oggolaatay in dalkeenna ka iibsato Galeyda uu horseedayo in dhaqaale badan uu soo galo beeraleyda kadibna ay soo iibsadaan qalab casri ah oo sare u qaadaya wax soo saarka beeraha dalka iyo warshado waaweyn oo Galeyda u bedela cunnooyin kale oo bulshadu u baahantahay, waxa uuna beeraleyda ku dhiirri geliyay in ay kordhiyaan tacabka beeraha.

faa’idooyinka Caafimaad ee Saliid Macsarada

0

Muqdisho Axad August 5 (SNTV)Saliid macsarada waxaa la isticmaali jiray kumannaan sano ka hor, oo hindida iyo shiineeyska ayaa u isticmaali jiray daawo lagu daweeyo cuduro badan,waxaana loo yaqaanaa boqorada saliidaha, waxaana magacaas ay ku muteysatay qiimaheeda caafimaadka iyo  cunno ahaanba.

macsarada waxaa wadankeenna laga muddo fog, waxaana shiidideeda loo adeegsan jiray geelle oo inta lagu xirro makiinada wax shiidda lagu wareejiraa gella,

hadaba waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa faa’idooyinka caafimaad ee macsarada.

  1. macsarada waa saliid cunnada loo isticmaalo leh caraf udgoon.
  2. waxay ka hortagtaa cudurada halista ah sida;- kansarka.
  3. waxaa kujira 7 maaddo oo xanuun ba’biye ah.
  4. waxay u roontahay oo lagu daweeyaa, welwelka, xanaaqa iyo hurdo la’aanta.
  5. waxay u roontahay yiridka iyo cudurada afka.
  6. waxay daawo utahay cudurka kolistaroolka kacsan.
  7. waxay joojisaa qolfoofida xididada, waxayna furtaa xididada xaniban ee wadnaha.
  8. waxay jilcisaa caloosha, waxaana lagu daweeyaa saxa adeegga.
  9. waxay daawo utahayh wareerka iyo aragtida aciifta.
  10. waxaa lagu daweeyaa oo ay uroontahay kacsanaanta iyo isku buuqa maskaxda.
  11. waxay nafaqo utahay korniinka tinta wayna dheereysaa.
  12. waxay oogada ka ilaalisaa ileyska iyo kuleylka qorraxda.
  13. waxay daawo utahay xanuunka caadada, waxaana lamariyaaa caloosha, gaar ahaan qeybta xudunta ka hooseysa xilliga caadada.
  14. waxay yareysaa qalleelka iyo xanuunka haweenka dhalmadeyska ah waxaana lagu shubaa saxaaxa.
  15. waxaa saliidan kujira borotiinnoaad ubadan oo ku filnaan kara qofka hadduu cunto kadhigto,
  16. waxaa kujira dufanta kordhisa xusuusta iyo xifdinta.
  17. waxaa kujira fitamiinka E kaasoo firfircooni galiya wareegga dhiigga.
  18. waxaa kujira saliiddan kaalshiyan, botaasiyam iyo fosfate oo jirka aanan ka maarmin.
  19. waxay ka qeybqaadataa koontaroolida cadaadiska dhiigga.
  20. waxay daawo utahay baabasiirka, qofka joogteeyana baabasiir isma arkaan sida la xaqiijiyey.

Kaaliye ka tirsan Maxkamadda gobolka Banaadur oo loo xiray eedeyn ku aadan lacago Laaluush ah.

0

Muqdisho Axad August 5 (SNTV);-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay Kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu eedeeyey qaadasho laaluush.

Amar ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu xiray Cabdul Qaadir C/llahi Xasan Shaango, waxaana lagu samaynayaa baarista ku xusan qodobka 246-ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka, inay wadaan baaritaanka 240-kiis oo ku aadan musuq iyo wax isdabamarin, kuwaas oo marka baaristoodu soo dhamaato dadka ku eedaysan cadaaladda la hor keeni doono.

Jarmalka oo furay xarumo lagu karantiilayo muhaajiriinta inta ay ka helayaan aqoonsiyada magangelyo doonka ah ‘Sawirro’

0

Axad, August, 25, 2018, Muqdisho (SNTV) Qaar kamid ah dadka dhaliilaya talaabadani ayaa ku tilmaamay in ay tahay mid lagu takoorayo dadka magangelyo doonka ah kuwaasi oo lagu sii hayo xeryaha illaa ay ka helanaa rusqadda joogitaanka, iyadoo ay talaabadani sidoo kale tahay mid u muuqato arin lagu karantiilayo dadka qaxootiga ah.

Dalka Jarmalka ayaa billaabay inuu furo xarumo loogu magacdaray xarumaha amniga halkaasi oo dadka qaxootiga ay ay joogi karaan islamarkaana raadsan kara codsiyadooda magengelyo doonka ah.

Wasiirada Jarmalka ayaa sheegay in guryaha kuyaala xeryaha loo sameeyay qaxootiga ay kasii wadan karaan codsiyadooda magengelyo raadiska ah, balse dadka dhaliilsan arrintani ayaa ku sheegay in ay tahaya talaabo lagu karantiilayo dadka qaxootiga ah.

Jarmalka ayaa ka furay xarumahani cusub oo loogu talo galay in lagu hayo muhaajiriinta kasoo gudbaya xadka uu dalkaasi la wadaago Austria waxaana arrintai ay dhalisay walaac laga qabo tallaabooyinka iyo sida loo dhaqangelinayo iyadoo waafaqsan dhinaca xuquuqda aadanaha.

Waa xaruntii ugu horreeysay ee loo smaeeyay dadka muhaajiriinta ah arbacadii la soo dhaafay waxaana ay dhabaha u furi doonta in ay ka gudbaan albaabada kuyaala gobolka Bavaria oo ah gobolka ugu weyn ee kuyaala dhinaca Koonfurta dalka Jarmalka.

sameynta xarumahani ayaa timid kadib markii ay go’aankaasi ay si maslaxad ku jirto u aqbaleen Ra’iisulwasaare Angela Merkal iyo Wasiirkeeda Arrimaha gudaha Horst Seehofer, islamarkaana ah hogaamiyaha xisbiga midowga ee CSU.

Wasiirka Arrimaha gudaha Jarmalka Horst Seehofer ayaa damacsanaa in xilka uu iska casilo hadii ay dowladda Jarmalka si shuruud la’aan ah u aqbali wayso qorshihiisa ku aadan in baaritaan lagu sameeyo siyaasadda soogalootiga iyo in dib loo celiyo muhaajiriinta kuwaasi oo loo diiwaangeliyay in ay yihiin dad magangelyo doon ah gudaha dalal kuyaala qaaradda Midowga Yurub iyadoo ay qaar kamid ah dadkaasi ay diideen in ay yihiin kuwa magangelyo doon ah.

Ra’isul wasaare Kheyre oo gaaray Khartoum

Muqdisho (SNTV)-Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaaray Khartoum si ay uga qeyb galaan shirka IGAD oo heshiis rasmi ah ay ku kala saxeexanayaan dhinacyada isku haya Koonfurta Sudan.

 Dalalka gobalka ayaa dadaal xoogan ugu jiray sidii ay u soo afjari lahaayeen colaadda siyaasadeed ee ka dhex jirta Koonfurta Suudaan.
Horey ayay Madaxda ku bahoobay Ururu gobalaadka IGAD ay ku kulmeen Addisabab oo xarun u ah Ethiopia, waxaana madaxda Ururka ay horay iskula soo qaadan xal u helista xaaladda murugsan ee Koonfurta Suudaan ka jirto.
Kulan la isugu keenayo dhinacyada isku hayo ayaa la filayaa in la qabto isagoo gogol xaar u noqon doono dadaallada nabadeeda ee loogu jirto Suudaanta Koonfureed, waxaana Soomaaliya uga qeyb galaya Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ciidanka Amniga oo toogasho ku dilay kooxo Baabuurta dadka ka dhex disha

0

Ciidammada amniga oo magaalada Muqdisho ku toogtey kooxo hubeysan oo Baabuurta ka dhex dad aan waxba galabsan kaddib markii ay ciidanku kula kulmeen mid ka mid ah Isgosyada Muqdisho.

Ciidammada Amniga caasimadda ayaa fashiliyey koox hubeysan iyo gaarigii ay wateen oo isku dayey in ay si xoog ah ku dhaafeen bar ay ku sugnaayeen ciidammada, dhowr daqiiqad ayeey is rasaaseeyeen ciidammada iyo malleeshiyaadkii baxsadda ahaa, hasa yeeshee ciidanka ayaa toogtay laba ka mid ah malleeshiyaadkaan oo markii horeyna xogtooda ay hayeen ciidanka Amniga.

Wararka ayaa sheegaya in malleeshiyaadkaas mid ka mid ah uu ka baxsadey goobta ciidankuna ay ku raad-joogaan, ciidammada amniga caasimadda ayaa billaabay in ay dabogallo ku sameeyaan kooxo maalmahan dilal ka geysanayey Muqdisho.