Home Blog Page 121

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u ambabaxay Magaaladda Algiers

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta u ambabaxay magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria, si uu uga qeyb galo shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Carabta.

Shirkan, oo la filayo inuu maalmaha soo socda ka furmo magaalada Algiers, ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha wadamada Carabta, gaar ahaan xaaladda dadka reer Falastiin. Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka mid noqon doona madaxda ka qeyb galeysa shirkaasi, iyagoo ka matalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa muujinaya sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka qeyb qaadashada shirarka heer gobol iyo caalami ee lagu xallinayo arrimaha muhiimka ah ee ka jira dunida Carabta, gaar ahaan kuwa la xiriira xaaladda Falastiin.

Wasaaradda Beeraha Galmudug oo dalagyo kula duwan u qeybisay qooysas ku sugan Gobolka Mudug

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku wareejisay dalagyo beereed ku dhawaad 1,000 qoys oo beeraley ah oo ku nool Gobolka Mudug. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada wasaaraddu ku xoojinayso wax-soo-saarka beeraleyda, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha degdegga ah ee ay la kulmaan beeraleyda deegaanka.

Dalagyada la qeybiyay waxaa ka mid ah noocyo kala duwan oo abuur ah, kuwaas oo loogu talagalay in lagu horumariyo wax-soo-saarka beeraleyda, gaar ahaan xilliyada abaaraha soo noqnoqda ee saameeya gobolka. Wasaaradda ayaa sidoo kale qorsheynaysa in ay siiso beeraleyda tababaro ku saabsan farsamooyinka casriga ah ee beeraha, si loo kordhiyo wax-soo-saarka loona yareeyo saameynta abaaraha.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug, Dr. Ahmednor Osman Hajji, ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka go’an tahay inay si joogto ah u taageerto beeraleyda, si loo hubiyo in ay helaan agabka iyo aqoonta ay u baahan yihiin si ay u horumariyaan noloshooda.

Tallaabadan ayaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaadato kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha ee gobolka, iyadoo sidoo kale lagu dhiirigelinayo beeraleyda inay sii wadaan tacbashada, xitaa marka ay jiraan caqabado deegaanka ah.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug ayaa horey u hirgelisay mashaariic kala duwan oo lagu taageerayo beeraleyda, waxaana ay sii wadi doontaa dadaalladaas si loo xaqiijiyo horumar waara oo ka dhaca gobolka.

Wasiirka Shaqada XFS oo hambalyo u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed  Aadan, ayaa hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka.

Wasiirku wuxuu xusay doorka muhiimka ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ka qaataan horumarinta dalka, isagoo tilmaamay in dowladda ay dadaal xooggan ku bixisay ilaalinta xuquuqdooda iyo dhiirrigelinta shaqo-abuurka.

“Shaqaalaha Soomaaliyeed waa halyeeyo u taagan dhismaha qaranka, waxaana ku bogaadinayaa hawlkarnimadooda, hufnaantooda iyo dhabar-adeeggooda,” ayuu yiri Wasiir Yuusuf.

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay Shirweynaha 15aad ee ARC oo ka dhacay Kigali

Magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda ayaa lagu qabtay kal-fadhigii 15aad ee shir-weynaha sanadlaha ah ee hay’adda African Risk Capacity (ARC), taasoo u qaabilsan qaaradda Afrika arrimaha maareynta khataraha musiibooyinka. Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah (27–28 Abriil 2025),ayaa waxaa ka qeybgalay wakiillo ka socday dalalka xubnaha ka ah hay’adda ARC, waxaana Soomaaliya uga qeybgalay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.

Intii uu socday kal-fadhiga, waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin:

1. Doorashada guddoonka kal-fadhiga 15aad ee sanadkan 2025.

2. Doorashada madaxtinnimada Hay’adda ARC ee afarta sano ee soo socota.

3. Falanqaynta iyo ansixinta go’aammo farsamo oo la hordhigay madaxda hay’adaha wadamada xubnaha ka ah.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sidoo kale ka qeybgalay shir-madaxeedka lagu ayidayay ajandayaasha iyo warbixinnada muhiimka ah ee ka soo baxay shirarkii heer farsamo. Doodahaasi waxay si gaar ah u taabanayeen muhiimadda iskaashiga dalalka Afrika ee la tacaalidda abaaraha soo noqnoqda ee qaaradda ku habsada.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka, isagoo xusay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iskaashiga la dagaallanka musiibooyinka dabiiciga ah, gaar ahaan abaaraha, iyo sidii loo heli lahaa taageero caalami ah oo wax ku ool ah.

Shirkan ayaa muhiimad weyn u leh xoojinta iskaashiga dalalka Afrika ee ka hortagga iyo maareynta khataraha musiibooyinka, iyadoo la adeegsanayo habab casri ah iyo iskaashi caalami ah.

Dowladda Soomaaliya oo ka digtay faafinta been abuurka iyo dacaayadaha khawaarijta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka warhaysaa baraha bulshada iyo shaqsiyaad ku howlan faafinta warar been abuur ah oo lagu qalqal gelinayo amniga dalka. Dhacdadii ugu dambeysay ee been abuurka ahayd waxay la xiriirtay weerar hoobiyayaal ah oo Khawaarijtu ku beegsadeen qaybo ka mid ah Muqdisho.

Warbaahinta taageerta Khawaarijta iyo shaqsiyaad baraha bulshada isticmaala oo aan hubin xaqiiqda ayaa si aan sugneyn u faafiyay warar sheegaya in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Xerada Xalane iyo qeybo ka mid ah Garoonka Muqdisho, ayna ku dhinteen dhowr qof oo ajanabi ah, war gabi ahaanba ahaa been abuur iyo buunbuunin laga badbadiyay.

Khawaarijta Al-Shabaab ayaa sameeyay weerarro aan lahayn bartilmaameed cad oo lagu dhibaateeyay shacabka Muqdisho, iyaga oo adeegsanaya hoobiyayaal si dhuumaalaysi ah loo soo tuuray, kuwaas oo marar badan geystay khasaaro rayid ah, oo ay ku jireen carruur u socotay dugsi Qur’aan oo toddobaadyo ka hor dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa shaqsiyaadka ku hawlan baahinta wararka been abuurka ah iyo dacaayadaha Khawaarijta, kuwaas oo si toos ah ama dadban uga qayb qaadanaya qalqal gelinta amniga shacabka, gudaha iyo dibaddaba. Dowladda waxay uga digaysaa falalkan khatarta ku ah amniga bulshada, waxayna ka qaadi doontaa tallaabooyin sharciga waafaqsan.

Wasaaradda Shaqada XFS oo Hambalyo u dirtay dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da Maajo 2025. Wasaaraddu waxay u aqoonsatay maalintan fasax qaran, iyadoo lagu maamuusayo dadaalka iyo doorka muhiimka ah ee shaqaaluhu ku leeyihiin horumarinta dalka.

Wasiirka Wasaaradda, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa sheegay in shaqaaluhu yihiin laf-dhabarta horumarka qaranka, wuxuuna xusay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay horumarinta xuquuqda iyo xaaladaha shaqaalaha. Sidoo kale, Wasiirku wuxuu bogaadiyay dadaalka joogtada ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ee ku aaddan dib-u-dhiska iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Maalinta Shaqaalaha Adduunka, oo loo dabaaldego 1-da Maajo sanad walba, ayaa ah maalin caalami ah oo lagu xuso guulaha iyo halganka shaqaalaha. Soomaaliya, oo xubin ka ah Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO), ayaa si rasmi ah u aqoonsatay maalintan, iyadoo la siinayo shaqaalaha fursad ay ku nastaan kuna milicsadaan doorkooda muhiimka ah ee bulshada dhexdeeda.

Wasiirka Soomaaliya ee Ganacsiga oo kula la yeeshay Safiirka dalka Qatar 

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Abdullah Salem Al Nuaimi. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal iyo horumarinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka, labada mas’uul waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la kobciyo warshadaha dalka, lana abuuro jawi ganacsi oo soo jiidan kara maal-gashadeyaal caalami ah. Wasiir Geesood ayaa carabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhaqaale ee kala dhexeeya dalalka saaxiibada la ah, gaar ahaan Dowladda Qatar, oo uu uga mahadceliyay taageerada ay si joogto ah u siiso Soomaaliya.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, iyadoo la doonayo in la helo fursado maalgashi oo kor u qaada wax-soo-saarka gudaha iyo shaqo abuurka.

Sidoo kale, Dowladda Qatar ayaa horey u muujisay xiisaha ay u qabto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tamarta, wax-soo-saarka badda iyo berriga, iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida dekadaha iyo garoomada dalka.

Wasaaradda Caddaaladda XFS oo soo xirtay qiimeynta Heshiiska UNCAC 

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS),ayaa 27–28 Abriil 2025 qabatay kulan qiimeyn ah oo ku saabsan hirgelinta heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka musuqmaasuqa (UNCAC).

Kulankan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay dalalka Belize iyo Equatorial Guinea, iyadoo ay ka qeyb galeen wakiillo ka socday Xafiiska UNODC, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xarunta Warbixinta Maaliyadeed (FRC), Booliska Soomaaliyeed, iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah (CSOs).

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Faysal Aadan Xasan, ayaa si rasmi ah u furay una xiray kulammada, isagoo adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay la-dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta hufnaanta, iyo hirgelinta isla-xisaabtan dhab ah.

Qiimeyntan ayaa muhiim u ah xaqiijinta waajibaadka ka dhashay ka mid noqoshada Soomaaliya ee heshiiska UNCAC, waxaana la filayaa in natiijooyinkeeda ay sii xoojiyaan dadaallada dowladda ee ku aaddan daahfurnaanta iyo maamul wanaagga.

Hay’adda isgaarsiinta Qaranka oo Muqdisho ku qabatay oo Qabanqaabisay aqoon isweydaarsi ku saabsan isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah

0

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA) iyo Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa soo qabanqaabisay aqoon-is-weydaarsi heer sare ah oo soconaya muddo laba maalmood ah, kaas oo ku saabsan siyaasadda iyo qaab-dhismeedka nidaamka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah iyo nidaamyada digniinta hore ee taleefannada gacanta (CB-EWS), oo qeyb ka ah Tiirka 3aad ee hindisaha “Digniinta Hore ee Loo Dhan Yahay” (EW4All).

Aqoon-is-weydaarsiga, oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, ayaa isu keenay daneeyayaal muhiim ah, oo ay ka mid yihiin shirkadaha isgaarsiinta iyo shirkadaha bixiya adeegyada internetka iyk qaar kamid ah Hay’adaha dowladda.

Dr. Mustafa Almahdi, Wakiilka ITU, oo hadal ka jeediyay furitaanka aqoon-is-weydaarsiga, ayaa xusay doorka muhiimka ah ee isgaarsiintu ku leedahay badbaadinta nolosha, isagoo adkeeyay sida ITU uga go’an tahay taageeridda dadaallada Soomaaliya ee hoos yimaada hindisaha Digniinta Hore ee Loo Dhan Yahay (EW4All).

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa iftiimiyay baahida degdegga ah ee loo qabo in la xoojiyo diyaar-garowga qaran iyadoo la adeegsanayo teknoolajiyada casriga ah ee digniinta.

Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, oo si rasmi ah u furay aqoon-is-weydaarsiga, ayaa xaqiijiyay sida ay Hay’addu uga go’an tahay dhisidda hannaan isgaarsiineed oo degdeg ah oo la isku hallayn karo, oo daboolaya baahiyaha dalkeenna.

Inta lagu guda jiro labada maalmood ee aqoon-is-weydaarsiga, ka-qaybgalayaashu waxay falanqeyn doonaan xeer nidaamiyayaasha iyo shuruucda heer farsamo ee lagu hawlgelinayo Nidaamka Digniinta Hore ee Taleefannada Gacanta (CB-EWS) ee dalkeenna, dib-u-eegista habraacyada wadashaqaynta hay’adaha ee lagu maareeyo dirista digniinaha degdegga ah, aqoonsiga arrimaha farsamo iyo sharciyeed ee fududeynaya gudbinta farriimaha iyada oo loo marayo shabakadaha mobilada, iyo ku heshiinta qorshaha hirgelinta CB-EWS oo la waafajinayo tiirarka kale ee hindisaha Digniinta Hore ee Loo Dhan Yahay (EW4All).

Aqoon-is-weydaarsigan waxa uu qayb ka yahay dadaallada socda ee hindisaha EW4All si loo xaqiijiyo in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay helaan digniin hore oo degdeg ah oo wax ku ool ah.

Wasiirka Batroolka ayaa booqday qaar ka mid ah Geesiyaasha Macawisleyda oo ku dhaawacmay dagaalka lagu cirib tirayo khawaarijta

0

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Shire Maxamed ayaa Isbitaalka Di martino ee Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada qaar ka mid ah halyeeyada Macawisley ee ku soo dhaawacmay dagaalka ciribtirka Khawaarijta eek a socda dalka.

Ujeedka Booqashada Wasiirka ayaa ah u kuur galidda xaaladda dhaawacyada,isaga oo mid mid u kor tagay, waxaana uu kulan la qaatay Maamulka sare ee Isbitaalka oo uu ka dhageystay warbixin la xiriirta xaaladahooda iyo adeegyada loo qabtay.

Wasiir Daahir ayaa u rajeeyey halyeeyada bogsiino deg deg ah waxaana uu u sheegay in dowladda Soomaaliyeed iyo shacabkeeduba ay si buuxda u garab taagan yihiin, daryeel caafimaad oo dhammeystirana ay heli doonaan.