Home Blog Page 120

Agaasime Cabdullaahi Xayir “Dalxiisku waa furaha Maalgashiga iyo Horumarka dalkeenna.”

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS, Cabdullaahi Xayir Ducaale, oo ka qeybgalay kulanka Todobaadka Warbaahinta Qaranka, ayaa ka warbixiyay qodobo muhiim ah oo la xiriira fursadaha dalxiiska ee ka jira dalka iyo kaalinta ay ka ciyaari karaan horumarka qaranka.

Agaasimaha Guud ayaa xusay in ay dhowaan soo bandhigeen fursado la xiriira horumarinta dalxiiska iyo sida looga qeyb qaadan karo hirgelinta mashruucyo dalxiis oo laga fuliyo degmooyinka dalka iyo caasimadda Muqdisho.

“Dalkeenna wuxuu leeyahay goobo caan ah oo ku wanaagsan dalxiiska. Sidaa darteed, haddii aan kordhino dalxiiska, waxaa kordhaya dhaqaalaha dalka iyo fursadaha shaqo ee ay heli karaan shacabka Soomaaliyeed.”Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Gabagabadii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in dalxiisku yahay furaha iyo albaabka maalgashiga, sidaas darteedna uu ku taliyay in la sameeyo goobo dalxiis oo casri ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismooyin waaweyn oo hoteello ah, beero xayawaanno, iyo xaafado qurux badan oo ku teedsan xeebaha dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac oo lagu soo dhoweeyay Mareykanka.

0

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, dalka Mareykanka.

Wafdigan oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa la filayaa in ay maanta la kulmaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaasi, si ay uga warbixiyaan xaaladda guud ee dalka iyo horumarka ay ku tallaabsatay dowladda Soomaaliya.

Inta ay ku sugan yihiin Mareykanka, oo ay joogayaan muddo saddex cisho ah, waxay sidoo kale kala hadli doonaan jaaliyadda qorshaha isbeddelka qaran ee ay wado xukuumadda Dan Qaran, muhiimadda ay leedahay xoojinta dowladnimada, iyo dhismaha nidaamka federaalka ee dalka.

HSJ iyo Dowladda Ingiriiska oo xoojinaya iskaashiga maamulka socdaalka iyo xuduudaha.

0

HSJ iyo Dowladda Ingiriiska oo yeeshay booqasho qiimeyn ku saabsan Maamulka Xuduudaha, si sare loogu qaado Kaalinta Kaalmaynta Amniga iyo Socdaalka Dalka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) ayaa martigelisay booqasho labo maalmood socotay, taas oo ay ka qeybgaleen wafdi ka socday Dowladda Ingiriiska. Booqashadan ayaa ahayd mid lagu qiimeynayo lana xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee dhanka maamulka socdaalka iyo sugidda amniga xuduudaha.

Booqashadan waxa ay daba socotay safarkii hore ee wafdiga HSJ ay bishii Luulyo 2025 ku tageen dalka Ingiriiska, halkaas oo lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada socdaalka iyo xuduudaha.

Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Dhuxulow, ayaa ka hadlay isbeddellada wax-ku-oolka ah ee hay’addu ku samaysay hannaanka maamulka socdaalka iyo xuduudaha, isaga oo xusay in iskaashiga caalamiga ah uu si gaar ah u kordhinayo awoodda hay’adda, looguna hortago socdaalka sharci darrada ah iyo dambiyada abaabulan. Wuxuu si gaar ah uga mahadceliyay taageerada Dowladda Ingiriiska.

Dhanka kale, wafdiga Dowladda Ingiriiska ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay Soomaaliya ka taageeraan casriyeynta nidaamka socdaalka, tababarrada, iyo wada shaqeynta dhanka amniga xuduudaha.

Barnaamijka Qiimaynta wuxuu diiradda saaray:

– Qiimaynta hannaanka shaqo ee Garoonka Aadan Cadde (Terminal-ka caalamiga ah, gudaha iyo VIP).

– Xiriirka iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda ee ku hawlan maamulka xuduudaha.

Ugu dambeyn, booqashada waxaa lagu soo gabagabeeyay kulan miro-dhal ah oo lagu adkeeyay wadashaqeynta labada dhinac, iyadoo casho sharaf loo sameeyay wafdiga Ingiriiska, taasoo ay si wadajir ah uga soo qeyb galeen Agaasimaha Guud ee HSJ iyo Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles King.

 

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚.

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ku aaddan in Mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle uu noqdo Xisaabiyaha Guud ee dowladda , kaas oo leh khibrad la xiriirta Maamulka Maaliyadda iyo hannaanka xisaabaadka guud.

Kulanka golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Istiraatiijiyadda Qaran ee kahor tagga qaraxyada macmalka ah iyo heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan wada-tashiyo siyaasadeed, oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Tajikistaan.

Golaha Wasiirrada, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan diiwaangelinta dadweynaha ee Aqoonsiga Qaranka iyo latashiyada dhamaystirka dastuurka ee qeybaha bulshada.

Wasiir Ku-Xigeenka Qorshaynta oo faray hay’adaha dalka inay muujiyaan waxqabad muuqda.

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS, Mudane Maxamed Aadan Maxamed, ayaa faray hay’adaha dalka ka shaqeeya inay si cad u muujiyaan waxqabadkooda, isla markaana la jaanqaadaan qorshayaasha dowladda.

Wasiir ku-xigeenka, oo shir guddoomiyay kulan ay ka qayb galeen Dalladda Hay’adaha aan Dowliga ahayn iyo Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta (MED) ee Wasaaradda, ayaa intaa ku daray in isla-xisaabtanka iyo daahfurnaantu yihiin tiirarka kalsoonida shacabka iyo dowladda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo isla-xisaabtanka hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Soomaaliya, iyadoo lagu soo bandhigay natiijooyinkii wajiyadii hore ee qiimaynta, waxaana lagu dhawaaqay bilowga wajiga afaraad ee xog-uruurinta.

Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay diyaarinta shirweynaha labaad ee kormeerka iyo daraasaynta, dhismaha ururka qiimaynta Soomaaliya (Somalia Evaluation Society), iyo dejinta qorshaha shaqo ee 2026 si loo xoojiyo wada-shaqeyn hufan iyo isla-xisaabtan.

Ugu dambeyn, waxaa la isla gartay in la dardargeliyo kulamada saddex biloodlaha ah ee isku-duwidda, si loo horumariyo iskaashi wax-ku-ool ah iyo horumar waara, waxaana wasiir ku-xigeenku caddeeyay go’aanka Wasaaradda ee ah xoojinta isla-xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo hirgelinta horumar waara.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay koronto-gelin loo sameeyay goobaha caafimaadka dadweynaha.

0

Munaasabaddan oo ah mid muhiim ah ayaa lagu daahfuray mashruuc cusub oo koronto gelin lagu sameynayo isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee ka tirsan dowladda, si loo hagaajiyo adeegga caafimaadka bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad kooban ka jeediyay munaasabadda, isagoo tilmaamay in mashruucani uu ka tarjumayo sida dowladda ay ugu go’antahay in ay kor u qaaddo tayada adeegyada caafimaadka.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay qaar ka mid ah wasiirrada, maamulka dakhliga korontada, iyo madaxda caafimaadka, iyaga oo u mahadceliyay taageerayaasha mashruuca iyo saaxiibada caalamiga ah ee ka qaybqaatay.

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Barwaaqada Carruurta

0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan muhiim ah oo lagu ansixiyay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Barwaaqada Carruurta (African Charter on the Rights and Welfare of the Child).

Axdigan oo ay soo diyaarisay Midowga Afrika, ayaa ujeeddadiisu tahay in la ilaaliyo, la horumariyo, lana daryeelo xuquuqda carruurta Qaaradda Afrika, iyadoo si gaar ah looga hadlayo waxbarashada, caafimaadka, ka hortagga tacaddiyada, iyo daryeelka bulshada.

Intii lagu guda jiray cod u qaadista axdigan, 130 Xildhibaan ayaa u codeeyay oggol, 10 Xildhibaan ayaa diiday halka 5 kalena ay ka aamuseen.

Ansixinta Axdigan waxay muujinaysaa tallaabo muhiim ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaaday dhanka ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, iyadoo kor loogu qaadayo sharciga iyo siyaasadaha la xiriira daryeelka iyo barbaarinta ubadka.

Tallaabadan sidoo kale waxay fure u tahay in Soomaaliya ay si rasmi ah uga mid noqoto dalalka saxiixay axdigaas, isla markaana loo helo taageero sharci iyo mid dhaqaale oo lagu horumarin karo mustaqbalka jiilka cusub ee dalka.

Wasiirka Awqaafta oo ku dhawaaqay qiimo-dhimis lagu sameeyay adeegga Xajka Sanadka 1447H / 2026

0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in qiimo-dhimis lagu sameeyay kharashka Xajka sanadkan Hijriyada 1447 / Miilaadiga 2026.

Wasiir Mukhtaar Roobow oo ka hadlayay munaasabadda daah-furka adeegga Xajka sanadkan iyo xiritaanka xajkii hore ee 1446/2025, ayaa sheegay in iyadoo laga duulayo baahida xujeyda Soomaaliyeed, kharashka xajka laga dhigay 4,543 halka uu sanadkii hore ahaa4,604.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in Soomaaliya ay kaalinta afaraad ka gashay bixinta adeegyada xujeyda ee dalalka Islaamka, isagoo uga mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Sacuudiga taageerada ay siiso xujeyda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ballan qaaday in Wasaaraddu sii wadi doonto dadaallada lagu yareynayo kharashyada, laguna horumarinayo adeegyada Xajka.

Agaasimaha Guud ee Qorsheynta oo la qeyb-galay madasha caalamiga ah ee horumarka Busan 2025

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Shire, ayaa ka qeybgalay Madasha Busan ee Iskaashiga iyo Horumarka 2025 oo ka socota magaalada Seoul, caasimadda Kuuriyada Koonfureed.

Mudane Shire ayaa ka qaybgalay dood heer sare ah oo diiradda lagu saarayay waxtarka horumarinta (Development Effectiveness), xilli uu hoos u dhac ku yimid deeqaha horumarineed ee caalamiga ah (ODA).

Agaasimuhu wuxuu khudbaddiisa ku xusay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) iyo Aragtida Qaranka ee 2060, kuwaas oo ah jihada horumarineed ee dalka. Waxa uu sidoo kale iftiimiyay doorka qaab-dhismeedka Somali Aid Architecture ee fududeeya wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, bahwadaagta horumarineed iyo bulshada rayidka ah si loo gaaro natiijooyin muuqda.

Mudane Shire wuxuu adkeeyay muhiimadda iskaashi wax-ku-ool ah oo ku saleysan xog sugan, si loo xaqiijiyo horumar waara, wuxuuna yiri:

“Waxaan rabnaa in iskaashiga caalamiga ah uu noqdo mid waxtar leh oo si cad ula jaanqaada baahiyaha iyo mudnaanta qarankeena. Soomaaliya waa in ay si buuxda u hoggaamisaa qorshaheeda horumarineed, iyadoo adeegsanaysa xog iyo wada-shaqeyn loo dhan yahay.”

Madasha Busan 2025 waxay fursad u tahay dalalka soo koraya in ay is-dhaafsadaan waayo-aragnimo, xoojiyaanna iskaashiga horumarineed iyo awoodda hay’adaha Qaran si loo gaaro natiijooyin waara.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay daah-furka adeegga Xajka sanadka 1447/ 2026

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa ka qeybgalay Munaasabadda Daahfurka adeegga Xajka sanadka 1447/ 2026 iyo Xeritaanka xajkii sanadkii hore ee 1446, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay hormar ballaaran ka sameysay hufnaanta adeegga xajka isla markaana ay guul weyn u tahay Qaranka Soomaaliyeed in kaalimaha hore uu ka galay dalalka sida wanaagsan ugu adeegay dadkooda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in markii la qaaday tallaabada is beddelka lagu sameeyey adeegga Xajka ay Wasaaraddu wajahday culeys weyn, kaas oo ka imaanayay dhinacyo kala duwan oo diidanaa isbeddelka, isla markaana doonayay in halkaas la sii joogo, taasina hadda looga gudbay go’aan adag oo madaxda sare ay qaateen.

“Markii aan xafiiska imaanay, waxaa jiray cabasho badan oo dadku ay ka qabeen adeegga xajka, sida goobaha la dajiyo xujeyda, gaadiidka, cuntada iyo isku dhex yaac badan oo arrintaas ka jiray, waxaan ku dadaalnay in aan wax ka qabanno iyadoo aan wajahnay culeys badan oo ka dhashay isbeddelka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Culimada Soomaaliyeed ka codsaday in ay Wasaaradda kala shaqeeyaan sidii dadka xajinaya loo bari lahaa arkaanta Xajka iyo waddooyinka la maro ka hor inta aan la qaadin, arrintaas oo xujeyda u sahleysa in si wanaagsan ay u gutaan waajibaadka Alle, Waxaana uu faray Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka in Bicisada ay ku xajin karaan oo kaliya culimada iyo dhaqaatiirta si ay ugu adeegaan Xujeyda.

Ra’iisull Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka nidaaminta xajka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in guulaha la gaaray ay caddeyn u yihiin in Soomaaliya ay ku sii tallaabsaneyso hufnaan, adeeg bulsho iyo horumar waara.