Madaxweynaha JFS oo maanta si rasmi ah u furaya Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furaya Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa labada Aqal ee Baarlamaanka ka hor jeedin doona khudbad dastuuri ah, taas oo waajib dastuuri ah oo lagu daahfuro kalfadhiyada Baarlamaanka.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kaga hadlo xaaladda guud ee dalka, oo ay ku jiraan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada, iyadoo sidoo kale uu diiradda saari doono hormarka dowlad-dhiska, tallaabooyinka ay dowladdu ka qaaday dhismaha hay’adaha dowladda, iyo dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda iyo maamulka guud ee dalka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku wargeliyay xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarrada Aqalka Sare in ay si buuxda uga soo qayb galaan fadhiga furitaanka kalfadhigan muhiimka ah, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay in aysan dhicin maqnaansho aan sabab lahayn, gaar ahaan mudaneyaasha ku sugan magaalada Muqdisho.

Kalfadhigan 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu xoogga saaro arrimo qaran oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin ansixinta sharciyada horyaal Golaha iyo dardar-gelinta adeegyada ay dowladdu u qabato shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...