Home Blog Page 122

Amb Jibriil oo xariga ka jaray bandhigga ganacsiga Islaamka oo ka furmay Nairobi

0

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xariga ka jaray bandhigga ganacsiga waafaqsan shareecada Islaamka, kaasoo ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Bandhiggan ganacsi oo ay ka qeybgaleen in ka badan 70 shirkadood oo ka kala socday dalalka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo kuwa ka socday dalalka kale ee caalamka.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo munaasabadda daahfuray ayaa ku bogaadiyey ganacsatada in tani ay tahay mid ku dayasho mudan, loona baahan yahay in barnaamijkan la gaarsiiyo guud ahaan gobolka.

“Ganacsiga xalaasha ah waxa uu noqday mid caalamka si xooggan uga taabagalay. Wadamada Afrikaana aad uga shaqeeya hadda, dhaqaale aad u fara-badan oo malaayiin dollar ah ayaa ku baxa,” ayuu yiri Danjire Jabriil, isagoo hadalkiisa ku daray, “Lacagaha la filayo inay gaaraan saddex trillion, dhowrsano kadibna waxaa la filayaa in meesha ugu sareysa ay gaarto.”

Danjiraha ayaa xusay in ganacsatada isugu timid madasha ay fursad u heystaan inay soo bandhigaan ganacsi xalaal ah.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, ayaa tilmaamay in Safaaradda oo kaashaneysa mas’uuliyiinta Safaaradda Thailand ay qorsheynayaan inay qabtaan madal lagu soo bandhigi doono ganacsiga xalaasha ah iyo kaalinta bulshada uga aadan inay ka qaataan fursadaha maalgashi iyo ganacsi intuba.

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚

0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamud Abdullahi (Abukaate), ayaa si rasmi ah uga qeybgalay dood-wadaagga Shirweynaha 11-aad ee Iskaashiga Ganacsiga u dhexeeya Shiinaha iyo Wadamada Carabta, oo lagu qabtay magaalada Haikou, gobolka Hainan ee dalka Shiinaha.

Dood-wadaagga ayaa diiradda lagu saaray mowduuca: “Xoojinta Iskaashiga Maaliyadeed si loo gaaro Faa’iido Wadaag iyo Guul Wadaag”. Intii lagu guda jiray doodda, Wasiir Ku-xigeenka ayaa si qoto dheer uga hadlay laba qodob oo muhiim ah:

(𝟏): 𝐗𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚:

Wasiir Abukaate ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leeyihiin heshiisyada maalgashi ee laba-geesoodka ah (BIAs) ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo tilmaamay in heshiisyadani ay dejinayaan jawi sharciyeed oo xasilloon oo lagu dhiirrigelinayo maalgashiga tooska ah ee shisheeye. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay hadda u baahan tahay in la aasaaso hay’ado maaliyadeed oo wadajir ah, sida Bangiga Horumarinta Soomaaliya-Shiinaha ama Sanduuqa Maalgashiga, kuwaas oo si toos ah u taageeri kara mashaariicda horumarineed ee muhiimka ah, sida dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, korontada, kalluumeysiga, beeraha, iyo horumarinta tiknoolajiyadda dijitaalka ah. Sidoo kale, hay’adahaasi waxay noqon karaan meel lagu wadaago khibradaha farsamo iyo dhisidda awoodda hay’adaha maaliyadeed ee Soomaaliya.

(𝟐):𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐅𝐢𝐧𝐓𝐞𝐜𝐡 𝐞𝐞 𝐅𝐮𝐝𝐮𝐝𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚

Wasiirku wuxuu xusay in FinTech ay door muhiim ah ka ciyaari karto fududeynta ganacsiga iyo kor u qaadista ka mid noqoshada maaliyadeed, gaar ahaan ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhexe (SMEs). Soomaaliya ayaa horumar weyn ka samaysay dhanka lacag-bixinta dijitaalka ah, iyadoo adeegyada sida EVC Plus ee Hormuud Telecom, Golis-Sahal, iyo Edahab ay si weyn loo adeegsado. Wasiir Abukaate ayaa tilmaamay in iskaashi lala yeesho Shiinaha uu ka caawin karo Soomaaliya horumarinta nidaamyada lacag-bixinta dijitaalka ah ee u dhexeeya labada dal, taasoo kor u qaadi karta ganacsiga iyo maalgashiga.

Ka-qaybgalka Wasiir Ku-xigeenka ee dood-wadaagga Shirweynaha 11-aad ee Iskaashiga Ganacsiga Shiinaha iyo Wadamada Carabta ayaa muujinaya sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga maaliyadeed ee ay la leedahay Shiinaha, iyadoo la adeegsanayo habab casri ah oo kor u qaadaya horumarka dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal.

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS oo ka qayb galay shirweynaha hal-abuurnimada Afrika

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa magaalada Addis Ababa uga qaybgalay Shirweynaha Hal-abuurnimada Afrika oo si rasmi ah u daahfuray Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Itoobiya, Mudane Temesgen Tiruneh.

Shirweynahani, oo socon doona saddex maalmood (28–30 Abriil 2025), ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiirrada iyo mas’uuliyiinta ee wasaaradaha shaqada iyo horumarinta xirfadaha ee dalalka Afrika. Waxa diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa xirfadaha hal-abuurnimada iyo ganacsiga, taasoo qayb muhiim ah ka ah hirgelinta himilooyinka horumarineed ee sanadkan.

Maalmaha soo socda, Wasiir Yuusuf waxa uu kulamo la yeelan doonaa Wasiirada wasaaradaha shaqada ee dalalka Afrikada, isagoo sidoo kale ka qaybgalaya dood cilmiyeed cinwaankeedu yahay: Kartiyo iyo Xirfado Cusub si loo Horumariyo Hal-abuureyaasha iyo Ganacsatada Afrika.

Xuska maalinta caalamiga ah ee Tallaalka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa ka qeyb gashey Munaasabada xuska maalinta Caalamiga ah ee Tallaalka oo maanta lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Xuska maalinta Caalamiga ah ee Tallaalka waxaa ka soo qeyb galay Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, Madax qeybeedyo, xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed, Hay’adaha Caalamiga ah ee qeybta ka ah taageerada Caafimaadka Soomaaliya sida GAVI, UNICEF, Ururka Caafimaadka aduunka ee WHO, Save the Children, iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda Tallaalka ee badbaadinta nolosha dadka, gaar ahaan carruurta, iyo sida bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideysan karto adeegyada Tallaalka ee la heli karo, mas’uuliyiinta iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ayaa hoosta ka xariiqay in Tallaalku yahay furaha ka hortagga cudurrada halista ah, islamarkaana muhiim u yahay horumarinta Caafimaadka guud ee bulshada.

Waxa kale oo lagu boorriyey waalidiinta Soomaaliyeed in ay caruurtooda si joogto ah u Tallaalaan, si loo ilaaliyo Caafimaadka jiilalka soo koraya, xuskan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu dhiirrigelinayo wacyigelinta bulshada iyo kobcinta adeegyada Caafimaadka dalka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta adeegyada Caafimaadka gaar ahaan adeegga Tallaalka oo ah mid muhiim u ah bulshadeena taasoo carruurteena siinaysa awood Caafimaad iyo adkeysi nolaleed, waxayna Wasaaraddu markasta waalidiinta Soomaaliyeed ugu yeereysaa in ay qaataan tallooyinka Caafimaad ee ka imanaya qeybaha Caafimaadka.

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo khudbad ka jeediyay kulanka guud ee odeyaasha dhaqanka

0

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdixakiim Ashkir oo khudbad ka jeediyey kulanka guud ee odeyaasha dhaqanka ee Olaha Wacyigelinta iyo Abaabulka shacabka ee la dagaalanka Argigixisada ayaa ugu horreyn bogaadiyay kaalinta odeyaasha dhaqanka iyo beelaha Soomaaliyeed ee ciribtirka Khawaarijta.

Mudane Ashkir waxaa uu xusay in khawaarijta ay dhiigyacab yihiin, dagaalna kula jiraan diinta iyo dadka, isaga oo soo qaatay odeyaasha Dhaqanka ee ku shahiiday waddada halganka ee ladagaalanka Khawaarijta.

“Kaalinta Odeyaasha waa muhiim, Dhaqanka Dhiigooda u shubeen halganka, waxaana loo dilay dowlad-dhiska”.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Ashkir waxaa uu odeyaasha dhaqanka kula dardaarmay in ay beel-beel u shiraan, oo aan loo kala harin wacyigelinta iyo olalaha ciribtirka Khawaarijta.

Ugu dambeyntii, Wasiir Ashir waxaa uu soo jeediyey in ay sidoo kale muhiim tahay Doorashada Qof iyo Codka ah iyo in umadda lagu dhiirigeliyo isdiiwaanhelinta iyo in ay go’aan ka gaaraan ciddii matali lahayd.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qabatay kulan ku saabsan Wacyigelinta iyo Abaabulka Shacabka ee dagaalka Khawaarijta

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa caasimadda Muqdisho ku qabatay kulan guud oo Odeyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ah kaasi oo diiradda lagu saaray Olaha Wacyigelinta iyo Abaabulka shacabka ee ladagaalanka Argigixisa.

Kulankan oo cod dheer lagu diidanyahay Argigixisada iyo joogisteeda gudaha Soomaaliya, looguna abaabulayo beelaha Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta ayaa waxaa Goobjoog ka ah Wasiirka Wasaaradda mudane Cali Yuusuf Xoosh, Wasiir Dowlaha mudane Saadaad Caliyow, Wasiir Kuxigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdi ka socda Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeyb galay Shirweynaha 11-aad ee Shiinaha iyo Wadamada Carabta

0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamud Abdullahi Ahmed (Abukaate), ayaa maanta ka qeyb-galay Meertada 11-aad ee Shirweynaha Iskaashiga Ganacsi ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Wadamada carabta, oo si rasmi ah ah uga furmay magaalada Haikou oo ah caasimada gobolka Hainan ee Jamhuuriyada Shiinaha.

Shirkan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale midka maalgashi iyo hormarka warshadaha ee labada dhinac, sido kale shirkan ayaa waxa kaso qeyb-galay madax sare oo ka kala socota dalalka Carabta iyo Shiinaha, kuwaas oo ka wada hadlayay fursadaha cusub ee iskaashi iyo hormarinta xariirka labada geesoodka ah.

 

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Bankiga Adduunka ku wareejiyay Astaan dhaqan

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Bangiga Adduunka astaan dhaqameed Soomaaliyeed — Haan, Intii lagu jiray gabagabada shirka sannadlaha ah ee hay’adaha IMF iyo Bangiga Adduunka,

Waa markii ugu horreysay ee taariikhda ee astaan ka turjumaysa dhaqanka Soomaaliyeed la suro xarunta Bangiga Adduunka.

Haanta ayaa ah astaan ka tarjumaysa adkeysi, iskaashi iyo horumar.

 

DEG DEG: Ra’iisal wasaaraha XFS oo isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale oo akhriyay liiska xubnaha la magacaabay ayaa sheegay isku shaandheyntani ay saameyneyso xafiiska ra’iisal wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda, wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo wasaaradda Gaashaandhiga.

Ra’iisal wasaaraha markii uu arkay qodobada 97-aad, 98-aad iyo 100-aad ee Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, markii uu arkay howlaha baaxadda leh ee horyaala xukuumadda DanQaran, markii uu Ra’iisal wasaaruhu tixgeliyay talada madaxweynaha JFS,islamarkaana garowsaday baahida loo qabo magacaabidda xubnahan golaha wasiirada, waxaa Ra’iisal wasaare mudane Xamsa Cabdi Barre uu magacaabay xubnahan soo socda:-

1. Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi waxaa loo magacaabay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2. Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

3. Mudane Amb: Axmed Macallin Fiqi Axmed, waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda Gaashaadhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo deeqa dawo ah gaarsiiyay isbitaalka Xoogga Dalka

0

Wasiirro iyo xilidhaano katirsan BJFS ayaa maanta deeq dawo ah gaarsiiyay Isbitaalka xoogga Dalka oo ay ku jiraan dhaawacayad ciidanka Qaranka ee ku soo dhaawacay furumaha dagaalka.

Masuuliyiinta ayaa deqda dawada ah ku wareejiyay maamulka isbitaalka,taa oo ka kooban 10-nooc oo dawo ah,si loogu baxnaaniyo geesiyada ciidanka xoogga ee kusoo dhaawacmay dagaalka dalka looga xoreynayo khwaarijta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayer Mareeye,ayaa sheegay in ay marwalba ay garab taaganyihiin ciidanka Qarnka iyo kuwa degaan,waxa una intaa ku daray in muhiim tahay in dhammaan dowlad iyo shacab ay ka qeyb qaataan garab istaaga ciidanka xoogga dalka.

Wasiir Mareeye “Annagoo ah xildhibaannada urur siyaasadeedka cagaaran waxaan Isbitaalka Xoogga ku wareejinay 10 nooc oo dawo ah.”

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Dahabo Suusow oo kkamid ah xilidhibanad BFS ayaa ttirim “Haweenka Soomaaliyeed waa in ay muujiyaan taageeradooda geesiyaasha furimaha noogu jira ee Khawaarijta naga difaacaya.”

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee IIsbitaalka Ciidanka Xoogga Sadaam C/llaahi Cismaan,ayaa mas’uuliyiinta uga mahadceliyay garab istaaga ay u muujiyeen ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira khawaarijta.

“Wasiirrada iyo xildhibaannada waan uga mahadcelinayaa sida ay noogu garab istaageen daawadaan.”Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Xoogga