Wasiirka Gaashaandhigga oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Dalka Masar

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Masar, Sareeye Gaas Cabdulmajiid Saqar, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca milateriga ee labada dal iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Wasiir Fiqi ayaa ku bogaadiyay Masar kaalinta muuqata ee ay ka qaadato nabadda iyo xasilloonida gobolka, isagoo xusay in labada dal ay wadaagaan aragti mideysan oo ku aaddan arrimaha istiraatiijiga ah.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Masar ayaa muujiyay diyaar garowga dalkiisu u leeyahay xoojinta xiriirka iskaashiga milateri, isaga oo sheegay in ciidanka Masar ee qeyb ka noqon doona Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay dhawaan soo gaari doonaan Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...