Home Blog Page 1193

Howlaha gar-gaarka Soomaaliya oo awood loo siinayo Hay’adaha Maxaliga ah

0

Muqdisho(SNTV) Shirkan oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta qaar kamid ah wasaaradaha heer Federaal  iyo heer dowlad goboleed,hay”do caalami ah iyo kuwo Maxali ah ayaa diiradda lagu saaray sidii hoos loogu daadejin lahaa howlaha gargaarka bani’aadinimo ee Soomaaliya iyo awood siinta hay’adaha maxaliga ah ee dalka ka howlgala.

Intii uu socday shirkaasi ayaa lagu soo bandhigay aragtiyo ku aadan sida ugu haboon oo gar gaar dhameystiran loo gaarsiin karo dadka kunool guud ahaan dalka,iyadoo loo marayo awoodsiinta hay’adaha maxaliga ah,kuwaasi oo la aaminsanyahay in ay kaga haboon yihiin fidinta howlaha gargaar maadaama ay dalka ay ka howlgalaan.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa faah faahiyay ahmiyada ay dalka u leedahay qorshaha daadejinta howlaha samafal.

“Runtii waxaa ahmiyad weyn inoo ah in fulinta mshaariicda ay gacanta u galaan hay’adaha maxaliga ah ee dalk aka howlgala,waxaana raacaynaa heshiis horey u dhacay iyo wada hadaladii dalka Turkiga 2012kii kaasi oo ku saabsanaa in dadka maxaliga ah awood badan la siiy,taasina waa inoo faaido”. Ayuu Yiri Maxamed Macalin.

Sidoo kale Maxamuud Maxamed Ibraahim oo kamid ah mas’uuliyiinta Hay’adda World Vision oo kamid ah hay’adaha gar gaarka ee Caalamiga ah aya hadlay ujeedka laga damacsanyahay in awood la siiyo hay’adaha maxaliga ah.

“Anaga ka caalami ahan iyo kuwa maxaliga ah waxaan is leeyahay waxbadan ayay qabanaysaa arrintan,waxaa ay wax ka taraysaa in ay gaaraan meel aysan gaari Karin kuwa caalamiga ah,iyagana waxay u noqonaysaa dabcan fursada awoodooda ay sare ugu qaadi karaan”. Ayuu yiri Maxamuud.

Talaabadan ayaa hadii ay hirgasho waxay fursad u noqonaysaa dadbadan oo haysta xaalado bani’aadanimo in ay si haboon uga faa’idaystaan howlaha gargaar ee dalka ka socda,waxaana ay imanaysaa iyadoo baahiyo badan loo qabo in dadka ku dhibaataysan qeybo kamid ah gobolada dalka ay helaan fursad ku aadan adeegyada ay u baahanyihiin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka JFS oo sheegay in uu xirmay Kalfadhigiii Seddexaad ee Golaha Shacabka

Muqdisho (SNTV), Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka ku wargeliyay in kalfadhigii Saddexaad ee Golaha Shacabka uu xirmay 10-ka bishan luulyo oo shalay ku beegneyd.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xildhibaanada u rajeeyay nasiino wanaagsan, waxaana xildhibaanada ay soo laabanayaan 10-ka September 2018, sida ku cad warqada ka soo baxday xafiiskiisa.

Kalfadhigan 3-aad ayaa waxaa 10-kii Maarso ee sanadkan furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Sida uu dhigayo Dastuurka KMG ah ee dalka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sanad walba waxa ay yeeshaan laba kalfadhi, iyada oo kalfadhi kasta oo ka mid ah kalfadhiyada uu soconaya mudo ku siman Afar bilood.

Warqada fasaxa ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa la ogeysiiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha, Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo booqday Hey’adda Iskaashatada dhismaha ee Shiinaha

Beijing(SNTV):– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shalay booqday Hey’adda Iskaashatada dhismaha ee Shiinaha, waxaana ku soo dhoweeyay Guddoomiye kuxigeenka hey’addaasi Mudane Lu Jing.

Wasiir Axmed Cawad, oo ka qeybgalay shirka sideedaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ayaa isku dayaya soo celinta wax wadaagga Soomaaliya iyo Shiinaha dhinacyada beeraha, waraabka, dab ka dhalinta biyaha webiga iyo mashaariicda horumarineed ee kale ee dib u dhisidda Tiyaatarka Qaranka, Isbitaalka Banaadir iyo wadada isku xirta gobollada koonfureed iyo kuwa waqooyi.

Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha waa dowlad saaxiib la ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xiriirka u dhexeeya labada shacab wuxuu soo taxnaa muddo ka badan 600 sano.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qabatay Madal ku saabsan Heshiisyadii Baydhabo

Muqdisho  (SNTV), Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Madal ay shacabka Soomaaliyeed fursad ugu heleen in looga jawaabo su’aalaha ku saabsan Heshiisyadii Kheyraadka (Batroolka) iyo Doorashooyinka ee madaxda qaranka ay ku gaareen magaalada Baydhabo.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Wasiirka Wasaaradda Batroolka Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed, La-taliye Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Sahra Cali Xasan, Dr. Xasan Xaaji Ibraahim oo ah La-taliye Sare ee Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka, Avv Cumar Dhagey iyo La-taliyaha Madaxweynaha Maxamed Cabdirisaq ayaa si wadajir ah uga jawaabayeen su’aalaha ka imaanayay bulshada qeybaheeda kala duwan ee ka soo qeybgashay Madasha.

Wasiir Cabdi Xoosh oo ka hadlay sababta loo sameeyay Madasha ayaa sheegay inay tahay mid shacabka xog-ogaal looga dhigayo heshiisyada ay madaxda gaaraan.

“Sida aad la socotaan heshiisyadii madaxda qaranka ay ku gaareen magaalada Baydhabo waxay ahaayeen kuwa taariikhi ah, inaga Wasaarad ahaan waxaa naga saaran masuuliyad ah in heshiisyadaas lagu qoro Dastuurka; kulankan waa mid muhiim ah oo aan dooneyno in shacabka ay xog badan uga helaan heshiisyadii ay madaxda gaareen” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Dhanka kale, Wasiirka Batroolka Eng. Cabdirashiid Maxamed ayaa si qoto dheer u sharxay Heshiiskii Kheyraadka gaar ahaan Batroolka isagoo ka jawaabay Su’aalaha ka imaanayay shacabka ee quseeyay Batroolka.

Sidoo kale, Dr. Xasan Xaaji Ibraahim oo kamid ah La-taliyayaasha Sare ee Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka ayaa sharxay heshiiskii Doorashooyinka, waxa uuna ka jawaabay su’aalaha arrimaha Doorashooyinka ee ay shacabka soo gudbinayeen.

Wasiir Cabdi Xoosh iyo La-taliye Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Sahra Cali Xasan ayaa si wadajir ah u sharxay masuuliyadda Wasaaradda ka saran heshiisyadii la gaaray ee Dastuurka lagu qori doono inta ay socoto dib-u-eegista Dastuurka.

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa joogteyn doonta qabashada madashan oo kale ee shacabka looga jawaabayo su’aalahooda ku saabsan heshiisyada ay gaaraan madaxda qaranka ee Dastuurka lagu qori doono.

Wasiirka Difaaca iyo Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida oo kormeer qiimeyn ah ku sameeyey Qaar kamid ah Xeryaha Ciidanka Xoogga

0

Muqdisho (SNTV), Wasiirka Wasaaradda Difaaca Xukuumadda federaalka Soomaaliyeed, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) , taliyeyaasha ciidanka qalabka sida, xoghayaha guddiga difaaca golaha shacabka iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer qiimeyn ah waxa ay ku sameeyeen qaar kamid ah xeryaha ciidanka xoogga dalka oo dib u dhis lagu sameyn doono.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, sareeyo gaas C/weli Jaamac Gorod oo deegaanka Carbiska kula hadlay askar ka tirsan qeybta 12-ka April oo halkaas fadhiisan ku leh ayuu u sheegay in aan la oggolaan Karin in shacabka la dhibaateeyo.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), Xoghayaha guddiga Difaaca golaha shacabka  xildhibaan Sadiiq Warfaa iyo taliyaha ciidanka asluubta sareeyo guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sidoo kale hadal goobaabo ah u jeediyay ciidankaasi.

Hindisaha qorshaha lagu dhisayo dhammaan xeryaha ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa hormuud u ah wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), waxaana uu faahfaahin ka bixiyay u jeedada kormeerkooda maanta.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

 

Guddiyada dib u eegista Dastuurka ee BFS oo Muqdisho kulan ku yeeshay

Muqdisho (SNTV), Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgelinta Dastuurka, ayaa maanta ku wareejiyey guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ee BFS Shan cutub oo ka mid ah Dastuurka oo ay kasoo shaqeeyeen, kadib kulan ay ku yeesheen magaaladda Muqdisho.

Kulanka, ayaa  waxaa ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgalinta dastuurka Mudane Maxamed Daahir Afrax, waxa uuna sheegay in shantan cutub ay guddi ahaan ka soo shaqeeyeen guddiga la socodka Baarlamaanka  looga baahan yahay in bulshada ay la wadaagaan.

Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) Guddoomiyaha  guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgalinta dasuurka ee BFS, ayaa sheegay in dastuurka ay u qaybiyeen 15 cutub shan ka mid ah ay u soo gudbiyeen guddiga  madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgalinta dastuurka.

“15 Cutub ayaan dastuurka u qeybinay, 5 ayay soo gudbiyeen guddiga  madaxa banaan,  iyaggoo tasiilaadkii ay ku shaqaynayeen aysan u dhamaystirnayn, taasi waa guul u soo hoyatay labada guddi iyo wasaaradda dastuurka oo howl wadaag yihiin, ayuu yiri Mudane Cabdi Xasan Cawaale.

Wasiirka wasaaradda dastuurka Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa  ka warbixiyay howlaha dhankiisa ah ee dastuurka, waxa uuna sheegay in shirkii dhowaan madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada ku yeeshay baydhaba uu hor dhigay qodob ku xeran siyaasada.

“Madaxa qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada shirkii ay ku yeesheen magaaladda baydhaba waxaan hor dhigay qodob kala ah Doorashada iyo qaybsiga qayraadka “ ayuu yiri Wasii C/raxmaaan.

Guddoomiyaha golaha aqalka sare baarlaamanka federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo kulanka ka qayb galay, ayaa u mahadceliyay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo  hirgalinta dastuurka howsha ay soo qabteen, wuxuuna dhinaca kale sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay wada shaqaynta labada gudi ee dib u eegista dastuurka iyo wasaarada dastuurka .

“Waan u mahadcelinayaa guddiga madaxa banaan, dhanka kalana waxaa farxad ah in labada guddi ee dastuurka iyo wasaarada dastuurka in ay maanta miiska wada fadhiyaan oo ay wada shaqaynayaan loona baahan yahay in ay u dhabar adeegaan dhamaystirka dastuurka, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan dastuur dhamaystiran “ ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Kulan markii uu soo  dhammaaday ka dib, ayaa kulanka maanta waxaa laga soo saaray war saxaafadeed ku aadan heerarkii uu soo maray dastuurka waxaana saxaafada u aqriyay xoghayaha guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgalinta dasuurka ee BFS Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

Wasiir Beylah “Dakhliga Dalka ilaa iyo 58% ayaan Daboolnay”

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi raxmaan Ducaale Beylah ayaa Shir Jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu faahfaahiyay waxyaabihii u qabsoomay 6-dii bilood ee la soo dhaafay.

Wasiirka Beylah ayaa sheegay in Lixdii Bil ee la soo dhaafay Dakhliga dalka uu kordhay isla markaana uu gaaray 58% marka la barbardhigo sanadkii lasoo dhaafay, isagoo guul ku tilmaamay in markale lacagtii IMF ka dooneysay ay keeneen in ka sareysa.

Wasiirka ayaa tilmaamay in la isku raacay in Dakhlig dalka ay qabato Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo ay suurta gashay in Wasaaraddaha Xukuumadda ay Dakhligii ay hayeen ku wareejiyaan Wasaaradda Maaliyadda.

“Dakhliga ina soo galay ilaa iyo boqolkiia 58 ayaan daboolnay meel hoosa ayaan kasoo bilownay dhawaan waxaan ilaah ka rajeyneynaa wax kasta oo dowlada ay ku socotaba inaan anagu dabooli karno Waxaa noo suurta gashay inaan soo wareejino dakhliga ay qaadi jireen Wasaaraddaha Xukuumadda Soomaaliya iyo Maxkamadaha taas waxay noo fududeysay inaan gaarno heerkii loo baahnaa”.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii xuquuq joogta ah ay u heli lahaayeen Shaqaalaha Dowlada ee sida wanaagsan u shaqeeya, isagoo dhanaca kale u digay dadka aan u shaqeyn dalka iyo dadka ee Mushaaraadka iska qaata wuxuuna xusay in baaritaan uu ku socdo isla markaana si fiican la iskula xisaabtami doono.

Wasiir Beylah ayaa sidoo kale sheegay in sanadkaan waxyaabaha u qabsoomay Dowlada ay ka mid tahay in meel gaba gabo ah uu marayo qorshaha lagu daabacayo lacagta cusub ee dalka uu yeelanayo, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay 41-Milyan oo lagu fuliyo Hawshaas iyadoo IMF ay dowlada ka caawineyso.

“Waxaa kale oo inoo qabsoomay sanadkaan inaan Lacagteenii soo daabacno wax weyn oo inaga dhiman weeye, laakiin shaqo badan oo adag ayaa ka horeysay Shuruudo badan ayay laheyd dhamaan waa lagu soo guuleystay, wali cidii inoo soo daabici laheyd, nuuca ay lacagta noqon laheyd iyo cidii ku sawirnaan laheyd wali leyslama garan, Guddiyo ayaa la sameyni dadweynaha ayaa kasoo qeyb gali lacagta la isku raaco ayaa la sameyni”.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dhawaan la dhisi doono Xarumaha degmooyinka ee lagu qaban lahaa Canshuuraha maadaama ay burbursan yihiin, sidoo kalena la furi doonaa Iskuul lagu barto Maamulka Maaliyadda iyo Canshuuraha.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn u Mahad celiyay Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Gobaleedyada dalka uu sheegay inay wada shaqeyn wanaagsan la leeyihiin isagoo sheegay in la mideynayo Canshuuraha guud ahaan dalka laga qaado.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Khudbad ka jeediyay Shirka Iskaashiga Shiinaha iyo Wadamada Carabta.

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Khudbad ka jeediyay shirka Sideedaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta ee lagu qabtay Aqalka Shacabka ee Caasimadda Beijing ee Dalka Shiinaha.

Wasiirka ayaa ugu horeyn ka mahad celiyay sida maamuuska leh ee loogu soo dhaweeyay Dalka Shiinaha, isagoo sheegay in shirkan uu xoojinayo saaxiibtinimada iyo wada shaqeynya Dowlada Shiinaha iyo Wadamada Carabta.

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa dowlada iyo dadka Shiinaha sida wanaagsan oo ay noo soo dhaweeyeen, Shirkan wuxuu ka mid yahay shirarka Iskaashiga ee xoojinaaya Saaxibtinimada taariikhiga ah ee ka dhaxeysa Shiinaha iyo Dowladaha Carabta, wuxuuna xoojinayaa kalsoonida siyaasadeed iyo iskaashiga wada jirka ah ee dhinac walba si loo helo deganaasho Nabadeed iyo Hormarka dhanka dhaqaalaha ee bulshada labada shacab”.ayuu yiri Wasiirka.

Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya ay ku taalo Goob muhiim u ah isku xirka Ganacsiga Aduunka, wuxuuna xusay in Xiriir Taariikhi ah uu kala dhaxeeyo Shiinaha oo Iskaashi dhinacyo badan uu dhex maray.

“Soomaliaya waxay dhacdaa goob muhiim ah oo istiraatiiji u ah Caalamka iyo isku gooshida dhanka ganacsiga, waxayna la leedahay dowladda Shiinaha xiriiir taarikhi ah oo qoto dheer kuna dhisan Ixtiraam, Sidoo kale Soomaliya waxay ka mid tahay dowladihii ugu horeeyay ee xiriir wada shaqeyn la sameeya Shiinaha, iyadoo ka qeyb qaadatay sidii ay Dowladda Shiinaha kaalin weyn ugu yeelan laheyd Caalamka, waxayna Soomaaliya ka qeyb qaadatay sida Shiinaha Qaramada Midoobay uga heli lahaayeen kursigooda sharciga ah”.ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa Dalalka kasoo qeyb galay shirka u sharaxay Hormarka Soomaaliya ka socda, isagoo u sheegay in Isbedelo guul ah laga sameeyay dhinaca Dhaqaalaha, Amniga iyo Siyaasadda.

“Soomaaliya maanta waxay hormar ka gaartay dhinacyada Dhaqaalaha Amniga iyo Siyaasadda waxayna diyaar u tahay in laga caawiyo dhanka maalgashiga sida Baddaha, Garoomada Diyaaradaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga, Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay awoodo sugidda Amniga guud ahaan dalka, waxayna damaanad qaadeysaa Amniga shaqaalaha Dowladda iyo Maalgashiyaasha kala duwan”.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa la kulmay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo qaar ka mid ah Wasiiradda Carabta ee Shirka ka qeyb galay.

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkii caleema saarka Madaxweynaha Turkiga

0

 

Muqdisho: 11ka Luuliyo 2018; Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha dalka Turkiga iyo shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha oo ka dhacay magaalada Jabuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalooyinka Jabuuti iyo Ankara waxa uu si gaar ah ula kulmay Madaxweynayaasha qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo ka qeyb galayaal Caalami ah, waxa ayna ka wada hadleen danaha kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa dalkaTurkiga loogu soo dhaweeyay hab-maamuus sare, isagoona ka mid ahaa 20 hoggaamiye oo ka qeyb galay caleema saarka Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulqaadir Axmed Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshahada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo daahfuray hanaanka gal-dacwadeedka Electarooniga

0

Muqdisho (SNTV), Xafladaan lagu daahfurayey hanaanka gal-dacwadeedka Electarooniga ah ee maxkamada sare , tan racfaanka iyo mida gobolka banaadir, Ayaa waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiyaha maxkamadda sare , wasiirka cadaalada , xeer ilaaliyaha guud ee qaranka , guddomiyayaaha maxkamadaha racfaanka iyo tan gobolka banaadir , garsoorayaal iyo shaqaalaha heyadaha garsoorka ee dalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir  oo ugu horeyn ka hadlay furitaanka xaflada, ayaa bidhaamiyey muhiimada uu leeyahay  System-kan cusub ee Electarooniga.

Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo isna xaflada ka hadlay, ayaa tilmaamay in nidaamkan cusub uu sahli doono in si deg deg ah loo soo afjaro kiisaska la horgeeyo maxkmadaha dalka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed    oo ugu dambeyn ka hadlay xaflada lagu daahfurayey hanaanka gal-dacwadeedka electarooniga ah ayaa sheegay in hanaankan cusub laga dhaqan gelin doono maxkamadaha dalka wuxuuna intaa ku daray in nidaamkan uu meesha ka saari doono musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Dhaqan gelinta  hanaanka gal-dacwadeedka  Electarooniga ah ee maxkamada sare , tan racfaanka iyo mida gobolka banaadir Ayaa sahli doona waxyaabo badan oo ay kamid yihiin keydinta iyo xifdinta galalka iyo daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka maamulka dacwadaha.