Home Blog Page 1193

Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Eritrea oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV) Wasiiradda Arrimaha Dibada Dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya ay kusoo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirka Dowlada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa wafdigan soo dhaweeyay.

Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Eritrea ayaa inta ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Dalka, iyadoo laga wada hadli doono Xoojiinta Xiriirka iyo sare u qaadida Wada shaqeynta Dowladahaasi iyo Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa wada shaqeyn xoogan la leh Wadamada Geeska Afrika, Iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Magaalada Asmara Heshiis Iskaashi kula galay Madaxweynaha Eritrea iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Khartuum uga qeyb-gashay shirka 65-aad ee ururka caafimaadka aduunka ee WHO.

0

Khartuum (SNTV):- Shirka 65-aad ee ururka caafimaadka aduunka ee WHO ayaa ka socda magaalada Khartuum ee dalka Sudaan, waxaana Soomaaliya ku matalaya wasiirka wasaaradda caafimaadka Drs. Fowsiya Abiikar Nuur.

Shirkaas oo socon doona ilaa 18-ka bishan ayaa looga hadlayaa wax ka qabashada cudurada faafa, fidinta adeegga caafimaadka, in hay’adaha gaarka loo leeyahay ay ka qayb qaataan horumarinta caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr Fawsiya ayaa loo doortay ku xigeenka shir gudoonka, waxaana ay ka hadashay dadaalada horumarineed ee dawladda Soomaaliya ku horumarinayso adeegga caafimaadka, taas oo ay codsatay in lagu gacansiiyo.

Eng Yarisow “Barnaamijka Waxbarashada Dadka Waaweyn waa mid kor loogu qaadayo aqoonta Bulshada Caasimadda”

0

Muqdisho (SNTV)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Daah-furay Barnaaijka Waxbarashada dadka Waaweyn ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay ujeedka barnaaijkani in uu yahay mid aqoonta bulshada kor loogu qaadayo, maadaama qorshuhu yahay in sanadka 2020 ay dalka ka dhacaan doorashooyin, isla markaana ay muhiim u tahay qorista iyo akhrintu codbixiyaha.

“Si kor loogu qaado aqoonta iyo tayada bulshada ee dhinaca waxbarashada, gaar ahaan dadka waaweyn xiligan loo diyaar garoobayo doorashooyin qof iyo cod ah sanadka 2020 ahmiyad wayn ayuu ku fadhiyaa barnaamijkan waxbarashada dadka waaweyn ee Gobolka Banaadir”.

Guddoomiye Yarisow ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado akhrinta iyo qorista afka hooyo iyo aqoonta dadka waaweyn ee waqtigu u saamixi waayay in ay maraan nidaamka waxbarashada aas-aasiga ah.

Munaasabadda Daah furka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Benaadir Marwo Basmo Caamir Axmed, masuuliyiin ka tirsan Maamulka iyo dadweyne kale, iyadoo intii ay socotay munaasabaddu laga jeediyey khudbado kala duwan oo taabanaya ahmiyadda barnaaminka Waxbarashada dadka Waaweyn

Carwadii ugu horreysay ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyada oo Muqdisho laga furay

0

Muqdisho (SNTV) – Carwadii ugu horreysay ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka ayaa maanta ka furantay hotelka Royal Palace Hotel ee magaalada Muqdisho, taas oo soo bandhigeysa horumarka ay bulshadeenu ka sameeyeen isgaarsiinta iyo teknoolojiyada.

Carwadan waxaa loogu talo galay inay noqoto dhacdada ugu weyn ee ay ku kulmaan dhammaan daneeyeyaasha isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka, sida shirkadaha isgaarsiinta, internet-ka, shirkadaha sameeya website-yada iyo barnaamijyada, fikradaha cusub ee dhinaca Teknoolojiyada, jaamacadaha bixiya aqoonta ICT iyo hay’adaha dawladeed ee ka shaqeeya isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Waxaa carwadan dhinaca farsamada ka caawinaya Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada.

Carwadan oo ay ka qeybgalayaan in ka badan 60 shirkad, jaamacad iyo hay’ad dawladeed, waxaa lagu soo bandhigay badeecadaha iyo adeegyada ay iibiyaan, waxayna fursad u helayaan siddii ay isku baran lahaayeen, iskuna kaashan lahaayeen, Carwadan oo dadweynaha u furan 16ka iyo 17ka Oktoobar, subaxii 9ka subax illaa 5ta galabtii, waxay dadweynuhu sidoo kale ka qeybgali karaan aqoon-isweydaarsiyo, iyaddoo sidoo kale lagu guuleysanyo deeqo waxbarasho iyo agab kale sida laptop, talefoonnada gacanta, internet modems, iwm.

Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Md. Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay horumarka la taaban karo ee ay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu ka sameysay dhinacyada ansixinta sharciga, aasaasitaanka Hay’adda Isgaarsiinta, astaanta internetka, isaggoo sheegay in xogta ay ururiyeen ay muujineyso in Soomaaliya horumar muuqda ay ka sameyneyso isgaarsiinta iyo teknoolojiyada.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in Wasaaraddu taageereyso bandhigyada noocan oo kale ah, maadaama ay u xilsaaran tahay inay jiheyso, oo isku xirto, bahda isgaarsiinta iyo teknoolojiyada.

“Dhamaan ka qeyb galayaasha waxa ay fursad u heli doonaan in ay isku bartaan, wada ganacsadaan, la socodaan howlaha dowladda, sidoo kalena ay muuqato cudadda iyo xoogga suuqa isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka,” ayuu yiri wasiirka.

Ras’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda, Md Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo carwada si rasmi ah u furay ayaa sheegay in isgaarsiinta iyo teknolojiyadu gaareen meel aanay cidina ka maarmi oo nolosheena ka mid ah, Wuxuu intaas ku daray in carwadan ay soo bandhigi doonto wajiga kale ee Soomaaliya ay leedahay.

 

 

Xaflad loo qabtay arday ka qalin jabisay jaamacadaha Pakistan

0

Pakistan (SNTV)- Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Pakistan oo xaflad qalin jabin u samaysay arday dhammaysay heerka kowaad iyo kan labaad ee Jamacaadaha ku yala dalka Pakistan.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana lgu maanuusayay qalin jabinta arday Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay safiirka Soomaaliya  ee dalka Pakistan Ambassador Khadija Al Makhsuumi, madaxa hay’ada ugu sareeysa waxbarashada dalka Pakistan Dr Tariq Banori, Safiirka dalka Italy u fadhiya dalka Pakistan iyo Safiiro heer caalam ah.

Ardaydan Soomaaliyeed ayaa bartay Cilmiga Engineeriyada noocyadisa kala duwan iyo maamulka iyo maaraynta, waxa ayna ka qalin jabiyeen jamacadaha ku yaala magalooyinka Islamabad, Bishawar,Faysalabad, iyo magaalada Lahore waxaan wajiyadoona laga dheehan karay farxad iyo damashaad.

Ugu horayn safiirka Soomaaaliya ee dalka Pakistan Khadiija Maxamed Al makhsuumi ayaa soo dhaweysay marti sharafta ka soo qeyb gashay munaasabada qalin jabinta waxa ayna hambalyo iyo bogaadin u dirtay ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabisay.

Dhanka kale, madaxa ugu sareeya hay’adda waxbarashada dalka Pakistan Dr Tariq Boanori, oo munasabadda marti ku ahaa ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda qalin jabisay waxa uuna shegay in ay ku faraxsan yihiin ka soo qeybgalka munaasabada .

Munasabada waxa soo qaban qaabiyay ma’suuliyiinta safarada Soomaaliyeed ee dalka Pakistan oo ay ugu horeyso danjire Khadiija Maxamd Al makhsuumi iyo howl wadeenada safaarada oo uu kamid yahay uqeyb sanaha arrimaha dhaqanka iyo waxbarashada Cismaan Ducaale.

 

 

Socdaalka Madaxda dalka ee qaar kami ah gobolada dalka waa tallaabo muhiim ah oo loo baahnaa (Faallo)

Muqdisho October 16 (SNTV):-n madaxda dalka Soomaaliya ay booqdaan degmooyin ka mid ah dalka,isla markaana ay soo eegaan xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshada iyo hormarada kale ee ay ku tallaabsadeen waa calaamad muujineysa hanaanka dowlad wanaagga ee ay ku sifoobeen madaxda cusub ee Soomaaliya,gaar ahaan xilligaan adag oo la doonayo sidii loo raadin lahaa umad ka qeybqaadata nabad ku soo dabbaalidda dalka .

Haddaba muhiimadda guud ee safarka Madaxweyne Farmaajo iyo R/Wasaare Kheyre ay ku tageen xarumaha  Marka iyo Jowhar ayaa loo arkaa  mid wax ku ool ah  oo muujinaaya in weli ay jiraan hogaamiyaal Soomaaliyeed oo daneynaya in ay la socdaan arimaha bulshada iyo hormarka kale ee ka jira degmooyinka dalka.

Dhiirrigelinta  ciidamada ku howlan nabadeynta dalka iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah ,ayaa ka mid ah booqashada madaxda dalka oo lagu micneeyay sidii loo  heli lahaa  niyad ama moral adag oo lagu xoreeyo goonaha ay weli joogaan cadowga umadda.

Nabad iyo dib u heshiisiin dhab ah oo la dhexdhigo dadka walaalaha ah ayaa sidoo kale ku jiray ajeendaha safarka madaxda dalka, iyadoo isla markaana dadaal dheeraad ah  la galinaayo sidii looga gudbi lahaa khilaafaadka ragaadiyey isbadallada nololeeed ee umadda.

In la booqdo goobaha cusub ee loo diyaariyay tababarka ciidamada iyo dhismaha kuwa loogu talagalay in ay ku howlgalaan maamulada,ayaa sidoo kale ka mid ahaa barnaamijka dowladda ee lagu tagay degmooyinka dalka.
Qeybaha bulsho ee ku dhaqan deegmooyinka la booqday ee Marka iyo Jowhar ayaa gudbinaya sawir farxad leh oo dhiirigelinaya hammigii ay ku socdeen wafdiga Madaxda dowladda ,kaas  oo ah in loo baahnaa booqashooyin lagu ogaado xaaladda dadka iyo deegaanka.

Hoggaaminta wanaagsan ee dowlad dooneysa horumar,waxa ay ku jirta mar kasta in lala socdo ama laga  warqabo dhibaatooyinka hortaagan  bulshada,mashaariicda socota, horumarka kale ee lagu tallaabsaday iyo dhameystirka adeegyada ay u baahan yihiin umadi.

Waxaa hubbaal ah in haddii la doonayo horumar leh dhinacyo badan ay lama huraan tahay in la qaato talada madaxda dalka,isla markaana laga qeybqaato dadaalada dowladda ay ugu jirto ka miro dhalinta hadafka ama gaaritaanka waxqabad dhab ah oo muuqda.

Guud ahaan aragtida saliimka ah ee laga qabo safarka madaxda dalka waa tallaabo  wax ku ool ah oo gabagabadii ku soo biyo shubaneysa in meesha ay ka baxaan tuhunada la xiriira in dowladdu aysan ka warheyn xaaladda nabadgelyo iyo tan nololeed ee dadka ku dhaqan gobolada dalka.

W/Q: Shiroos

Wasaarada caafimaadka Soomaaliya oo sheegtay inay kudadaaleyso wax u qabashada dhaawacyadii baydhabo

0

Muqdisho October 16 (SNTV):-Mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ku bixineyso sidii caafimaad deg deg ah ay u heli lahayeen dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo.

Wasiirka oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ku dhawaad 10 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo oo xaaladood aad u liidatay la keenay Muqdisho, isla markaana haatan lagu dabiibayo Isbitaalka Ordogan Ex-Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay kula socon doonaan xaaladooda caafimaad, iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweynaha dalka ee ahaa in Xukuumaddu ay si deg deg ah ugu gurmato dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda inay si deg deg ah gargaar caafimaad u gaarsiiso dhaawacyada culus ee sida bahalnimada leh argagixisada Al-Shabaab ay qaraxyo kula beeegsadeen magaalada Baydhabo.

Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaanno oo dhawaan gaaray Baydhabo ayaa kaalmo daawo ah gaarsiiyay Baydhabo, iyagoo sidoo kale Muqdisho u soo qaaday dhaawacyada culus ee ku jiray Isbitaalka Baydhabo.

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Cusub ee QM u qaabilsan Soomaaliya

0

Muqdisho October 16 (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ku soo dhoweeyey xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho madaxa hawlgalka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo dhowaan dalka soo gaaray.

Kulan muhiim ah oo labada dhinac wada yeesheen kadib, ayuu Duqa Muqdisho tilmaamay in ergaygan cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay isla soo qaadeen adkeynta xiriirka ka dhaxeeya, arrimaha Siyaasadda iyo horumarada la gaaray siddeedii bilood ee la soo dhaafay ee xilka uu hayay maamulkiisu.

“Qaramada Midoobey waxa ay Soomaaliya ka caawisaa arrimo badan, maamulka Gobolka Banaadir-na wuxuu adkeeyey xiriirka aan la leenahay hay’adaha kala duwan ee QM. Wakiil Haysom waxaan isla soo qaadnay xoojinta xiriirka naga dhaxeeya ee arrimaha Siyaasadda, horumarka Caasimadda iyo kaalinta uga aadan”.

Duqa Muqdisho Eng. Yarisow ayaa ugu hambalyeeyey masuuliyadan cusub iyo waajibaadka culus ee horyaala, isla markaana waxuu ku celiyey in maamulkiisu uu diyaar u yahay wax walba oo gacan ka geysanaya horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Dhinaciisana, wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee ee uu ka helay Duqa Muqdisho, kuna ammaanay doorkiisa hogaamineed ee horumarka caasimada ka jira. Waxaana wakiilku cadeeyay in UNSOM ay noqon doonto mid u adeegta danaha guud ee bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre: Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya Waxa Uu Ku Xiranyahay Kordhinta Tacabka Iyo Wax Soo Saarka Beeraha

0

Muqdisho October 16 (SNTV):-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa beeralayda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay laba jibbaaraan tacabka beeraha si ay usoo saaraan cunnno ku filan dalka, mustaqbalka ay ugu dhoofiyaan dunida.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xuska maalinta beeralayda Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in beeralaydu ay hoggaan u ahaayeen horumarinta dhaqaalaha dalka, xilligaanna ay muhiim tahay in ay soo nooleeyaan dawrkooda, qaybna ka qaataan soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed oo ku xiran isku filnaansho dhaqaale.

“Dawladdeennu waxa ay ka shaqaysaa soo celinta sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Soo celinta sharaftu waa in aadan tuugsan, si aadan u tuugsanna waa in aad wax soo saartaa”ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre

“Marka aad isku filantahay ayaad gaari kartaa go’aan xor ah oo aad kula dhaqmi karto dunida” ayuu raaciyay ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa soo dhaweeyay heshiis hay’adda cunnada adduunyada (WFP) ay 4,000 metric ton oo Ganley ah uga iibsnayso beeralayda Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in ay tahay bilaaw wanaagsan, hadii beeralaydu ay kordhiyaan tacabka beerahana ay hey’adaha gargaarkuna kordhinayaan iibssiga dalagga gudaha si ay ugu quudinayaan dadka gargaarka u baahan ee ku nool dalalka dunida.

Diyaarad Militari oo ku soo dhacday Waqooyiga Sacuudiga

0

Wasaaradda Gaashaandhiga Sacuudiga ayaa sheegtay in Diyaarad ay leeyihiin Ciidammada Cirka ee Sacuudiga ay ku soo dhacday waqooyiga dalkaasi xilli ay tababar ku jirtay.

Masuul ka tirsan Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegay in shilkaasi uu ku geeriyooday duuliyihii Diyaaradaasi,waxaana warku intaa ku daray in haatan aay socota barista sababta shilkaasi.

Diyaaradda oo nuuceedu ahaa HOK ayaa ka mid Nuucyada tababarka ee Ciidammada Sacuudiga isticmaalaan.