Socdaalka Madaxda dalka ee qaar kami ah gobolada dalka waa tallaabo muhiim ah oo loo baahnaa (Faallo)

Date:

Muqdisho October 16 (SNTV):-n madaxda dalka Soomaaliya ay booqdaan degmooyin ka mid ah dalka,isla markaana ay soo eegaan xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiinย bulshada iyo hormarada kale ee ay ku tallaabsadeen waa calaamad muujineysa hanaanka dowlad wanaagga ee ay ku sifoobeen madaxda cusub ee Soomaaliya,gaar ahaanย xilligaan adag oo la doonayo sidii loo raadin lahaa umad kaย qeybqaadata nabad ku soo dabbaalidda dalka .

Haddaba muhiimadda guud ee safarkaย Madaxweyne Farmaajo iyo R/Wasaare Kheyreย ay ku tageen xarumaha ย Marka iyo Jowhar ayaa loo arkaa ย mid wax ku ool ah ย ooย muujinaaya in weli ay jiraan hogaamiyaal Soomaaliyeed oo daneynaya in ay la socdaan arimaha bulshada iyo hormarka kale ee ka jira degmooyinka dalka.

Dhiirrigelinta ย ciidamada ku howlan nabadeynta dalka iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah ,ayaa ka mid ah booqashada madaxda dalka oo lagu micneeyay sidii looย ย heli lahaa ย niyad ama moral adag oo lagu xoreeyo goonaha ay weli joogaan cadowga umadda.

Nabad iyo dib u heshiisiin dhab ah oo la dhexdhigo dadka walaalaha ah ayaaย sidoo kale ku jiray ajeendaha safarka madaxda dalka, iyadoo isla markaana dadaal dheeraad ah ย la galinaayo sidii loogaย gudbi lahaa khilaafaadka ragaadiyey isbadallada nololeeed ee umadda.

In la booqdo goobaha cusub ee loo diyaariyay tababarka ciidamada iyo dhismaha kuwa loogu talagalay in ay ku howlgalaan maamulada,ayaa sidoo kale ka mid ahaa barnaamijka dowladda ee lagu tagay degmooyinka dalka.
Qeybaha bulsho ee ku dhaqan deegmooyinka la booqday ee Marka iyo Jowharย ayaa gudbinayaย sawir farxad leh oo dhiirigelinaya hammigii ay ku socdeen wafdiga Madaxda dowladda ,kaasย  ooย ah in loo baahnaa booqashooyin lagu ogaado xaaladda dadka iyo deegaanka.

Hoggaaminta wanaagsan ee dowlad dooneysa horumar,waxa ay ku jirta mar kasta in lala socdo ama lagaย  warqaboย dhibaatooyinka hortaagan ย bulshada,mashaariicda socota, horumarkaย kale ee lagu tallaabsaday iyo dhameystirka adeegyada ay u baahanย yihiin umadi.

Waxaa hubbaal ah in haddii la doonayo horumar leh dhinacyo badan ay lama huraan tahay in la qaato talada madaxda dalka,isla markaana laga qeybqaato dadaalada dowladda ay uguย jirto ka miro dhalinta hadafka ama gaaritaanka waxqabad dhab ah oo muuqda.

Guud ahaan aragtida saliimka ah ee laga qabo safarka madaxda dalka waa tallaaboย  waxย ku ool ah oo gabagabadii ku soo biyo shubaneysa in meesha ay ka baxaan tuhunada la xiriira in dowladdu aysan ka warheyn xaaladda nabadgelyo iyo tan nololeed ee dadka ku dhaqan gobolada dalka.

W/Q: Shiroos

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale