Home Blog Page 1192

Mursal oo furay Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.

Muqdisho, 12-07-2018: Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhigga 4aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ugu horeyn ugu mahad celiyay madaxda Hirshabelle sida wafdiga uu hogaaminayo ay Magaalada Jowhar ugu soo dhaweeyeen.

“ Mudanayaal iyo marwooyin sharaf weyn ayay ii tahay inan maanta furo Kalfadhigga 4aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle, sidoo kale waxa rabaa inan aad idiin kaga mahad celiyo soo dhaweynta aad noo sameyseen aniga iyo wafdiga an hogaaminayo” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada Hirshabelle kula dardaarmay iney si wanaagsan u gutaan masuuliyadda saran, kana shaqeeyaan hormarinta shacabka ay matalaan.

“ runtii waxa idiin saaran masuuliyad weyn, waxa idiin kula dardaarmayaa inad dadaal badan sameysaan, sidoo kalena aad Kalfadhiggan shaqooyin badan qabataan” ayuu mar kale yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Waxa uu tilmaamay in guddoonka golaha shacabka uu diyaar u yahay inuu si dhaw ula shaqeeyo Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.

Munaasabada furitaanka waxa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali C/llaahi Xuseen (Cali guudlaawe).

Sidoo kale munaasabada waxaa ka qeyb galay guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Sheekh Cismaan Barre Maxamed, guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo marti sharaf kale.
—–DHAMMAAD—–

Wasiir Ashkir “Waxba iskama badalin lacagta lagu xajinayo, Duulimaadyada Xajkana waa billaabanayaan”

0

Muqdisho (SNTV)-Ku simaha Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda Mudane C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir oo waraysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka, isagoo ku sugan wadanka Sacuudiga ayaa wuxuu ka warbixiyay kulamo uu halkaasi kula qaatay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Xajka ee dalka Sacuudiga.

 

Wasiirka ayaa sheegay inuu kala hadleen Arrimaha ay ka midyihiin safarka Xujayda Soomaalida ay ku tagayaan dhulka Barakaysan iyo sidii ay u heli lahaayeen adeegyo dhamaystiran oo la mid ah kuwa ay helaan xujayda wadamada kale ka imaanaya.

Mudane C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir ayaa sidoo kale sheegay iyadoo ay iskaashanayaan wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Shirkadaha Diyaaradaha in maalinta Axada ah ee soo socota ay gudbin doonaan jadwalka Duulimaadyada Xujayda, ka dibna ay bilaaban doonaan duulimaadyada dadka Soomaaliyeed ay ku tagayaan Wadanka Sacuudiga si ay u soo gudtaan Acmaasha Xajka.

Dhanka kale Wasiir Ashkir ayaa sheegay inaysan waxba iska badalin dadaaladii ay waday dowladda ee la xariiray in la yareeyo lacagaha badan ee dadka Soomaaliyeed ay ku tagi jireen Xajka, wuxuuna xusay wasiirka in haatan Qofkii xajinaya laga qaadayo lacag dhan 3300, oo dollar (Saddex kun iyo Saddex Boqol oo dollar) Halka markii hore laga qaadi jiray Qofkii 3850, Dollar (Saddex kun Sideed Boqol iyo konton Dollar).

Wasiirka Difaaca iyo Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka sida oo Kormeeray Xerada Hiilweyne

Muqdisho (SNTV), Kormeerka guddiga qiimeynta xeryaha Ciidanka xoogga dalka oo uu madax u yahay wasiirka Gaashaandhigga mudane Xasan Cali Maxamed Amar-dambe, ayna Xubno ka yihiin Taliyeyaasha Ciidamada Asluubta, Booliska, Xoogga dalka iyo Taliye ku xiggeenka Hay’adda NISA, ayaa maanta kormeer waxay  ku tageen Dugsiga Hiilweyne ee duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe, kaasi oo qeyb ka ah qorshaha lagu horumarinayo tayada Ciidanka xoogga dalka.

Mas’uuliyiinta, ayaa la kulmay saraakiisha, iyaggoo ka xog wareystay xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka ka howlgala deegaanada Balcad hoos yimaada, waxayna ku soo wareegeen qeybaha ay ka kooban tahay xeryaha Hiilweyne.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sareeyo gaas C/weli Jaamac Gorod, oo la hadlayay ciidanka, ayaa u sheegay in ciidanka xoogga dalka dib u habeyn lagu sameyn doono.

Wasiika Gaashaandhigga mudane Xasan Cali Maxamed Amar-dambe, ayaa sheegay in baahida jirta wax laga qaban doono, isla markaana ciidanka looga baahan yahay in ay waajibkooda gutaan.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Siyaasadda Kormeerka Iyo Qiimaynta.

0

Muqdisho, July 12, 2018– Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga dalka, hiigsiga dhaqaalaha 2040-ka, Sharciga hanti-dhawrka, siyaasadda kormeerka iyo qiimaynta iyo Soo noolaynta barnaamijka waciyi-gelinta qaranka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha Maxamuud Maxamed Boonow ayaa golohu ka dhagaystay warbixin la xariirta amniga dalka, meesha uu marayo baaritaanka weerarkii xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshisiinta iyo wasaaradda amniga, horumarrada la sameeyay, hawl-gallada ciidamada xoogga dalku ay ku xaqiijinayaan amniga iyo qorshaha lagu sii laba jibbaarayo dadaallada sugidda amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Wasiirka warfaafinta xukuummadda federaalka Soomaaliya Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayaa golaha wasiirrada uga war bixiyay qorshaha soo nooleynta barnaamijka wacyi-gelinta qaranka, wuxuuna faah-faahiyay habka ugu haboon oo barnaamijkaas uu ku guulaysan karo, si Shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideestaan.

Tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa golaha u soo bandhigtay qorshaha dhaqaalaha dalka ee 20-ka sano ee soo socda iyo heerka la doonayo in dhaqaalaha Soomaaliya uu gaaro sannadka 2040-ka, sidoo kale tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa golaha wasiirrada usoo bandhigtay hal-beegyada la dhameestiray iyo hal-beegyada la doonayo in lagu guuleesto kahor 2020-ka si loo fuliyo ballan-qaadyadii xukuummadda federaalka Soomaaliya.

Tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa dhankeeda golaha wasiirrada usoo bandhigtay hal-beegyada hor-tebinta leh ee ay ka midyihiin horumarinta waxbarashada, hir-gelinta cisbitaallo dawladdu maamusho oo bulshada loogu adeego iyo hirgelinta hey’ad ka jawaabta xaaladaha deg-degga ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Aadan Isaaq Cali oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in golaha wasiirradu xukuummadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen siyaasadda qaran ee Siyaasadda kormeerka iyo qiimaynta oo lagula xisaabtamayo hey’adaha ka hawl gala Soomaaliya, laguna ogaanayo hawlaha ay qabtaan oo wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ay horay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada.

Gobolka Banaadir oo daahfuray Wadatashiga Siyaasadda Barakacayaasha

Muqdisho, 12 July 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta daahfuray wadatashiga Siyaasada Barakacayaasha oo usbuuc socotay taas oo qeybaha bulshada iyo hay’adaha amniga, garsoorka iyo wasaarada Arrimaha Gudaha lala yeelanayey.

Guddoomiye Yarisow oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu mudnaan gaar ah siinayay sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha si ay u helaan xuquuqda uu muwaadin kasta oo Soomaaliyeed leeyahay, iyadoo aragtida fog ee maamulka G/Banaadir ay tahay in muddo 4 sano ah gudahooda xal waara loogu helo oo barakacayaasha ay helaan deegaan haqab tiri kara baahiyahooda.

“Aragtida fog ee Gobolka Banaadir waa in xal waara loo helo arrimaha barakacayaasha, gaar ahaan mudada aan qorshaynay ee afarta sano ah waxuu qorshuhu yahay in guud ahaan Caasimadda aysan yeelan xero barakacayaal oo dadkan loo helo xal munaasab ah oo uga mid noqonayaan bulshadooda.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho Mudane Eng. Yarisow.

Muddadii uu sharkan wadatashiga ah socday ayaa waxaa ka qaybgalayaashu ay xoogga saareen kuna tala bixiyeen in siyaasadda barkacayaasha ay ahmiyadda saarto xalka munaasabka ah, iyadoo ay dooda ka qeyb galeen Guddoomiyaasha 17 ka degmo, qeybaha bulshada sida haweenka, dadka baahiyaha gaarka ah qaba, Taliyeyaasha Booliiska iyo wakiilo ka socday maxkamadda Gobolka Banaadir iyo khubaro ka socday shirkadda Tana Copenhagen ee laga leeyahay Denmark.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in siyaasadda barakacayaasha ay tahay mid xaqiijnaysa sidii loo heli lahaa xal mudeysan oo waara kaasoo laga gaaro barakaca Muqdisho, tani oo noqon doonto siyaasad hagta hanaankii lagu gaari lahaa xal kama danbeys ah.

Qodobada diiradda la saaray;

a. In Maamulka Gobolka Banaadir uu yeesho doorka hogaamineed, qorshayn, fulin, Qiimayn iyo xiriirin deeqaha loo qoondeeyo barkacayaasha Muqdisho si loo gaaro hadafkii laga lahaa iyo natiijo la taaban karo

b. In laga shaqeeyo tirakoob rasmi ah iyo diiwaangalin lagu sameeyo barkacayaasha Muqdisho sidoo kalana la ogaado goobaha aan rasmiga ahayn oo ay daganyihiin barakacayaasha

c. In maamulka uu xoogga saaro in barkacaasha doonayo in ay goboladii ay ka yimaadeen dib ugu laabtaan loo sahlo isagoo kaashanayo Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay khuseeyso loona abuuro shaqo iyo sidoo kale loo helo maalgalin beeraha iyo xoolaha oo ay ku helaan goboladii ay ka yimaadeen

d. Waxaa si xoogga diiradda loo saaray in Siyaasadda Barakaca ay qorshayso sidii loo heli lahaa dhul dib u dajin loogu sameeyo barakacayaasha si kumeel gaar ah ama rasmi ah ugu danbeyn taasoo ah mid ka mid ah xalalka ugu muhiimsan

e. Waxaa sidoo kale la bogaadiyay ahmiyadda ay leedahay in la abuuro Madal oo ay ku wada jiraan Mamaulka Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedyada ay ka yimaadaan Barakacaasha si looga wada tashado xal u helista barkacaha ku nool Muqdisho

f. Ugu danabyn waxaa ay ka qaybgalayaasha ku taliyeen in Maxkamadaha garsoorka ay qayb ka ahaadaan daneeyayaasha ku hoowlanaan doono xal u helista arrimaha barkaca Muqdisho dhinacyada cadaalad iyo garsoorka.

Midowga Yurub oo kordhiyay taageerada dhaqaale ee Soomaaliya

0

Brussels-(SNTV)- Midowga Yurub ayaa sheegay inay Soomaaliya ugu yaboohi doonaan dhaqaale gaaraya €89 Million oo Yuuro, oo u dhiganta ku dhowaad $105 Million oo Doollar, sida Arbacadii Shalay laga soo xigtay guddida Yurub.

Bayaankan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa imanaya xilli la qorsheynayo inuu dhowaan Brussels ku qabsoomo shirka madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub Todobaadka soo socda oo ku began 16-17-ka July.

Guddoomiyaha Midowga Yurub, Christos Stylianides ayaa bayaankan ku sheegay inay deeqdan Lacageed ugu tala galeen arrimaha Bini’aaddannimada, sida Dadka Labadii Sana ee ugu dambeeysay ku wax yeelloobay abaaraha, Fatahaadaha, Milaayiintii Qof ee ay Xoolahooda dhaafeen, iyo Dadka ay saameeyeen shaqaaqooyinka ka dhacay Dalka Soomaaliya.

“Waxaan bartilmaameedsan doonnaa Bulshada teeda nugul, waxaanan mudnaanta siin doonnaa Dadka Gacan qabashada dhabta ah, kuwa ay saamaynta ku yeesheen is beddeladii Cimmilada iyo kuwa ku waxyeelloobay shaqaaqooyinkii ka dhacay gudaha Soomaaliya” ayuu bayaankiisa ku sheegay Mr; Stylianides.

Midowga Yurub ayaa sheegay inay Soomaaliya u qoondeeyeen Sanadkii hore gargaar Lacageed oo ka badan kii hore, kaasoo gaaraya 119 Milyan Yuuro, una dhiganta 135 Milyan oo Doollar,kaasoo wax weyn ka tari doona xaaladda soo kabashada dhibaataddii ka dhalatay abaaraha, fatahaadaha iyo colaadaha.

Isha/ Anadolu

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Dr Food Cadde

0

Muqdisho, 12 Luuliyo, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid, Alle ha u naxariistee, Dr. Axmed Maxamed Xasan Food Cadde oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in raadka uu Dr. Food Cadde ku reebay hawlaha samafalka caafimaad ee dalka uu yahay mid dhaxalgal ah maaddaama uu ka mid ahaa asaasayaasha Ururka Bisha Cas, isla markaasna uu dalka ka soo shaqeeyey waqtiyo adag.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kaygaba waxaan murugada iyo tiiraanyada geerida marxuum Dr Axmed Maxamed Xasan la wadaagayaa qoyskiisa, ehelladiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaana Eebbe ka baryayaa in uu ka abaalmariyo wanaaggii iyo shaqadii uu u soo qabtay shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Dr. Axmed Maxamed Xasan Food Cadde uu ahaa shaqsi jecel waddankiisa, aqoontiisana kaga qeyb qaatay samatabixinta dadkiisa, isagoona ka mid ahaa dhakhaatiirtii Soomaaliyeed ee ugu horreysay oo ku takhasusa cudurrada wadnaha.

Wasaaradda Gaadiidka XFS oo digniin u dirtay Shirkadaha diyaaradaha

0

Muqdisho(SNTV);- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka,Duulista iyo Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya  ayaa sheegay in Diyaarad aan sharuudaha looga baahan yahay u dhamMeystirneyn ay ka shaqao gali garin Garoonka Diyaaraha Adan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Si loo hubiyo adeegyada ay u baahan yihin diyaaradaha kasoo dego iyo kuwa ka baxa Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho iyo badqabka isticmaalka hawada dalka ayuu ku saleysnaa kormeerka maanta Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada  oo ay wehliyaan maareeyeyaasha Garoonka.

Maareeye ku-xigeenka Amniga iyo Maamulka Garoonka  Duuliye  Ceyndaruus Axmed Kaahiye ayaa wasiirka uu sheegay in shaqada diyaaradaha ka soo dego oo kor u kacay, islamarkaan ay jiraan shirkado soo codsaday in ka Howlgalaan Gudaha Dalka.

’’maalintii diyaarahada kasoo dego karoonka waxay ay gaareen in kabadan 50 islamarkaana shaqada Garoonka ay Sii balaaratay haatan waxaa jira codsiyo farabadan shirkado diyaarado oo rabo in ay ka howlgalaan gudaha dalka ’’’ Ayuu yiri Duuliye Ceyndaruus Axmed Kaahiye.

Mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar Wasiirka Wasaaradda Gadiidka  iyo Duulista Hawada ayaa Faray Shirkadah Diyaaraha iney ka shaqeeyaan in rakaabyada ay  heleen adeegyo dhammeystiran waxa kale uu sheegay in ganacsatada aan sharuudaha looga baahan yahay buuxinin aysan ka Howlgalin Karin Garoonka.

’’laga bilaabo maanta ay tariiqdu tahay 12 07-2018 waxaa la farayaa in shirkadaha diyaaradaha ee ka Howlgalo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqisho looga baahan yahay sharuudaha in ay shaqeeyaan badqabka rakaabka cidii dhammeystiri weysana aysan ka shaqeyn Karin Garoonka Adan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ’’’ Ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Wasiir Oomaar ayaa sidoo kale sheegay in Wasaraadda oo kaashaneysa Dowladda ay diyaar ula tahay shaqalaaha in la sii tababaro dheeraad si ay u guttaan shaqada loo Emma day.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Shiinaha.

Beijing(SNTV) :- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay caasimadda Bakiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Mudane Wang Yi, iyaga oo ka wada hadlay qaabkii lagu horumarin lahaa, laguna xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Wadahadalka miradhalka leh ayaa diiradda lagu saarray dhinacyada, arrimaha iyo feelasha muhiimka ah kadib markii uu soo gebagaboobmay shirka sideedaad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta gelinkii dambe ee shalay oo Arbaco ahayd.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa yiri “Shiinaha waxa ay si joogto ah u taageeri doontaa dadaallada Soomaaliya ay ku ilaalsanayso madax banaanideeda, amnigeeda iyo midnimadeeda dhuleed, waxa aynu ka taageeri doontaa Xukuumadda Soomaaliya sii ambaqaadida geedi socodka siyaasadeed, sare u qaadidda dib u heshiisiinta bulshada iyo hagaajinta dowlad wanaaga”.

Wang waxa kale oo uu yiri “Shiinaha waxa uu doonayaa inuu taageero dib u dhiska nabadda Soomaaliya inta ay la gaarto tabar”.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Cawad ayaa isna yiri “Soomaaliya waxa ay had iyo jeer si adag u taageertaa siyaasadda ku saleysan Dal weynaha Shiinaha oo hal ah”. waxa uu yiri “dalkiisu wuuxuu si firifircooni leh u taageeraa Hindisaha Hil iyo Hilin [Belt and Road Initiative], waxayna rajeyneysaa in ay xoojiso iskaashiga kala dhexeeya Shiinaha dhinacyada dib u dhiska kaabayaasha, beeraha, kaluumeysiga, horumarinta iyo aqoon dhisidda shaqaallaha”.

Mareykanka iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xasilinta Soomaaliya

Muqdisho(SNTV):- Dowladaha Kenya iyo Mareynkanka ayaa maalintii shalay oo arbaco ahayd ku baaqay dadaal badan oo lagu doonayo in lagu xasiliyo Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, iyagoona sheegay in nabad-galyadu ay muhiim u tahay horumarinta dhaqaalaha.

Waxayna si gaarka ah u sheegeen iney muhiim tahay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Kooxaha hororka argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya.

Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenya iyo Thomas Waldhauser, oo ah taliyaha Mareykanka ee Afrika (Africom), ayaa dib u cusbooneysiiyay dadaalkooda nabadda ee labada dal.

Madaxweyne Kenyatta, oo wadahadal la yeeshay Waldhauser, ayaa sheegay in xasarad siyaasadeed oo ka jirta Koonfurta Suudaan ay ka sii dartay cabsida aan loo baahneyn iyo is aaminaad la’aanta taageerayaasha madaxweynaha Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar.

“Waxaan siin doonaa wax walba oo aan awoodno, laakiin ma ahan wax sahlan,” ayuu Kenyatta ka yiri Xaaladda Koonfurta Suudaan, sida lagu sheegay bayaan la soo saaray kaddib kullan labada Mas’uul ku dhexmaray magaalada Nairobi.

Hoggaamiyaha Kenya ayaa sheegay in Kenya ay si buuxda uga go’an tahay in la helo nabad ka dhalata Soomaaliya, taasi oo uu ku sheegay ahmiyada koowaad ee hanaanka taageerida Kenya ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya Mr. Kenyatta ayaa sheegay in Soomaaliya hadda ka soo kabaneyso colaad sokeeye iyo caqabado siyaasadeed oo dalka ka jiray.

Waldhauser, dhinaciisa, wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in Soomaaliya ay xoojiso dhismayaasha hoggaanka, isaga oo intaa ku daray in xasilooni la’aanta ay qayb ahaan sabab u tahay faragelinta aan tooska ahayn ee ka imaanaya wadamada kale, sida lagu sheegay bayaanka.

“Waxaan diyaar u nahay in aan sii wadno caawinta waddanka, illaa inta xukuumadda federaalku ay diyaar u noqoneyso inay aqbasho taageeradayada,” ayuu yiri Waldhauser.

Dowladaha Kenya iyo Mareynkanka waxay qeyb ka yihiin dalalka sida aadka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya kana taageera la dagaalanka Kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.