Home Blog Page 1184

Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka oo Muqdisho kula kulmay Ururada Bulshada Rayidka.

0

Kullan ka dhacay Xafiiska Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha dastuurka.

Kullanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyeyaasha Dalladda Ururada Bulshada rayidka ee (SOCHENCA) Diini Axmed Diini iyo PUNSAA ee Puntland Feysal Axmed Warsame iyo Guddoomiyaha Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Ugu horeyn ayaa kullanka waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland ee PUNSAA Feysal Axmed Warsame,wuxuuna sheegay iney muhiim tahay in la tashi lala sameeyo Bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale,Diini Maxamed Diini,Gudoomiyaha Dallada Ururada Bulshada rayidka (SOCHENCA) ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya looga baahan yahay in dhaqaalaha ku baxaya dastuurka ay bixiso .

Guddoomiyaha Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa Ururada Bulshada rayidka uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha dastuurka,isagoona sheegay iney rajo wanaagsan ka qabaan in howlaha dib u eegista dastuurka dhameystirmaan sanadka 2018-ka.

Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka iyo Guddiga madaxa banaan ee dastuurka ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waday la tashiyo ay la yeelanyeen qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Marwada Koowaad ee Dalka oo ka qeyb gashay xuska Maalinta Haweenka Adduunka (SAWIRRO).

0

Marwada Koowaad ee dalka Saynab Cabdi Macalin oo ka qeyb galeysay munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka ayaa ugu baaqday haweenka Soomaaliyeed in ay sii laba labaan dadaalka ay ugu jiraan nabadeynta iyo xasilinta dalka.

Marwo Saynab ayaa tilmaamatey halgankii dheeraa ee haweenka Soomaaliyeed ay ku bixiyeen xoriyadda, dowladnimada iyo nabadeynta, iyadoona muujisay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista nolasha haweenka Soomaaliyeed taas oo asaas u ah horumar muuqda oo ay ku tallaabsadaan dhammaan shacabka.

Marwo Saynab waxa ay  ugu baaqday ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan Bangiyada, in ay haweenka dalka ku maalgeliyaan ganacsiga yar yar oo faaiido u leh qoysaska danyrta ah.

Marwada koowaad ee dalka ayaa ku adkeysay  haweenka iyo guud ahaan bulshada in si wada jir ah looga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelka caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka.

“Waxaan idin ka codsanayaa in aad garab igu siisaan sidii ay mira dhal u noqon lahayd dadaalka ku aaddan sidii aan daryeel caafimaad iyo mid waxbarasho ugu fidin lahayn hooyooyinka iyo dhallaanka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Marwo Saynab waxa ay xaqiijisay in dadaallada ku qotoma waxbarashada, caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ay mudnaan gaar ah siineyso, iyadoona ku garab istaageysa markasta hay’adaha dowliga iyo kuwa caalamiga ah.

Munaasabaddan lagu maamusayo Maalinta Haweenka Adduunka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Guddoonka Ururka Haweenka Qaranka.

 

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo la kulmey madax ka tirsan Dowladda Mareykanka

0

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Waashintong ee dalka Mareynkanka kula kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada ee Mareynkanka David Malpass waxayna ka wada hadleen Arrimo badan oo la xiriira Xaaladda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre iyo David Malpass ayaa kullankooda diirada ku saaray Arrimaha kor u qaadista iyo Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya,dowrka Mareynakanka kaga aadan in Soomaaliya ka caawiyo gaaritaanka hadafkeeda.

Qoraal uu Ra’iisal wasaare Kheyre soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa u qornaa sida tan” Wadahadalka aan la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada Mareynkanka David Malpass wuxuu ku saleysnaa Arrimaha kor u qaadista iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dowrka Mareynkanka kaga aadan caawinta dalka Soomaaliya,”

Sidoo kale,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmay ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareynkanka John Sullivan,iyagoona ka wada hadlay qaabka lagu xoojin karo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Labada Dowladood iyo taageerida Horumarineed uu Mareynkanka siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washintong ee dalka Mareynkanka uga qeyb galay kulanka Bangiga Adduunka ee ka furmay magaalada Washington D.C ee dalka Maraykanka, loona yaqaano (Fragility Forum 2018) .

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku baaqay la helo hab cusub oo xoojinaya xal u helida, dhibaatooyinka bani’aadanimadda ee ka yimaada musiibooyinka ka dhasha saamaynta falalka dadka iyo kuwa dabiiciga ah.

Raa’sulwasaaraha Dalka oo hambalyo u direy maallinta haweenka soomaaliyeed

0

Ra’isul wasaaraha Jamhuuriyadda  federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hambalyo  u diray haweenka Soomaaliyeed oo u dabaal degaya maalinta haweenka dunida.

Mudane Xasan Cali Kheira ra’isul wasaaraha jahuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay haweenka Soomaaliyeed in  ay yihiin kuwa ku guuleystay arrimaha qoyska iyo u adeegidda nabadda iyo horumarka.

“Maalintan Caalamiga ah ee haweenka, dumarka Soomaaliyeed waa ay mudan-yihiin in lala dabaal dego maadaama ay u dhabar adeegeyn u adeegidda dalka, waa kuwa iyaga ku guuleystay maareynta qoyska  iyo u adeegidda nabadda iyo horumarka ” ayuu yiri ra’isul wasaaraha jamhuuriyadda  federaalka ah ee Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre.

Madax kala duwan ayaa  hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed oo uu kamid yahay ra’isul wasaaraha jamhuuriyadda  federaalka ah ee Soomaaliya, wakiilada beesha caalamka u joogo Soomaaliya iyo  madax kale.

8- March sanad kasto ayaa dunida looga dabaal degaa maalinta haweenka  dunida iyadoo Soomaaliya ay ka dhacayaan munaasabado  lagu weyneynayo maalintan.

Mr: Keating oo booqday wasaaradda Maaliyadda.

0

Wasiirka maaliyadda ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha QM  u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr: Keating, waxa ayna  ka  wada hadleen howlaha horumarinta maaliyadda oo  ay wasaaraddu ku guuleysatay.

“Maanta waxaa xafiiska igu soo booqday Wakiilka QM ee Soomaaliya   Mr: Keating waxaan ka wada hadalney arrimaha horumarka Maaliyadda.

Waxaan sidoo kale Hambalyo u dirney Haweenka Somaaliyed ee 8 Maarso oo ku beegan maalinta haweenka adduunka” ayuu yiri Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa  dhawaanahaan ku guuleystay sidii loo maareyn lahaa howlaha maaliyadeed ee dalka iyadoo Ra’isul wasaaraha dowladda federaalka  ah ee Soomaaliya uu dalka Mareykanka  uga qeyb gelayo shir looga hadlayo arrimaha horumarinta maaliyadda iyadoo sidoo kale ay xukuumadu dadaal ugu  jirto sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

 

IFTIINKII CAASIMADDA {QORMO) & (SAWIRRO)

0

Muqdisho waa astaanta midnimada iyo wadajirka ummadda soomaaliyeed waana hal-bowlaha horumarka iyo dib u soo kabashada qarankeenna iyo himilooyinka fog ee bulshadeena.

Caasimaddu waxa ay saldhig u tahay dhammaan hay’adaha dowliga ee dalka sida sharci dajinta, fulinta iyo adeegda garsoorka, talisyada ciidanka qalabka sida iyo safaaradaha dalalka saaxiibada lah Soomaaliya.

Si magaaladu u noqoto mid hanata dhammaan dhinacyada kala duwan waa in ay hesha hoggaamiye fahmi kara halka ay maanta joogto, waayihii hore iyo meesha ay ku socoto caasimadda diiday dib u dhac iyo kala qub-qubnaan bulshadeed.

Kasoo bud-dhige u noqda in caasimad mar kale hoggaamiso caasimadaha kale ee gobolka iyo baratanka horumarineed ee ka jira mandaqida geeska afrika, taasoo korniinshaha hadda uu u muuqdo mid xowli ku socda.

Madaxweynaha dalkeena oo maanka ku haya ahmiyadda ay leedahay caasimadda ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho ayaa 21-1-2018 waxaa xilkeeda ku aaminay aqoon yahan siyaasi ah oo horumarro kala duwan gaarsiiyay hay’adihii uu soo maamulay ayna ugu dambeysay wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (eng Yariisow).

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir kuma koobna siyaasi ku xeel-dheer siyaasadda iyo howlaheeda sidoo kale waa injineer aaminsan in uu canshuurta dalka wax ku bartay una bartay dalka si uu kaalin uga qaato horumarka socda.

Wakhtigaan Muqdisho waa ay nasiib badan tahay waayo waxaa ay heshay qofkii mar kale ka shaqeyn lahaa xoojinta kaabayasha dhaqalaha oo ay ugu horeyaan dhismaha waddooyinka ka fekeridda ballaarinta marinada muhiimka ah iyo dib u qaabeynta howlaha la xiriira dhismayaasha kala duwan.

Inkastoo aqoon karti iyo awood maamul uu leeyahay guddoomiyaha haddana waxaa jira marxalado u baahan in laga wada shaqeyo oo ay ugu horreyaan amniga caasimadda kasoo muhiim u ah xalisoonida iyo halbeegga horumarka guud ahaan dalka gaar ahaan magaalada iyo bulshada ku nool,Waxaana jira dood kala duwan oo ku saabsan sidee loo hagaajin kara amniga caasimadda dalka oo haddii Muqdisho xasisho dallkuna la xasilayo.

Amniga caasimadda waa furaha koowaad ee mustaqbalka dal dhisan oo soo dhoweeya cid walba oo daneyneysa maalgelinta dalkeena kuwasoo doonaaya in aan kala faa’ideysana.

Dal walba waxaa uu dalalka kale kaga duwan yahay hadba inta shacabkiisu fahamsan yahay dowladnimada, sareynta sharciga iyo dareenka lahaansha dalkooda.

Guddoonka gobolka oo arrinta ka duulayo ayaa xooga saaraya dhismaha garaadka shacabka iyo sare u qaadidda wacyi-galinta bulshada si ay u hantaan amniga caasimadda Jamhuuriyadda.

Isbedalka maamul ee gobolka waxaa uu horseeday shaqo aan lahayn wakhti oo ay u simman yihiin howl-wadeena dowladda hoose ee Muqdisho, guddoomiyaha gobolka ahna duqa caasimadda iyo dhammaan qaybaha Mudada uu hogaanka cusub hayey talada gobolka waxaa isbedal lagu sameyay hannaanka amniga gobolka, iyadoo lagu saleeyey qorshaha amniga Qaranka iyo midka xasillinta magaalooyinka dalka.

Waxaa isha lagu hayaa horu-tebinta muuqata sida amniga, hasa yeeshee waxaa fulin iyo howlgelid u baahan arrimaha Barakacayaasha, nidaamka ku dhaqanka sharigayada u deggan caasimadda, ballaarinta adeegyada aas-aasiga sida waxbarashada, xarumaha caafimaadka iyo doorasho qof iyo Cod ah o xor ah oo ka soo bilaabata gole deegaan, iyadoo la waafajinayo sida uu dhigayo Dastuurka iyo haddii la dhammeeyo maqaam ay yeelayo caasimadda Soomaaliya.

Howlgalka socda waxaa qeyb weyn ka ah arrimaha wacyigelinta dadweynaha, taas oo u muuqata in guddoomiye Yariisoow uu ku darsaday ajendeyaashiisa koowaad, waxaa muhiimad gaarna la siinayaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Rumeyso dhammeystirka doorasho caasimaddu gaarto

Xasilinta amniga, sugaanta waxbarashada dadka danta yar, howlgelinta goobaha adeegga caafimaadka iyo u ololeynta maqaamka caasimadda waxaa ay wadada u xaarayaan doorasho xor ah oo qof iyo cod ah, kana dhacda magaalada Muqdisho oo ah caasimadda taarikhi ah, kummanaan sanno ka horna maamullo ay soo mareyn, hasa yeeshee taarikhu ay geli doonto hannaanka doorasho ee markii ugu horreysa lagu han weyn yahay in caasimadda iyadu isu qabato, kuna dhaqanto mustaqbalka.

Muqdisho oo la mataan ah magaalooyinka Ankara iyo Istanbul ee dalka Turkiga waxa ay yeelan doontaa saddex waiji oo laba mid ah Istanbul ay ku mataanowdey magaaloo Ganacsi, caasimad horumarsan iyo magaalo Dalxiis oo dunidu ay soo booqato, halka Ankara ay ka raaci doonto isu dhowaanshaha Maqaamka, hab-maamuuska iyo marti-soorka hoggaamiyeyaasha dunida ama dalalka caalamka.

Muwaadin walba oo caasimadda ku nool waxa uu aaminsan yahay in aysan dib u laabanneyn Muqdisho, hoggaanka maanta ee caasimadduse waxa uu hal ku dhiggiisa shaqo ka dhigtay in caasimaddu ay gaarsiin doonaan doorasho lagu kalsoon yahay oo dimuquraaddi ah. qeybtaada qaado si aan aad ugu guuleysato hammigaaga horumar ee aad la jeceshahay caasimadaada.

W/Q:-Sharma’arke Maxamed Warsame

Golaha Wasiirada Puntland oo kawada hadley Xaaladaha Amniga iyo Abaaraha

0

Shirkii Golaha Wasiirada Maamulka Puntland oo uu shir Guddoominayay Madaxweynaha Maamulkaasi Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay Xaaladda Amniga iyo Abaaraha ka jira deegaanada Puntland.

Amniga

Golaha Wasiirada Puntland ayaa marka hore sheegay in Xaaladda Amniga uu wacan yahay marka laga reebo dhibaatooyinka Joogtada ah ay kooxaha Argagixisada ay ku hayaan shacabka Puntland.

Xaaladda Abaaraha

Golaha Wasiirada Puntland ayaa si qoto dheer maanta uga dooday Xaaladda Abaaraha ee ku soo wajahan Puntland,waxayna Golaha cadeeyeen in Puntland ay ku sii siqeyso Waqtiyadii Adkaa ee Abaaraha,waxayna hadda Abaartu saameyn ku yeelatay 1.6-Milyan  oo shacabka Puntland ah iyo 234 deegaan oo ka kala tirsan 9-Gobol oo Puntland ah,waxaana hadda xaaladaasi gaartay 103,000 Qoys,sidaasi daraateed loo baahan yahay in si wadajir ah loogu istaago in xaaladaasi lala tacaalo inta aysan faraha ka bixin.

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Golaha Wasiirada Puntland u sheegay in loo diyaargarowbo Abaarta,loona jiheeyo Qorshayaasha wax looga qabanayo Abaarta,wuxuuna madaxweynaha Puntland ugu baaqay shacabka Puntland gudo iyo dibad in loo istaago sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaarta saameynta ku yeelato.

Marwada Dalka oo hambalyo u dirtay Haweenka Soomaaliyeed.

Marwada Kowaad ee Dalka Saynab Cabdi Macallim ayaa hambalyo ku aadan Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso u dirtay Haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa ugu hambalyeysay Haweenka Soomaaliyeed xuska Maalinta 8-da Maaarso, waxayna dhambaalkeeda ku tiri: “Gabdhaha Soomaaliyeed waxaan idin leeyahay Hambalyo Hambalyo meel kasta oo aad joogtaan, waxaan idin leeyahay sanadkan sanadkiisa xiga ku gaara barwaaqo iyo bash-bash”.

Marwo Saynab Macallim waxay kaloo ka hadashay waxqabadka Haweenka Soomaaliyeed, iyadoo ku tilmaantay inay yihiin lafdhabarta nolosha, islmarkaana waxay ugu baaqday inay u midoobaan danta guud ee Dalka, gacmahana is qabsadaan.

 

Dowladda Jarmalka oo 50-Milyan oo Geni ugu deeqday Soomaaliya (SAWIRRO).

0

Dowladda Jarmalka ayaa 50-Mliyan oo Geni ugu deeqday Soomaaliya,taasoo wax looga qabanayo Arrimaha bini-adanimada.

Lacagtani 50-ka milyan Geni ee Dowladda Jarmalka ay ugu deeqday Soomaaliya ayaa loogu talagalay in wax loogu qabto dadka ku nool 14-degmo oo ka kala tirsan Gobolada Banaadir iyo Gedo,waxaana si gaar ah loogula tacaalayaa Xaaladaha nafaqo darro ee heysata Hooyada iyo Dhallaanka.

Safiirka Dowladda Jarmalka ee  Soomaaliya H.E.JUTTA FRASCH, ayaa Sheegtay in kaalmada mashruucan Loogu magacdaray u Adkeysiga, uu Yahay Mid Socan doono Muddo Seddex Sano Ah, waxaana la soo marsiinayaa Hey’addaha UNICEF IYO WFP.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Masiibooyinka ahna ku simaha Wasiirka Cilmi Cumar Ceysane ayaa wuxuu ka waramay baahida ugu daran ka Wasaarad ahaan ee hadda ay wajahayaan iyo xaaladda Macluusha ee Soomaaliya ka jira.

“ Dowladda waxay sameysay diyaargarow aad iyo aad u ballaaran,hadda qorshahan maanta halkaan isugu nimid wuxuu qeyb ka yahay qorshahaasi,meelaha hadda la xushay ee Gobolka Banaadir Daafihiisa ama Gobolka Banaadir waxaa lagu qiyaasaa dadka ku nool seddex Milyan,oo runtii inta badan Gobollada dhexe ka soo barakaceen,sidoo kale Gedo oo iyana ay joogaan dad badan oo abaartu saameysay

Madashaasi Ayaa waxaa Ku Sugnaa Mas’uuliyiin Kala duwan Oo Ka Socda Wasaaradaha Dowladda, Aqoonyahano Iyo Wakiilada Hey’adaha UNICEF IYO WFP.

Deegaanno ka Tirsan Soomaaliya, ayaa waxaa ka Jira xaalado nafaqa daro oo Heysta Caruurta Iyo Hooyooyinka uurka Leh.

WARSAXAAFADEED: Ergeyga QM oo bogaadiyay kaalinta ay haweenku ka qaataan horumarinta.

0

Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ee Haweenka, mas’uulka ugu sarreeya Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha ay sannadahan dhow ka gaareen horumarka – gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka, sidoo kale Ergeyga QM oo bogaadiyay kaalinta ay haweenku ka qaataan horumarinta wadajirka bulsho Soomaaliyeed oo siman

War Saxaafadeed uu soo saaray Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa yiri:“Haweenka ayaa isku hayay qoysaska Soomaaliyeed intii lagu jiray sannadihii dheeraa ee fowdada iyo colaadda hubaysan ee dalka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

Haweenka Soomaaliyeed waxay dhigeen taariikh xilligii hanaankii doorashada ee sannadkii 2016kii, markaaso ay murashaxiinta haweenka ahi ay ku guuleysteen boqolkiiba 24 kuraasta baarlamaanka federaalka. Kumanaan haween ah ayaa codkooda ka dhiibtay 275 ahaa ergooyinka doorashada ee soo xulay xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka.

Afar ka mid ah toban kasta oo haweenka dhallinyarada ahi waa kuwo dhaqaale ahaan u firfircoon, haweenkuna ku fideen dhinacyada qabashada shaqada iyo wax soo saarka nolosha ee dhaqan ahaan ay raggu qaban jiraan, gaar ahaan haween badan ayaa mas’uuladda u qabtay wax soo saarka dakhliga qoyska.

Hase yeeshee, haweenka iyo gabdhuhu waxay weli wajahayaan takoor ballaaran iyo caqabado badan oo hortaagan horumarkooda xirfadeed iyo kan waxbarasho. In lagu qiyaasay boqolkiiba 98 oo ka mid ah dhammaan haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed ayaa lagu sameeyay gudniinka fircooniga. Tacaddiyada galmada iyo kuwa ku saleysan jinsiga qofka ayaa ah xaqiiqo ah dhibaato adag oo haysata malaayiin haween ah oo ku dalkoo dhan, haweenka Soomaaliyeed ee dhallinyarada ah waxay helaan dhaqaale iyo fursado aad u yar, marka loo fiiriyo dhiggooda raga ah.

“Caqabadahan waa in wax laga qabtaa oo laga gudbaa iyadoo la sameynayo shuruuc adag, siyaasado dowladeed iyo barnaamijyo wax ku ool ah. Ka qaybgalka haweenka ee go’aan qaadashada xilalka hoggaamineed oo la kordhiyo ayaa lagama maarmaan ah,” ayuu yiri Md. Keating.

Awood siinta haweenka ayaa weli ah arrin udubdhexaad u ah dadaallada Qaramada Midoobay ay wax kaga qabanayso caqabadaha bulsho, kuwa dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee Soomaaliya iyo adduunka oo dhan. Maalintan oo sannad walba la xuso 8da bisha Maarso, mowduuca xuska sannadkan waa: “Waqtigu waa Hadda: U ololeeyeyaasha miyiga iyo magaalada oo isbedel ku sameynaya nolosha haweenka.”

Isagoo jeedinaya farriintiisa sannadlaha ah ee Maalinta Caalamiga ee Haweenka ee 8-da Maarso, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres wuxuu caddeeyay in “gaaridda sinaanta jinsiga iyo awood siinta haweenka iyo gabdhaha ay tahay shaqada aan weli dhammeystirmin ee waqtigeena, iyo caqabadda baniaadan ee ugu weyn eek a jirta adduunkeena.”