Home Blog Page 1184

Bangiga Adduunka : Dhaqaalaha Soomaaliya aad ayuu u korayaa

0

Bangiga adduunka ayaa ku dhawaaqay in uu Soomaaliya siinayo lacago deyn ah oo gaaraya 80 Milyan oo dollar, taas oo lagu taageerayo howlaha horumarinta dhaqaalaha dalka, tallaabadan  oo ka dhigan guul kale oo Soomaaliya ka xaqiijisay nidaamka maaliyadda dalka.

Warbixin uu soo saaray ayuu bangiga adduunku ku sheegay in maamulka bangigu oggolaaday in 60 milyan oo Doollar oo ka mid ah lacagtan lagu maalgeliyo mashruuca kharashaadka joogtada ah iyo dib u habeynta, halka 20 milyan oo doollarna loo qoondeeyay in lagu xoojiyo  awoodda hay’adaha  wax soo saarka gudaha iyo maamulka guud ee maaliyadda dalka.

Bankiga adduunka ayaa sheegay in uu filayo in dhaqaalaha Soomaaliya uu sameeyo sara u kac u dhexeeya 3.5 iyo 4.5 boqolkiiba sanad walba muddada u dhaxeysa 2019 – 2022-ka marka uu sii socdo iskaashiga Bankiga adduunka iyo dowladda Soomaaliya ee dhinaca adeegyada bulshada.

Toddobaadkii tagay Bankiga adduunka ayaa sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkan korayo 3.1 boqolkiiba, halka uu sanadkii hore ka ahaa 2.3 boqolkiiba.

Dalkeenna Soomaaliya ayaa sanadba sanadka ka dambeeyay xaqiijinaya horumarro dhan walba ah, waxaana ugu xowli badan horumarka dhinaca dhaqaalaha iyo nidaamka maaliyadda dalka.

Tallaabooyinka dowladdu u qaadday dhanka la dagaallanka musuqmaasuqa, dakhli ururinta iyo daahfurnaanta dhanka maaliyadda ah, ayaa horseeday in deeq bixiyeyaasha caalamka iyo hay’adaha maaliyadda dunidu aaminaan dowladda Soomaaliya taas oo albaabada u furtay in uu horumar xowli ku socda xaqiijiyo dhaqaalaha dalku.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo New York kulamo kula la qaatay Dhiggiisa Ruushka, Qatar iyo Kosovo

0

NewYork (SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya Shirka 73-aad ee Qaramada Midoobay ee ka socda Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa halkaasi kulamo kula qaatay Madax kala duwan oo ka socda Dalalka Caalamka.

Wasiirka ayaa kulamo la yeeshay madaxda wadamo kala duwan iyo Hay’addo hoos yimaada Qaramada Midoobay, Kuwaas oo uu kala hadlay arrimo quseeya Soomaaliya iyo guud ahaanba Gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Kulamadii u danbeeyay waxa uu la yeeshay Wasiirada arrimaha dibadadda Wadamada Ruushka, Qatar, Kosovo iyo Kuwo kale.

Kulankii uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kosovo ayay kaga wada hadleen xariirka labada dal, iyadoo dowlada Kosovo Carabka kudhufatay in Soomaaliya ay ku leedahay abaal weyn Taas badalkeedana ay Kosovo diyaar u tahay in ay abaalkaasi guddo, Waxayna halkaasi ku soo bandhigeen in Soomaaliya ay saafaarad ka furato Kosovo ayna fududeeyn doonaan adeegyada furista sadaarad Soomaliya ay ku yeelato halkaasi.

“Dowlada Ruushka waxay marwalba Diyaar u tahay sii wadista xariirka qotoda dheer ee kala dhexeeya Soomaaliya Iyo Soo celinta wada shaqeeyn xoogan oo markale dhexmarta Soomaaliya iyo Ruushka” Sidaa waxaa yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov oo isna kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS.

Sheikh Mohamed Bin Abdulrahman Al-thani oo ah wasiirka Arimaha dibada ee dalka Qatar iyo Wasiir Ahmed Awed ayaa ka wada hadlay wadashaqeyn dhow oo dhexmarta wadamada Qatar iyo Soomaaliya isaga oo sheegay in uu ku faraxsanyahay la kulanka wafdiga Soomaaliya ku matalaya Shirka guud ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa madasha fadhiga 73aad ee Golaha Guud ee Jimciyadda Qurumaha ka jeedin doono Khudbada ay Soomaaliya ku leedahay Shirkaasi.

Deeqo Shire (SONNA)

Wasiirka waxbarashada XFS oo hoggaanka dalladaha waxbarashada kala hadlay Hirgelinta manhajka cusub

0

Muqdisho(SNTV), September, 25, 2018:- Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay hoggaanka dalladaha waxbarashada dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay, hirgelinta manhajka cusub ee ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada dalka, xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa wasaaradda iyo dalladaha waxbarashada.

Agaasimaha guud  wasaaradda waxbarashada   Mudane Xassan Maxamed Cali,  iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda  Mudane Axmed  Yuusuf Xassan, ayaa kulanka goob joog ka ahaa.

Xubnaha ka socday dalladaha waxbarashada dalka ayaa boggaadiyay dadaalka wasaaradda waxbarashada ugu jirto siddii loo horumarin lahaa waxbarashada.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in  hoggaanka dalladaha ay ka wada hadleen siddii manhajka cusub ee wasaaradda soo diyaarisay loo gaarsiin lahaa iskuullada dalka,

“Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay, hoggaanka dalladaha waxbarashada dalka , arrimaha ugu muhiimsan ee aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah hirgelinta manhajka cusub ee wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay”ayuu yiri wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa hoggaanka dalladaha waxbarashada dalka uga mahad celiyay, siddii ay ugu soo dhabar adeygeen horumarinta waxbarashada dalka intii lagu guda jiray burburka.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda qorsheyneysa inay la soo wareegto 25 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir kuwaasoo si lacag la’aan ah ay wax uga baran doonaan caruurta Soomaaliyeed.

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay shir wada tashi ah

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa la tashi kala sameynaysa Maamulka iyo qeybaha bulshada Gobolka Banaadir diyaarinta hannaanka dib u heshiisiinta Qaranka.

Shirka qeybtiisa koowaad ee Maanta furmay waxay Wasaaradda la-tashi la sameynaysa madaxda iyo dadka ka shaqeeya hey’adaha  dowliga ah ee gobolka Banaadir, halka maalinka berri ah wadatashiga ay la yeelan doonto  qeybaha bulshada ee Gobolka sida uu sheegay agaasimaha guud Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Maxamed Maxamuud.

La taliyaha Ra’iasalwasaaraha ee arrimaha dib u heshiisiinta Dr, Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyoow oo ka hadlay shirka waxa uu sheegay in  muhiim tahay in la daadajiyo wadatashiyada diyaarinta hannaanka Qaran ee dib u heshiisiinta dalka.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir  Maxamed Cabdulaahi Tuulax ayaa tilmaamay in Gobolka uu soo dhaweynayo in wadatashiyo lala sameeyo Dadka caasimadda.

“Waan soo dhaweynaya wadatashigaan diyaarinta hannaanka Qaran ee dib u heshiisinta, anaga gobolka Banaadir ahaan Ahmiyad weyn ayay noo leedahay dib u heshiisiinta waayo hadii ay caasimadu hagaagto dalkoo dhami waa hagaagayaa maadaama ay tahay muraayada dalka” ayuu yiri guddoomiye Tuulax.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisinta xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo furay shirka  waxa uu sheegay hannaanka dib u heshiisiinta Qaranka sanadkii tagay uu soo biloowday haatana uu marayo waqtigii la tashiga bulshada lagana billaabay Gobolka Banaadir.

“Sanadkii tagay 2017 bishii June ayuu soo biloowday wadatashiga hanaanka dib u heshiisiinta dalka wax badan ayaa nooga qabsoomay hada waxaan galnay la tashiga bulshada oo aan ka biloownay dadka gobolka Banaadir si aragtidooda loogu daro  hannaankani” ayuu yirri Wasiir Sabriye

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa intaa ku daray in wasaaradiisa ay ku dadaalayso sidii loo heli lahaa hannaan dib u heshiisiin Qaran oo leh sal adag kuna dhisan talada bulshada Soomaaliyeed si xal waaro looga gaaro khilaafyada noocyadooda kala duwan ee dalka ka jira.

Wasiirka Qorsheynta iyo Madaxa Bariga iyo Koofurta Africa ee Unicef oo Xariga ka jaray Xafiiska Unicef ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxa Bariga iyo Koofurta Africa ee Hay’adda Unicef ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray dhismaha cusub ee xafiiska Unicef ee Soomaaliya.

Munaasabada waxaa Goobjoog ka ahaa shaqaalihii Hay’adda Unicef ee ka howlgali jiray dalka kenya oo maanta wixii ka dambeeya shaqadooda ay tahay gudaha dalka Soomaaliya, taasoo muuqal wanaagsan ka bixinayso u hogaasanaanta Hay’adda baaqii dowladda ee ahaa in dalka ay mudo  kooban ugu howlgalaan.

Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin wayn oo taariikh ah in xafiiskii Soomaaliya ee Hay’adda ee ku yaalay Niarobi in gudaha dalka ka howl bilaabo.

Madaxda Bariga iyo Koofurta Africa ee Hay’adda UNICEF Leyla Bakar ayaa sheegtay in Muhiimad gaar ah ay leedahay arrintan

“Waxaan maanta u soo wareejinay xafiiska maamulka Magaalada Muqdisho kaas oo si wadajir ah uga shaqeyn doona Muqdisho iyo qeybaheeda kala duwan, muhiimad gaar ah ayee ii leedahay maanta in halkan aan joogno”.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaayay in maanta micno weyn dalka ugu fadhiyo xafiiska Soomaaliya ee Unicef si rasmi ah in dalka uga shaqo bilaabo, isla markaana uu shaqo abuur ay u noqon doono Muwaadiniinta.

Unicief ayaa Soomaaliya waxa ay kala shaqeysaa arrimaha Biyaha, Caafimaadka, Nafaqeynta, Haweenka iyo dhalaanka, waxbarashada iyo ilaalinta bulshada.

W/Q Cabdirashiid Nuur Ibraahiim

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday seddex heshiisyo shaqa abuur ah

0

Muqdisho (SNTV) Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar oo xiriir wada shaqeyn wanaagsan uu ka dhaxeeyo ayaa Magaalada New York ee Dalka Mareykanka waxay ku kala saxiixdeen seddex heshiis oo lagu hormarinayo Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Heshiisyadan ayaa u suuragelinaya in lagu awood siiyo dhaqaale ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo laga abuurayo 75000 fursado shaqo gudaha dalka Soomaaliya.

Munaasabada lagu kala saxiixday Heshiisyadan Waxaa goobjoog ka ahaa Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Marwo Sheikha Moza bint Nasser, Guddoomiyaha Golaha Xoghayeyaasha Hey’adda Silatech.

Dhawaan Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo ah Amiirka Dalka Qatar ayaa saxiixay labo Heshiis oo hore ay u wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar kuwaasoo kala ah Mashruuca Adeega Duulimaadka iyo Iskaashi dhinaca Caafimaadka.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga “Waxaan isku furnay Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Marka”

Muqdisho (SNTV) Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaan Nabad diidka Kooxda Alshabaab ka eryay deegaanada isku xira Muqdisho iyo Marka oo ay kamid yihiin Gandershe, Dhannaane, Jillib Marka iyo deegaano kale, halkaasi oo muddo ay joogeen Argagixisada.

Ciidanka Geesiyaasha ayaa maanta sameeyey Howlgal la isugu furayo dhulka Xeebta ah ee u dhaxeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Marka oo Muddo Sanado ah Kooxda Alshabaab dadka ay ku dhibi jireen, islamarkaana ay go’doomiyeen wadadaasi.

Howlgalka wado furista ee Ciidanka ay sameeyeen ayaa ku dhammaaday guul iyo siddii loo qorsheeyey, kamana dhallan wax qasaaro ah, maadaama Maleeshiyaadkii Argagixisada ka tirsanaa ee halkaasi ku dhuumanayey ay carareen markii ay arkeen Ciidanka Huwanta ah ee Xoogga dalka.

Geesiyaasha Xoogga dalka, ayaa howlgalka markii uu dhammaaday waxay bilaabeen in Wadada Xiriirisa Muqdisho ilaa iyo Marka inay ka jaraan dhir badan oo ka baxday hareeraha wadada, sida Geedka Soomaalida ay u taqaan “Cali Garoobka” oo Nabad diidka gabbaad ka dhigan jiray , iyaggoo intaasi kadib Wadada ka bilaabay diyactir iyo in Jaay iyo Caro kaawo ay ku shubaan meelaha Jajaban.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raagge oo Ciidanka Howlgalka fuliyey hoggaaminayey, ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay Muddo dheer kadib Shacabka Soomaaliyeed in laga dulqaaday Nabad diidkii ku dhibi jiray inta u dhaxeyso Wadada Xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka, ayna dhammaatay arrintaasi.

Gen. Odowaa oo la hadlay Idaacadda codka Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa tilmaamay qorshaha Taliska Ciidanka Xoogga dalka inuu yahay  Kooxda itaalka darran ee Alshabaab in laga xoreeyo dhammaan goobaha ay kaga dhuumanayaan dalka oo ay ku dhibaan dadka Shacabka ah,

Kooxda Alshabaab ayaa dadka isticmaala wadadaasi u geysan jiray dhac, Boob, Dil iyo Kufsi oo ay usii dheereyd Afduubka Maatida oo ay kusoo daayaan Lacago Madax furasho ah, balse dhibaatada Shacabka waxaa u dulqaadan Daljireyaasha Xoogga dalka oo maanta soo afjaray dhibkii Argagixisada dadka ay ku hayeen.

Wariye C/waaxid Axmed Geeddi oo ka tirsan Shaqaallaha Idaacadda Codka Ciidammada qalabka sida, islamarkaan qeyb ka ah Ciidanka howlgalka wada, ayaa sheegay in Shacabkii dhibka ku qabay marista Wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Marko ay aad u soo dhaweeyeen in dhibka laga dulqaaday, iyagoo Geesiyaasha u mahad celiyey, waxaana ay ballan qaadeen in Ciidanka ay kala shaqeyn doonaan Ciribtirka Nabad diidka dhiigya cabka ah.

Argagixisada Arxanka darran ee Alshabaab, ayaa noqday Tusbax dhinac laga furay, waxaana ku socda Xidido siib, si loo Ciribtiro, Maadaama ay muddo dheer ku howl lanaayeen Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Buuhoodle oo laga hir-geliyay xafiiska xuduudeedka socdaalka

0

Muqdisho (SNTV) Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo kaashaneysa maamulka iyo odoyaasha dhaqanka degmada Buuhoodle ayaa dib u howlgelisey xafiiska socdaalka bar-xuduudeedka Buuhoodle.

Munaasabadda lagu daahfurey xaafiiska ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno ka socdey qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, maamulka degmada iyo ciidamada amniga, wuxuuna dhinac walba balan qaadey gudashada waajibka kaga aadan howlaha xaafiiska.

Daahfurka xaafiiskaan ayaa micnihiisu yahey in Soomaaliya dhinaceeda ay diyaar u tahey ilaalinta amniga, sharciga iyo hababka socdaalka gobolka iyo guud ahaan kan caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo kulamo la leh Madax ka socota Caalamka.

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan ku sugnaa Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxa ay ka qeybgalayaan shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay kaas oo lagu qabto xarunta UNka ee New York.

Waxa uu wasiirku shirkan ku matalayaa dowladda Soomaaliya isaga oo jeedin doona qudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeedin lahaa Shirka madaxda aduunka ee qaramada Midoobay.

Shalay ayuu wasiirku kulan la qaatay qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka kuwaas oo ka kala yimid goboladda dalkan, waxayna kawada hadleen arimo baddan oo la xariira marxalada uu ku suganyahay dalka Soomaaliya, kaalinta Jaaliyada, isku xirka Qurba joogta iyo Horumarka dalka .

Wasiir Cawad waxa uu sidookale kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar kamid ah madaxda caalamka ee ka qaybgalaysa shirka iyaga oo is dhaafsanayay xaaladaha dalalkooda, isbadalada caalamka iyo iskaashi caalami ah oo dhex mara wadamada caalamka si loo gaaro himilooyin ku dhisan Horumar iyo si dhexgal.

Qudbada uu jeedin doono wasiirka ayuu diirada ku saari doona  xaalada Soomaaliya, sida arimaha Amniga, Dhaqaalaha, Dowladnimada, iyo wax walba oo horumar ah oo ay dowladu qabatay iyo hadii ay jiraan wax caqabadaa oo ku xeeran gaar ahaan sidii loo xoreyn lahaa deegaamada ay Al-shabab gacanta ku hayaan.

Deeqo Shire (SONNA)

New York

Madaxweyne Farmaajo oo xulka degmada Waaberi guddoonsiiyey Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir

Muqdisho (SNTV):–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay xulka degmada Waaberi hanashada Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo sannadkii 2-aad oo xiriir ah ay ku guuleysteen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay xulka degmada Shibis dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay ugu soo dhabar adayggeen in ay soo gaaraan ciyaarta kama danbeysta ah.

Madaxweyne Farmaajo oo shahaadooyin maamus ah guddoonsiiyey qaar ka mid ah taliyeyaasha Ciidanka Booliska ee ku hawlannaa tartanka tan iyo markii uu bilowday, ayaa ku bogaadiyey sida ay u muujiyeen nabadda iyo horumarka Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u mahad celiyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha, masuuliinta heer Federaal iyo heer gobol  ee ka qeyb qaatay qabsoomidda Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banadir oo xilli habeennimo ah la qabtay ayaa waxaa ka soo qeybgalay daawashadeeda kumannaan shacab ah, iyadoona kooxda degmada Waaberi ay 1:0 kaga guuleysteen xulka degmada Shibis.