Guddoomiye Eng.Yarisow “In Muqdisho lagu qabto Shirar Caalami ah waxay ka tarjumaysaa amniga iyo Horumarka Caasimadda”

Date:

Muqdisho (SNTV): — Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho lagu qabto Shirka Kooxda Xariirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ay ka tarjumeyso horumarka dhinacyada kala duwan ee Caasimaddu ku tallaabsatay muddooyinkii la soo dhaafay.

Guddoomiye Eng. Yarisow oo Casho sharafeed u sameeyey madaxdii ka socotay dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ku soo dhaweeyey Caasimadda dalka, isagoo warbixin ka siiyey taariikhdii kala duwanaa ee Caasimaddu ay soo martay, isla-markaana xusay in waqtigan la joogo dib-u-soo kabasho dhinac walba ah ay ka jirto Magaalada Muqdisho.

“Muqdisho waxay astaan hiigsi u ahaan jirtay Caasimadaha Afrika, waqtigan oo dalkeennu ka soo kabanayo burburkii soo gaaray, waxay Caasimaddu sameynaysaa horumaro kala duwan oo dhammaantiin aad markhaati ka tihiin, kaasoo inoo suuragaliyey shirkan iyo shirarkii horey loogu qabtay”.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ku dheeraaday ahmiyadda uu shirkan u leeyahay dalka, waxuna uga mahadceliyey ka qeyb-galkooda wafuudii ka socotay dalalka xubnaha ka ah ururka.

Munaasabadda Cashada ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xildhibaano, Xogahayaha Maamulka Gobolka Banaadir Guddoomiye ku-xigeenka maamulka Marwo Basmo Caamir Axmed, qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Diblumaasiyiin, Siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...