Muqdisho oo markii ugu horreeysay Martigalisay Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Golaha Iskaashiga Islaamka (OIC).

Date:

Muqdisho (SNTV)–Magaalada Muqdisho ayaa waxaa jooga wufuud ka kala socota 15 dal oo ku bahoobay kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islamaka (OIC), oo ay xubin ka yihiin 57 dowladood , kuwaasi oo ka qeyb galalaya kulan heer Wasiiro Arrimo dibadeed ah oo uu Shir maanta uga furmay Muqdisho, kaasi oo ah hal Maalin.

Shirkani ayay Soomaaliya martigelineysaa, iyadoo la raacayo qaraaradii ka soo baxay shirarkii kan ka horreyay ee 44-aad iyo 45-aad ee lagu kala qabtay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo Dhaka, ee Wadanka Bangladesh.

Kullankan ayaa diiradda lagu saarayaa ama Ajendayaasha Shirkaasi looga hadlayaa ayaa waxaa ka mid ah in Soomaaliya gacan la siiyo arrimha ay ku jirto ee dhnica Dib u hishiisiinta, Doorashooyinka la filaayo in ay ka qabsoomaan Dalka sanadka 2020-ka iyo dib u dhiska Soomaaliya iyo arrinta ku saabnsan Deymanka oo la rabo in laga cafiyo, maadaama Dowladaha deymaha ku leh Soomaaliya ay ugu horreeyaan Ururka Golaha Iskaashiga Islaamka, sidii Soomaaliya looga caawin lahaa amniga iyo soo celinta kala dambeynta iyo dhismaha hey’adaha dowladda.

Haddaba shirkan iyo ahmiyadda uu u leeyahay Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay Dr. Maxamed Nuur Gacal, Wasiiru dowlihii hore ee Arimaha Dibadda ee Soomaaliya, horreyna ula soo shaqeeyay ururkan OIC, wuxuuna sheegay in Ururkani Iskaashiga Isaamka la abuuray ama la aas-aasay sanadku markuu ahaa 2007-dii, iyadoo muhiimadda loo aas-aasay ay tahay, si ay ula socdaan arrimaha Soomaaliya, Dr: gacal oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in markii hore ay ku shiri jireen Magaalada New york, Qaramada midoobay Xaruunteeda marka ay tagaan, balse sanadkan dadaal ay Dowladda Soomaaliya u gashay kadib, waxaa lagu guuleystay in ay yimaadaan Muqdisho oo shirkoodu ka dhacay halkaan.

Dr: Gacal oo ka hadlaayay waxa ay uga dhigan tahay Soomaalida in shir noocaan oo kale ah uu ka dhaco Magaalada Muqdisho ayaa yiri:- “marka guusha ugu weyn waxaa weeye Ururka (OIC) oo masala 57 Dowladood inuu shir ku qabto Soomaaliya, micnaha Soomaaliya waxay ka baxaysaa go’doomintii hore ay ku jirtay Dowladda Soomaaliya, sidoo kalena waxay diyaar u yihiin wixii hadda ka dambeeya Dowladahaasi inay xiriirkooda joogteeyaan Soomaaliya iyo iyaga, waxaana ku xigo doona islmarkaana fure u noqon doonaan xiriir maalgashi iyo mid diploomaasiyadeedba in Soomaaliya ay u furaan Wadamada Xubnaha ka ah Ururkaasi.

Golaha Iskaashiga Islaamka waxaa hadda hoggaamisa Dowladda Qadar, taaso la og yahay in kaalin fiican ka qaadato Arrimaha Soomaaliya, islmarkaana ay ka waddo mashaariic horumareen, gacanna ka geysata arrimaha amniga haddana wali qeyb ka ah xasilinta Soomaaliya iyo maalgashigeedaba.

Ururka Golaha Islaamka waxaa la aas-aasay sanadkii 1969-kii, Soomaaliyana qeyb ayay ka aheyd aas-aaskiisa, shirkii ugu horreeyay ama fikraddeeda lahaa Soomaaliya, waxaana xusid mudan in shirkii ugu horreeyay ee Ururka Golaha Islaamka lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo ujeedada ugu weyn ay aheyd in lagu mideeyo Wadamada Islaamka, sidoo kale in loogu gurmado Wadamada Islaamka , iyadoo xilligasi ay dhibaato ka taagneyd Magaalada qudus, laguna badbaadiyo kuwa danyarta ah, waana Ururka ugu weyn Dunida marka laga soo tago Ururka Qaramada Midoobay.

Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa ka kooban Dalalka kala ah:- Azerbaijan, Brunei, Djibouti, Egypt, Gabon, Iran, Kuwait, Malaysia, Pakistan, Qatar, Saudi Arabia, Sudan, Turkey, UAE iyo Yemen, waana markii ugu horreysay ee ay Soomaaliya marti geliso shir caynkan oo kale ah tan iyo xilligii la asaasay Ururkan 1972-kii, balse shirkii ururka Islaamka ayaa hore loogu qabtay Magaalada Muqdisho sanadkii 1969-kii markaasi oo ay wada aas-aaseen allaha u wada naxaristee Madaxweyne C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Boqorkii Sacuudiga ee Xilligaasi Boqor Feysal Aala Sacuud.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo si rasmi ah Maanta u furay Shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka socda Muqdisho, Shirkani ayaa diirradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa xasilloonida ka jirta Soomaaliya oo ka soo kabanaysa Sanado badan oo ay xaalado amni xurro ka jireen iyo taageerada Soomaaliya, iyadoo Hoolka uu ka socdo shirka waxaa ku sugan madax kala duwan oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shiraan.

Madaxdii ugu dambeysay ee soo gaarta Magaal;ada Muqdisho Saakay ayaa waxay kala ahaayeen Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sudan, Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda dowladda Qatar, Sultan bin Saad Al Muraikhi, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait iyo Mas’uuliyiin ka kala socota Azerbaijan iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, Waxaana Halkaas Ku dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, iyadoo shalay Muqdisho ay soo gaareen wafdi hor dhac u ah madaxda maanta timid Muqdisho.

Shirka uga socda Magaalada muqdisho Madaxda dalalka Xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka oo ah markii ugu horreeysay oo shir noocaan oo kale ah lagu qabto Magaalada Muqdisho, islamarkaana muhiim gaar ah u leh Ummadda Soonmaaliyeed iyo dowladdaba, ayaa waxaa laga dhur-sugayaa inay ka soo baxaan waxyaabo dan u ah Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo hamuun u qabo Soomaaliya oo markal cagaheeda isku taakta.

W.D. C/laahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...