Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka hadlay qodobo muhiim ah

Date:

Muqdisho (SNTV) Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Kulanka ayaa ahaa kii 18-aad ee kalfadhiga 4-aad, waxaana soo xaadiray 149 Xildhibaan.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kulanka shir guddoominaayay.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa saddex qodob oo kala ah:

  1. Dhameystirka dooda  aqrinta labaad hindise sharciyeedka golaha mihnadlyaasha caafimaadka qaranka.
  1. Aqrinta labaad hindise sharciyeedka wax ka badalka sharciga siyaasada maareynta maaliyadda ee dalka (PFM).
  1. Qeybinta xeerka hay’adda duulista rayidka iyo saadaasha hawada.

Xildhibaanada ayaa ugu horeyn mar kale ka dooday sharciga golaha mihnadlayaasha caafimaadka qaranka oo ay soo diyaarisay wasaarada caafimaadka.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay in qodobo muhiim ah lagu daro wax ka badalna lagu sameeyo qodobada qaar ee sharcigaan si muwaadiniinta soomaaliyeed ay u helaan xarumo caafimaad oo tayo leh.

Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka ayaa xildhibaanada mar kale horgeeyay sharciga wax ka badalka siyaasada maareynta maaliyadda ee dalka (PFM) oo aqrintiisa labaad galay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in guddiga ay ka sugayaan warbixinta aqrinta 3-aad.

Guddoomiye Mahad ayaa sheegay in xildhibaanada ay intooda badan ku raaceen guddiga qaabka ay warbixinta usoo diyaariyeen iyo sida ay u aqbaleen talooyinkii ay dhiibteen xildhibaanada.

Ugu dambeyn xildhibaanada golaha shacabka ayaa loo qeybiyay xeerka hay’adda duulista rayidka iyo saadaasha hawada oo ay soo gudbisay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...