Home Blog Page 1183

Ra’iisul wasaaraha XFS oo guddoomiyay shirka horumarinya Dhaqaalaha

0

SNTV:-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay guddoomiyay shirka Hormarinta dhaqaalaha Dalka, kaas oo looga hadlay horumarka Maaliyadeed iyo hiigsiga hanaanka deyn cafinta Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhacay Xafiiska R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa si gaar ah waxaa diiradda loogu saaray horumarada Maaliyadeed ee Dalka, iyadoona ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Wasiirada ku lugtaleh arimaha dhaqaalaha xukumadda Soomaaliya sida Wasiirka Maaliyadda ,Qorsheynra , Beeraha iyo Xubno kale oo kamid ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS mudane Abdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa hordhigay R/Wasaaraha iyo Wasiiradii ka qeybgalay shirka warbixin ku sabsan horumarka Maaliyadeed iyo hiigsiga hanaanka deyn cafinta Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya, isla markaana ay dhawdahay rajada laga qabo in Soomaaliya laga cafiyo deymaha.

Mr Beyle ayaa sidoo kale faahfaahin ka siiyay shirka qorshayaasha Wasaaradda Maaliyadda ee kobaca Dakhliga iyo diyaarinta Miisaaniyadda Cusub ee 2019 ilaa iyo 2020.

Shirka dhaqaalaha Xukumadda ee todobaadlaha ah waxaa sii dheer shirar joogto ah oo ka dhaca gudaha Wasaaaradda Maaliyadda Soomaliya kuwaasoo lagu hormarinayo Dhaqaalaha iyo in la gaaro Hadafka Soomaaliya ee ah in isku filnaasho Dhaqaale.

Culumada Soomaaliyeed ee Gobolka Ohio oo Baaq ka soo saaray Colaada Gobolka Sool

0
Dalada Culumada gobolka Ohio ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan SICO (Somali Islamic Centers Of Ohio) ayaa soo saaray Baaq Nabadeed oo ku aadan colaada Gobolka Sool.
Waxay culumadu ku tilmaameen dagaalkaasi in uu yahay mid xaaraam ah isla markaana aan ka tarjumayn islaamnimada, Dhaqanka, iyo Aqlaaqda suuban midna.
Dadka deegaanka ayay ugu yeereen in ay si aan kala har lahayn ugu istaagaan soo afmeerida dhiiga daadanaya iyada laga cabsanayo musiibo aaqiro iyo mid aduunba.
Culumada ayaa dhinacyada dagaalamaya ugu yeeray in ay wada hadlaan isla markaana ka waantoobaan in ay caruurtooda, Hantidooda, iyo Naftoodaba ay ku haligaan dagaal wax natiijo ah oo ka soo baxayaa aysan jirin.
Garabyada ay dirirtu dhexmartay oo sida la sheegay ah dad wada dhashay waa musiibo aan indhaha laga qarsan karin loona baahnayn in ay dib u soo laabato ayay dhaheen culumada oo dhanka kale uga tacsiyeeyay dadkii ay ka dhinteen dadkii halkaasi lagu laayay kuwa dhaawaca ahna alle uga rajeeyay caafimaad.
Dowlada Soomaaliya iyo maamulada Jaarka la ah deegaankaasi ayay ka codsadeen in ay ka qeyb qaataan daminta colaada isla markaana fidiyaan gogol Nabadeed.
Waxay culumadu wax laga xumaado ku tilmaameen in dadka qaar ay dagaalkaasi ka hurinayaan dhanka Social Media ha taasna ay tahay wax laga xumaado iyaga oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha Bulshada in aysan u adeegsan daadinta dhiig walaalkood.
Ugu danbeeyn culumadu waxay u duceeyeen Dalka iyo Dadka iyaga oo alle uga baryay Nabad iyo xasilooni.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka oo tababar u furay Garsoorayaal

0

Muqdisho (SNTV);- Gudoomiyaha Maxakamadda Sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta oo Taariikhdu tahay 28/10/2018  tababar u furay Garsoorayaal ,sidoo kale waxaa uu Tababar u soo xiray dhalinyaro ka soo baxay kulliyada sharciga oo Tababar layli garsooranimo ku soo qaatay Maxkamadaha darajooyinkooda kala duwan yihiin.

Xaflada ayaa Waxaa  Goobjoog ahaa Guddomiyeyaasha Maxkamaddaha Rafcaanka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Banaadir.

Garsoorayaasha loo furay tababarka ayaa tiradoodu waxay gaareysa labo iyo toban Garsoore sidoo kale  dhalinyarada loo soo  xiray layli Garsooranimo  ayaa gaarayay siddeed Dhalinyaro

Ugu Dambayn, Guddoomiyaha Maxkamadda sare dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed  oo ay garab taagan yihiin Gudoomiyeyaasha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Iyo Gobolka Banaadir ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay dhalinyarada oo uu u xiray Tababar.

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Hirshabeelle oo wado qorshe lagu horumarinayo Caafimaadka Xoolaha

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Dr. Xuseen Cusmaan Cilmi ayaa sheegay in Wasaaradda ay dadaal ugu jirto sidii loo horumarin lahaa xirfada Xoola dhaqatadda iyo caafimaadka Xoolaha nool.

Dr. Xuseen Cusmaan Cilmi ayaa sheegay in qorshaha uu ugu jiro iney Xoola dhaqatada Hirshabeelle ay wax badan uga faa’ideeyaan qaabka wacyiga hadda jira xoolaha loo dhaqdo,tallaalKA xoolaha oo sanadkiiba mar la siiyo si loo ilaaliyo caafimaadka Xoolaha la dhaqo.

Wasiirka ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay iney tababar wanaagsan siiyeen shaqaalaha ka shaqeeya daaweynta Xoolaha,kuwaasi oo taga goobaha Xoolaha ay ku nool yihiin si ay ula tacaalaan caafimaadkooda una tallaalaan.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Maamulka Hirshabeelle ayaa hoosta ka xariiqay in wada shaqeyn wanaagsan kala dhaxeyso Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha ee Dowladda Federaalka,islamarkaana ay ka taageerto mashruucyada lagu horumarinayo caafimaadka iyo tayada Xoolaha nool ee qaarkood dibada loo iibgeeyo.

Wasiir Cusmaan Libaax oo Golaha Aqalka sare ka codsaday in si deg deg ah ah loo ansixiyo sharciga Kheyraadka Biyaha Qaranka

Muqdisho (SNTV):- Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kalafadhiga 4-aad kullankiisa 3-aad ku yeeshay xarunta Golaha Aqalka sare ayaa markale waxay ka doodeen hindise-sharciyeedka Biyaha iyo sameynta Hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka oo looga fadhiyo iney ansixiyaan.

Kullana maanta ayaa waxaa shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ,waxaana goobjoog ahaa guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Senator Mowliid Xuseen Guhaad iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xildhibaan Cusmaan  Libaax Ibraahim.waxaana Senatarada markale fursad loo siiyay iney sharciga si wanaagsan u soo akhristaan si maalinta arbacada go’aan looga gaaro meelmarintiisa.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo ka hadlay kullanka ayaa tilmaamay in sharciga Kheyraadka Biyaha Qaranka uu muhiim u yahay dadka iyo dalka,islamarkaana loo baahan yahay in si dhaqso ah loo meelmariyo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim oo hadal kooban ka horjeediyay Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in sharcigan wax badan ku xiran yihiin loona baahan yahay in si deg deg ah loo ansixiyo.

“Sharcigan wax badan ayaa inooga xiran,waxaan codsan lahaa in la ansixiyo,waa muhiim sharcigan mudo ayuu horyaala Baarlamaanka Aqalka sare,” ayuu yiri Xildhibaan Cusmaan  Libaax Ibraahim.

Hindise-sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka oo ka soo gudbay Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu hadda mudo 11-bilood ah horyaalo Golaha Aqalka sare mudadaasina Guddiga uu kullamo talo uruurin ah la yeeshay xubno metalayay Dowlad Gobolleedyada,Khubaro dhanka biyaha,sharciyaqaano iyo ururada Bulshada rayidka ah si ay talooyinkooda ugu biiriyaan.

Guddiga Kheyraadka Biyaha Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Bishii May ee sanadkan qabtay Kullan qorshihiisu ahaa dhageysiga Dadweynaha ee Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Nairobi kula kulmay xubno ka tirsan Bangiga Adduunka iyo Madax kale

0

Muqdisho (SNTV);- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kulamo kala duwan kula qaatay magaalada Nairobi, xubno ka tirsan Alternative Basic education learning event, bangiga Adduunka iyo Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta Kenya.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kulanka koowaad la qaatay xubno ka mid ah Alternative Basic education learning event, iyaggoo ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda macalimiinta iyo doorka Dowladda.

“Waxaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya Shir kula yeeshay  xubno ka tirsan Alternative Basic education learning event, intii u dhaxeysay 24- 25-ka bishan, waxaan ka wada hadalnay sidii loo horumarin lahaa xirfadda macalimiinta iyo doorka dowladda, shirkan waxaa soo qaban qaabiyay xafiiska USAID ee Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in sidoo kale  uu kulan la qaata madax ka tirsan bangiga Adduunka 26 ilaa 27-kii bishan,  islamarkana ay ka wada hadleen isku duba ridka waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre  ayaa ugu dambeyntii magaalada Nairobi kulan kula qaatay hogaanka ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha ku yaalla dalka Kenya, isagoo ballan qaaday inuu wax ka qaban doono baahiyaha ay qaban ardeydan.

“Waxaan sidoo kale la kulmay hogaanka ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha Kenya waxay noo sheegeen baahiyaha ay qaban, waxaan rajeyneynaa in wax badan ka qaban doono”ayuu yiri wasiirka waxbarashada.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada dalka.

 

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo la kulmay Wakiilada gaarka ah ee QM iyo Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta xafiikiisa kula kulmay Wakiilada gaarka ah ee Qaramada Midoobay  u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ,kuwaasi oo uu kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo waliba xalinta Khilaafka Xukuumadda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac ayaa warbaahinta u sharxay waxyaabaha looga hadlay kullanka.

” Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo Wakiilada Qaramada Midoobe iyo Midowgga Afrika u qaabilsan Soomaaliya waxay ka wada hadleeen sidii loo dajin lahaa xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya”ayuu yiri Xogahaya.

Waxaa kale ee uu yiri Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac”waxaa laga wada hadlay sidii shaqada Aqalka Sare uu haayo loo taageeri lahaa iyo sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka taagan iyadoo sidoo kale gudoomiyaha Aqalka Sare uu warbixin ka siiyay shaqada Aqalka sare sare uu soo qabtay”

Ka Qaybgalayaasha Shirka Iskaashiga Islaamka oo qiray Horumarka Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV)- Kulankaan oo ay Soomaaliya martigalisay, iyadoo la raacayo qaraaradii ka soo baxay shirarkii kan ka horeeyay ee 44-aad iyo 45-aad ee lagu kala qabtay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo Dhaka, ee Wadanka Bangladesh.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray ama Ajandayaasha Shirkaasi looga hadlay ka mid ahaa in Soomaaliya gacan laga siiyo arrimha ay ka mid yihiin dhinica Dib u hishiisiinta, Doorashooyinka la filaayo in ay ka qabsoomaan Dalka sanadka 2020-ka, dib u dhiska dalaka ,cafinta daymanka,maadaama Dowladaha daymaha ku leh Soomaaliya ay ugu horeeyaan xubno ka mid ah Ururka Golaha Iskaashiga Islaamka, sidii Soomaaliya looga caawin lahaa amniga iyo soo celinta kala dambeynta iyo dhismaha hey’adaha dowladnimada.

Madashaan iyo ahmiyadda uu u leeyahay Soomaaliya ayaa waxay tahay in caalamku uu daawanayo muuqaalka wanaagsan ee Soomaaliya kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Isaamka O.I.C waxaa la la aas-aasay sanadku markuu ahaa 2007-dii, iyadoo muhiimadda loo unkay ay tahay, si ay ula socdaan arrimaha Soomaaliya,  kulamada kooxdaan ayaa waxaa markii hore lagu qaban jiray Magaalada New york ee xarunta Qaramada midoobay,balse sanadkan dadaal ay samaysay Dowladda Soomaaliya  ayaa waxaa lagu guuleystay in lagu qabto  caasimadda Muqdisho.

Golaha Iskaashiga Islaamka waxaa hadda hoggaamisa Dowladda Qadar, taaso la og yahay in kaalin fiican ka qaadato Arrimaha Soomaaliya, islmarkaana ay ka waddo mashaariic horumareed, gacan walaaltinimana ka gaysato arrimaha amniga.

Ururka Golaha Islaamka waxaa la aas-aasay sanadkii 1969-kii, Soomaaliyana qeyb ayay ka aheyd aas-aaskiisa, shirkii ugu horreeyay ama fikraddeeda lahaa Soomaaliya, waxaana xusid mudan in shirkii ugu horreeyay ee Ururka Golaha Islaamka lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo ujeedada ugu weyn ay aheyd in lagu mideeyo Wadamada Islaamka, sidoo kale in loogu gurmado Wadamada Islaamka, gaar ahaan xaaladda Qudus, laguna badbaadiyo kuwa danyarta ah, waana Ururka ugu wayn dunida marka laga reebo Ururka Qaramada Midoobay.

Shirkaan oo socday muddo hal maalin ah ayna ka qaybgaleen 11 dowladood oo ka mid ah 14ka xubnood ee ay ka kooban tahay kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga islaamka O.I.C ayaa waxaa ka soo baxay war murtiyeed ka kooban 20 qodob oo aad diiradda loogu saaray xaaladda Soomaaliya, waxaana qodobada  ugu muhiimsan ee warmurtiyeedka faahfaahiyay Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya  Danjire Axmed Ciise Cawad.

Danjire Axmed Ciise Cawad oo waraysi siiyay laanta afka soomaaliga VOAda ayaa faahfaahin ka bixiyay Qodobada ugu muhiimsan eeka soo baxay shirka magaalada Muqdisho ay ku yeesheen kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga islaamka O.I.C, wuxuuna xusay in qodobada ugu muhiimsanaa ee shirk aka soo baxay ay ka mid ahaayeen qiridda ka qaybgalayaasha ay qireen horumarka dhan walba ah oo ay soomaaliya samaysay sida uu qudbadiisa furitaanka ku xusay Ra’iisalwasaaraha dalka Md. Xasan Cali Khayre, wxayna ka qaybgalayaasha shirka aad ula yaabeen isbadalka dhanka horumarka ay  soomaaliya ku talaabsatay taasi oo ay indhahooda ku arkeen mudada kooban oo ay dalka joogeen,waxayna caalamaka ugu baaqeen c in soomaaliya laaga taageero dhamaystirka dhismaha hayadaha dowladnimo

War murtiyeedka  shirka waxaa  loogu mahad celiyay wadamada  Soomaaliya garab istaagay haddii ay yihiin kuwa shirka ka qaybgalaya iyo haddii ay  yihiin bulshawaynta  caalamaka,  dhanka kale shirku wuxuu taageeray Qorshaha dhanka amniga  xilliga kala guurka ee ciidamada Soomaaliya kula wareegayaan Sugitaanka Amniga dalkooda, waxayna  canbaarayn u soo jeediyeen aragagixisada noocyaseeda kala duwan

W:D. Gobdoon

Guddoomiye Tuulax oo xalay kormeer Amniga la xiriira ku sameeyey Xaafadaha Degmada Heliwaa

0

Muqdisho (SNTV) Kormeerkan dhanka Amniga la xiriira ayaa guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir uu ku sameeyey xaafadaha degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, waxaa ku wehliyay Xildhibaan Ikraan Yuuusf Xirsi oo ka tirsan Golaha Shacabka, guddoomiyaha degmada Heliwaa iyo saraakiisha ciidamada amaanka.

Mas’uuliyiintan oo socdaal dhanka lugta ah xili habeen ah ka bilaabay xarunta degmada Heliwaa ayaa socd dheer oo muddo qaatay ku maray xaafadaha Suuqyada iyto xarumaha ciidamada ay ku suganyihiin, waxaana kmaid ah meelaha ay tageen,Xero Maslax oo salaada Maqrib ay ku Tugadeen, Baar Johwar, Shaneemo Cabdiwaayeel iyo Suuaqa degmada Heliwaa,

Mudane Maxamed C/laahi Tuulax guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir ayaa intii kormeerka lagu jira ciidamada iyo saraakiisha ka xogwareysanayay baahiyahooda, isagoo ku dhiiro gelinayay dardar gelinta howlaha nabadgeliyada.

Guddoomiyaha degmqada Heliwaa C/xakiin Cumar Jacfaan ayaa ku Mudane Tuulax sida uu ugu kormeerayo mas’uuliyada ka saaran amniga.

“Farxad ayey inoo tahay in markii labaad aad noo imaato inagoo kujirna kormeerkeena amniga, waxaana runtii farxad ah inaad marqaati ka aheyd sidii shacabku ay inoola shaqeynayeen”ayuu yiri Mudane C/xakiin Cumar Jacfaan.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa sheegay in shacabka iyo maamulka degmada oo iskashanaya ay ku guuleysteen xoojinta amniga iyo horumarka.

“Waxaan soo aragnay in maamulka uu shaqeynayo, waaxyaha degmada ay wada shaqeynayaan, waxaan aragnay shacab heysta maamul ay ku qanacsanyihiin iyo amni dhameystiran”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir.

Tan iyo markii ciidamada cusub lagu xoojiyay amniga Muqdisho waxaa la dareemayay isbedelo muuqda, waxaana Mudane Tuulax uu sheegay in shacabka iyo maamulada looga baahanyahay in ay xajistaan Amnigooda.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

0

Muqdisho, Oktoobar 28, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa waxa uu kala hadlay iskaashiga dhaqaale iyo amni ee ka dhaxeeya labada dal.

Agaasimha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada JFS C/nuur Maxamed Axmed ayaa SONNA u sheegay in Madaxweynaha uu lasoo qaaday dhigiisa dalka Kenya dhameystirka heshiisyadii ay wada gaareen keddib booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku tagay Kenya horraantii sanadkii tagay.

Labada Madaxweynaha ayaa isku afgartay in lasii adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed, isdhexgalka dhaqaale iyo midka bulsho ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxay sidoo kale, ka wada hadleen fududeynta isu socodka dadka iyo badeecadaha iyada oo la dhiirrigelinayo ganacsiga xorta ah iyo suuq furan oo ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Mudane Uhuru Kenyatta kaalinta ay Dowladda Kenya ka qaadanayso nabadgalyada gobolka iyo adkeynta xiriirka labada dal oo ah mid ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam.