Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Norwey u fadhiya Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV);- Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta la kulmay safiirka Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya Amb: verbjorn Hines.

Labada Mas”uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dowladood gaar ahaan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Norway.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sidii loo diyaarin lahaa barnaamijyo lagu hormarinayo Golaha shacabka laguna xoojinayo wada shaqeynta labada Baarlamaan.

Safiirka Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya Amb verbjorn Hines ayaa sheegay in Dowladda Norway mar walbo garab taagan tahay Golaha shacabka.

“Mudane guddoomiye waxaan kaaga mahad celinaya sida diiran ee aad xafiiskaaga igu soo dhoweysay, Dowladda Norway iyo shacabkeeda waxa ay  diyaar u yihiin in Soomaaliya ay garab istaagaan mar walbo, waxan kuu balan qaadaya howlaha aan hada wadno inan sii balaarino”. ayuu yiri Amb verbjorn Hines.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaay xiriirka wanaagsn ee Soomaaliya kala dhaxeeya Dowladda Norway.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Dowladda Norway ay Baarlamaanka Soomaaliya ka taageerto dhinacyo badan.

“Dowladda Norway waxa ay ka mid tahay Dowladdaha Baarlamaankeena si wanaagsan u taageera uguna caawiya dhinacyo badan oo muhiim u ah howlaha aan wadno”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Labada Ma”suul ayaa ku balamay in la qabto kulamo heer farsamo ah oo lagu diyaarinayo mashaariic ka turjumeysa waxqabadka in la kordhiyo iyo in la fuliyo wixii lagu balamay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...