Home Blog Page 1177

Dowllada soomaaliya oo u soo bandhigtay Beesha Caalamka Qorsha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM lagala wareegayo amaanka dalka.

0

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta shir guddoomiye kulan dowladda Soomaaliya ay ugu soo bandhigeysay Beesha Caalamka Qorsha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM lagala wareegayo amaanka dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya,xubno matalayey Beesha Caalamka iyo madax ka socotay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaana lagu sharaxay kulanka qorshaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay AMISOM ugala wareegayaan amaanka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qorshahaan oo ay soo diyaarisay dowladda Soomaaliya la isla ogolaaday, islamarkaana Beesha Caalamka ay u arkeen qorshahaan mid ku yimid rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed oo ay mudantahay in la isla qaato.

“Muddo bil ku dhow waxaa  la diyaarinayey qorshaha ama marxaladii ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed  ay xilka amniga kula wareegi lahaayeen, waana markii ugu horeysay oo lasoo diyaariyo qorshe Anaga aan leenahay” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa intaasi ku daray in qorshahaan loo arkay mid muhiim ah islamarkaana iminka wixii ka dambeeya loo gudbi doono wixii farsamo ah.

“Dhamaan dadkii kasoo qeyb galay waxey u arkeen iney tahay muhiim wixii Soomaali ay leedahay in halkaan la keeno oo aan hogaaminno, waana la isla ogoladay” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in qorshahaan oo ay leedahay dowladda Soomaaliya ay ku doonayaan in AMISOM lagala wareego amniga oo si buuxda ciidanka Qalabka sida ay masuuliyadda amni u maamulaan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kulan la qaatay Madaxda ugu sareeyso dalka hindiya

0

Madaxweynaha Dalka India Ram Nath Kovind, Ku Xigeenkiisa Venkaiah Naidu iyo Ra’iisul wasaaraha Dalkaasi Narendra Modi ayaa si wada jir Aqalka Madaxtooyadda ee dalkaasi ugu qaabilay waftigii uu hoggaaminayay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Md. Mahdi Mohamed Gulleed (Khadar).

Madaxda ugu saraysa dalka India ayaa si wada jir ah u soo dhaweeyey wafddiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo safar ku jooga Dalkaasi India.

Kulankoodi ka dib ayaa mas’uuliyiintan waxay ka qaybgaleen kulan casho sharaf ah oo madaxda Dalka India ay u sameeyeen wafuud ka socota 121 Dal oo ka qeybgalaya shir Caalami ah oo ku saabsan ka faa’idaysaiga kheyraadka dabiiciga ah ee Tamarta oo maanta ka furmaya magaalada New Dalka ee Dalkasi India.

Wafddiga Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta ay joogaan Dalkaasi India kulammo la yeelan doona qaar kamid ah madaxda shirkaasi ka qaybgalaysa oo uu kala hadli doono iskaashiga labada dhinac.

Hey’adaha taageera Waxbarashada Soomaaliya oo taageeradooda ku saleynaya qorshaha Qaranka

0

Nidaam waxbarasho oo horseed u ah Wadajir bulsho,wadaniyad,cadaalad,nabad iyo hormar waara.ayaa wasaarada waxbarshada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka waxa ay ku saleysay dejinta qorsho lagu hagayo sharuuc kuna qotoma adeeg waxbarasho oo tayo leh islamarkaana bulshada ay si siman u wada helaan

Mudada labada maalin ah uu socon doono ayaa waxaa si adag looga doodi doonaa habka gandhaha ay uga mid noqon lahaayeen waxbarshada sida daraasaadka lagu sheegay in ay ku yaryiihin gabdhaha qaasatan meelaha miiga ah,kulanka waxaa kaloo ka qeyb galaya wasaaradaha waxbarshada maamul goboleedyada dalka oo baahi weyn uqabaan nidaam waxbarsho oo isku mid ah iyo barakacayaasha dalka dib ugu soo labanaya si ayaguna qeyb ugu noqon lahaayeen.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowlada soomaaliya Xasan Maxamed Cali ayaa warbaahinta qaranka uga warbixiyay ula jeedada iyo hanaanka wasaaradda ay u wado howlaha lagu hormarinya waxbarshada dalka

Wasaaradda waxbarshada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa mudooyinka wado qorshayaal lagu hormarinayo lagu koontaroolayo waxbarahsda dalka waxaa kulaan lagu wadaa in uu soo xeri doono wasiirka waxbarshada hidaha iyo tacliinta sare mudane c.raxmaan daahir cusmaan

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in al shabaab meel loga soo wada jeesto

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-shabaab dhibaato ku hayaan qaranimada Soomaaliya loona baahan yahay in meel looga wada soo jeesto dagaalka lagula  jiro nabad diidka argagaxisada ah ee  Al-shabaab.

Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya xili uu sheelay khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa dastuurina ah ka hor jeedinaayay munaasbadii lagu furayay kalfadhigii sedexaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayuu tilmaamay Madaxweyne Farmaajo in Dalku ku jiro dagaal kaasoo dowladda Federaalka Soomaaliya kula jirto maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-shabaab kuwaas oo wali ku dhuumaalaysanaya meelo kamid ah dalka.

Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha qaranka Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay bixiyaan canshuuraha Dalka si looga maarmo ku tiirsanaashaha kaalmada shisheeye dowladuna u bixiso qarashaadka Ciidamada Qaranka “ayuu yiri” mudane Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa shalay khudbad taariiqi ah oo taabanaysa dhinacyo kala duwan kuna saabsan xaaladda guud ee Dalka ka hor jeediyay furitaanka kalfadhigii sedexaad ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya kaaso ahaa mid dastuuri ah.

 

Madaxweynaha Jamuuriyada soomaaliya oo ku baaqay in la bixiyo canshuurta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa maanta furay kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ka kooban Aqalka sare iyo Golaha Shacabka.

“Waxaan ku faraxsanahay in maanta si rasmi ah aan u furo Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo soo hadal qaaday madaxbanaanida Soomaaliya ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in lagu xad gudbo midnimada Umadda Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ganacsi iyo maalgashi lagu sameyso balse ay muhiim tahay in ogolaansho looga haysto hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka.

“Soomaaliya waxey diyaar  u tahay Maalgashi iyo ganacsi ay la wadaagto caalamka, cidkastoo dooneysa iney maal gashato Soomaaliya waa iney ogolasho ka hesho hey’adaha sharciga ah ee dowladda, waxaan uga digayaa wadamada iyo shirkadaha shisheeyey ineysan ku xadgudbi karin qaranimada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyey madaxweyne Farmaajo.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladu dhawaan ay bilaabi doono wada hadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Soomaaliland si loo xoojiyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan dhawaan bilaabi doonaa wada hadala aan la leenahay Somaliland, dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin, wixii qilaaf ahna waxaan ku dhameyn doonaa miiska wada hadalka. Ayuu yiri madaxweynaha dalka.

Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo hadal qaaday ahmiyadda ay leedahay in la bixiyo canshuurta ayaa sheegay in looga kaaftoomi karo kaalmaha shisheeye iyo in dowladdu bixiso mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka.

“Canshuurta waxaan uga kaaftoomi karnaa kaalmada shisheeye hadii la bixiyo waxaa noo fududaaneysa bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka, iyo sidoo kale inan al-Shabaab ka saarno meelaha ay heystaan” sidaasi waxaa yiri madaxweynaha dalka.

Gudoomiyaha Aqalka Sare “si loo gaaro Midnimo dhab ah waa muhiim in la helo dib u heshiisiin dhab ah”

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/laahi ayaa sheegay inay Soomaaliya tahay Qoys qura oo ayan sinnaba ku kala tegi karayn, balse uu dhaliilayo qaabka loo adeegsado mararka qaarkood.

Mr Xaashi oo ka hadlayay furitaanka kal fadhiga Saddexaad ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka digay in dano gaar ah lagu lifaaqo siyaasadda Soomaaliya, balse loo maro dhanka waddaniyadda.

Mar uu ka hadlayay midnimada Soomaaliya iyo wada hadalka Soomaaliland ayaa wuxuu soo jeediyay in daacad laga noqdo, maaddaama aan sinnaba lagu kala tegi karayn, wuxuuna codsaday in xubnaha ka qaybta ah wada xaajoodka aysan noqon Dad wata dan qabiil, mid gaar ah iyo mid dhaqaale , balse laga doonayo inay noqdaan Dad ay dhab ka tahay waddaniyad  Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka ayaa sheegay in si loo gaaro Midnimo dhab ah ay muhiim tahay in la helo dib u heshiisiin dhab ah, wuxuuna  intaa raaciyay in meelo Dalka ka mid ah ay ka jiraan colaado Siyaasadaysan, wuxuuna codsaday in loo guntado sidii loo xallin lahaa, taasoo ay hormuud ka yihiin Culimaa’udiinka, wax garadka Bulshada iyo Fannaaniinta Soomaaliyeed.

Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale ka hadlay inay dedaal dheeri ah lagu bixiyo sidii ay Dalka ugu qabsoomi lahayd doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda watigeeda, taasoo ay goobjoog ka noqonayaan Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka.

Wada shaqaynta Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada ayuu ku tilmaamay Tiirarka ugu muhiimsan ee Qarannimada, wuxuuna sidoo kale sheegay inay muqaddas tahay ilaalinta madax bannaanida Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiye Cabdi Xaashi C/laahi ayaa ku celceliyay muhiimadda ay Bulshada Soomaaliyeed u leedahay dib u heshiisiinta iyo adkaynta midnimada Dalka, wuxuuna soo jeediyay in diiradda la saaro qaybsiga khayraadka.

Guddoomiye Jawaari” waxaan xooga saaraynaa mudada uu kalfadhiga furanyahay arimaha barlamaanka horyaallo”

0

Mudane; Jawaari  ayaa sheegay in muddada yar ee ay haystaan inta lagu gudo jira kalfadhigaan  ay isku dayi doonaan , dib u dejinta dastuurka, habaynta hay’adaha difaaca Dalka, sal u dhigidda fadaraalaynta Dalka , Dimoqaraadiyeynta Soomaaliya, ka go’aan gaaridda maqaamka Magaala madaxda Dalka ee Muqdisho.

Guddoomiye Jawaari ayaa  si weyn ugu nuux-nuuxsaday in loo baahan yahay in siyaasadda difaaca Dalka iyo hay’adaha ku shaqada leh wax laga beddelo maaddaama aysan xilligani la jaan qaadi Karin shuruucdii ka degsanayd muddadii u dhexeysay 1960 illaa 1972.

Wuxuu guddoomiye Jawaari ammaan ballaadhan usoo jeediyay Baarlamanka 10 aad oo uu ku tilmaamay inay ka shaqa badan yihiin kii 9aad 42%, wuxuuna intaa raaciyay inay meel mariyeen muddadii yarayd ee ay shaqaynayeen 33 go’aan, halka Baarlamankii kan ka horreeyayna ay meel mariyeen 14 oo keliya.

Prof: Jawaari ayaa dul istaagay wax qabadkii xukuumadda oo ay ka mid yihiin soo deynta maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnayd Dalal shisheeye, hir gelinta xarumo Dowladeed oo aad u fara badan, goobahaas  oo ay booqasho ku tageen xubnaha Labada Aqal ee Baarlamanka.

Dhismaha garsoor madax bannaan oo uu shacabku ku kalsoonaan karo, ayuu sheegay Guddoomiye Jawaari inuu udub dhexaad u yahay hannaanka Dowladnimada , isla markaana loo baahan yahay in dib eegis lagu sameeyo Garsoorka Dalka.

Guddoomiyaha ayaa  tilmaamay sidoo kale in shuruucda haatan loo maro nabadaynta Dadka loo baahan yahay in dib u sixid lagu sameeyo , maddaama uusan xilligan Dalka ka shaqayn karin qodobka ka degsan dib u heshiisiinta wadciga jira awgii.

Safarkii  uu Madaxweynaha ku tagay qaybo ka mid Gobollada Dalka ayuu guddoomiyhu ku sheegay guul Taariikhi ah oo u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inuu Safarkiisu  qayb ka ahaa dib u heshiisiinta Dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa ugu dambayntii ka codsaday R/wasaaraha iyo guddiyada u xilsaaran dib u heshiisiinta iyo dib u eegista Dastuurka inay dardar geliyaan soo gudbinta Ajandayaashaas, si uu Baarlamanku ugu doodo una meel mariyo, isagoo codsaday in lagu dhaqaaqo ballan qaadyadii ay hore u samaysay xukuumadda.

Somali Government Gratifies Arab League Statement On Berbera Port Deal

0

The Minister of foreign affairs Ahmed Awad has welcomed the Arab League statement over the controversial tripartite agreement between Somaliland, DP World, and Ethiopia.

The Minister said the Arab League decision is very significant and called for to respect the sovereignty and unity of Somalia.

The four-point Arab League statement urged both sides to continue to resolve matters that are between them on the future of the country.

The Arab League has also expressed its support for the African Union Mission in Somalia (AMISOM) in support of the restoration of peace and stability in Somalia.

“The control of the borders of the land, its airspace and the sea are the responsibility of the federal government of Somalia, and the Arab League warns against interfering with Somalia in any kind,” the statement from the Arab League said.
The Federal Government of Somalia asked the Arab League to step in and mediate in the controversial Berbera port agreement as relations drastically deteriorate in the once unified country.
The federal government has argued that the agreement between Somaliland, DP World and the Ethiopian government over the port of Berbera is an illegal roadmap that has not been implemented according to the law and was not approved by the constitutionally mandated institutions of Somalia.Senior government officials said that a similar complaint will be launched with the African Union, ostensibly directed at Ethiopia.The League of Arab States also said that it will continue to support Somalia’s constitutionally mandated institutions, particularly in the areas of peace and reconstruction of the nation.

R/wasaare ku xigeenka XFS oo shir Caalami ah uga qeyb galaya India

0

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu amba baxay Dalka India,halkaasi oo ay uga qeybgalayaan shir caalami ah oo ku saabsan ka faa’idaysiga Khayraadka Tamarta dabiiciga ah.

Wafdigga ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka waxaa ka mid ah xubno ka kala tirsan Barlamaanka Federaalka  Soomaaliya  iyo Wasaaradda Arimaha dibadda.

Wafddiga Ra’iisal wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa Magaalada New Delhi ee Dalkaasi India uga qayb galaya shir caalami ah oo looga hadlayo ka faa’iidaysiga Tamarta cadceeda, kaa soo ay wada jir u soo agaasimeen dalalka Hindiya iyo France.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo sii maray magaalaad Nairobi ee Dalka kenya ayaa halkaasi kula kulmay Danjiraha India ee Soomaaliya,iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal iyo iskaashiga dhinaca horumarka.

Madaxweyne Gaas oo kulan la qaatey agaasimaha HSJ

0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa qada sharaf u sameeyay Agaaasimaha Guud HSJ Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Koofi iyo wafddi uu hoggaaminayay oo maalmahan howlo shaqo u joogay magaalada Garowe.

Mas’uuliyiintani  ka wada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa ilaalinta xaduudka Soomaaliya ay la wadaagto Dalalka dariska gaar ahaan qeybta kaga beegan deegaanada Puntland.

Sidoo kale agaasimaha ayaa madaxweynaha ka dalbaday in loo fududeeyo shaqooyinka ay sarakiisha Hay’addu ka hayaan deegaanada Puntland oo la xariira arrimaha Socdaalka , Basaboorka iyo diiwaan galinta ajaanibta ku sugan Deegaanada Maamul Goboleedka Puntland.

Ugu dambeyb madaxweynaha Puntland Mudane C/wali Gaas ayaa balan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan howlaha muhiimka ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka heyso deegaanada Puntland, waxaana uu tilmaamay in Hay’addan ay ka mid tahay Hay’addaha afarta ah ee sida tooska ah u hoos taga Federaalka.