Home Blog Page 1177

Madaxweyne Farmaajo oo Berrito u safraya Dalka Itoobiya

0

Muqdisho November 8 (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu Berrito oo jimaca ah u ambabaxo Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daar ee Dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa halkaasi kaga qayb geli doona Shir Saddex geesood ah oo uu halkaasi kula yeelanayo Ra’aysul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki, sida uu SONNA u sheegay , Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abdinur Maxamed Axmed.

Kulankan ayaa waxa uu isku xirayaa natiijooyinkii kasoo baxay heshiiska Shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay Waddamada Gobolka ku yeesheen Magaalada Asmara ee Dalka Eretrea Laba Bil ka hor.

Shariif Xasan Sh Aadan oo iska casilay madaxweynimada Koofur Galbeed

0

Madaxweynihii maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa is casilay.

Shir saxaafadeed lagu qabtay Baydhabo oo uu goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayuu Shariif Xasan ku shaaciyay is casilaaddiisa.

Waxa uu sheegay in uu isu casilay ilaalinta danta guud iyo danta dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya.

Shariif Xasan Sh Aadan, ayaa sheegay in uusan isu soo sharrixi doonin doorashada madaxtinimada Koofur galbeed ee lagu wado in dhowaan qabsoonto.

Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa siyaasadda Soomaaliya ku jiray tan iyo 2004 isagoo labo jeer noqday guddoomiye baarlamaan, marna ahaa ra’iisulwasaare ku xigeen iyo wasiirka maaliyadda.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu si KMG ah xilka ugu wareejiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo heynaya xilkaas inta ay ka dhaceyso doorashada.

Xukuumadda oo cambaareysay dilkii dad rayid ah loogu geysatay Huriwaa

0

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisalwasaaraha xukuumada federaalka ah ee soomaaliya ayaa lagu cambaareyey dhacdadii dadka rayidka ah ay kudhinteen ee dhawaan ee maalin ka hor kadhacday Magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay dowlada Soomaaliya waxay kusheegtay in inkastoo dowlada ay garowsantahay duruufaha ay kushaqeeyaan ciidamada NAbad ilaalinta Midowga Africa ee Amisom haddana Dowlada ay waajib k saarantahay ilaalinta shacabkeeda, waxayna kuwargalisay Xafiiska  Midowga Africa ee Amisom in si deg deg ah loosoo dhameystiro baaritaanka dhacdadan si cidii kadambeysay sharciga loo horkeeno.

Warsaxaafadeedkana Wuxuu Uqornaa Sidatan.

Guddoomiye Yariisow oo Taliska AMISOM kala hadlay dadkii rayidka ahaa ee lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho November 7 (SNTV):-Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Dua Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow ayaa Taliyaha AMISOM kala hadlay Dhacdo dad rayid ah lagu dilay oo ay ku lug yeesheen Ciidamada AMISOM.

Eng: Yariisow ayaa sheegay in Taliska AMISOM uu muujiyay sida uu kaga xun yahay in dad rayid ah la dhibaateeyo, wuxuuna codsaday in Baaris dhab ah uu ku sameynayo cidii ka dambeysay falkaasi, sidoo kale wuxuu Taliska AMISOM balanqaaday inuu la kulmayo Qoysaskii dhibaatadu gaartay.

“Taliyaha AMISOM ayaan kala hadlay dhacdadii shalay ciidamo AMISOM ay ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa, una sheegay inaan la aqbali karin shacab in wax loo geysto. Waxaana ka dalbaday inuu baaris dhab ah ka sameeyo, waxuuna ii ballanqaaday in AMISOM ay qoysaskii dhibaatadu soo gaartay ay la kulmayaan, tallaabo adagna laga qaadi doono cidii falkaas ku kacday”.ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa isla shalay oo falkan uu ka dhacay degmada Heliwaa sheegtay in ay baarayso sida ay wax u dhaceen.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka waxaa ka go’an la dagaallanka argagixisada Alshabaab iyo wixii la hal maala, sidoo kalena waxaa dowladda ka go’an dhowrista bad-qabka shacabka Soomaaliyeed oo ah kan dartiis dagaalka loogu jiro.

Dowladda Soomaaliya oo bogaadisay guusha ilhaan Cumar

0

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay guusha Ilhaan Cumar oo ku guuleysatay xubinnimada aqalka Kongareeska  ee dalka Mareykanka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, ayaa guusha Ilhaan Cumar ku tilmaamay mid lagu faani karo. Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Ururka haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gabballe, ayaa iyaguna hambalyo u diray Ilhaan Cumar guusha ay soo hoysay ee ah in ay ku biirtay Koongareyska Mareykanka.

Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta soo bandhigay Qorshayaal lagu hormainaayo Muqdisho.

0

Muqdisho November 7 (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa shir guddoomiyay kulan ku saabsan barnaamijka Horumarinta Dawladaha Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyay dhammaan ka qeyb-galayaasha waqtigooda iyo wada shaqaynta ay la leeyhiin Maamulka Gobolka Banaadir. Isagoo ku dheeraaday aragtida maamulka ee ku aaddan kor u qaadista adeegyada bulshada, Tayeynta Shaqaalaha, hagaajinta xeer nidaamiyaasha iyo habraacyada shaqo ee D/Hoose, gaar ahaan maamulka Maaliyadda iyo tan shaqaalaha.

“Waxaa shirka looga dooday waxyaabihii ka soo baxay Warbixin ku saabsanayd Qiimeynta maamulleed ee D/Hoose, taasoo la sameeyay 4 bilood ka hor, si ay aas-aas ugu noqoto qorshooyinka maamulka ee lagu horumainayo waxqabadka D/Hoose. Waxaa sidoo kale shirka laga soo jeediyay Qorshe Hoowlleedka Barnaamijka Horumarinta D/Hoose ee sanadka 2019, taasoo maamulka Gobolka Banaadir ku hoowlgali doono si ay dadweynaha dagan Mqudisho u helaan adeeg tayo leh”.

Duqa Muqdisho ayaa adkeeyey in ka maamul ahaan ay balan-qaadayaan in sidii loogu talagalay ay u fulaan qorshayaasha barnaamijka horumarinta Dawladaha Hoose qaybta Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay ku xigeenada guddoomiyaha, Agaasimayaasha guud iyo Agaasimeyaal kale ee D/Hoose. Waxaa sidoo kale shirka goob joog ka ahaa Wakiilo ka kala socday ilaa 5 hey’adood oo UN ah ee ku bahoobay barnaamijka Horumarinta Dawladaha Hoose.

Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo daahfurtay Istraatijiyadda Wacyigelinta Qaranka

0

Muqdisho November 7 (SNTV):- Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka Wasiiro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay Istaraatijiyadda Wacyigelinta Qaranka, kaasi o ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka, Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Agasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa sheegay in Istaraatiijiyadda Wacyigelinta Qaranka la soo waday muddo dhowr sano ah taasi oo ku timid daraasad ay Wasaaraddu sameysay oo ah waxyaabaha ay dadku u baahanyihiin in laga wacyigeliyo.

“Daraasadda waxaa ka soo baxay hal beegyo waa weyn, oo ah meelaha ay tahay in dadka Sooamaliyeed laga wacyigeliyo, farsamayaqaanada Wasaaradda waxa bileen xog arruurin, si loo qaabeeyo, waxaana bishii la soo dhaafay Golaha Wasiirada ay meel mariyeen Istraatijiyadda Wacyigelintå Qaranka oo aan rabno inaan maanta idinla wadaagno” ayuu yiri Agaasime Cadaala.

Qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah ee madasha ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan daahfurka Istaraatiijiyadda Wacyigelinta Qaranka oo la joogteeyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay inay tahay wax lagu farxo la dagaallanka jahliga iyo sidii bulshada loo siin lahaa wacyigelin guud.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in barnaamijka dadka lagu wacyigeliayo uusan ahayn kaliya mid dowladeed balse shacabka ay wax ku leeyihiin, iyadoo arrintaas ay hormuud ka tahay Wasaaradda Warfaafinta, loona baahanyahay in bulshada la fahamsiiyo ahmiyadda ay Nabadda iyo wacyigelintu leedahay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa hoosta ka xariiqay in barnaamijkan la soo waday waqti badan, isla markaana uu isagu ku soo aaday gunaanadkisa iyo meel marintiisa.

“Mas’uuliyiin iyo dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ka soo shaqeeyay, meesha waxaa ugu muhiimsan Isqaadasho oo ah qodob aad u muhiimsan, qodobka kale waxa uu yahay, xagjirka , fikirka xagjirka ah waxa uu yahay in wiilasha dhallinyarada ee dhufeyska meesha qaldan kaga jira, inaan toosino iyaga oo aan la delin tusno inay qalad ku jiraan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Guddoomiyaha  Golaha Aqalka sare ee dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in bulshada ay ka shaqeeyaan midnimada Ummadda, waxaana Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ku bogaadinayaa inay xoojiyaan wacyigelinta bulshada.

“Waxaan Wasaaradda Warfaafinta u soo jeedinaaya inay xooga saaraan fanaaniinta Soomaaliyeed oo kaalin weyn ka qaadan karo wacyigelinta bulshada” ayuu yiri Mudane Cabdi Xaashi oo hadalkiisa ku daray “Soomaaliyeey aan ka shaqeyno midnimadeena iyo wadjirkeena oo aan taageerno hogaankeena, si aan u hiigsano himiladeena”

Ilhaan Cumar oo ka mid noqotay Kongareeska Mareykanka

0

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali-Mareykan ah ayaa ku guuleysatay xubinnimada golaha Koongareeska Mareykanka.

Ilhaan yaraanteedii tagtay Mareykanka,ayaa noqoneysa gabadhii ugu horreysay ee muslimad xijaaban ah oo gasha Koongareeska Mareykanka.

Ilhaan ayaa horay uga tirsaneyd golaha sharci dejinta Menisoota, waxa ayna hadda gali doontaa booskii uu banneeyay Kait Elilson oo doortay in uu u ordo xeer ilaaliyaha gobolka Minisota.

Guusha Ilhaan ayaa ahayd mid la filayay oo aad loo sugayay, waxaana lagu tilmaamay mid taariikhi ah.

Ilhaan waxa ay u yar tahay walaaleheed oo 7 ah, waxa ay muddo qoxooti ku ahayd xeryaha qoxootiga kenya. 1995-kii ayay u haajirtay Mareykanka, markaas oo ay waxbarashadeeda sii wadatay, waxa ay ku shaqeysay turjumaannimo iyadoo 14 jir ah.

Ilhaan waxa ay culuumta siyaasadda iyo Diraasaadka caalamiga ah ka baratay jaamacadda North Dekota, oo ay ka baxday 2011,waxa ayna ka shaqeysay adeegga bulshada gaar ahaan ololeyaasha nafaqeynta carruurta, sidoo kale waxaa ay bare ka noqotay jaamacadda Minisota.

Waxa ay ka tirsan tahay xisbiga Dimoqraadiga ah.  2016 ayay ku guuleysatay xubinnimada baarlamaanka Minisota,iyadoo ka adkaatay murashada ka socday xisbiga Jamhuuriga ah ee madaxweyne Donald Trump.

Guusha Ilhaan ayaa loo arkaa mid u soo hoyatay muslimiinta Mareykanka, gaar ahaanna dadka madowga ah oo la kulma cunsuriyad la xiriirta isirkooda iyo dalalka ay ka soo jeedaan.

 

 

Wasiir Beyle oo la Kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Saraakiil kale

0

Muqdisho November 6 (SNTV);-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Saraakiisha ugu sareysay Booliska.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu kala hadlay muhiimada ay leedahay dar dar galinta horumarinta Canshuuraha Dalka iyo ilaalnta hantida Dadweynaha.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay ka go’an tahay sidii Ciidammada ay bil kasta u heli lahaayeen Mushaaraadka ay xaqa u leeyihiin maadaama ay sugayaan Amniga, dagaalna ay kula jiraan Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab oo Shacabka u maleega Weeraro ay ku dhibaateeyaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed iyo Saraakiisha ayaa Wasiir Beyle Warbixin ka siiyay Amniga iyo xasiloonida ay soo hoyeen Ciidamada Booliska, iyagoona balanqaaday inay laba laabi doonaan dadaalka lagu sugayo amniga.

Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka iyo Bankiga aduunka oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka

Muqdisho November 6 (SNTV);-Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka ayaa maanta la kulmay xubno ka socday Bankiga aduunka (World Bank).

Xubnihii ka socday World Bank ayaa guddiga la wadaagay warbixin ku saabsaneyd fursadaha dhaqaale ee aduunka ka jira iyo sida Soomaaliya loogu faa’iideyn karo.

Sidoo kale waxa ay soo bandhigeen Barnaamijyada la xiriira hormarinta dhaqaalaha oo ay ka wadaan Soomaaliya, isbadalada dhaqaalaha ee sanadihii la soo dhaafay iyo fursadaha hada banaan.

” Soomaaliya waxa ay ku socotaa wado wanaagsan oo dhanka dhaqaalaha ah, waxa soo jeedineynaa hadaan nahay World Bank in laga faa’iideysto fursaha banaan oo wax badan oo dadaal ah la sameeyo, anaguna mar walbo wa idiin garab taaganahay”. ayuu yiri Hugh Riddell oo ka socday Bankiga aduunka.

Guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka ayaa dhankooda la wadaagay shaqooyinka ay qabteen iyo howlaha uu guddigooda u xil saaran yahay.

Sidoo kale waxa ay la wadaageen waxyaabaha uu golaha shacabka u baahan yahay.

Guddoomiyaha guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee golaha shacabka mudane Cali Cabdi Cismaan ayaa sheegay in Bankiga aduunka wax badan ay ka taageeri doonaan golaha shacabka.

“ Xubnaha ka socday Bankiga aduunka wax badan ayaa maanta kawada hadalnay, waxan ka codsanay iney mar walbo noo soo gudbiyaan warbixinada muhiimka ah si aanula jaanqaadno caalamka dhaqaalaha dalkana uu usii hormaro, waxay noo balan qaadeen iney wax badan naga caawin doonaan”. ayuu yiri guddoomiye Cali.