Guddoomiye Yariisow oo Taliska AMISOM kala hadlay dadkii rayidka ahaa ee lagu dilay Muqdisho

Date:

Muqdisho November 7 (SNTV):-Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Dua Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow ayaa Taliyaha AMISOM kala hadlay Dhacdo dad rayid ah lagu dilay oo ay ku lug yeesheen Ciidamada AMISOM.

Eng: Yariisow ayaa sheegay in Taliska AMISOM uu muujiyay sida uu kaga xun yahay in dad rayid ah la dhibaateeyo, wuxuuna codsaday in Baaris dhab ah uu ku sameynayo cidii ka dambeysay falkaasi, sidoo kale wuxuu Taliska AMISOM balanqaaday inuu la kulmayo Qoysaskii dhibaatadu gaartay.

“Taliyaha AMISOM ayaan kala hadlay dhacdadii shalay ciidamo AMISOM ay ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa, una sheegay inaan la aqbali karin shacab in wax loo geysto. Waxaana ka dalbaday inuu baaris dhab ah ka sameeyo, waxuuna ii ballanqaaday in AMISOM ay qoysaskii dhibaatadu soo gaartay ay la kulmayaan, tallaabo adagna laga qaadi doono cidii falkaas ku kacday”.ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa isla shalay oo falkan uu ka dhacay degmada Heliwaa sheegtay in ay baarayso sida ay wax u dhaceen.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka waxaa ka go’an la dagaallanka argagixisada Alshabaab iyo wixii la hal maala, sidoo kalena waxaa dowladda ka go’an dhowrista bad-qabka shacabka Soomaaliyeed oo ah kan dartiis dagaalka loogu jiro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...