Ilhaan Cumar oo ka mid noqotay Kongareeska Mareykanka

Date:

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali-Mareykan ah ayaa ku guuleysatay xubinnimada golaha Koongareeska Mareykanka.

Ilhaan yaraanteedii tagtay Mareykanka,ayaa noqoneysa gabadhii ugu horreysay ee muslimad xijaaban ah oo gasha Koongareeska Mareykanka.

Ilhaan ayaa horay uga tirsaneyd golaha sharci dejinta Menisoota, waxa ayna hadda gali doontaa booskii uu banneeyay Kait Elilson oo doortay in uu u ordo xeer ilaaliyaha gobolka Minisota.

Guusha Ilhaan ayaa ahayd mid la filayay oo aad loo sugayay, waxaana lagu tilmaamay mid taariikhi ah.

Ilhaan waxa ay u yar tahay walaaleheed oo 7 ah, waxa ay muddo qoxooti ku ahayd xeryaha qoxootiga kenya. 1995-kii ayay u haajirtay Mareykanka, markaas oo ay waxbarashadeeda sii wadatay, waxa ay ku shaqeysay turjumaannimo iyadoo 14 jir ah.

Ilhaan waxa ay culuumta siyaasadda iyo Diraasaadka caalamiga ah ka baratay jaamacadda North Dekota, oo ay ka baxday 2011,waxa ayna ka shaqeysay adeegga bulshada gaar ahaan ololeyaasha nafaqeynta carruurta, sidoo kale waxaa ay bare ka noqotay jaamacadda Minisota.

Waxa ay ka tirsan tahay xisbiga Dimoqraadiga ah.  2016 ayay ku guuleysatay xubinnimada baarlamaanka Minisota,iyadoo ka adkaatay murashada ka socday xisbiga Jamhuuriga ah ee madaxweyne Donald Trump.

Guusha Ilhaan ayaa loo arkaa mid u soo hoyatay muslimiinta Mareykanka, gaar ahaanna dadka madowga ah oo la kulma cunsuriyad la xiriirta isirkooda iyo dalalka ay ka soo jeedaan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...