Ilhaan Cumar oo ka mid noqotay Kongareeska Mareykanka

Date:

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali-Mareykan ah ayaa ku guuleysatay xubinnimada golaha Koongareeska Mareykanka.

Ilhaan yaraanteedii tagtay Mareykanka,ayaa noqoneysa gabadhii ugu horreysay ee muslimad xijaaban ah oo gasha Koongareeska Mareykanka.

Ilhaan ayaa horay uga tirsaneyd golaha sharci dejinta Menisoota, waxa ayna hadda gali doontaa booskii uu banneeyay Kait Elilson oo doortay in uu u ordo xeer ilaaliyaha gobolka Minisota.

Guusha Ilhaan ayaa ahayd mid la filayay oo aad loo sugayay, waxaana lagu tilmaamay mid taariikhi ah.

Ilhaan waxa ay u yar tahay walaaleheed oo 7 ah, waxa ay muddo qoxooti ku ahayd xeryaha qoxootiga kenya. 1995-kii ayay u haajirtay Mareykanka, markaas oo ay waxbarashadeeda sii wadatay, waxa ay ku shaqeysay turjumaannimo iyadoo 14 jir ah.

Ilhaan waxa ay culuumta siyaasadda iyo Diraasaadka caalamiga ah ka baratay jaamacadda North Dekota, oo ay ka baxday 2011,waxa ayna ka shaqeysay adeegga bulshada gaar ahaan ololeyaasha nafaqeynta carruurta, sidoo kale waxaa ay bare ka noqotay jaamacadda Minisota.

Waxa ay ka tirsan tahay xisbiga Dimoqraadiga ah.  2016 ayay ku guuleysatay xubinnimada baarlamaanka Minisota,iyadoo ka adkaatay murashada ka socday xisbiga Jamhuuriga ah ee madaxweyne Donald Trump.

Guusha Ilhaan ayaa loo arkaa mid u soo hoyatay muslimiinta Mareykanka, gaar ahaanna dadka madowga ah oo la kulma cunsuriyad la xiriirta isirkooda iyo dalalka ay ka soo jeedaan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...