Home Blog Page 1178

Soomaaliya iyo Eritrea oo Heshiis Kala saxiixday

0

Asmara (SNTV);-Waxaa magaalada Asmara ee dalka Erereriya kusoo dhammaaday booqashadi  rasmi aheyd oo halkaas ay ku joogeen Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka ah ee soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayey.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxay halkaas kulan kulasoo qaateen, madaxda dalkaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dalka, iyo arimo kale oo labada dowladood muhiim u ah, waxaana kulankaas lagasoo saaray warmurtiyeed. u qornaa sidan;

Iyada oo maanka lagu hayo xiriirka iyo saaxiibtinimada qotoda dheer ee labada  shacab ee Ereteriya iyo Soomaaliya.

Iyada oo dib loo millicsanayo xaqiiqada ah in shucuubta Soomaaliya iyo Ereteriya ay si joogta ah isu garab istaageen, isuguna taageereen halgankii mid kasta ugu jirey  xornimada, madaxbannaanida iyo horumarka.

Iyada oo lagu salaynayo xiriirka walaaltinnimo ee taariikhiga ah iyo dedaalka ay labada dowladood ugu jiraan yagleelidda iskaashi labada dhinac ah, oo u faa’iidaynaya labada dal iyo guud ahaan gobolka;

Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen qodobbada soo socda: –

1.Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah, waxayna  leedahay khayraad tiro badan oo isugu jira kuwo aadmi iyo kuwo dabiici ah.

Laakiin  ka faa’iideysiga khayraadkaas waxaa ka hor istaagey dhibaatooyinka gudaha ka jira iyo faragelin dibadeed. Sidaasi darteed, Ereteriya waxay si mug leh u taageereysaa madaxbannaanida, siyaasadeed, qarannimada iyo midnimada Soomaaliya si dalku uu u soo ceshado maqaamkii uu ku dhex lahaa dunida, loona xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

2.Soomaaliya iyo Ereteriya waxay dadaal gelinayaan sidii ay u sameysan  lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga.

3.Labada dal waxay yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed iyaga oo is dhaafsanayaan danjireyaal, sarena u qaadaya ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, sidoo kalena isweydaarsanaya fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka.

4.Ereteriya iyo Soomaaliya waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sidii loo  horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

 

Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka hadlay nooca siyaadda dalka u baahan yahay

0

Ra’isalwasaaraaha xukuumada federaalka ah  ee somalia mudana xasan cali Kheyre, oo ku sugan magaalada Garowe ee xarunta puntland ayaa Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeedinayey munaasabad soo dhaweyn ah oo ay usoo sameeyeen madaxda iyo dhalinyarada jaamacada bariga Africa  ee magalaadaas , waxanana uu ka  hadlay arimo  badan oo  ay kamidtahay  doorka dhalinyarada ee dib u dhiska  wadanka, midnimada iyo wadajirkka, waxyaabaha dowlada federaalka ay hiigsaneyso  mustaqbalka dhow iyo kan fogba, horumarinta dhaqaalaha, siyaasada, Amniga, cadaalada, iyo sidii  Soomaaliya ay wax ula qeybsan laheyd  caalamka.

Khudbada r’aisalwasaaraha oo aad u dheereyd soona jiidatay dadka goobta fadhiyey ayaa ugu horeyn ku ammaanay madaxda iyo shacabka reer puntland sida ay isu horumariyeen mudadii ay jireen oo gaareysa 20 sano, waxana uu sheegay in mudadaas ay gaareen horumar wanaagsan oo kudayasho mudan isagoo dhalinyarada reer puntland ku booriyey inay ka qeybqaataan Nabada iyo dowladnimada,

“waxaa muuqata in horumar wayn aad sameyseen, maskax iyo caqli ayaadna kudhisateen deegaankiina” ayuu yiri ra’isalwasaare Kheyrre.

Ra’iisul wasaaraha oo hadalkiisa u badnaa mid uu ku guubaabinayey dhallinyarada kuna tusayey Awooddooda, Aqoontooda iyo cuddadooda, ayaa sheegay in dadkii dalkan xornimada garsiiyey ay dhalinyaro ahaayeen, taasina ay ku keenneen isku duubni iyo wadajir, sidaas darteed uu ugu baaqayo dhalinyarada inay ka fakaraan sidii ay u midoobi lahaayeen  dalkoodana ay  dhibaatada uga saari lahaayeen, wuxuuna intaas kudaray in dhalinyaradu  ay looga baahanyahay inay noqdaan tabliiqa cusub ee nabada iyo dowlada.

Ra’isalwasaaraha ayaa sheegay in lo baahan yahay siyaasad hufan oo kala saarta awoodda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleeyada.

Mar uu ka hadlayey dagaalka deegaanka Tukaraq waxa uu sheegay in dagaalkaas uu dhibaato kuyahay shacabka labada dhinac iyo guud ahaan soomaaliya sidaas darteed ay haboontahay in si deg deg ah lagu joojiyaa.

“waa in dagaalka tukaraq lagu baddelaa xasilooni iyo midnimo” ayuu yiri Mudane Kheyre.

Mudane Xasan Cali Kheyrre Ra’isul wasaaraha soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la helaa nidaam cadaaladeed oo dhameystirin kaasoo buu yiri  dadka somaliyed oo dhan ay aqbalaayaan waa in dowladnimada laga horumarinayo  ayuu yiri danaha gaar ah,

Waxa uu sheegay in sanadka 2020 ay dowlada ay rajeyneyso in  dalka laga hirgaliyo  Dastuur dhab ah shacabka somaliyed ay leeyihiin, kaasoo ah sharci dadka kala hagaya.

Mar uu ka hadlayey hufnaanta Maaliyadda ee dalka waxa uu sheegay in  horumar fiican laga gaaray arintaas   wax badanna dowladu ay ka qabatay dhinaca maaliyada, taasoo aduunku uu ku ammaanay, isagoo rajeyey in laga cafin doonno somalia  deymaha lagu leeyhahay.

“waa inaan ka fogaanaa musuqmaasuqa oo aan la imaannaa nidaam hufan, Aduunkana wuxuu nagu Ammaanay inaan horumar fiican ka sameynay nidaamka maaliyadeenna” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Madaxda Jaamacada bariga Africa ee magaalada Garowe ayaa Ra’isul wasaare gudoonsiiyey shahaado sharaf ku saabsan sida uu ugu guuleystay xasilinta dalka, waxaana isla goobta lagusiiyey buug ka hadlayey sida loo noqdo hogaamiyo wanaagsan.

 

Dadwaynaha reer Zimbabwe oo maanta u dareeray doorashada Madaxtimada

Muqdisho (SNTV);- Dadka reer Zimbaabwe ayaa dooranaya hoggaan cusub, mudo ka badan 30 sano oo xukunka dalkaasi haystay madaxweynihii hore ee dalkaasi Rober Mugabe,waxaana ku tartamaysa doorashada dhowr musharax.

Waxaa doorashada ku loolamaya xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka oo tiro ahaan gaaraya ilaa 20 xisbi,waxaana kamid ah madaxweynaha haatan talada haya Emerson Mnangagwe iyo Nelson oo xaga mucaaradka ka soo jeeda.

Dhanka kale madaxweynihii hore ee talada laga riday ee dalkaasi Robert Mugabe ayaa sheegay in uusan taageersanayn xisbiga muxaafadka oo uu wax ka soo dhisay,wuxuuna sheegay inuusan taageereyn ninka xilka ka qaaday oo ku tartamaya magaca xisbiga isaga uu sameeyey ee Zanu PF, Emmerson Mnangagwa,maadaam uu yahay ninkii xilka ka tuuray.

Taasi bedelkeeda waxaa uu Mr Mogabe uu sheegay in uu taageersan yahay ninka dhanka mucaaradka ka socda ee Nelson Chamisa,isagoo intaasi ku daray in marnaba uu codsiiga siin doonin mr Emerson.

Hadalkaasi ayuu shalay ka sheegay shir jaraaid uu gurigiisa oo kuyaala magaalada Harare ee caasimadda dalkaasi Zimbabwe ugu qabtay warbaahinta,wuxuuna cadeeyey mowqifkiisa.

5,635,706 ayaa iisu diiwaangeliyey iney doorashada codkooda ka dhiibtaan, mucaaradkuse waxay ka shaki qaban saxnaashaha tiradaasi la sheegay.

43.5% dadka cod bixinta iisu diiwaan geliyeyy waxay da’doodu ka hooseysaa 35 jir.

10,985 oo goob doorasho ayaa la diyaariyey,iyadoo maanta dadku ay safuuf dhaadheer ugu jiraan si ay uga qeyb qaataan doorashadaasi.

 

 

Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafdigiisa oo xalay casho sharaf loogu sameyeey Garoowe

0

Muqdisho (SNTV);- Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay Hotelka AJJ PALACE ee Garowe Ra’iisul-wasaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane. Xassan Cali Khayre iyo wafdigiisa oo shalay gaaray halkaasi.

Madaxweyne Gaas  ayaa casho sharftan uu u sameeyay Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa  ka soo qayb galay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, Marwada koowaad ee Puntland Marwo Hodan Siciid, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Kuxigeenadiisa, Golayaasha Dowlad goboleedka  Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa waxaa ay booqan doonaan xarumaha dhaqanka ee Puntlnad, iyagoo la wadaagi doona maamuus iyo casuumadaha kale ee ugaarka ah madaxda dhaqanka Puntlnad.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa muddada uu joogo Puntlnad  Waxaa uu booqan doonaa xarumaha wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee  maamulka  Puntland ee magaalada Garoowe.

waxaana  uu ka qeybgalidoona xuska sanadguuradii 20-aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasey maamulka Puntland,taasi oo ku began 1da bisha August ee soo socota.

 

R/Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo furay Kulan wadatashi ah oo looga hadlayo Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

0

29, JULY, 2018, Muqdisho (SNTV) R/Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed ayaa maanta furay kulan wadatashi ah oo diiradda lagu saarayo hanaanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiyada.

R/Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Xukuumada ay xoogga saareyso hirgalinta Doorasho qof iyo cod ah, sidoo kalena Xukuumadda ay dhiirigelinayso ax-saabta is -diiwaangeliyay.

Sidoo kale, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumada Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb galay shirka wadatashiga ayaa xusay in qabsoomidda Doorashada ee la rajaynayo sanadka 2020 ay ku xiran tahay in hab midnimo ah loo wajaho iyadoo ay iska kaashanayaan dhammaan dhinacyada ay khuseeyso.

Shirkan maanta furmay ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee ku aadan Manhajka wacyigelinta iyo Waxbaridda Codbixiyaha Doorashada, iyadoo intii uu wadatashigu socday mas’uuliyiinta Guddigu ay kulan la qaateen xisbiyada sida kumeel gaarka ah loo diiwaangeliyay iyo kuwa lagu wado in dhowaan loo sameeyo diiwaangelin.

Xuseen Cabdi Aadan oo katirsan Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka hadlay madasha kulankan ayaa sheegay in Xisbiyada looga baahanyahay in ay la yimaadaan Aragtiyo dhaxal-gal ah oo lagu biirin karo diyaarinta Manhajka Wacyigelinta Doorashada, isagoo sheegay in uu rajaynayo in weyn looga faa’iideeysan doono wadatashigan.

“konton sanno kahor ayaa noogu dambeeysay doorasho nidaam xisbiyo badan oo dalka ka dhacda, sidaa darteed waxaan u dooranay manhajkan si taasi loo hirgeliyo” Xuseen Cabdi ayaa sheegay.

Kulanka wadatashigan ayaa qaadan doona muddo labo cesho ah ayaa lagu wadaa in ay kasoo baxaan tallooyin dhaxal-gal u ah Manhajka Hanaanka Doorashada Qaranka iyo Xisbiyada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan qorshaha doorasho ee qof iyo cod  sanadka 2020.

 

Robert Mugabe oo hadal layaab leh jeediyay xilli ay berri doorasho ka dhici doonto Zimbabwe

29, JULY, 2018, Muqdisho (SNTV) Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa qabtay shirjiraa’id oo uu kaga hadlayo Doorashooyinka guud ee lagu wado in maalinta berri ah ay u dareeraan dadweynaha dalka Zimbabwe.

Mr. Mugabe ayaa sheegay in uu taageeri lahayn Emmerson Mnangagwa oo ah ninka u sharaxan xisbiga Zanu-PF islamarkaana ay ku wadaan inuu noqdo qofkii bedeli lahaa oo noqon lahaa madaxweynaha dalka Zimbabwe.

Robert Mugabe ayaa si khasab ah looga qaaday xafiiska talada dalkaasi ayaa yiri ‘Anigu ma taageeri lahayn xisbiga aan dhisay oo si qasabka ah iigaga qaaday xafiiska’

“uma codeeyeen kuwa isoo weeraray oo i hareereeyay,” ayuu yiri. “aniga waxaan xulan lahaa oo dooran lahaa 22-ka kale ee musharixiinta ah.”

Hadalka Mugabe ayaa kusoo beegmay xilli maalinta berri ee isniinta loo balansan yahay in ay doorashooyinka guud ee ka qabsoomaan gudaha dalka Zimbabe, doorashadaasi oo ah tii ugu horreeysay oo laga qabto dalkaasi taniyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe.

Falastiin Iyo Israaiil oo laga dhex wado dadaalo xabad joojin

Isku duwaha wada hadalada  Nabadeed ee Qaramada Midoobay  ay u xilsaartay Arimaha Barig Dhexe  ayaa Mudooyinkaan falastiiniyiinta iyo israel  ka dhexe waday wada hadalo  lagu doonayo  in xabad joojin lagu dhexhe  dhigo labada dhinac.

Mladenov oo ku sugan Qaahira ayaa  wada hadalo la  yeeshay  madaxda labada Dowladood iyo  madaxda hogaaminaysa  dowladda ay dariiska yihiin ee Masar, waxaanna la sheegay in  uu kala hadalay  sidi looga gaabsan  lahaa in ay dib u soo laabtan rabshado hor leh   iyo xasuuq dib uga dhaca Qasa.

Dad badan oo reer  Falastiin ah  ayaa  ku dhintay qulqulatooyin  ka dhacay magaalada Qasa taasoo looga cabanayey degaameynta israel ay kawado  dhulalka falastiiniyiinta

 

Soomaaliya oo safaarad ku yeelanaysa Eritrea.

Madaxwaynaha JFS mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Eritrea ayaa kulan la yeeshay madaxwaynaya dalkaas Isaias Afwerki, waxaana ay dhidibadda u aaseen xiriir cusub oo labada dal ay yeeshaan, kaas oo ku qotoma iskaashi, amni, dhaqaale iyo bulsho.

Dawladda FS ayaa safaarad ka furanaysa caasimadda Asmara, halka Eritrea ay safaarad ka furanayso Muqdisho, taas oo ah isha laga garto calaaqaadka rasmiga ah ee laba dal, sidaa waxaa xaqiijiyey wasiirka warfaafinta xukuumadda FS mudane Daahir Maxamuud Geelle.

Eritrea waa dal abuurmay 1993-dii, waqtigaas oo Soomaaliya colaado sokeeye ka jireen, hadda ka horna caalqaad dawladeed oo toos ah ma dhex marin, inkastoo xiriir ummadeed iyo mid gobol uu ka dhexeeyo, waxaana shalay socdaalkii ugu horreeyey ee madaxwayne Soomaaliyeed ku tagay madaxwaynaha JFS mudane Maxamed Cabduullaahi Farmaajo.

Garowe oo lagu soo dhaweyay Ra`iisul wasaare Xasan Cali KHayre

0

waxaa si hare sare ah lagu soo dhaweyay magaalada Garowe ee xaruunta maamullka Puntland  Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali KHayre iyo wafdi u hoggaminayo  iyadoo faras-magaalaha la suray sawirka Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa waxaa ku soo dhaweyay wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Mas’uuliyiinta  Maamull  Goboleedka Puntland iyo dadweyne fara badan, si ay uga qeyb qaataan soo dhoweynta wafdiga uu hor kacayo Xasan Cali KHayre,iyadoo ay ku wehelinayaan xubno ka tirsan golaha xukumaada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiiradda ee todobaadkan ayaa waxaa  uu ka dhacaya magaalada Garowe kasoo looga hadalayo  xaalada dalka, sanadkii hore ayay aheyd markii shirkii Golaha Wasiirada lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Toos ugaa daawo SNTV soo dhawaynta Ra’iisul Wasaaraha  dalka  ee Magaaladda Garowe

 

 

Guddoomiye Yariisow oo sheegay in labaahiyo awoodda maamulka degmooyinka

0

Guddoomiyaha  Gobolka ayaa tilmaamay in mudnaanta ay siinayaan maamulka Gobolku kor u qaadista aqoonta iyo khibradda maamul ee masuuliyiinta iyo shaqaalaha degmooyinka Gobolka Banaadir, taas oo salka ku haysa qorshaha dib u habaynta iyo daadajinta Adeegyada bulshada.

“Dadaal badan ayaan gelinaynaa sidii aan u dhisi lahayn awoodda maamul ee degmooyinka Gobolka, annaga oo beegsanayna sidii aan u xoojin lahayn daah furnaanta maamulka, la dagaallanka musuq maasuqa iyo asteynta maamul wanaag si siman ugu wada adeegayada dhammaan shacabka.”

Eng.Yarisow ayaa faray Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banadir in ay si siman ugu adeegaan bulshada, isla markaasna ay joogteeyaan kormeerka iyo la socodka xafiisyada adeegga bulshada, laamaha ammaanka iyo garsoorka degmooyinkooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey in ay muhiim tahay kor u qaadista kalsoonida shacabku ay ku qabaan maamulka degmooyinkooda, arrinkaas oo xoojinaya wada shaqeynta bulshada iyo maamulka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasilinta oo ay kaalin wayn ka qaateen shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir.