Home Blog Page 1178

Dowladda Soomaaliya oo wadda Baaritaanka Dhacdo dad rayid ah waxyeelo kasoo gaartay oo ka dhacday Huriwaa

0

Muqdisho November 6 (SNTV);-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay la socoto dad rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartay dhacdadii ay ku lug lahaayen ciidamadda AMISOM ee saaka ka dhacday degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir, iyadoona baaritaano ay socdaan sida lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo sidan u qornaa:-

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay la socotaa dhacdo ay dad rayid ah waxyeello ka soo gaartay oo ka dhacday degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug leeyihiin ciidanka Nabad Ilaalinta AMISOM.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka waxaa ka go’an la dagaallanka argagixisada Alshabaab iyo wixii la hal maala, sidoo kalena waxaa dowladda ka go’an dhowrista bad-qabka shacabka Soomaaliyeed oo ah kan dartiis dagaalka loogu jiro.

Dowladdu waxa ay waddaa baaritaan la xiriira dhacdada maanta,iyadoo bulshada la wadaagi doonta wixii ka soo kordha, waxeyna Ka xuntahay waxyeelo gaarta shacabka Soomaaliyeed.

SHARE

Wafdi Heer sare uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Turkiga oo Berri Muqdisho kusoo wajahan

0

Muqdisho November 6 (SNTV);-Sida ay Wakaaladda SONNA u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Dowladda waxaa maalinta Berri ah Magaalada Muqdisho kusoo wajahan wafdi heer sare ah oo ka socda Dowlada Turkiga isla markaana uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca dalkaas.

Wafdigan waxaa kamid ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA.

Wafdiga ayaa wada hadallo la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya, iyagoona ka shaqeyn doonaa sidii loo hormarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Hay’addaha amniga Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa kaalin wanaagsan ka qaadaneysa dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyadoo Magaalada Muqdisho ka dhistay saldhig ay tababar tayo sare leh kusiinayso ciidamada Xoogga Dalka oo ay ku jiraan Saraakiil, Saraakiil xigeen, waxaana sidoo kale Labada Dal dhex mara heshiisyo iskaashi ah.

Kulan Sannadeedka Golaha Wasiirrada Ee Dar-Dar Gelinta Qorshayaasha Qaranka Oo La Soo Gebagebeeyay

0

Muqdisho (SNTV) Golaha wasiirrada oo mudda laba maalin ah uu Muqdisho uga socday kulan sannadeedka dar-dar gelinta qorshayaasha qaranka ayaa isku raacay in la xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha dawladda, dar-rar gelinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta amniga caasimadda, in dhaqankii qaldanaa lagu bedelo dhaqan ku salaysan run isu-sheegid, in si hufan loo ilaaliyo amaanada ummadda iyo in la xoojiyo isla xisaabtanka.

Golaha ayaa sidoo kale isku raacay in dib loo eego hal-beegyada siyaasadda loo dhanyahay oo xoogga la saaro dhamaystirka dastuurka, meel marinta sharciyada muhiimka u ah hannaanka awoodda loogu celinayo gacanta ummadda Soomaaliyeed si ay doortaan hoggaanka ay xaqa u leeyihiin.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali, oo khudbad kooban ka jeediyay xiritaankii kulanka ayaa sheegay in mas’uuliyiinta fursadda u helay in lagu aamino masiirka ummadda Soomaaliyeed, laga doonayo in ay uga soo baxaan mas’uuliyadda sidii loogu aaminay oo ay ka shaqeeyaan danta ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ku boorriyay wasiirrada in ay dhaqan geliyaan qodobadii kasoo baxay shir sannadeedka si loo gaaro hiigsaga ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Dowladda Finland

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha ka guddoomay Danjiraha Dowladda Finland ay u soo magacawday Soomaaliya Mudane Erik Lundberg.

Danjire Erik ayaa Madaxwweynaha Jamhuuriyadda u gudbiyey farriin uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane Sauli Niinistö.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Danjire Siciid Xaaji Maxamuud oo goobjoog ku ahaa munaasabaddan ayaa xusay taariikhda xiriirka labada dal iyo muuhiimadda ay leedahay in la dardar-geliyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Finland.

“Dalka Finland waxaan la wadaagnaa xiiir saaxiibtinimo oo ku suntan wakhtigii Soomaaliya ay xurriyadda qaadatay, maadaama ay ka mid ahaayeen dalalkii ugu horreeyey ee ictiraafa madaxbannaanideena. Sidoo kale waxa ay na garab taagnaayeen wakhtiyadii burburka iyagoo gacan ka gaysta ilaa haatan arrimaha caafimaadka, waxbrashada iyo gargaarka xaaladaha bini’aadantinimo.” Ayuu yiri Xoghayuhu.

Danjire Erik Lundberg ayaa uga mahadceliyey Madaxweyanaha Soomaaliya ka guddoomidda warqadahiisa aqoonsi ee Safiirnimo, isagoona tilmaamay in dalkiisa ay muhiim u tahay joogtaynta xiriirka labada iyo inuu noqdo mid ku salaysan iskaashi iyo xaqiijinta danaha labada shacab ee Finland iyo Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ku dilay lix ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab

0

Muqdisho (SNTV):- Ciidanka Xoogga dalka ayaa lix maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab ku dilay tiro kale oo badan ku dhaawacay deegaanka araara oo ku dhow degmada Jammaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Mukhtar Cabdi Maxamed, oo ah Taliyaha Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in ciidamada huwanta guul wax ku ool ah ay ka gaareen howlgal ka dhan ah aragagixisada Al-Shabaab oo Ciidanka Xoogga ay axadii fuliyeen.

“Lix ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ayaa ku dhintay, qaar kalena wey ku dhaawacmeen aagga Araara, ciidamada SNA iyo kuwa ciidamada Jubbaland waxay la wareegeen 2 qori AK47 ah, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa nagula dagaalamay aagga, laakiin ciidamada isgarabsanaya wax khasaaro ah ma soo gaarin”, ayuu yiri Taliye Mukhtar Cabdi Maxamed.

Ciidamada isgarabsanaya ee Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa ku raad jooga kooxda nabad-diidka Al-Shabaab.

Ciidamada Mareynkanka ayaa sabtidii la soo dhaafay afar ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ku dilay duqeyn ay deegaan ku dhow degmada Jammaame ee Gobolka Jubbada Hoose ka fuliyeen.

Kulan Sannadeedka Golaha Wasiirrada ee Dar-dar Gelinta Qorshayaasha Qaranka oo maalintaa labaad ka socda Muqdisho

0

Kulan Sannadeedka Golaha Wasiirrada ee Dar-dar Gelinta Qorshayaasha Geedi Socodka Qorshe Howleedka Mudnaanta leh ee Xukumadda Horyaalla ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa mudada uu socdo dib loogu eegayaa qorshooyinkii wasaaradaha ee sannadkan dhammaadka ah, si loo ogaado wixii ka qabsoomay iyo caqabadihii lala kulmay iyada oo sidoo kale lagu qorsheynayay howlaha mudnaanta leh ee wasaaraddahu ay qabanayaan sannadka 2019.
Shirkan oo shalay furmay ayaa Dhammaan wasiirradii kulanka ka hadlay waxay soo gudbiyeen waxqabadkoodii sannadka dhammaadka ah iyo qorshayaasha u degsan sanadka 2019.
Wasiirrada aan fursadda u helin in ay shalay soo gudbiyaan waxqabadkooda sanadkaan iyo qorshayaasha sannadka dambe ayaa qorshuhu yahay in ay soo bandhigaan maanta kahor inta aan lasoo gebagebayn shirka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo dhallinyarada ugu baaqay dib u dhiska dalka

0

 Muqdisho (SNTV):- Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka qayb qaadanaya ololaha Barnaamijka Isxilqaan ee lagu dhisayo Tiyaatarka Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Cadaala ayaa horkacaya mas”uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda ee maanta ka qaybqaadanaya Isxilqaanka.

C/raxmaan Yuusuf Sheikh Cadaala,agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay SONNA ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in dalkeenna aan ku dhisano gacmaheena.

“ Waa ku faraxsanahay Allena waan uga mahad celineynaa inaan fursad u helno gacmaheen si iskeen ah ugu dhisno dalkeenna,guud ahaana dalka wuu dhismayaa bi’idni-laah Kariim,balse wax ku sheego,” ayuu yiri Agaasimaga Guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

Ugu danbeyntii,Agaasime Al-Cadaala ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan fursadaan weyn ee dib loogu dhisayo dalka,islamarkaana dhabarka u xirtaan dhismaha guud ahaan dalka.

Iran iyo Midowga Yurub oo iska kaashanayo dagaalka ka dhanka argagixisada

0

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa ku celiyay in Dowladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay diyaar u tahay iney si dhow dalalka Midowga Yurub kala shaqeyso dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Kullan dhexmaray diblomaasiyiin Midowga Yurub iyo Iran ayay warkan ku shaacisay Iran,sida lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada ee Xukuumadda Tehran.

“Kulankan, waxaa looga dhawaaqay in Iran ay diyaar u tahay wadashaqeyn dhammaystiran oo ballaaran sida arrimaha amniga iyo hirgelinta wadashaqeyn dhab ah oo si wadajir ah baaritaan loogu sameynayo,iyadoo kaashaneysa dalalka kale ee Midowga Yurub, “ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Dibadda Iran Bahram Qassememi.

Kulankan yaa daba socda ka dib weerar hubaysan oo lala beegsaday Kolonyo ciidan oo ku sii jeeday magaalada koonfurta Iran ee Ahvaz 22-kii September. Waxaana lagu eedeeyay kooxda argagixisada ee al-Ahvaziya, weerarku wuxuu ku dhintay 25 qof, oo ay ku jiraan ilmo afar-jir ah.

Dowladaha Norwey, Sweden,Denmarka iyo Iran ayaa isku raacay iney hal meel uga soo wada jeestaan kooxaha argagaxisada,sida Qassemi uu sheegay,waxayna carabka ku adkeeyeen inaan la aqbali Karin oo lala xisaabtami doono cidii ganbaad u noqota.

Ra’isulwasaare Kheyre oo sheegay in Xukuumadda ka shaqeyneyso sidii dalka looga hirgelin lahaa isbedel Dhab ah.

0

 

Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka Shaqeyn doono sidii dalka loga sameyn lahaa isbedel dhab ah.

Mudane Kheyre ayaa hadalkan ka jeediyey Munaasabad uu ka qeyb galay waxa uu xusay in ay lama huraan tahay in dalka laga sameeyo isbedel dhab kas oo ku sifeyay mid  lagu hanaanyo  dhanka hormarka iyo helida hoggan wanaagsan.

Dadka soomaalyeed waa in ay hantiyaan sidi loo suulin laha dhibtada ragadisay ,wanna in  hoggaankasi u noqda  madax u dhabar adeegta sidi loo gari laha hadafka iyo himiladda ay haminayan dadka soomaaliyeed.

“Shacaabka soomaaliyeed ayaa rajo ka qaba dariiq ka wangsan kan an hatan hayno sida darted waa in ay yeeshan madax uu dhiran sidii dadka looga samata bixiin lahaa dhibtooyinka ka guuxay maankooda loogan dhigi laha kuwaa garaha himiladda ay doonayan waxaa sida yiri Ra’isul Wasaaraha Xasan Cali Kheyre  sidoo kale waxaa uu sheegay in looga bahaan yahay wasiiradda in ay  noqdan dad lagu dayan karo sii ay shacaabku ugu kalsoonadan masuliyadooda.”

Dhanka kalan waxaa uu baqa udiray bulshada soomaaliyeed isaago ugu baqay in ay ka fakaran ayaaha ubadkooda barri.

 

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno riday

0

Muqdisho (SNTV)- Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)  ayaa loo heystaa in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed oo ay kawada tirsanaayeen  Ciidamada Amniga  dilkaasi oo ka dhacay dugsiga taba-barka  Jen. Shirbow 30-ka bishii sideedaad ee sanadkan.

Hey’adda dambi baarista Boliiska CID ayaa codsatay in la siiyo waqti ku filan oo ay ku soo  dhameystiraan eedda loo heysto Oday Daalay, waxa  ayna Shan Cisha  Kadib  ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side.

Xeer Ilaalinta ayaa weydiistay garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada in loo gudbiyo  xabsiga dhexe  gar-suge ahaan Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)  6-da bishii sagaalaad si’ay u soo dhameystireen baarista eedda ka dhanka ah eedeysanaha ee xafiiska soo gaartay.

18-ka bishii tagtay ayay markale weydiisteen Garsoorayaasha in la muddeeyo waqtia dacwad qaadisata eedeysane Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay) oo ay sheeeen in ay ku filantahay caddeymaha ay u hayeen kiiskiisa, waxa ayna Maxkamadda aqbashay laba maalin uun  kadib.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa fadhiga Maxkamadda hor keenay Afar markaati oo dhammaantood isku raacay in Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble  Oday Daalay uu si bareer ah u dilay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed kadib markii uu isku dayay in uu carqaladeeyo shaqo amni uu haayay Marxuumka isla markaasna uu isku dayay in uu baxsado balse ay ciidamada oo ka tir badnaa ay hareereeyeen sidaasna qoriga uu dilka ku  geystay looga qaaday.

Abuukatayaasha u dooday eedeysane Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)   ayaa iyagana ku dooday in loo fududeeyo ciqaabta  lagana qaado magta Marxuumka.

Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale ayaa isagana loo heystaa dilka Qeys Khaliif Salaad oo ay kawda tirsanaayeen Ciidamada Xooga Dalka, dilkaasi oo ka dhacay xirada Laanta-buure 27-ka bishii todobaad ee sanadkan.

30-bishii todobaad ayay ku soo wareegtay eediisa  xafiiska xeer ilaalinta, waxaana xilligaas ay maxkamadda u ugudbisay xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

10-ka bishii tatay  ayay  xeer ilaalinta codsatay in la muddeyo dacwad qaadista eedeysane Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale 15-ka bishaas ayay aqbashay Maxkamadda, waxaana shan cisha kadib loo fariistay dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha.

Laba markaati,  Warqadda dhimashada,  sawrika marxuumka iyo qorigiis uu dilka ku geystay ayay ku soo bandhigeen xeer ilaalinta, waxa ayna markaatiyaasha  oo ay kawada tirsanaayeen ciidanka xoogga dalka ee isku goobta ay yihiin cadeyn in  si jees-jees ah uu u dilay Marxuumka halka dhanka qareenada ay ku doodeen in laga qaado diyo maadaama ay wada kaftamayeen  marxuumka sidaasna ay sababtay dhimashadiisa.

Garsoorayaasha ayaa si wada jir ah ugu xukumay dil Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)    &  Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale  kadib markii ay ku qanceen cadeymaha labada kiis ee Maxkamaddal la hor keenay sida uu u sheegay dhamman dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow) oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada.

Xukunsanayaasha ayaa heysta Fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.