Duqa Muqdisho oo Bulshada Dayniile ku boggaadiyey dadaalladooda Nabadda iyo Is-dhexgalka.

Date:

Muqdisho (SNTV):–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Shacabka iyo Maamulka Degmada Dayniile ku dhiirigeliyey dadaalladooda ku aaddan Nabadda iyo Is-dhexgalka.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in Amniga Caasimadda ee soo hagaagaya uu ku yimid dadaalka iyo naf-huridda Ciidanka Amniga iyo garab-istaagga shacabka, isagoo ugu baaqay qeybaha bulshadu in ay sii wadaan dadaalkooda si looga guuleysto cadowga mar walba u taagan dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb-galayay isku-imaad lagu taageerayay barnaamijka Is-xilqaan iyo horumarrada dhinacyada Amniga iyo Dariseynta, ayaa ugu baaqay bulshada Dayniile in ay gacmahooda ku dhistaan degmadooda, maamulkiisuna uu garab taagan yahay.

“Shacabka Dayniile waa in ay u istaagaan horumarinta degmadooda, ma jiro qof kale oo inta bannaanka idiinka yimaada adeegga iyo horumarkaa u baahan tihiin idiin keenaya, waa idinka cidda laga sugayo wax walba oo Dayniile u baahan tahay”.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaanno, Guddoomiye ku-xigeennada Gobolka, qaar kamid ah maamullada Degmooyinka, Fannaaniin iyo qeybaha bulshada ee Degmada Dayniile.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Degmada Gaalkacyo oo kulan la yeesha Qeybaha kala duwan ee Bulshada

Maamulka Dagmada Galkacyo ee Galmudug oo kulan looga Arrinsanaayo...

Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya oo soo xiray Shirka Mashruuca isku xirka dhijitaalka Bariga Afrika 

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin...

Labo Xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka 

Cali Xasan Cali oo looyaqaano ( Cali Dheere ),...

Kumanaan Arday ah oo maanta u soo dhammaaday Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 8aad 

Inka badan 35,307 Arday oo dhiganeysay Fasalka 8-aad ee...